gooni

Nomad
  • Content Count

    2,277
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    36

Posts posted by gooni


  1. 6 hours ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

    s0227.gif s0227.gif

    Intuu deganyahay hadda?

    Wuxuu sheegay inuu ku nool yahay Luxembourg oo berigaas loo qaaday ilaa iyo hada.

    Waxay ku abaal mariyeen sacab daciif ah iyo ayagoo ciyaalka ka codsaday inay funaanadaha ku sawirtaan, si ay cuqdada ugusii kobciyaan.

    Haday daacad u yihiin waxay ku dhihi lahaayeen.

    Buurta sheekh agteeda guri aan kaaga dhisno, gabar ilko casna aan ku siino abaalkaaga snm ma gudi kartee, waa haduu qoriga xabad gelin karo oo aysan da' hayn.

    Su'aal kasta oo la waydiiyay duuliyaha waxaa ka dhalanaysay su'aal kale, laakiin snm ma doonayso in mashruuca laga shakiyo.

    tusaale
    Wuxuu sheegay in meelaha loo cayimay inuu duqeeyo lasoo tusay asagoo diyaarad kale saaran.

    meelaha maxaa ku jiray nooma sheegin, ma jabhadaa ku jirtay? ma suuq yaanyada lagu gado bay ahayd? ma guryo shacab bay ahayd? ma wada xasuuq baa lagu yiri?

    Waxaan ku qiyaasay markaan fiiriyay hadalkiisa asagoo buufis u qaba inuu yurub iska dhiibo in diyaaradii cilad baqdin galisay ku timid dhanka cimilada, sidaasna uu sheekadii ugu badalay tacaaduf iyo qalbi furnaan.

    Siyaad barre allaha u naxariisto dadka wuu iska cantoobsan jiray macnaha qabiil  uma kala saari jirin.

    Haduu dadka kala saari lahaa midkaanoo kale duuliye qaran ma noqdeen lo'duu maakaalka kusiin lahaa jawhar iyo aadan yabaal dhexdooda.

    Wuxuu ag fadhiyaa casaabad gooni goosad ah waxay arkaana waxay ugu neceb yihiin calankii buluugga ahaa oo wax soo baray inuu difaacana xaqa ugu yeeshay.

    Muu waydiiyo haduu fiyowyahay siyaad barre kaligii taliye aan ka wada adkaanay buu ahaa ee walaalayaal maxaad ku nacdeen midabka buluugga ah iyo calanka soomaaliya?


  2. On 10/20/2020 at 11:50 PM, maakhiri1 said:

    Runtani waa tii shacabka laga qarinjirey, Been 30 sano lagu shubaayey in laga shubo weeye, ninkanina waa istaahilaa booskaa

    Maakhir.

    Ayagaa iska shubi kara cid kale ma rumaysanayaan, hadaad runta u sheegto waxay kuugu yeeri magicii foosha xumaa 


  3. 17 hours ago, Xaaji Xunjuf said:

    So you think Somaliland inay nin kaliya wax u noqonayso. 

    Think again. 

    Hal-doorku qof qudha ma'ahan lahjadaada xaaji-ugaasow, waa indhaha shacabka oo idil.

    Waa boqorada shinida oo kale shacabkuna waa shaqaale, macaan sameeya hadaan been lagu maaweelin.

    Sodon sano bay snm sararta dhinaca lafaha tusaysay dhalin-yarada, iminka dhankii cadka iyo baruurta lahaa bay arkayaan.


  4. "zaciim" waa kalmad carabi ah hadaad soomaali u fasirto waa "Hogaamiye"

    kalmadaas adigoon wax kale ku darin waxay noqon kartaa amaan ama wanaag.

    Hadii aad ku darto waa aftahan baalaasha la kala baxa si haybadiisu u muuqato markuu hadlayo 

    Iskuma daro hadalka oo wuxuu dhaxaysiiya 60 second si sacab iyo mashxarad loo dhex geliyo ninkaasuna waa zaciim.

    mowduuceenu halkaas ma'ahan walaalayaal.

    Aragtidayda 
    Soomaaliya waxay leedahay sirdoon soo kobcaya.

    Wuxuu u qaybsamaa labo, mid gudaha ah iyo mid dibadda ah.

    kan gudaha xaalkiisa waan la wada soconaa waa bukaan socod baxnaano u baahan.

    Midka dibadda aad buu u dhisan yahay waana midka waafaqsan mawduuca Mr.khayre. 

    Sirdoonka soomaaliya ee dibadda wax af soomaali ku hadla uma shaqeeyaan, 7 daqiiqo gudahood yuu kugusoo af-jari. 

    Hadalkaaguna waxuu ka bilaaban markaad tagayso anigoo "Og" asaguuna aamusku ka bilaaban.

    (Nin anbaday halkuu aaday waa ula ekoonaatay)


  5. federaal qabiilaysigu wuxuu ku abtirsadaa jahliyada qabiilka waana isbaaro aad u culus oo cawaaqib xun,xaqiiqdiina bahdilkuu dalka iyo dadka u gaystay waa muuqataa.

    Hir-shabeele waxay doonayaan in beel kaliya ku tartanto madaxweynaha ku xigeenkana beel kale la siiyo waa lama taabtaan hanaanka federaalka.

    Koonfur galbeed sidoo kale
    Jubaland waa la mid
    Gal-mudug iska daa warkeeda 19 shaati kuma filna.

    Gudoomiyaha Gobolka banaadir waaba boqortooyo ka hadalba ma leh waa heer-mataan.

    Waxaasoo habaara waxaa dhalay, walaalaheen puntland oo dadka ugu heesay ku dayo puntland.

    puntland waa jufooyin qaruumo hore is muquuniyay oo xadaaradoodu fog-tahay.

    jufo walba waa taqaanaa gacanta boqorka meeshay ka dhunkanayso.

    Dadkeenaan soke oo xoolo dhaqato iyo beeraley isugu jirta maxaa na waalay oo federaal qabiil nagu khasbay? waa su'aal aanan jawaabteeda sugayn ilaa gumowno.


  6. Dr. Galbeedi
    Aragtidayda midkaan markaan qiyaasay hadalkiisa farmaajo wuxuu u jirsaday ilaa 20 mitter meel xafladu ka jirtay waxaana u badinayaa xafladii calan saarka.

    farqiga u dhaxeeya siyaad barre iyo farmaajo waxaa weeye.

    Mr.barre, markuu dhintay ka dib yaa la helay mujaahidiin badan kuwa dhirbaaxay kuwo biyo ku shubay kuwo miiska uga kacay iwm.

    farmaajo asagoo nool yaa qalinkii lagu qabsaday oo la dharbaaxay oo la handaday waxa wax ku haystana waa dadkaa aad u jeedo, mid firinbi loosoo dhiibo mid ilmaha shan jirkaa la caqli ah kuwa kaloo kasii daran.

    Asagu ma hadlo cidna uma jawaabo, waa runtiis iyo waa beentiis midna dhihi maayo.

    Ninka la waraysanayo waa inta kaliya oo uu garanayo inaysan dhacayn.

    Waxa difaacaya farmaajo waa jinni aan garan waayay cidda maal gelisa mucaaradkii oo dhana hadalkii iyo garashadii ka lumisay.

    War kaloon cadaeeyo ma hayo walaalo, adigu xaalkaagu soo ma fiicna?


  7. Caqligii asagoo dadka macluulaya kor taagan uu ku dalbaday Naaftada wali godkuu ula socdaa.

    1960kii guriga lagu qiyaasay 4500$ oo uu qirtay inuu xaday maalintii uu afarta kun oo doolar xasan sheekh u geeyay intee joogay qiimihiisu?

    qiyaastii waa afar boqol oo kun waa intaas hantida lagu leeyayahay.

    Markii ciidamada ina carte qaalib ku yiri hubkiina ku wareejiya USC Iyo SNM ma uusan ogayn ayaan dhaw yaa loo sheegay in arintaasu dhacday intuu nadaxweynaga ahaa.
    shalay xabba-tari maa eebow.


  8. Waxaa dhacday hada ka hor, ninbaa gaarigii uu watay taayar uga baxay isbitaalka dadka waalan lagu hayo hortiisa.

    Markuu arkay taayirkii oo banaanka yaala, afartii burqina ka lumeen yuu talo waayay iyo meel uu wax ka bilaabo.

    Nin dadkii waalan ka mida yaa ku yiri maku caawiyaa walaal?

    Markaasuu ku yiri maxaad ii qaban kartaa adigaaba xanuunsane?

    wuxuu ku yiri ii dhiib baanada ama burqi furaha, ka dibna wuxuu sadexdii taayar oo kale ka furay  hal burqi kiiba oo ku xiray taayarkii banaanka yaalay.

    halkaas waxaa kasoo baxay afar taayar oo kiiba sadex burqi ku shaqayn kara.

    wuxuu ku yiri maxaa isbitaalka laguu keenay haday maskaxdaadu sidaa u wanaagsan tahay?

    wuxuu ugu jawaabay waan xanuunsanahay lakiin doqon maahi.

    waa qiso dhex nartay villa kismaayo iyo villa muqdisho.

     


  9. Abuukarayga puntland yaa mar kale xanaaqaya haduu ka jawaabo su'aashaas adag 

    waxaa haboonayd aragtidayda inuu dhaho hooyo macaan yaan soo waydiinayaa dhinaca qalbigeedu jiro puntland iyo snm, ka dibna aan isu soo noqono


  10. Waxaan filayaa inuu ka shaki qabo xildhibaanada lagasoo dooran doono baydhabo iyo kuwa waqooyiga meeshay u liici doonaan.

    Mirihii uu abuuray way u muuqdaan ayagoo bislaaday, laakiin wuxuusan garanayn macaan iyo kharaar mid ay noqon doonaan.

    • Haha - That was funny. You made me laugh! 1

  11. On 9/21/2020 at 11:37 AM, Xaaji Xunjuf said:

    Gooni mahdi guleed inu maqasaaryahay cidkasta wey iska ogeyd. Inanay walanweyntu u quudhin kursiga raisal wasaaraha. 

    Xaaji
    Maqaarsaar ma'ahan waa nin dhinac walba ku fiican haday noqoto u shaqaynta dalka iyo tolka labadaba.

    Ceeb ha u qaadan tolka macnihiisu waa awood qaybsiga beelaha oo dastuurka soomaaliya waafaqsan.

    Waa nin shaqo iyo dhaqan yaqaan ah.

    Meesha mushkiladu ka jirto waxaa weeye 

    Qabiilada lays raaciyay yaan isku qabiil ahayn waxba isu ogolayn oo gudohooda kala didsan.

    Waana mida keenaysa in meeshii soomaalida lagu dabray ay waligood fadhiyaan, nin kastoo qiimo leh waxba ma noqon karo.

    Tanaasulka wuxuu ahaa sida saxdaa aragtidayda

    Dadka soo fiicnaanaya oo waqooyiga ku nool ama duriyadda oo xanuun gaara sheeganaysa  aan dhaho, in lala simo koonfurta oo dhan ayadoo qabiilka lagu badalayo talyaani iyo ingiriis.

    Waxaan qabaa arintaas inay qalbigooda yara maydhi lahayd, markay ingiriis iyo talyaani maqlaan.

    Ninkaan cusub oo la magacaabay khayrkiisa allaha na siiyo kii dalka iyo cibaadka anfacana ka dhigo. 

    Haduu "shar" yahayna allaha na dhinac mariyo.

    Miskiin

    Gololay allaha u naxariisto nin adag buu ahaa.


     


  12. Maakhir
    Waxaan u malaynayaa in ay la fool xumaatay in gaal farta ku taago asagoo dhex fadhiya shir soomaaliyeed.

    Laakiinse wuxuusan ogayn in shisheeyuhuu diidan yahay hor fadhiyaan ayagoo madaw oo af soomaali ku hadlaya.

    Nimanka lugaha isaga maray waa kali taliyayaal, shisheeye kalkaal, qabiilaystayaal ah oo aan wax arxan ah u hayn haybad soomaali yeelato abid.

    Intaas markaad ogtahay tanaasul kuuma furna, hadii aad tanaasusho waxaad luminaysaa haybadii dalka iyo dadka ka muuqatay ama noo iftiintay waana arrin nagu qaali ah inteena horu socodkaa.


     


  13. Gololey wuxuu yiri qabiil waxaan nacay markii iljeex wax laygu daray.

    Aniguna qabiil waxaan nacay markii mahdi guuleed khadar la yiri xilka ha wareejiyo, hadii kale reerihii booska lahaa yaa caroonaya "guri ba'ay"

    Nimankiinan passport'da ajnabi ga wata wadanka khatar badan baad ku tihiin waa arrin aad u khatar badan xaqiiqdii.

    Afar luuqadood buu ku hadlaa waxaa ka fiican soomaali kaliya yuu ka hadlaa.
     

    • Like 1

  14. M.macruuf.
    Farmaajo wuxuu noo ahaa nin daacada oo xoriyad maskax iyo qab soomaali ku jiray.

    Waxyaabaha qaar si sahlan loogama tanaasuli karo siiba markay timaado arrimaha qowmiga ah.

    Ama si kale hadaan u dhigo markii dhabarka dhaawac aad u dhimanayso kaa gaaro waa la gur-guurtaa ilaa aad tagto meesha ugu dhaw oo hoos iyo doog leh si aad ugu naf baxdo.

    Xashiish korkiis laguma dhinto, macnaha magucu waa qaali caruurtaadu sii wadi doonto.

    Nimanka uu la shirayo waa shisheeye kalkaal wixii farxad geliya waa ajande shisheeye ma'ahan mid beeleed iyo mid soomaàliyed labadaba.

    Waxaan diidayo waa niman sharci daro wax ku marooqsaday aadna u neceb in dadku xoriyad helo, inuu umad dhan oo wanaagsan hoos geeyo masiirkooda kuna takri falaan xoriyadooda doorasho oo shakhsigaa.

    Tusaale sahlan
    Farmaajo ku darsasho yuu doonayaa waana kaligii talis waa eedooda ama nuxurka doodooda.

    Hagaag 
    Madoobe 8 sano yuu kukuyada la joogaa kismaayo sifo aan aan sharci ahayn iyo iska daba wareeg.

    Dr. Deni oo jufadiisaa dhaxal u siisay kursiga puntland waa ku simaha doorka kale ee ina adeerkiis. 

    Nimanka noocaas ku yimid oo farmaajo ku leh waa kaligii taliye dadkoodiina in yar nalka u shiday miyaa lagu raaci waxay ku qoslaan?
    Aragtidayda waa maya.

    Ilmo burtinle 
    Sidii habar wax lagdatay ha u hadlina farmaajo haduu jeebka idiin galay qosolka yareeya.

    • Haha - That was funny. You made me laugh! 1

  15. Haduu ku guul daraystay doorasho qof iyo cod ah cidna ka yeeli mayso inuu dad karaamadooda difaacanaya u gumeeyo shisheeye kal-kaal.

    Maxay shisheeye kal-kaalku ku diideen qof iyo cod?
    Dhagayso dhoobo-daareed.

    4.5 wuxuu la mid yahay inaad u dabranaato beel kale oo aad ku hoos jirtaa.

    Taas macnaheedu waxaa weeye .5'ka cabanaya yaa kaa fiican oo kaligiis meel taagan, asagoo saxankiisa wata, halka aysan garanayn reer maakhir iyo reer gedo waxa deni iyo madoobe oo aan sharci ku iman usoo taagi doonaan.

    Farmaajo nalkii casaa wuu soo dhaafay hadaanan ilaahay nagu bad-baadin mukhtaar iyo muudey.

    • Thanks 1

  16. 12 hours ago, Mastermind said:

    Qabyaadu waxay ku gaarsiisay inaad difaacdo muwaadin Soomaaliyeed oo gaal xun oo Amxaar ah laga gatay? Oo waliba cay loogu daray iyo inay ONLF tahay argagixiso. Tanke maxaad cadayn u haysaa inta qof oo Puntland dhiibtay? Bal noo sheeg. Ogaantay labo jeer oo ahayd wakhtigii Faroole ma ahee ma maqal reer Puntland dad ay dhiibeen. Taasna cid sidaada oo kale difaacaysa oo reer Puntland ah ma arag.

    Master.
    Walaal gacaliye ha iska dhigin nin duurka Amazon ku nool, mowduuca qalbi dhagax buugiisa ha la laaba, inta goori-goor tahay.

    Qalbi dhagax wuxuu xirnaa in yar oo kooban si kastaba haku dhaco xarigiisu. 

    Asagoo labisan oo soomaalida ugu caansan yuu xabsiga kasoo baxay. 

    Sumacadaasna waxaa siiyay farmaajo oo aysan ahayn dal uu xukumo in muwaadin soomaaliyeed shisheeye ka qaato.

    Is waydii su'aashaan....

    (Maxaa looga waayay qof caan noqda sida qalbi-dgagax, dadkii boqolaalka ahaa oo siyaasiyiinta reer tolkaa dhoofiyeen?

    Dadkaas la dhiibay waxaa ugu badnaa cid dhiibta siyaasiyiinta puntland waxaana ugu dambeeyay cid dhiibta siyaasiyiinta reer gurceel.

    Maantana waa labada siyaasi oo sida gaarka ah ugu ooya qalbi-dhagax meel walboo lagu shiro faataxada ka hor magiciisa soo qaata.

    Intaas waxaa dheer beeshii uu ka dhashay qalbi dhagax oo markay arkaanba ilmadu soo dhaafayso sidii inaan waligood wiil dheer ka dhiman.

    Qabiilayste ma ahi saaxiib qabiil waan aqaan wuxuu galo iyo wuxuu gudo labadaba.

    Deni iyo madoobe farmaajo yaa tol is jecel ka dhigay ha moodin inay isku reer yihiin, qabiilku waa basal qayba mar harto.

    Hadaad doonto waxaad dhahdaa odaygii carabka ahaa inta garoowe degan kaliya buu dhalay, kuwa kale waa nalagusoo dhex tuuray.


     


  17. Mujaahidiintii iyo agoontii snm, niman dhacay oo habrihii ka oohiyay, odayaal koonfur ka yimid u joojin maayaan.

    Nabad galyadu waa shabaq ay ku kaluumaystaan, buurahooda iyo dekadahooda oo dhan waa wada iib.

    Qaraabo kasta haday doonaan, haday ergoodaan, maxkamad haday aadaan, bac iyo xanjo haday gubaan, lagama yaabo inay snm dhul u ogolaato.

    Waligood ku dili maayaan sidaad garsoore marqaansan uga daba wareegayso markii kabuhu kaa dhamaadaan oo caruurtaadu korto bay ku dhihi xogaa yaa laguu ogolaaday ee ma qaadan. 

    Mise warqad cusub yaad soo daabacan garsoorsyaashii hore mid ka fiican yaa iminka jooge.

    Warqada markaad daabacayso way yaqaanaan waxaa ku qoran inaad Siyaad Barre Supporter tahay macnaheedana kaligood baa yaqaan umana jeedid meeshay ku qorantahay.

    Odoyaashaan wixii loo ogolaado ha iska qaateen intaysan daruuftu dabrin.

    • Haha - That was funny. You made me laugh! 1

  18. Arinta qalbi dhagax

    Farmaajo macno wayn bay u samaynaysaa sida dadka qaarkii nabarka uga dhigayaan ma'ahan.

    Sidee farmaajo oo madaxweyne ah muwaadin soomaaliyeed Ethiopia loogu dhiibay? Waa su'aal aan marnaba duugoobayn.

    Aragtidayda waa sumucad wanaagsan, qaybna ka qaadan karta mustaqbalkiisa hogaamineed.

    Sababtu maxay tahay?

    Waxaa lawada ognahay in dad badan oo rag iyo dumar isugu jira ayagoo qaawan tigreega loogu dhiibay Garoowe iyo qaybta waqooyi gaal kacyo, raq iyo ruuxna ilaa maanta laga hayn meel la geeyay wax badana ka qiimo badnaa qalbi dhagax.

    Waligiin reer caano qaste waxaan amaan ahayn miyaad ka maqasheen iyo walaalkeen faroole iyo faro-nuug?

    Adeer farmaajo lagama qaateen muwaadin haduusan dal fowda ah xukumin, oo waliba cadawgiisu walaalkaa yahay.

    Usoo noqo mowduuca
    Sadexda maamul goboleed maskaxdooda shisheeye kuma adeegto waa niman xor ah oo garanaya farmaajo ama ha tago ama ha joogo inay dalka leeyihiin waana daahiro fiican oo baryahan dambe soo baxday
    Khayrka allaha na waafajiyo.