Sign in to follow this  
Jacaylbaro

DHIBAATO ANIGAA ISUGEYSTAY ! ! !

Recommended Posts

sheekandan waa sheeko dhaba oo daaha ka fureyso dhiibaatada uu leeyahay hasaawaha tilifoonka ku dhex mara dhalinyarada iyagoon aqoon isku lahayn,waxaanay u dhacday sidan:-

 

 

Inankii: Hello

 

Innantii: Hello!

 

Inankii: fadlan daqiiqad dhegaha ii fur waxaan ku odhanayaa kelmada koobane.

 

Innantii: maxaa kuu daran?

 

Inankii: waxaan ka marurgeysanahay mustaqbalka nolosheyda!

 

Innantii: kheyr bay noqone.maxaa kugu dhacay?!

 

Inankii: run ahaantii waxaan doonayaa gabadh aan la sameysto xadhig jacayl,mustaqbalkana aan nolosha la wadaago.

 

Innantii: anna sidoo kale waxaan doonayaa wiil aan isku halyn karo oo balanka ila oofiya.

 

Inankii: waad heshay baadidaadii,anaa ah kaa balnak kula oofinaaya ,jacaylkana tix gelinaaya,dabadeed adna hooyo ayaad noqoneysaa anaa aabo..........

 

Innatii: hase yeeshee aqoon iskuma lihin?

 

Inankii: aan isku kaa tilmaamo,waxaan ahay wiil dhalinyaro ah ...... magacayguna waa Cumar ..... qurxlow ah oo gabadh kasta oo i aragtaana waxaa afku ka xadaa erayadan:qurux wiiloo aadmi daawada,yuusuf dabadii dunni timid baan saaka daalacday.

 

Innantii: runtaa miyaa?

 

Inankii: haa

 

 

xidhiidh kele

 

 

Inankii: run ahaantii qalbiyadeenu waa is yeesheen,manaanu hadhin guur waxan ka ahayn.

 

Innantii: haa...waan ku gacan seydhayaa wiil kasta oo i soo doona.....

 

Inankii: waxaan doonayaa inaynu kulano hal marna ha noqotee?

 

Innantii: laakiin kulanku waa igu adagyahay,waanan cabsanayaa.

 

Inankii: kulan waa lama huraan,hadii kale guur suuro geli maayo?

 

Innantii: ok.

 

kulankii waa dhacay,shaydaana waa ka faa,iideystay

 

 

xidhiidh kale

 

Innantii: waad i khiyaameysay,dhibna waad ii geysatay!......

 

Inankii: maxaa kuu daran?

 

Innantii: waxaan doonayaa inuu xidhiidhkeenii sii socdo ,oo aynu u diaar garowno nolo lamaane.

 

Inankii: laakiin kugumaan arag wax i qanciya...jacalkana gacmaha kuma sido.........

 

Innantii: eh.....eh.......eh.....aaaaaaaa!,ma markaad i khiyaameysay?

 

Inankii: fadlan dhig tilifoonka?qab!

 

Innantii; eh.......eh......eh......Alla hooyooy.............

 

Innatii: dhibaato anaa isku geystay

 

anaa dhaawacan is yeelay

 

intaan dhulka joogi waayey

 

dhedo iyo ceeryaamo dhexrooray

 

ileyn dhedo roob ma noqoto

 

dhegteydii anaa diloo

 

hankeygii hoos u dhigay

 

dhibaatadaan hooyaday u geystay

 

dhegxumadaan aabahay u keenay

 

dhalaankaa igu wiirsanaaya

 

dhabankiyo gacantaan isku hayay,oo

 

ka dheeraaday kaftan iyo ciyaar

 

haday ilmo iga dhacdaayoo

 

annigu dhabanada hayaa

 

hablow tan wax ku qaata

 

 

halkaa marka xaal maraayo war xumi dugsi ma fadhiistee ceeb ma qaraxday,warkii wuu faafay innantii uur bay yeelatay,

 

innanta hooyadeed ayaa iyana ku calaacashay:

 

calaacalaye calooshaadan waxa ku jira

 

cibradan kuu qarsoon caawa maan fileyn

 

cirkaa igu soo dumoo caafimaad ma qabo

 

camuudiyo hooyo dhulku waa ila ciirayaa

 

cadradi waa dahabe,calafkaagii sow ma dumin

 

cidaa igu wiirsanoo way igu kaa caayaan

 

cago bararaye xageen ceebtay ula kacaa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tahliil   

Where did I hear these lines b4?? Must be an old Riwaayad Somali...???

 

calaacalaye calooshaadan waxa ku jira

 

cibradan kuu qarsoon caawa maan fileyn

 

cirkaa igu soo dumoo caafimaad ma qabo

 

camuudiyo hooyo dhulku waa ila ciirayaa

 

cadradi waa dahabe,calafkaagii sow ma dumin

 

cidaa igu wiirsanoo way igu kaa caayaan

 

cago bararaye xageen ceebtay ula kacaa

 

haa Shabeelnagood weeye...Cabdulle Raage and Maryam Mursal...that sweet buraanbur...I remember now

Share this post


Link to post
Share on other sites

DIDI KONG why make that assumption?

 

Why do you think I made that assumption? It's not a rhetorical question btw.

 

 

ps. Red Sea, Unbeliefable! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Mr. Red where it happened is irrelevant; I have heard tons of similar stories, where men exploit naive girls. Anyways, keep in mind that you can’t completely blame men, the fact remains that it takes two to tango. I am sure he didn’t force himself on her, she must have been co-operating. That’s my 2 cent 4 now.

 

Wa salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this