Maaddeey

Nomad
  • Content count

    4,293
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by Maaddeey


  1. ^^ Waa runtaa Geelle Gaaboow :). Lakin reer galbeedka iyo kuwa iska yeelyeela gudniinka sunno iyo fircooni uma fiiriyaane, gudniin waa u gudniin!. Kan sunnada ah iyo kan ragga waxaa xanuun iyo dhaawac badan kan ragga. Saasoy tahayna cid ka qaylisa oo ragga maxaa xbinkiisa qaaliga ah loo jarjarayaa ma arkin!. Allahuma qabiil kenya dega oo ninka gudan inuusan dhammeyn aaminsan mooyee!. :). Ogow rag waxaa jira xubinka macal xaniinyaha iska jara ee booskooda xubin dheddig ku bedesha!. Hadii taas MGM ahayn mutilation maba jiro. Diin ahaan fircooni waa wax xun asalna maleh, lakin gudniinka waa jiraa waana la amaanay. Markii Islaamka ku dhaqankiisa aad loo kordhiyey oo wadaadadu dhoofeen oo wadamo iyo dhaqamo kale barteen gudniinka fircooniga waa yaraaday haddii jabhaduhu dagaalkoodu dhici lahaynna lamaba arkeen FGM wax ka hadlaaya.

     

    FG. Meeshu sidii hore uma xiisa badna, sidaas baan kaaga raagaye ka raalli noqo!.


  2. BUULAMAREER:- Beer ku taalla Buula Mareer ayaa Xarakada Al-shabaab Almujaahidiin waxay kuwada hadal siiyeen, Odayaasha Beesha Habar Gidir iyo Beesha Biyamaal.

    Shirka waxaa ka qayb galay, Waaliga Wilaayada Islaamigaa ee Shabeelada Hoose, Sheekh Maxamed Abuu Cabdallah, sidoo kale Odayaasha iyo wax garadka Labada Beelood ayaa goob joog ahaa iyo Culimo Awdiin Soomaaliyeed.

    Waxgaradka Labada Beelood waxay sheegeen in ay ka xun yihiin Dad Masaakiina in loo dilo, Qabiilkaas ayuu kadhashay sidoo kalana waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin wadahadal. Waxaa la sameeyey Guddi qaabilsan Xabbad joojin lagu dhawaaqay.

    Labada Beelood ayaa xaqiijiyey Ciidamada Xukuumadda Riddada ah in aysan matalin Labada Beelood iska markaana ay dilayaan Dad shacab ah.

    DHAGAYSO, Waaliga Wilaayada Islaamigaa ee Shabeelada Hoose Sheekh Abuu Cabdallah


  3. Cadale, xeebtaan waxay ku taallaa Marko agteeda, Cee Jaalle ay saarantahay. Ceel Jaalle waa camping ardada lagu tababari jiray!. Macal asaf dawladdii kacaanka kadib wa. Baaba'day!.