Somalina

Nomads
  • Content Count

    7,672
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by Somalina


  1. Naxar Nugaaleed;812407 wrote:
    166926_991155355200_63914806_41618452_17

     

    I remember having something like this in our house back in the day, anyone know why people did this lol

    That's the chill out spot. Ours was tricked out, the interior decor was off the chain, sadly we were not allowed in. :D


  2. Maaddeey;812478 wrote:
    Eselba xumaaw haddana xoon ha ku cuno!. dullinimo iyo been ha isku darsanin!

     

    Post-iga Qaranki ma arkin miyaa, mise gumaysi jacaylaa ku indha tiray?

    Reer Godane miyaa qiil ka raadsatey? lol.... you are a desperate man wallee. Ha kugu taagnaato. Eeyaha waa la ersanaa ilaa ay bada ku shubmaan. Betta Believe it!


  3. Xaalada Degmada Dayniile ee gobalka Banaadir ayaa Saaka Deggan kaddib Dagaal xoogan oo Maalintii shalay ka dhacay Degmadaasi Dayniile.

     

    Wararka laga helayo Degmada Dayniile ayaa sheegaya in halkaasi laga dareemayo xaalad Daganaansho, inkastoo dadkii horay ugu sugnaa degmadaasi ay isaga barakeceen ayaa hadan haatan waxa ay xaaladdu u muuqanaysaa mid deggan.

     

    Qaar ka mid ah Xaafadaha Degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa Saaka laga Maqlayaa rasaas teel teel ah inkastoo lagu soo waramayo in ay xaaladdu tahay mid xasiloon.

     

    Majiro dagal toos ah oo ka dhacaya gudaha Degmada Dayniile, maadaama Degmada ay toos hadda gacanta ugu hayaan Ciidamada Dowladda KMG Soomaliya iyo sidoo kale kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

     

    Ciidamadii maalintii Shalay la wareegay halkaasi ayaa ku sugan Degmada waxayna difaacyo ka sameysteen qeybo ka mid ah degmadaasi.

     

    Ururka Al-shabaab ayaa banaanka kaga sugan degmada Dayniile oo maalintii shalay lagala wareegay.

     

    Risaala.net


  4. "Significant damage" ayey MSF tiri, marka beenta dacaska si fiican ugu geli. Dayniile wey ku dhaaftey ee wax kale keen.

    ------------------

     

     

    Xaalad degenaansho ayaa saaka ka jirta goobihii shalay ay dagaalada ka dhaceen ee degmada Dayniile, halkaasoo Ciidamada dowladda iyo AMISOM weerar ku qaadeen subaxnimadii shalay, iyadoo degenaanshaha saaka ka jirto ay tahay mid aan cago badan ku taagneyn.

     

    Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa ku sugan Isbitaalkii Dayniile, Garoonkii Diyaaradaha iyo Hoygii Maxamed Qanyare ku lahaa, kadib markii shalay ay la wareegeen, waxaana saraakiisha sheegeen inay u sii tallaabi doonaan.

     

    Dagaaladii shalay oo ahaa mid aad u kululaa ayaa dhinacyada dagaalamayay aanay waxba isula harin, waxaana inkastoo goobaha lagu dagaalamayay ahaayeen meelo banaan iyo dadkii deegaanka oo mar hore isaga qaxay ayaa hadana waxaa jira qasaarooyin baaxad leh oo labada dhinac kala gaaray.

     

    Saraakiisha dowladda ayaa sheegay inay maalmaha soo socda qorsheynayaan inay u sii tallaabaan deegaanada kale, sida Ceelasha Biyaha iyo Afgooye.

     

    Labada dhinac ee dagaalamay ayaa guulo ka kala sheegtay, waxaana dhinac walba uu tilmaamay in qasaare uu gaarsiiyay dhanka kale.

     

    Ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo dagaalyahanada Shabaab ayaa isku hor fadhiya cirifka dambe degmada Dayniile, waxaana Ciidamada is garabsanaya ee AMISOM iyo dowladda qorsheynayaan inay u dhaqaaqaan wadada aada Garasbaaley.

     

    Jowhar.com


  5. Maaddeey;812470 wrote:
    ^^ Maxaa been ah?, MSF bayaankeeda muxuu caddeeyay?.

     

    Xiimaaya, oo hadda khataraan galay haye?, tir-tir sxb-eey waxaad rabto aan ku siinaa!, meeqaa kugu filan?.

    Wuxuu cadeeyey in isbitaalka qeyb ka burburey, marka haddaad sawir soo gelineyso soo geli adigoo burburka agtaagan. Waxyaabo laga xishooto ayaa jira, laakiin dhiigyacab muxuu ka xishoonaa?


  6. Somalia: hospital hit by shelling

    Date Published: 30/03/2012 04:12

     

    A hospital run by MSF has been hit by shelling, amidst renewed fighting in the Somali capital, Mogadishu.

     

    The emergency room and the surgical ward of Daynile hospital were hit, causing significant damage.

     

    MSF condemns the shelling of the hospital, where it has worked since 2006.

     

    http://www.msf.org.uk/articledetail.aspx?fId=Somalia_fighting_hospital_20120330


  7. Warbixin ay soo saartay hay'adda dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa lagu sheegay in saamayn weyn uu ku yeeshay isbitaalka Dayniile ee Magaalada Muqdisho, kaddib markii Madaafiic lagu garaacay qolka deg dega ah, iyo sidoo kale qeyb ka mid ah waaxda qaliinka oo wax yeelo xun ay soo gaartay.

     

    MSF sidoo kale waxa ay sheegtay in wax khasaaro ah uusan ka soo gaarin dagaalkii shalay ka dhacay degmada Deyniile ee Magaalada Muqdisho oo ay jiifeen xiligii dagaalka 19-bukaan, 36-shaqaalaha daweynta iyo 12-waardiyaal ah.

     

    MSF ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku dagaalamaya Soomaaliya gaar ahaan Degmada Dayniile in ay tixgaliyaan Isbitaalka Dayniile iyo dhammaan meelaha kale Xarumaha Caafimaad ay ku leeyihiin Dalka, lana badbaadiyo bukaannada iyo dhammaan Shaqaalaha MSF.

     

     

    MSFayaa howlo Caafimaad ka waday Soomaaliya tan iyo sanadkii 1991-kii, waxaana howlo Caafimaad ka wadaan 13-goobood oo ku yaala dalka oo dhan, waxana MSF ay ka shaqaynaysay Isbitaalka Deyniile tan iyo 2006-dii.

     

    Sidoo kale MSF waxa ay ka howlgashaa xeryaha qoxootiga Soomaalida sida Dhadhaab iyo Doolow Cade oo ku taala Dalka Ethiopia.