Barwaaqo

Dawladda Diin- Siyaasadeeya

Recommended Posts

Ifiye   

Farmaajo is using Kheyre to get rid of Jubba airways and Daalo airlines and give most lucrative contracts to his clan owned Ocean airlines.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wax ifiskaaga dhanka qabyaalad bas mee wax ka arkaan? Jubba iyo Daallo far too long and decades ayee Soomaaliya monopoly ka wadeen, enriching their fat pockets by exorbitantly charging as they please against masaakiinta soo xajineyso. It is about time other smaller airlines get a fair chance for a fair playing field and have their share of dalkugalka Sacuudiga (fiisooyinka xajka).

You also interestingly left the other two small airlines that were given some xaj visa quotas, namely Freedom Airlines and African Express.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Holac   

I always wondered what sort of "dhacdhac" corrupt money the god-fearing Minister of Religion would get from his department. Now we know there is a lucrative deal called "Hajj" and the president threw the first punch to knock out opponent.  Every wasaarad has a cash cow. Someone was telling me there is a wasaarad that deals with scholarships and that "business" brings in lots of cash. I was reading the other day there is one that only deals with business licenses and certain clans prefer it over more prestigious ones, as it is known to be another cash cow.

Meesha waa la kala xirtay, saxiibayaal.

  • Thanks 1
  • Haha - That was funny. You made me laugh! 2

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xujeydii Soomaalida oo qarka u saaran inay sanadkan ka baaqdaan Xajka

Xujeyda Soomaalida ayaa qarka u saaran inay ka baaqdaan xajka sanadkan kadib markii xukuumadda Soomaaliya ay xaalad jaha wareer ah ka abuurtay qaabkii xujeyda Soomaalida sanad kasta u xajin jireen.

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa faragelin ku sameysay nidaamkii xajka Soomaalida oo xirnaa muddo dheer Shirkadda Jubba Airways oo qeyb ka siisay shirkadda Daallo, waxayna amar ay soo saartay ku sheegtay in Xujeyda sanadkan ay qaadi doonaan Shan shirkadood oo kala ah:

Jubba Airways
Daalo Airlines
Ocean Airways
Freedom Airlines
African Express

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo aan wax xiriir ah la sameyn Wasaaradda Xajka Sacuudiga, waxaana hore u jiray heshiis adag oo ka dhaxeeyay Amiirada Sacuudiga ee Xajka qaabilsan iyo Shirkadda Jubba Airways, xiriirkaas oo qaab qarsoodi ah ku socday isla markaana hanti badan lagu kala qaato, ayna awoodi waayeen dowladihii hore inay kala furaan.

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya dhinaca kale oo rogtay in qiimaha xajka laga dhigo $3300 halkii uu hore u ahaa  $3,800.00, taasoo ay u hoggaaansameen shirkadaha kale ee aan ahayn kuwii hore u heystay Xajka. Waxaase arrintaasi ka hor yimid Shirkadaha Jubba iyo Daallo.

Ka sokow shuruudaha laga rajo shirkadaha diyaaradaha ee xujeyda qaada, waxaa Soomaaliya u wehliya dano shaqsiyeed oo muddo dheer soo jiray, kuwaasoo dowladda Soomaaliya looga fadhiyey inay si farsamo ah u xaliso ka hor inta aan laga soo saarin go’aan aan la ogeyn inuu ka fuliyo dhinaca Sacuudiga, ayna ka horjeedaan shirkadihii mudada dheer heystay leynkaasi.

Shirkadda Jubba oo ay wehliso Daallo ayaan wax war ah kasoo bixin, waxayna Jubba Airways awoodi weysay inay dib u soo celiso dadii ay Cumrada u qaaday sanadkan oo ku xayirmay Sacuudiga, iyadoo hadda ay xaaladdii Xajka iyo xujeyda Soomaalida galeen mugdi iyo jahawareer laga cabsi qabaa inuu khilaaf iyo qorshe la’aan ay dhalisay xukuumadda Soomaaliya sanadkan u baaqo xajkii Soomaalida.

Xigasho

  • Thanks 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sababta keentay in wasiirkii awqaafta xilka laga qaado iyo fadeexadda musuq-maasuq ee xukuumadda

Xasan Macallin Xuseen waxaa wasiirka Awqaafta iyo arimaha diinta u magacaabay Ra’isul wasaare Xasan Cali kheyre   22-kii bishii May ee sanadkan 2018-ka, waxaana xilkan uu hayay muddo ku siman labo bilood.

Wasaaradda waxey shaqadeeda ugu badan tahay maareynta arimaha xajka iyo cumrada oo loo aado magaalooyinka Barakeysan ee dalka Sacuudiga iyadoo kaa shaneysa shirkado gaar loo leeyahay kana shaqeeya duulimaadyada oo awood badan yeeshay tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii dalka , waxaana qaarkood wax ku leh siyaasiyiin iyo xubno ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa isla sanadkan waxa ay qiimo dhimis ku sameysay qiimaha xajka lagu aado oo markii hore ahaa $3,800.00 oo doller waxana ay ka dhigtay $3,300 iyadoo tixgelineysa cabasho xujeyda ka gudbiyeen lacagaha faraha badan ee xajka looga qaato, oo ay ku jiraan dhammaan adeegyada xajka kala duwan sida deegaanka, basaska, nolosha 6da maalmood xajka, viisaha, diyaaradda duulimaadka sii socod iyo soo socod iyo qarashaadka adeegyada kale.

Markii uu qoraalka lacagtaasi lagu dhimayo soo baxay waxaa bilowday muran iyo khilaaf xoogan, shirkadaha ayaan cabasho ka gudbiyay wasaaradda awqaafta iyo arimaha diinta, waxaana xusud mudan in wasaaradda ay lacag dhimista kala tashatay shirkadahan:

1: Shirkadda Daalo Airlines

2: Shirkadda Jubba Airways

3: Shirkadda Ocean Airways

4: Shirkadda African Express

5: Shirkadda Freedom Airlines

Waxaa kaloo muhiim ah inaad ogaato: muddo  kahor adeegga xajka waxa fududeyn jiray guud ahaan Soomaaliya labada shirkadood ee kala ah  Jubba Airways iyo Daalo Airlines oo iska heystay mashruucan wasiir walbo oo la magacaabana iyaga ayuu ku aragti ahaan jiray, waxa ayna wasaaraddu ku soo dirtay 3 shirkadood oo cusub, sidaas awgeed 5 shirkadood ayay wasaaraddu kadhigtay shirkadaha fududeynaya adeegga xajka sanadkan, waana halka saldhigga u ah muranka arimaha xajka.

Sida caadiga ah shirkadaha u adeegga Xujeyda waxaa Wasaaradda Xajka ee Dowladda Sacuudigu ka doonaysaa in ay buuxiyaan shuruudo dhowr ah si shaqadaas u qabtaan, haddaba shirkadaha cusub ee lagu soo daray shirkadaha bixinaya adeegga xajka sanadkan waxaa ku adkaatay in ay buuxiyaan shuruudaha ay boqortooyada Sucuudigu uga baahan tahay in laga helo shirkad walba oo qabaneysa ama fududeyneysa adeegga xajka.

Waxaase  soo ifbaxday in shirkadaha cusub  ay diyaar u yihiin inay qabtaan adeega xajka iyadoo xujaydu ay ku sii hakan  doonaan (transit) wadamada deriska sida Djabuuti iyo Kenya  oo horay aan u jirin.

Shirkadaha cusub oo wasaaradda ku soo dartay ayaa kala ah Ocean Airways, Freedom Airlines iyo African Express waxaana ay sheegeen in ay diyaar u yihiin qiimaha xajka iney ku qabtaan sidii wasaaradda awqaafta soo saartay oo ahaa 3,300.00 (Saddex kun iyo saddex boqol oo dollar) halka shirkadaha Jubba Airways iyo Daallo Airlines, ay rabaan inay qiimaha xajka ku qabtaan sidii sanadihii hore oo ahaa $3,800.00 (Saddex kun iyo siddeed boqol oo dollar).

Sababta keentay in xilka laga qaado Wasiirkii Awqaafta iyo arimaha diinta Xasan Macallin Xuseen ayaa ah  inuu dhexda ka galay is qabqabsi ka taagnaa Arrimaha Xajka oo ay isku hayeen shirkado horay u heystay leenka Xajka iyo shirkad kale oo ay qeyb ka yihiin siyaasiyiin iyo xubno ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya.

Dowladda Sacuudiga ayaa Wasiirka si rasmi ah ugu sheegtay inaan la aqbali karin shirkadaha cusub isla markaasna Jubba iyo Daalo ay yihiin shirkado leh System iyo guryo la dajiyo Xujeeda.

Dowladda Sacuudiga ayaa Wasiirka usoo bandhigtay laba shurudoo:

1) In xajka loo dhaafo Shirkadihii horey u heystay maadaama waqtiga xajka la joogo haddana aan laga gaarin in shirkado kale lagu soo daro.

2) In sanadkaan la baajiyo Xujeyda Soomaalida.

Wasiirka ayaa qaatay in loo dhaafo Shirkadihii hore isla markaasna wuxuu saxiixay in Jubba iyo Daallo ay howshooda wadan karaan waana sababta keentay in xilka laga qaado sida ay noo xaqiijiyeen illo wareedyo ku dhow wasiirka.

Waxaa la sii dhaafayaa xiligii uu soo bixi lahaa dal kugalka ama Fiisaha xajka, illaa haddana lama xareyn  oo waxaa  go’aan lagama gaarin  arimaha kor ku xusan oo la isku hayo, iyadoo laga cabsi qabo wali in Xujeyda Soomaaliyeed ay baaqdaan sanakdan.

Xajka ayaa noqday ganacsi laga sameeyo dhaqaale badan taas oo sababtay in uu billawdo tartan xoogan oo ka dhexeeya shirkadaha duulimaadyada dalka, waxaana suurta gal ah in shirkadaha faa’ido doonka ah ay waxyeelo u geystaan gudashada ruknigan weyn ee ka midka ah shanta tiir  ee Islaamku ku dhisanyahay.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites
9 minutes ago, Holac said:

I always wondered what sort of "dhacdhac" corrupt cash the god-fearing Minister of Religion would get from his department. Now we know there is a lucrative deal called "Hajj" and even the president threw the first punch to knock out opponent.  Every wasaarad has a cash cow. Someone was telling me there is a wasaarad that deals with scholarships and that "business" brings in lots of cash. I was reading the other day there is one that only deals with business licenses and certain clans prefer it over more prestigious ones, as it is known to be another cash cow.

Meesha waa la kala xirtay, saxiibayaal.

Holac, you reminded me my brother being nominated for wasiirka arrimaha diinta iyo awqaafta in 2015, dowladii Cumar C/rashiid. He was in London and wasn't even consulted if he wanted to be a minister. He saw his name online. Suddenly within hours, though, his phone kept ringing, being called by agaasimayaasha shirkadahaan, xildhibaanno and others, not to congratulate but seeking wax aad iska ogtahay. He was surprised, telling them he wasn't even confirmed and is not even in Xamar. Calaa kuli xaal, he didn't become one because wasiiradaas baarlamaankii ayaa diiday since few of the nominated wasiirro were members of baarlamaanka.

  • Thanks 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

How many Somalis from Somalia go to hajj every year?  $3800 per person is a lot. We are basically giving free money to Saudi Arabia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
4 hours ago, Saalax said:

How many Somalis from Somalia go to hajj every year?  $3800 per person is a lot. We are basically giving free money to Saudi Arabia.

Most of the money goes to unscrupulous middlemen who milk the poor pilgrims. I personally don’t blame them for overcharging these pilgrims, because the demand is high and there’s not enough competition between the agents supplying the service.

If prices are to fall, more competition is the answer!

  • Thanks 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

This is a small peace of. bread. It should be rewarded for best service providers each other years. The real big one is telecomucation. Farmaajo is scared to touch it and Khayre is part of it. But it is. the heart of insucurity and the source of anarchism. These people were using the country code and Arab satellites free because somalia is member of Arab union. Now with the electronic cash money, It is becoming even bigger. They do mot even try to reform. It.

Share this post


Link to post
Share on other sites
cadnaan1   

Sidan ogahay arintan xajka waxay u xayirantahay waa laba Arin mida kowaad oo ah in la kordhiyo shirkadaha ka shaqeeya xajka from 2 to 5 shirkadood iyo qiimo dhimis lagu sameeyo lacagta lagu aado xajka.

Markaa nin mirqaansan muxuu la qeylinayaa maba fahmin siyaasad waxa aan la fahmin ayuu Ku qeylinayaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Ninkaan wuxuu laqaylinayaa shirkada Daalo ee reerkooda buu ka baqayaa in meesha laga saaro. Waxaad arkaysaa markasta oo sheekadu ku xumaato waxay ku waashaa  yaan lasiyaadsadayn waxaas. Iyagu wax walba way siyaadsadeeyaan. 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Qof kasta wuu fahmayaa meesha waayarku ka gubanayo

Xujayda qudhooda haddii lagu yiraahdo diyaaraddii reerkiina mid kalaa lagusoo ag xirtay marada kore yuu iska tuuri qabiil dartiis

Ku xisaab tami maayo jeebkiisa iyo maslaxaddiisu meesha ay ku jirto ama sida aduunku u shaqeeyo oo kale.

Nimankan, ku naaxay xisaab la'aanta sodon sano, xajku waaba sanadkiiba mare....wadankoo dhan ayaguu u afduuban yahay hadday noqota dhinaca dhaqaalaha, siyaasadda, bulshada, diinta iyo arimaha xajka.

Waligaa maqli maysid ayaga iyo kooxaha dagaalama oo isku dhacay waxayna heshiis ku yihiin, in dhinaca ganacsatadu joogto magaaladu ka dhisanto dhanka kalena ka gubato waligeedna saa laysaga daba laabto si aan la xisaabtan dhab ah iyo wax sheegta dawlad abid loo arag.

Mar waa qabiil odayaal wata, mar waa salafi muctadila oo tajwiidka dhagaysta, mar waa ahlu suufi, mar waa gargaarayaal muxsiniina, mar waa hogaamiyaasha saxaafadda.

Midabkooda lamasoo koobi karo waana mid ka mida imtaxaanka soomaalidu ka gudbi la'dahay. 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dalmar1   
On 7/10/2018 at 4:26 PM, Ifiye said:

Farmaajo is using Kheyre to get rid of Jubba airways and Daalo airlines and give most lucrative contracts to his clan owned Ocean airlines.

No government in its right mind should ever interfere in the free market, this government supporting certain airlines because of their weak competition is nothing short of favoritism, what Farmaajo is doing (without putting any fancy words) is an out right tribalism that only looks after the interest of his D*r**d people, also there are many cases such as this that have surfaced to show the level of tribalism/favoritism/nepotism Farmaajo is playing that is cause of harm to Somalia's stability.

Also it is getting ever more clear now the kind of role Kheire's serves in this debacle ''Igu sawir'' government and that is the role of Uncle Tom langaab YES-man that serves the interest of his master Farmaajo, and that is the reason why The HAG community long ago disowned Kheire.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.