Duufaan

Moqdisho new looters and the new government

Recommended Posts

Duufaan   

Xog Qorsoon: Xildhibaanada Iskugu Jiro Barlmaanka Iyo Aqalka Sare Oo U Doodaya Dhul Dhawaan ay Dowlada Hoose Burburisay

Jul 3, 2018 -

 

Ila wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa inoo sheegay in Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya ay u ololeenayaa Dhulki Dhawaan laga dumiyey Dhismayaashi Shraci darada ahaa ee laga dhisay dhulka oo ahaa dhul dan Guud ah waxana  milkiiliyada dhulkaa iska laheyd Kooxdii kubada  cagta LL.PP.Jeenyo.

Sida uu sheegay mid ka mid ah dadka aan kaso warinay xogtaan wuxu leeyahay Xildhibanaada waxay gaarayaan ilaa 30 Xildhibaan waxayna u doodayaan Dhulki ay dumiyeen dowlada hoose waxayna si toos ah ula xiriireyn Waziirka Howlaha Guud ayagoo ka dhiidhinayo Dhulkaas in uu yahay dhul dad leeyahay.

Duhurnimada maanta ayee waxay si wadajir ah ugu tageen waziirka xildhibanada ayaa waxay iskugu jiraan Sanataro iyo golaha shacabka waxaana la sheegaya in uu hormuud u yahay Santar Cabdi Qaydiid, dhulka ayaa horey loo dumiyey lama oga sababta keentay in xildhibaano 30 gaarayo ay u doodaan dhul dowlada leedahay islamarkasne Go’aan ka gaartay.

Inkastoo la ogyahay Dowlada Soomaaliya in ay ukala qeybsan tahay Barlamaan iyo Xukuumad iyo Garsoorka hase ahate mar hadii ay Xildhibaanadii U doodayaan Dadka iska dhisanaya Dhulka dowlada ayagoo ka duulaayo Qabiil xildhinadaaa waxay ku kacayaan masuq maasuq iyo nin jecleesi waxayna Dowlada Soomaaliya ku tahay dhabar jab xoogan.

Sharciga waxa uu qabaa in Dowlada hoose iyo Waziirka Howlaha Guud ayagoo Marsiinaayo Maxakamade sare wixi dhul dowlad ee heystaan shacabka inkastoo shaqada laga rabay dowlada hoose ay gudatay hadane waxaa taagan Xildhibaano isku baheestay qabyaalad iyo Sadbursi qabiil wali lama oga in waziir howlaha Guud  ka ogaaladay cabashada ay ka wadaan dhulka kooxdi Jeenyo halka La sheegayo Waziirka in uu ka biyo diidan yahay Xildibanada.

Sikaataba ha ahaate Xildhibanada oo dhameestiran magacyadooda wa idin so gudbin doona waxaana sharaf xumo ah in dowlada ka shaqeen weeday xildhibaano dano gaar ah iyo mid qabiil huwan waxaana la ogyahay in Caqabadaha ugu badan dowlada ay uga timaado Ganacsatada ku xiran Xildhibanada iyo Kuwo Calooshood u shaqeestayaal ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

Xildhibaan mahad Salaad Soomaaliya xiligii kacaameynta waa kasoo gudubtay ee ha usoo jiidinina dib udhac iyo dowlad la’aan dadkiina iyo dalkiina!

Jul 3, 2018 -

Waxaan maanta aqriyay wareegto uu soo saaray Duqa Mogadishu Eng Yariisow oo uu ku sheegayo in dib loogala noqday, isla markaana la baabi’iyey dhammaan heshiisyadii lagu bixiyey dhulka Jardiinooyinka ah ee magaalada Mogadishu.

images-300x200.jpeg

Lkn waxaa isweydiin mudan maxay ku kala duwanyihiin heshiisyada iyo wareegtooyinka la laalay ee ay saxiixeen Tarsan, Mungaab iyo Yusuf Jimcaale iyo kuwii Hassan Abshir ku bixiyay dhulalkii iyo Jardiinooyinkii Mogadishu ee daaraha dhaadheer ay ka dhisteen dad ay qaraabo ahaayeen xiligii Mohamed Siyaad Bare, daarahaas oo ka tilmaaman magaalada Mogadishu ilaa maantada aan joogno?!

Ujeedu hadii ay tahay hadalkii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa dowlad aniga igama horeyn. Ama run ay tahay hadal heynta maalmahaan ka jirtay magaalada Mogadishu ee ah in uu jiro qorshe lagu baabi’inayo hantida qabaa’ilada reer Mogadishu qaarkood. Taasi micnaheedu waxay tahay dulmigii iyo takoorkii dadka lagu hayay ee burburiyay dowladnimadii Soomaaliya oo mar kale la rabo dalka in dib loogu celiyo!

Lkn waxaan rabaa inaan idiin sheego inshaa’allaah waad ku gungoobi doontaan sidii kuwii idinka horeeyayba ay ugu gungoobeen ee ha usoo jiidinina dib udhac iyo dowlad la’aan dadkiina iyo dalkiina.

Mahadsanidiin.

Hon. Mahad Salad

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ifiye   

I think this is the right time to move the capital to somewhere else other than Mogadishu and let the Xasilinta forces and other Xalaal residents in that city take care of Anarchists from M&G .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

I wonder, where Mahad Salad kids will play. Moqdisho was use to call the world largest village before even Siyad Bare government collapsed. Late 70s, the government started  to construct a new city plan. Even that plan was just focused on jid cadayaal. There were no many open spaces for the public. Now all  the remaining  open  public spaces were taken and rebuild by  looters.  The space between digfeer and tarabuun is gone. most schools, the university, military bases. Nothing left and still the new family of looters are willing to defend every peace of land they looted either public or private. What government should do?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.