Sign in to follow this  
Deeq A.

 ‘’Somaliland wey ka sheekeyn doontaa PL dagaalkuna weligii ma joogsan doono ee wuu socon doonaa’’ waxaa sidaa yiri

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online)-Dhiilo colaadeed ayaa waxa ay weli ka taagan yihiin  Gobolka Sool kaa oo u dhexeeya maamulada Somaliland iyo Puntland.

Colaada oo dib usoo rogaal celineysa ayaa timid kadib markii maamulka Somaliland ay gaadiid dagaal iyo ciidamo hor leh saacadihii lasoo dhaafay geysay deegaano ka tirsan Gobolka Sool.

Gaadiidka iyo ciidamada ayaa loola gol leeyahay in dib loogu soo nooleeyo dagaalka oo maalmahaani u muuqday mid laga caajisay,waxa ayna talaabadaani shaki galisay maamulka Puntland.

Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey oo ah hogaamiye ku-xigeenka maamulka Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa ay wado Somaliland uu noqon doono mid iyada ku laabta.

Camey, waxa uu sheegay in dagaal hor leh ay ku qaadayaan fariisimaha Ciidamada Somaliland ay ku leeyihiin gobolka Sool.

Camey ayaa tilmaamay in ay sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan Somaliland, tan iyo inta ay Ciidamadeeda ka baxayaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolkaasi.

‘’Somaliland wey ka sheekeyn doontaa Puntland qorshuhuna waxa uu yahay in dagaalka uu sii socon doono inta askari dhinaca kale ah uu ku sugan yahay Sool’’

Waxa uu intaasi ku daray in shacabka reer Puntland ay diyaar u yihiin in ay ka hor tagaan duulaan kasto oo kaga yimaada dhanka Somaliland.

Sidoo kale, Camey ayaa ku goodiyay in Puntland ay u bareertay in Gobolka Sool ay saldhigyadeeda kusii lahaato inta uu maamulka jiro.

Haddalka Camey, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo maamulka Somaliland uu ku baaqayo wadahadal iyo in la qaboojiyo colaada.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this