wyre

Nomads
  • Content Count

    3,536
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by wyre


  1. Waa mid lasoo xaday :D

     

    Berri dhexdaa ah ayaa waxaa magaalada Hargeisa ka dhacday sheeko gaaban oo qosol leh kana tarjumaysa xaqiiqda jirta; sheekadu waxay ku saabsan tahay Seminaradan dadkii lagu jahowareeriyay ee aan waxba ka soo bixin:

     

    Goobtu waa Maansoor Hotel, Seminarku waa saddex cisho, waxaa laga hadalayaa Juvenile Justice, waxaa la casuumay odayaal badan oo madax dhaqameed iyo odayaal kaleba isugu jira, seminarka waxaa daadihinaysa gabadh si fiican loogu tababaray child rights iyo waliba sida loo abaabulo seminarada, seminarku waa full time oo waa min 8:00 subaxnimo ilaa 4:00 galabnimo, maalintii kowaad goor ay casar dhaaftay ayay gadbdhii seminarka waday suaal waydiisay odayaashii mid ka mid ah oo waxay ku tidhi adeer maxaad seminarkii maanta ka fahantay, intuu kor u eegay ayuu ugu jawaabay adeer in aan wax ka fahmo umabaan iman meesha ee miyaan la gaadhin afartii oo isfahamkii yaraa la bixneyn calashaan (20 USD per day per person)


  2. Naf daallina bay rabaan

    Inaan dulmigeedu qaban

    Dawgii noloshay rabaan

    Inay shar ku daydayaan

    Xumaan qof ku daalayaa

    Wanaag damaciis hayaa

    dammiinka halkii ahayd

     

    Siday uga soo durkeen

    Miyay dib u soo noqdeen

    Siday u duleed-baxeen

    Ayay u dabayshadeen

     

    Waxay dumiyeen Runtii

    Waxay u dumeen Runtii

    Markay dumiyeen Runtii

    Nin daacad hoggeeda qoday

    Miyuu ka danbaynayaa.

     

    Intuu bahalaa dugsado

    Intuu Dubur hawd ka xulo

    Ayuu qofku doonayaa

    Dugaaggu inaanu cunin.


  3. Hadda ka hor ayaa oday la oran jiray TOOXOOW wuxuu tagay meel muxaadaro diinta ah lagu hayo. muxaadaradu waxay ku saabsanayd maalinta YOOMAL_QIYAAMO iyo sida Gaalada loo cadaabayo maalintaas.

     

    Tooxoow markii uu muxaadaradii soo dhamaystay oo uu gurigiisa u soo socdo ayaa waxaa jidka kaga hor yimid nin saaxiibkiis ah oo la yiraahdo Dhabareey waxaaana dhex martay sheekadan:

     

    Dhabareey: Ar Tooxoow ahaa….. xaa la sheegay beriga.

    Tooxoow: nabadi ma jirto beriga

    Dhabareey: Saay wax u juraan?

    Tooxoow: meel inta ah oo la isku wacdaayo aan tagay Yoomul-qiyaamo aa beriga oo dhan laga warramaayay

    Dhabareey: Haye.

    Tooxoow: Haye xay tahay?…. Naarta waxa laga sheegaayo manaad maqli laheyd haba tegin aa ku qabaheeso.

    Dhabareey: Ya qiyaamaha ma isbaaradii afgooye taal aad u qabtaa oo loo gambaaye :D


  4. Hada ka hor nin reer miyi ah oo waligiis arkin meel dad lagu duugaayo ayaa yimid magaalo kadib waxaa dhintay nin qaraabada ah waxaa dhacday inuu meydki wax ka raaco kadib intaan qabriga la galin ayaa sheekh muxadaro qabtay waxuu dhahay sheekhi meeshaas ayaa na sugeysa ee aan alle ka baqno ninki reer miyiga ahaa intuu soo booday ayuu yiri mahaana

    haa ayaa la yiri

    hadana wuxuu yiri hulkaanaa

    haa ayaa la yiri

    Kuye : an uma soo socdo huuraanba kula jiri karin

     

    :D :D


  5. N.O.R.F;966705 wrote:
    Guy at work hands out sweets this morning happy that Morsi has been removed. One guy refuses cos he has relatives who are part of the Morsi camp. Tense stand off at 9am
    :D

    Two guys beat the hell out if each other in my working place, 1 was mursaawi and the other was not :D

     

    Evening all and ramadaan kariim to Ngonge

    540367_267147910062403_1784330783_n.jpg


  6. since we can't watch movies and do what we want at ramadan I would like to share some youtube videos here for the month of ramadan

     

    Actually I'll post it after futur :D


  7. Jacaylbaro;960578 wrote:
    Wyre wax laga hadlayaba wuu fahmi waayay ,,, carab fooqal carab dheh ,,
    :D

    videoga ma daawan balse odayga mid xishooda ma ahan aqoon ayaan u leeyahay, video yaal badan baan ka daawaday :D


  8. underdog;964209 wrote:
    .

     

    So when you say "Real name" vs "Name used by Allah" what you're implying is that Allah subhanahu wa ta'ala got it wrong in the Quran?

     

     

    You don't want a traditional Somali name, you seem to have something against traditionally Muslim names, yet you choose to "discuss" this issue on a Somali Muslim forum. Genius.

     

    Name your kid Kobayashi or North.

    Chemesunde

    Chemiron

    Chepkeitany

    Chepkwony

    Cheruyot

    Chumo

    Kenduiyo

    Kibiwot

    I'll advice him these names :D


  9. ummadihii horee la halaagay, ummad walbaa hal ficil oo khaldan ayaa loo halaagi jiray, ummadaan ficiladii oo idil wey isku wada darsatay, haddey ahaan laheyd khaniisnimo, dhac, shirki iyo wixi kasoo haray, alla ilaahey naxariis badanaa, weli waa kuwan carada iska qulqulayo