galbeedi

As long as there are leaders like C/weli Gaas, Somalia will stay united.

Recommended Posts

Samafal   

Maakhiri, intii ugu waynayd baa tiri hadana Taleex baad sheegtay. Hadaba warmooge baad tahay. Taleex Somaliland ma haysato. Waxaa isku haysto labo jufo oo midna taagero ka haysto Puntland midna Somaliland. Wasiirada labada dhinacba way tagaan markay rabaan. Ciidamo beeleedyo labada dhinac ahna way joogaan.

Arintan waxay soo bilaabatay wakhtigii Faroole. Labo jifo oo hal beel isla ah baa midna raacday Khaatumo midna raacday ina Cali Shire oo ahaa madaxwaynihii ki xigeenkii Puntland. Markaasuu intuu ciidamadii Puntland ka xaystay jufadii raacday Khaatumo baabah ka dhigay magaaladiina kasaaray. Dadbadan baa ku dhintay. Arintii markii dambe waxay ku heshiiyeen in ciidamada meesha laga saaro. Jufadii kalana saas bay Simaliland ugu gashay. Waana caro ay ka qaadeen Ina Cali Shire wax AbdiwalI Gaas ku shuqul lahaa ma ahayn.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Samafal walaal maxaad ula jeedaa erayga idinka ?

Saxiib fasiiradaa aad taleex ka bixisay iyo jufo walaalaa yaa isku laayay waa mid aad looga xumaado, waana mid ka mida  fishilaadda Dr,gaz.

Wax qarsoon ma'ahan inta snm qardho u jirto ama ay ku hawaysatay inay canshuur uga qaado garoowe.

Siyaasadda waxaa ka mida dadkii ama maamulkii wax idin dhex maro waxoodaa lagu qabsadaa si waxaagu kuugu badbaadaan.

Waana midda keentay in snm hargaysa iyo burco isaga qayisho ayadoon wax dan ah ka lahayn ciddii barakacda ama dhimata madaafiicdaas dadka indhaha la' loo dhiibay.

Dhulkaan laysku haysto ma jiro meel ay dagaal ama xoog kula wareegtay snm.

Maradaa cagaaran, lacag iyo jawaan jaada, nooca hareeriga oo wada socda bay ku qabsadeen, waana dhulka uu doonayo Dr gaz inuu madfac ku xoreeyo maanta.

Haddii aad leedahay ninkaanu siyaasad masoo baran oo dhaqaaluhuu wax ka yaqaan, ayadana ganacsatadii iyo dadkii ka adeegan jiray labaduba way qaylinayaan, wax uu ka dhimo mooyee waxba kumasoo kordhin.

Tan federaalka la doonayay inuu qaacido iyo dastuur adag wax ka dhiso maadaama naloogu sheegay aqoonyahan canshuurtii hore wax kusoo bartay, asagaaba kasoo horjeeda isla markaana macalin u noqday xaaf madoobe iyo sakiin, kuna dhiiri geliya inay ka madax banaanaadaan muqdisho asagoo weliba u qaabilsan arimaha dibadda iyo cilaaqaadka carabta.

Taas miyaad inkiraysaa ayadana walaal?

Federaal hagaagsan oo ku dhisan caddaalad sinaan kala dambayn ma jiri karteen wax loogu yeero snm iyo gooni isu taag, ama ayagaa iskasoo xaroon lahaa, oo dadkooda ku dhex milmi lahaa, ama lafahooday u baqi lahaayeen is adkayntana way saluugi lahaayeen, waa dad aad u firfircoon oo caqli badan reer waqooyigu.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Gooni, horta wax lagaala dooda ma jidho. Hadal aad tiri baan beeniyey oo ahaa Somaliland intuu meesha yimid bay Sool inteeda badan qabsatay.  Waana hadal aan run ahayn waanan cadeeyey, wax xaqiiq ahna maadan keenin meesha. Hadii aad qof mucaaradaysid way fiicantahay laakiin wax run ah ku salee mucaaradnimadaada.

Anigu C/wali uma doodayo, laakiin waxaan kuu sheegayaa waxa sanadkaan la tartamayo wax isaga dhaama ma arko. Hadii labadalana wax ay soo kordhinayso maleh aan ka ahayn shan sano oo kale oo dibu dhaca ah. 

Mida kale, sxb Puntland lacag ay qaad ugu gado reer Sool meesha mataal. Askartii amniga ilaalinaysay baa mushaar loo la'ayahay xagee niman hadba dhinac usocda qaad ugu gadaa? 

Federaalka iyo maamulada wax dhexyaal ma jiro oo hada muuqda. Federaalku shaqadiisii intuu gabay oo maanta Alshabaab ay weerarayaan Villa Somalia, marmasiiyo dowlad goboleedyo baa ku dhagan yaan laga dhigan. Xagee bay kaga dhaganyihiin bal sheeg?

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   
21 hours ago, Samafal said:

Gooni 

Federalkana sifiican buu ula shaqeeyaa ee idinku guulwadenimo baad dowlad utaqaaniin. Dowladnimadu waa sharciga oo la raaco iyo wixii lagu heshiiyay.

Taa waan kugu raacsanay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.