General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. A good article, peace and prosperity for all. Insha Allah.
  2. ^^^They need to do more, but I would not replace what we have for the wishes of others.
  3. Camir thanks for forwarding that, it was a good read... Taa awgeed, inta ay nabaddu jirto bay rajaduna taagan tahay. “Illaa iyo haddeer af ka hadalku isuma beddelin gacan ka hadal”, buu yiri Mudane Mario Raffaelli, Ergeyga Gaarka ah ee Dawladda Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya. “Waxaan u arkaa arrin wanaagsan, waayo waxa ay ila tahay in labada dhinac aanay si dhab ah u dooneeyn dagaal. Ama waxa la dhihi karaa ma wada doonayaan dagaal. Waxaa jira xoogaag culays saaraya in heshiis la gaaro. Kuwaas oo ogsoon in uu dagaalka ku dhammaan karo dhiig badan oo daata”. “Dhowaan waxaan booqday fariisinka Dawladda ee Baydhabo iyo madaxda Maxaakiimta ee Muqdisho” ayuu raaciyey Raffaelli. “Waxaan aaminsanahay in ay jirto fursad lagu heshiin karo. Shirka soo socda ee Khartuum waxaa looga wada hadli doonaa sidii loo dejin lahaa qorshe wada jir ah oo ku aaddan amniga Dalka. Taasi waa sidii ay Maleeshyada Maxaakiimtu ugu biiri lahaayeen Ciidamadda Xoogga Dalka, iyo sidii Dawladda loogu soo dari lahaa madaxda Maxaakiimta. Beesha Caalamku waxa ay ku adkeeysan doontaa sidii loo joojin lahaa fara gelinta ay wadaan waddamada u dhow Soomaaliya. Waa qodobbo xasaasi ah, horeyna loogu qaadi karo tallaabo lagu baajin karo dagaalka”.
  4. ^^^Insha Allah, but for me its not about one man, but a comprehensive peace for all. End to occupation, paranoi and pretences.. Also, that city, the old pic of the late 80's. I want Mogadishu to be better and for Kismayu, Galkacyu, Marka, Hargaysa, Bossaso, Baidoa to become better than that.
  5. ^^^Saxib, we have a right to criticise sometimes. I support Puntland and its admin, good infrustructure is vital to securing the state.
  6. ^^^Saxib a good back track but that wont wash. But like you said we wait and see insha Allah.
  7. ^^^^A/qaybdeed is strong in his turf, even in Moigadishu he fought for 2 days and left the city all the way to Baidoa. Shabbele and Qadsiye are both owned by the clan that is central to the clan courts. We have learned not to trust them that much.
  8. BUUR-HAKABA: Xiisado u dhexeeya Malleeshiyooyinka Maxkamadaha iyo Ciidammada Dowladda oo ka taagan Buur-hakaba Posted to the Web Oct 30, 15:01 Buur-hakaba (PP) - Inta u dhexeysa Degmooyinka Buur-hakaba iyo Baydhabo ayaa axaa ka taagan xiiisado aad u kacsan oo u dhexeeya Malleeshiyooyinka Makamadaha ee halkaas ku sugan iyo Ciidammada Dolwadda. Xiisadahan ayaa yimid kaddib markii Malleeshiyooyinka Maxkamadaha ay billaabeen dhaqdhaaqaaqyo Milateri oo fara badan, waxaana la sheegay in dhanka Dowladda ay iyaguna billaabeen inay heegan buuxa geliyaan ciidammadooda. wararka ka imaanaya halkaas ayaa waxay sheegayaan inay dhici karto inay isku dhacaan labada dhinac oo haaatan isku dhow, waxaana la sheegay in halkaas uu guubaabooyin fara badan ka wado Guddoomiyaha Golaha Fulinta o ku boorrinaya inay dagaalamaan Maxkamadaha isla markanaa ka hortagaan wax walba oo keeni kara in goobaha ay ku jiraan looga saaar ama lagu so weerar. Sheekh Shariif oo halkaas gaaray dhawaan ayaa ku boorriyay Malleeshiyooyinka Maxkamadaha inay dagaallada ay la galayaan Ciidammada Dowladda Federaalka iy kuwo Ethiopian-ka ah oo uu sheegay inay ku sugan yihiin Baydhabo uu noqdo mid ay si iskiu mid ah u arkaan. Magaalada Baydhabo ayaa la sheegay in ciidamamda dowladda ay ka bilaabeen dhaqdhaaaqyo xoog badan, waxaana la sheegay in ciidamamda dowladda oo hubeysan ay soo gaareen afaafka hore ee degmada Buur-hakaba. Isku dhac ka dhasha is-horfadhiga labada dhinac ayaa keeni kara inuu burbur ku yimaado shirka Sudan oo maanta lagu wado inuu ka fumo dalka Sudan. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com
  9. ^^^A/Qaybdeed is a problem for te courts. Also Shabbele news is pure genius.
  10. Maleeshiyooyinka Maxaakiimta oo Dilay Dhaawacii laga qabtay Col.Bare Hiiraale Last Updated::2006-10-30 16:03:27 Bu'aale:- Wararka naga soo gaaraya magaalada Bu'aale ee xarunta Gobalka J/dhexe ayaa xaqiijinaya in halkaa lagu dilay 4 nin oo ahaa Dhaawacii laga qabtay Maleeshiyooyinka Wasiirka Gaashaandhiga Col.Bare Hiiraale. Afartan nin ayaa lagu hayey magaalada Bu'aale laga soo bilaabo 23kii Oktober kadib markii lagu soo qabtay dagaalkii dhexmaray Maleeshiyooyinka Col.Bare Hiiraale iyo kuwa Maxaakiimta Muqdisho. Dagaalkaasi oo ka dhacay deegaanka Dajuuma ee degmada Bu'aale ayaan illaa iyo hada xog dhab ah laga heyn khasaaraha labada dhinac kasoo gaaray. Hase yeeshee 4ta nin ee la dilay ayaa ayagu ay gacanta ku dhigeen maleeshiyooyinka Maxaakiimta oo ku hayey ragan magaalada Bu'aale. Afartan nin oo dhaawaca ah ayaa hada la xaqiijiyey in ay toogasho ku dileen maleeshiyooyinka Maxaakiimta. Qirasho ka timid Maxaakiimta Mas'uulka u qaabilsan Maxaakiimta Muqdisho dhinaca maleeshiyooyinka Jubooyinka, Md.C/llaahi Axmed Warsame Ejka ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay jirto dilka raggan dhaawaca lagu xasuuqay. Wuxuuna sheegay in ay baaritaano wadaan, isla markaana eegaya waxa keenay dilkan. Waxaa horey maleeshiyooyinka maxaakiimta Kismaayo ku sugan loogu eedeyey in ay laayeen dad dhaawac ah sida ay sheegeen ehelada dadkan oo ku sugan Kismaayo. Dhaliiceyn Falkan ayay ka naxeen shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo oo hada si weyn u hadal haya falalkan ay ku kaceen maleeshiyooyinka Maxaakiimta. Dilkan ayaa kusoo beegmaya xili uu Col.Bare Hiiraale iyo ciidamadiisa ay gaareen magaalada Baardheere ee gobalka Gedo. Odayaasha iyo nabadoonada beesha raggan la dilay kasoo jeedaan oo ayagu ku sugan magaalada Kismaayo ayaa dhaliiceyn dusha uga tuuray falkan foosha xun oo ka fog sharciga Islaamka iyo waliba kan Caalamiga ah ee la xariira Maxaabiista. Maxamed Cabdi HorseedNet.com
  11. remember when i was in Qardho, i was amazed how women are selling the camel meat ,,, Ohh my God ,,, a really big big women aan i iri geelay ku naaxeen with a big knife and selling this camel mean ,,,, Waan baqday oo lafahaygaan la cararayba ,,,, Sophist, you have a point mate. I am still waiting on the airport, its taking too long to finish off.
  12. ^^^Ok, so when the TFG troops left it was out of cowardice and when they leave its because of tactics? Anyhow this news is not confirmed, other than these two sites.
  13. Kismaayo: Maleeshiyooyinka maxaakiimta oo dhidib tiray dhaawicii ciidamada wasiirka gaashaandhiga Isniin, October 30, 2006 Ksimaayo (AllPuntland)- Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ay magaaladaasi gil-gileen warar sheegaya in maleeshiyooyinka maxaakiimtu ay dhidib tireen qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaaladdii ku dhexmaray agaggaarka Bu’aale Col. Barre Aaden Shire (Hiire) iyo Maxkamadaha Muqdisho. Dadkan la laayey oo tiradooda lagu sheegay afar qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay gudaha magaalada Bu’aale, halkaasi oo lagu dabiiyey. Mas’uul ka tirsan maamulka Maxkamadaha ee magaalada Muqdisho oo ay la xiriirtay AllPuntland ayaa sheegaya in dhacdadaasi baaritaan lagu sameynayo ciddii geysatayna sharciga la horgeyn doon. Arintan oo shacabka magaalada Kismaayo aad uga caroodeen ayaa guud ahaan magaaladaasi oo dhan laga dareemayaa, taasoo laga cabsi qabo in ay gacan ka hadal isku badashao sida uu ku soo waramayo wariyaha AllPuntland ee magaalada Kismaayo. Sidoo kale waxaa jira warar hoose tibaaxaya in ay arintani khilaaf ka dhex aloostay hogaamiyayaasha maxaakiimta iyo mas’uuliyiinta hadda la shaqeeya ee horey ugu sugnaan jiray magaalada Kismaayo ka hor inta aysan maxkamaduhu halkaasi gaarin. AAA Gentleman AllPuntland
  14. Buurhakaba: Ciidamada maxkamadaha oo si nabad galyo ah uga baxay magaalada Buur hakaba. Isniin, October 30, 2006 Buurhakaba (AllPuntland)- Ciidamada maxkmadaha magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka baxeen magaalada Buur haba ee gobolka Bay halkaasoo ay mudooyinkaas ku sugnaayeen. Ciidamada maxkamdaha ayaa si nabad ah uga baxay iyaga oo aan cidna kula dagaalin, waxaana ay u ambabaxeen dhanka magaalada Muqdisho. Sida ay shaaciyeen qaar ka mid ah dadka ku sugan magaalada Buur hakaba ciidamada maxakmadaha oo wata qaar ka mid ah gawaaridooda dagaalka ayaa waxa ay ka baxeen magaalada si nabad galyo ah. Mudo ay halkaasi ku sugnaayeen ciidamada maxkamdaha ayaa waxaa booqasho ku yimid mas`uuliyiin ka mid ah madaxda maxkamadaha oo uu ka mid ah yahay gudoomiyaha golaha fulinta ee maxkmadaha. Magaalada Buurhakaba ayaa waxa ay noqotay xarun ay marba ciidan tagaan kuwaasoo ka kala socda maxkamadaha iyo xukuumadda Soomaaliya iyada oo ciidan walibaa uu si iskiis ah uga baxayay. Mahad Jama Koronto AllPuntland
  15. Malayshiyaadkii maxaakiimta la sheegay inay ka bexeen Buur hakaba Buur hakaba, Wararka naga soo gaaraya degmada Buur hakaba ayaa sheegaya malayshiyaadka Maxaakiimta islaamiga ee magaalada Muqdisho ay isaga baxeen degmadaaas Buur haba oo beryahaan ku sugnaayeen. Ilaa hadda lama soo sheegin sababta dhabta oo ay uga bexeen degmaas Malayshiyaadka maxakiimtu, mana jiraan wax dagaala ah oo ku soo wajahay deegaankaas, waxana la sheegayaa inay u ambabaxeen dhanka wada dheer ee Muqdisho, wallow aan la sheegin halka ay degaanka ka dhigteen. Dadka ku sugan magaalada Buur hakaba ayaa sheegay in Malayshiyaadka maxakmadaha oo wata qaar ka mid ah gawaaridooda dagaalka ay u amaba bexeen dhanka wada dheer ee magaalada Muqdisho. Degmada Buur hakaba ayaa dhowan waxa isaga soo guuray sidaas oo kale Ciidanka DFKMG oo iyaga oo aan wax dagaal ahi ku qabsan, iyaga oo xilligaas muddo yar oo kooban ku suganaa markaas ka qabsaday malayshiyaad taageersan Midowga maxakiimta islaamiga ah. Buur hakaba ayaa noqotay halka ugu shidada badan oo in badan uu ka aloosmo khilaafka u dhexeeya labada dhinac ee hadda Soomaaliya isku haya waxaana dhinac kastaa sheegayaanayaa in lagu soo xad gubay degmada Buur hakaba. Xarunta wararka Waayaha.net
  16. So Puntland is stronger than Ethiopia? Ubahane, I do love your logic, keep it coming, the EID prediction and so on.
  17. JEN. CAAN AH OO TALO U GUDBIYAY MIDOWGA MAXAAKIIMTA 28th, 2006 Abdikarim Ibr. Adan E-mail: ampacalin@hotmail.com Jen. Galaal Jen. Soomaaliyeed oo caan ah ayaa lagu soo waramayaa in Maxaakiimta uu kula taliyay kulan uu xalay la qaatay madaxda sar sare ee Maxaakiimta in ay wax ka beddelaan qorshaha dagaalka oo ay kula jiraan dowladda federalka KMG iyo ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan qaar ka mid ah gobollada dalka. Jen-kan oo lagu magacaabo Maxamed Nuur Galaal ayaa Maxaakiimta u sheegay in ay sameeyaan istaraatiiji militeri taasoo noqonaysa is aruurin, isagoo intaa ku daray in Maxaakiimta ay habboon tahay in difaacooda isugu geeyaan laba goobood oo aad u adag iyo hal meel, labadaas meel ee ku taliyay Jeneralka ayaa kala ah Kalabayrka Gobolka iyo degmada Qoryooleey ee gobolka Sh/hoose iyo 15-km ka sokeyso degmada Buurhakaba, maxkamadahana ay ka soo baxaan deegaannada Jubbooyinka. Kulankan oo ka dhacay xarunta Midowga ayaa warar hoose waxa ay sheegayaan in ay ka goos adeegeen in ay qaataan talada Jen. Galaal, iyadoo uu kulankaana uu ku soo beegmay xilli ay Maxaakiimtu jihaad iclaamiyeen, qofkastoo Soomaali ahna ay ugu baaqeen in uu ka qeyb qaato difaaca dalka iyo diinta Ummadda Soomaaliyeed.
  18. ^^^Saxib you can make noise, if you want.
  19. ^^^I am no soothsayer, I told you that the TFG will not attack anyone before that date. The 1st of november is imprtant for several reasons, politically, its the date for the meeting in Khartoum as well as the meeting of the security council of UN. After this date the TFG will take a much harder line with the clan courts and their advances.
  20. Ciidamo soo gaarey Muqdisho 28 Oct 28, 2006, 20:55 Maliishiyooyin ka tirsan Maxkamaddaha Islaamiga oo mudo bilooyin ah tababar kusoo qaadanayey dalka Erateriya ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho iyadoo maliishiyooyinkan ay wehliyaan kuwo kale oo dalka Erateriya u dhashay. Ciidamo oo tiradooda kor u dhaafeyso 2500 Askari ayaa inta badan waxaa ay yihiin kuwo u dhashay dalka Erateriya, waxaana loogu talagalay in ay ka qeyb qaadaan dagaalka lala gelayo dowladda KMG ah iyo Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolada dalka Soomaaliya qaarkood. Warku wuxuu intaa ku darayaa in ciidamo kale oo Erateriyaan ah ay horay ugu sugnaayee gobolada Jubbooyinka oo maxkamahada ay la wareegeen, iyadoo inta badan ciidamadan laga soo dejiyo dekadaha macmalka ah ee Soomaaliya. Garowe Online, Muqdisho
  21. Maleshiyaad ku dhintey Manaas 29 Oct 29, 2006, 13:07 Xerada Manaas ee duleeka Magaalada Baydhabo ku taala ayna ku xereysan yihiin Ciidamo ka tirsan Dowlada Federalka Somalia ayaa lagu soo waramayaa iney halkaasi isku rasaaseeyeen Maleeshiyo Deegaanka ka soo jeeda. Labada Maleeshiyo ayaa la sheegayaa iney isku qabsadeen Qaad halkaasi la keenay taasina sababtay in 4 ka mid ah Maleshiyaadka Deegaanka ay halkasi ku dhinteen halka qaar kale oo laba garab ka kala tirsan dhaawac culusi uu ka soo gaaray israsaaseyntaasi. Xerada Manaas oo ay ku xareysnaayeen inta badan Maleeshiyaadka Dowlada Federaalka Somalia ee tabarka la siinayo ayaa haatan u muuqata mid faaruq ah oo ay ku xareysan yihiin in ka yar 300 oo Maleeshiyo. Ciidamadii Dowlada Federaalka ee Xerada Manaas ku xereysanayaa ayaa la geeyay Baydhabo si ay uga qayb qataan difaaca magaalada. Cabdi Fatax Axmad, Baydhabo Garowe Online
  22. ^^^Brother, the TFG did not fight Mohamed Dheere when he was farting in Jowhar, for good reason nor does it worry about the clan courts who you fear so much. War is an art form, and not one for the girls and the innocent children the clan courts are sending on the marches and using as shields. I am in no rush to prove anything, I have confidance in the information and experience that Allah has given me with age. So I tell you again pray for peace, pray that innocent blood is spared, but dont think that those you hide behind are a new thing.
  23. Saxib, no one is leaving Baidoa, everyone seems to have this Idea if we wsih our enemied to lose they will lose. The TFG is going about things as business as usual. Nothing has changed.
  24. ^^^You should not be, we should pray for no war, thats Islamic. But it is not the TFG calling for a fake Jihad and "cutting fuel" from Baidoa.