Koora-Tuunshe

Tacsi Tiiraanyo Leh: Suldaan Cabdilahi Cali Cartan

Recommended Posts

Ilaahey ha u naxariisto, he was a peace-maker, arbiter of important issues of the regions of Puntland and accomplished elder statesman.

Samir iyo Iimaan

Odayaasha iyo Isimada G/Sanaag gaar ahaan Degmada Dhahar oo Tacsi tiraanyo u diraya Gerida ku Timid Suldan Cartan

5945.jpg

Waxa halkan tacsi tiiranya leh ka diraya odayaasha reer Dhahareed, waxgarad ka iyo aqoon yahanada waxay u dirayan dhaman shacabka reer Sanaag iyo eheladii iyo qoyskii uu kageeriyooday Alla ha u naxariistee Suldaan C/laahi Cartan Xaaji Faarax oo 8eedii November ku geeriyoday magaalada Hargaysa ee xarunta mamulka S/land.

Marxuumka waxay Alle uga baryayaan in uu naxariistii jano ka waraabiyo samir iyo iimana ka siiyo dhaman shacabka reer Sanaag iyo qoyskii iyo ehelkii uu ka tagay anaguna aamiin aamin ayaanu leenahay.

DhaharOnline

Share this post

Link to post
Share on other sites

^Aamin Baashi.

Taariikhdii Marxuum Suldaan Cabdulaahi Cartan oo kooban

By Hilaal Caduur

Alle ha u naxariistee waxa uu suldaan Cabdilaahi Cartan ku dhashay magaalada qadiimiga ee Ceelaayo sannadkii 1944tii. Waxa uu dugsiga Quranka ka galay magaalada Buraan 1950kii. Dugsiga Hoose wuxuu ka dhigtay Laasqoray 1952-56dii, kadibna waxu galay Dugsiga dhexe ee Dayaxa 1956. Dugsiga Tababarka Macalimiinta Camuud ayuu galay 1962dii. Marxuumku waxa uu macalin ka noqday dugsiyo kala duwan oo dalka gudihiisa ah, waxaana ka mida magaalooyinkii uu wax ka dhigay Magaalada Ceerigaabo, Hargaysa, iyo Buraan.

Marxuumku waxa uu markii danbe u wareegey Wakaalada Ganacsiga, halkaas oo jagooyin baddan oo kala duwan ka qabtay. Marxuumku waxa uu loo doortay sanadkii 1967 caaqilka , jagadaas oo uu ka dhaxlay aabihii Alla ha u naxariistee Caaqil Cartan Xaaji Faarax. Waxa uuna jagadaa hayey mudo ah 34 sanadood iyo sideeed bileed. Suldaan Cabdulaahi waxa uu mudo ahaa Caaqilka Caaqilada Warsangeli. Taariikhdu markay ahayd 7/8/2000 ayaa xaflad ka dhacday magaaala Dhahar marxuumka Suldaanimo loogu caleema saaray.

Sudaan Cabdulaahi waxa uu ka qabgalay shirar badan oo u saabsana aayaha umada Soomaaliyeed. Waxaa u ka mid ahaa guurtadii ka qaybgashay shirkii lagu nabadeynaya beelaha dega waqooyiga sannadkii 1991. Waxa kala oo uu ka mid ahaa waxgaradkii dhidibada u aasay maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Mar aah shaqsiyadii marxuum wax ka waydiieyey Ibraahim Aw caduur oo suldaanka si wanaagsan u yaqaanay meela baddana ay ka soo wada shaqeeyeen, waxa uu yiri, “Suldaan Cabdulaahi waxa uu ahaa nin aftahama, nabada jecel, isla markaana aad u yaqaan dhaqanka umada Soomaayeed.”

Suldaan Cabdulaahi aqoonta dhaqanka ka sokow, waxa uu lahaa aqoon xaga maamulka ah, waxa kale oo uu si fiican u yaqiin luuqadaha carabiga iyo tan Ingriiskaba.

Allaha ha naxariistee Suldaan Cabdulaahi waxa uu ku geeriyawday magaalada Hargaysa shalay oo taariikdhu ahayd 8/11/2008 waxa uuna ifka kaga tegey laba xaas iyo caruur badan oo isugu jirta kuwa uu dhalay iyo in uu awoowe u yahay.

Alle ha u naxariistee Suldaan Cabdulahi waxa uu muda ku dhow nus qarni ku dhow ka mida ahaa guurtida gobolka saanaag kuwooda ugu caansan.

Ugu danbayn waxaa Eebe uga baryaynaa in marxuum Suldaan Cabdulaahi Cartan janadii Alleh ka waraabiyo ehaladii , qaraabadii, iyo dhamaan bulshawaynta reer Sanaag samir iyo iimaan ka siiyo. AAMIIN AAMIIN!!

Share this post

Link to post
Share on other sites
BOB   

Inna Lillaahi Wa Inna Ileyhi Raajicuun...May Allah s.w ease the pain and the sorrow of those he left behind Insha Allah.

Salam Aleikum W.W

Peace, Love & Unity.

Share this post

Link to post
Share on other sites

suldaan Cabdulaahi caaqil cartan xaaji faarax qabriga alle hakuu nuuriyo wuxuu ahaa hogaamiye hal adayg ku suntan wuxuu ahaa suldaan dad u dhexeeye ahaa danaha bulshadiisana aan gorgortan ka gelin taariikhdiisa qoraal, sheeko, iyo buugaag laguma soo koobi karo Balse waxyar aan ka carab baabo

Maamulka puntland damac ka galay dhulka dahabku ceegaago ee majiyahan iyo dhalan oo weliba dawladu ay heshiis la gashay cuqaashii kale ee East Sanaag Clan sida suldaanka guud siciid cabdisalaan  marka laga reebo isaga oo iska diiday oo ahaa Suldaanka beesha East Sanaag Clan 

Dawlada puntland waxay ku cadaadisay inuu heshiiskaas qayb ka noqdo waa uu iska diiday Suldaanku waxana uu soo istaagay " go'aan keligay kama qaadan karo shilimaadna ma siisan karo hantida East Sanaag Clan ka dhexaysa waxaana u ogolaanaya marka dalka dawlad ka dhalato (xiligaas burburkii buu ahaa xamarna dagaaladii sokeeye baa ka socday"

Dawlada puntland oo filanwaa kala kulantay Suldaanka ayaa xabsiga u taxaabtay Suldaanka (jeelka gaalshire boosaaso)

Dhalintii ganacsatada ka ahayd boosaaso oo uu hormuud u ahaa inan Suldaanku adeer u ahaa oo MURSAL MAXAMED CARTAN la yiraahdo oo nool haatan ayaa jeelka xoog kagala soo baxay isagoo kaashanaya saraakiil reer abtigiis (dishiishe) kasoo jeeda waxaana Suldaanka la keenay saldhigiisa saldano oo ahayd CAWSANE oo dhanka galbeed 30KM u jirta magaalada ceel daahir 

Is mari waagii arinka MAJIYAHAN waxaa dhacay dagaal u dhexeeya puntland iyo East Sanaag Clan oo uu Suldaanku hormuud u ahaa waxaana halkaas jab weyn kala kulmay dawlada puntland 

Tallaabadaasina waxay hormuud u noqotay inaan puntland dib dame u damaaciyin dhulkaas walow intii dhimashadiisii ka damaysay ay si dadban weeraro ugu soo qaadeen illaa maantana socdaan waxayna tusaale cad u tahay in Suldaanka laga tebey gudaha East Sanaag Clan talo iyo tusaaleba

AHUN suldaan Cabdulaahi cartan xaaji faarax

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.