-
Content Count
212,225 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro) ayaa ka hadlay Xaaladda Somaliland ee xilligan, sida hoggaaminta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Tayada Golaha Wasiirrada, Dhaqaalaha, dhulka iyo arrimo kale oo Dalka ka jira. Sheekha oo Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Dalku ku jiro Xaalad dhaqaale xumo, taasi oo sababtay in baahidu ku baahdo dadka gudihiisa, taasna ay sababto in Dadku ka rejo dhigaan Dalkooda Somaliland. Sheekha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan doonayaa inaan kalmado kooban u sheego naftayga, kuwa Maanta Ummadda hoggaaminaya iyo inta Caqliga iyo Cilmiga iyo Aragtida leh, Waayo? Ilaahay baa wuxuu Qur’aankiisa ku leeyahay Waani, waanadu waxay anfacdaa Dadka Muuminiinta ahe.” Sheekh Aadan-Siiro wuxuu sheegay inuu khaldamay Fahamka Madaxnimadu “Waxa inaga khaldamay Fahamkii Madaxnimada, Qofku inuu Madax noqdo, Qaabka uu ku noqonayo iyo qaabka uu u fahmayo ayaa innaga khaldan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in aan loo baahnayn in Dedaalkii la soo galay Somaliland in laga dhigo wax aan macno lahayn “Walaalayaal, waad ogtihiin Dalkan wixii ka soo dhacay, weliba Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxaan leeyahay waad u soo taagnayd wixii meeshan ka dhacay, leelkii ay Dadku soo mareen, 800 Sanadood wixii aynu soo tacabnay ayaa la daa’diyey, markaa la innaga yeeli maayo, suurto-galna maaha in halgankii ay Ummaddani soo gashay ee aad Adigu (Madaxweyne) ka mid ahayd Dadkii halganka soo galay inay u muuqato Dad Ciyaarayey oo aan danayneyn.”Sheekhu wuxuu tilmaamay in Dastuurku uu wax kasta oo Dalka ka dhaca uu Masuuliyaddeeda hoos geeyay Madaxweynaha “Dastuurkeena yar ee aynu samaysanay, waxa inoo sameeyay Allaah ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Dastuurkeena waxa ugu awood badan Arrin kasta Madaxweynaha ayuu ku dhamaanayaa, markaa wax alaale iyo waxa Maanta khaldan, waxa Allaale iyo waxa Maanta leexsan meel uu Madaxweynuhu kaga baxayaa ma jirto.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Madaxnimadu waa in Dadka loo Caddaalad-falo, Dadka in la ururiyo, Qof walba in xaqiisa la siiyo.” Sheekh Aadan wuxuu sheegay in Islaamku diiday keli-talisnimada “Islaamku wuxuu la dagaalamay Kali-talisnimada..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Madaxweynaha waxaanu leenahay Waar Dadka ururi, Dadka Aqoonta leh ururi, Waar Qiimahooda ilaali, Waar dalkani wuxuu dal ku noqonayaa in Dadka Aqoontooda laga faa’idaysto.” Sheekhu waxa kale oo uu sheeyay in Toosinta Madaxdu ay guul horseeddo “Toosinta Madaxda la toosinayo, oo lagu hoggaaminayo Dariiqa Saxda ah, waa waxyaabihii ay Muslimiintu ku guulaysteen. Waxyaabihii ay Muslimiintu ku guulaysteen, Maantana aynu ku guulaysan karno haddii la raaco, waxa ka mid ahaa waa Wada Tashi. Madaxweyne, Ilaahay baa meesha ku saaray, in badan baad soo tacabtay, inaad Maanta tidhaahdo Cid lama tashanayo, oo aad aqoonyahankii fogayso, kuwii kartida lahaa aad fogayso, oo kuwii Dalkan wax ka dhigi lahaa aad dibedda u tuurto, oo aad urursato Dad aan kula hadlayn oo aan waxba kuu sheegayn, taasi waa Dadka iyo dalkuba ku baaba’ay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Waxaanu kugula talinaynaa oo aanu kuu sheegaynaa Munaasibadda Ciidda darteed waar Gole Wasiirro oo wax kuu sheegi kara oo ku tilmaami kara oo Kartidooda iyo Daacadnimadooda leh (xulo), imisa Aqoonyahan ayay leenahay oo gudo iyo dibedba (Jooga) oo haddii dalka ka dhisayo aan lacag kaa doonayn. Madaxweynaha waxaanu leenahay Dadka la tasho, waar Golaha Wasiirrada ee Maanta jooga wax ka beddel, sidan waxba inooguma shaqaynayaan ayaanu Madaxweynaha leenahay, waxyaabaha Maanta loo baahan yahay waxa ka mid ah in Dadka la ururriyo, Rasuulku (CSW) wuxuu yidhi ‘Hoggaamiyaha mu’minka ahi waaka Dadka ururiya’ ee lagu soo ururo, khayrna malaha mid aan Dadka ururin, waa labada Sifo ee Amiirku leeyahay.” Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey, waxa kale oo uu Shirkiisa Jaraa’id ku sheegay “Madaxweyne, waxaanu ku leenahay Dadkii way soo ooteen, waa lagu bakhtiyayaa Dalka, dhaqaalaha furfur, Dawladdii kaa horraysay dhaqaaluhu wuu wareegayey, Dadku Rejo ayay ku noolaayeen, waxbaa la kala iibsanayey, waxay ahaayeen Dad wada tashanaya, waxay ahaayeen Dad waxa yar ee dalku leeyahay laba meelood Dalka ku celiya, meesha ay qaataana dalka dib wax ugu celiya ayay ahaayeen, laakiin Maanta wixiiba Madaxweyne Adiga ayay ku urureen. Hantida Ummadda leh, waxaana laga qaadaa Islaantaa indhaha la’ iyo kuwii Sandaqadaha ku jira ee Maalin walba laga duminayo iyagoon Talo loo keenin.” Sheekhu wuxuu soo jeediyey in wax laga qabto khalkhal uu sheegay inuu ka jiro dhaqaalaha Somaliland “Madaxweyne, Nidaamkii dhaqaalaha ee dalku khalkhal buu ku jiraa, haddii baahidu badatana nabadgalyada ayay waxyeelaysaa, haddii baahidu badato guryaha ayaa la isugu soo daadan doonaa, waayo? Qofna noolaan maayo, qofna Bakhtiyi maayo.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxyaabaha Amni-xumada keena ayay ka mid tahay dhaqaaluhu marka uu xumaado, rejadiina ay Shacabka ka lunto, Madaxweyne markii intii aan joogtay ay Rejadii yaraatay waxay keentay in loo hanqal taago Xamar oo la isku cunayo oo Maalin walba Qarax ka dhacayo.” Ugu dambayn, Sheekhu wuxuu Madaxweynaha u soo jeediyey inuu wax ka qabto arrimaha dhulka, isagoo xusay in dhulkii danta guud la boobay “Madaxweyne waxaanu kugula talinaynaa inaad arrintaa dhulkana wax ka qabato oo aad Adigu isku bilowdo..”ayuu yidhi. Geeska Qaran News
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyaha guutada 22-aad ee qaybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Dhexe Maxamuud Xasan Ibraahim ayaa ka warbixiyey weeraro ka dhan ah Al-Shabaab oo ay ka fuliyeen gobolka Hiiraan. Taliyaha ayaa sheegay in weerarada oo ahaa kuwa qorsheysan ay ku qaadeen saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen inta u dhexeysa degmooyinka Buula-Burde iyo Jalalaqsi. Gaashaanle Dhexe Maxamuud Xasan Ibraahim oo u warramayey warbaahinta ayaa tilmaamay in howlgalladaasi ay ku dileen illaa 7 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in hub iyo gaadiid ay ka soo furteen saldhigyada ay weerareen, sida uu hadalka u dhigay. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi ay guulaha ka sheegteen saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay kordhiyeen howlgallada ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka.
-
Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa dagaal saaka dhexmaray ciidamo kala taabacsan guddoomiyaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir iyo guddoomiyaha degaanka Garasbaalley kaasi oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh. Dagaalka oo ka dhacay bar-kantarool oo ku yaalla duleedka degmada Dayniile ayaa la sheegay in uu salka ku hayay dhul ay labada degaan isku hayaan oo lagu magacaabo Jabad-geelle. Ugu yaraan saddex askari ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen dagaalkaas halka afar kalena ay ku dhaawacmeen sida laga soo xigtay goob-joogayaal. Dagaalka ayaa la soo weriyay in uu markii dambe si iskiis ah u istaagay kadib saacado uu halkaasi ka socday balse xiisaddii labada dhinac ayaa weli aloosan PUNTLAND POST The post Dagaal dhex maray Ciidamo kala taabacsan Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
-
Laba Qof oo cusub ayaa Xanuunka Coronavirus ugu Geeriyooday Somaliland, taasoo tirada Dadka Xanuunkaa ugu Geeriyooday Gudaha Somaliland ka dhigaysa 17 Qof. Sidoo kale, waxa xanuunka laga helay 14 Qof oo cusub, taasina waxay tirada Dadka gudaha Somaliland ku sugan ee Xanuunka qaba ka dhigaysaa 217 Qof. Sidaa waxa Goor dhawayd Shaaciyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo War-bixinta Maalinlaha ah ee Xanuunka Coronavirus la wadaagay Warbaahinta. Labada Qof ee Xanuunka u dhintay ayaa ku kala sugan Magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama, sida Agaasimuhu sheegay. Qaran News
-
Dr Maxamuud Maxamed Culusoow oo soo saaray qaoraal dheer ayaa waxa uu uga hadlay musuqa ka dhalan kara doorashada dalka ku soo wajahan ee sanadka 20201 la filay inay qabsoomto waxaana sidoo kale qoraalkan uu Dr Culusoow uga hadli doonaa arrimo ay midyihiin saamileyda siyaasadda, labada gole ee baarlamaanka iyo garsoorka. Haddaba halkan ka akhriso qoraalka uu soo saaray Dr Culusoow Mas’uuliyadda diyaarinta doorashada waxay martaa 3 jaranjaro: kow, waa in dhammaan saamileyda siyaasadda (Madaxweynaha, Golaha Wasirrada, wakiillada Barlamaanka Federaalka, madaxda dowlad Goboleedyada, ururrada bulshada ra’yidka, dhaqanka, culumada, hantileyda, wakiillada Xisbiyada, iyo Khubarada aqoonta gaarka u leh nidaamka doorashada) ka wada hadlaan habka doorashada mataaladda shacabka soomaaliyeed. Qodobbada 1, 3, 8, 10, 11, 16, 18, 20, 22, 34, 46, 47, 55, 58, 60, 63, 71, 89, 91, 111(G) ee Dastuurka KMG waxay wada tilmaamaya shuruudaha asaaska u ah nidaamka doorashada soomaaliyeed. Habka diyaarinta Sharciga doorashada waxay la mid yahay habka diyaarinta dastuurka oo wuxuu ku bilowda heshiis siyaasadeed oo xaqiijinaya wadajirta, xasilloonida, sinnaanta, iyo sinnaanta ka qaybgalka siyaasadda iyo talada dalka. Waa tiir dowladeed ee asaasi ah. Labo, Barlamaanka Federaalka wuxuu ansixiya sharci ka tarjumaya heshiiska saamileyda wada gaareen iyo sharciyo kale oo Kaabaya sharciga doorashada sida sharciga Guddiga Madaxabannaan ee Doorashada Qaranka/Federaalka (GMDQ), sharciga Xisbiyada, iyo sharciga miisaaniyadda doorashada. Saddex, fulinta, u hoggaansanaanta, iyo ilaalinta garsoorka ee dhammaan sharciyada la xiriira doorashada ayaa bilaabmeysa kaddib marka Barlamaanka Federaalka ansixiyo sharciyadaas Madaxweynahana saxiixo. Jaranjaro kasta waxay u baahan tahay waqti, dadaal badan, iyo daacadnimo. Kaalinta iyo shaqada GMDQ waxay bilaameysa marka la soo saaro sharciyada doorashada oo kaamil ah. Sharciga doorashada iyo kan GMDQ ayaa xadidaya mas’uuliyadda iyo awoodda Guddiga. Maxkamadda waxay ku jirta jaranjarada 3aad, waayo khilaafaadka iyo dacwadaha Xisbiyada dhexdooda ah iyo kuwa doorashada waxaa lagu xallinaya sharciga. 2016 ayaa lagu heshiiyay in doorashada 2020 noqon doonto hal qof iyo hal cod (HQHC). Mas’uuliyadda dowladda la doortay 2017 waxay aheyd inay hoggaamiso hirgelinta nidaamka doorasho HQHC ee 3da jaranjaro maraya. Nasiib darro, ahmiyadda 1 ee dowladda federaalka wuxuu noqday hirgelinta nidaamka keliga taliska oo ka soo horjeeda nidaamka doorashada dimoqradiga ah. Mabda’a asaasiga ee nidaamka doorashada HQHC wuxuu yahay in muwaadin kasta ee Soomaaliyeed ee buuxiya shuruudaha codbixiyaha uu xaq u leeyahay, ayna tahay in fursad buuxda loo siiyo inuu si xor ah u bixiyo codkiisa, uuna doorto xubin barlamaan oo matasha. Waa dhab in Soomaaliya ka jirto duruufo adag haseyeeshe durufahaas marmarsiiyo uma noqon kara ka baaqasho gudasha xil qaran oo la mid ah difaaca dalka, iyo sugidda jiritaanka dalka. 3 sano oo wada tashi iyo wax qabad la’aan ah waa dambi qaran. Sidaa darted, waxaan cidna ka qarsooneyn in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo iyo xukuumadda uu hoggaamiyo aysan ku talagelin hirgelinta doorashada HQHC oo xalaal ah si loo adkeeyo dhismaha dowlad dimoqradi oo ka hana qaada Soomaaliya. Mar haddii arrintaas caddaatay, waxaa khalad ah in Madaxweyne Farmaajo, RW Kheyre, Barlamaanka Federaalka laga sugo xalka doorasho sharci ah ama heshiis siyaasadeed. Waxaa kaloo khalad ah in GMDQ laga sugo inuu ka hadlo ama soo bandhigo hab doorasho aan sharci barlamaan tifaftireyn horey ula kac loola daahay. Muddo kordhin waa sharci darro, waa inqilaab. Waxaa khalad ah in Barlamaanka Federaalka soomaaliyeed, gaar ahaan taagerayaasha Madasha Xisbiyada Qaranka u codeeyaan sharci aan aheyn sharci dhammaan qodobbadiisa la fulin karo. Ma bannaana in qoddobo sharciga ka mid ah lagu dhaqmo kuwa kalena lagu xadgudbo ama la iska indhatiro, ayadoo marmarsiyo laga dhiganayo duruufo aysan dastuurka, sharciga iyo maamulka dowladnimo oggoleyn. Waxaa taas ka daran in Barlamaanka Federaalka uusan ilaa maanta ansixin kaabayaasha sharci ee sharciga doorashada sida sharciga Xisbiyada oo fulintiisa u baahan tahay sannad iyo dheeri iyo sharciga miisaaniyadda doorashada oo gaareysa malaayin doolar. Waxaa khalad aheyd in aqoonyahanno badan oo aan ka mid ahaa isku mashquulinnay talojeedinno doorasho uusan tilmaameyn sharciga doorashada ee Madaxweyne Farmajo saxiixay Febraayo 2020 waayo talo waxaa loo jeediya hoggaan niyadsan, qaba rabitaan doorasho xalaal ah oo waqtigeeda ku dhacda, diyaarna u ah wada tashi iyo howl fulin degdeg ah. Talojeedin wax ma tareyso madax daacad-darro ka muuqato. Waxaa khalad ah in beesha caalamka cuskato ama xusto sharciga doorashada majaxaabinaya, burburinaya nabadda iyo dib u dhiska qaranka soomaaliyeed ee 12 sano lagu soo tacab iyo tiir beelay. Sharci waqti lumis iyo fidno abuuraya ma istaahilo taagerada beesha caalamka. Waxaa khalad ah in mucaaradka aysan caddeyn 3 arrimood: In sharciga doorashada uusan dhaqangal noqon karin 2020/2021, ayna xaaran tahay ka hadalkiisa iyo cuskashadiisa. II. In mas’uuliyadda ka gaabiska diyaarinta nidaamka doorashada HQHC ay ku kooban tahay Madaxweyne Farmaajo, Xukuumadda, iyo hoggaanka Barlamaanka Federaalka. III. In sida ku cad qodobka 60 iyo 91 ee dastuurka kmg muddada xilka Barlamaanka Federaalka ku eg tahay 26 disember 2020, muddada xilka Madaxweyne Farmaajo ku eg tahay 7 Febraayo 2021. Sidaa darted, waxaa lagama maarmaan ah inay dhacdo doorasho xalaal ah oo beesha caalamka xaqiijineyso ka hor dhammaadka muddada xilka Barlamaanka iyo Madaxweynaha ama in talada dalka lagu wareejiyo Madaxweyne iyo Xukuumad kmg ah muddo gaaban oo doorasho lagu qabanayo. Waxaa tixgelin mudan in dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland caddeeyeen mowqifkooda ay ka taagan yihiin sharciga doorashada laga hadlayo, isla markaana xireen xafiisyada GMDQ si ay u mowqifkooda u difaacan. Waxaa habbon in Aqoonyahannada soomaaliyeed aysan ku mashquulin talo doorasho kabkab ah (patch work) ama dhayid nidaam doorasho qaldan oo aan si buuxda uga tarjumeyn danta iyo mustaqbalka fog ee soomaaliya, hoggaankana u hayaan madax aysan ka muuqaan daacadnimo, dal iyo dad u turid, iyo dadaal wax qabad. Beesha caalamka oo bixisa 97% taagerada bani’aadam, socodsiinta shaqda dowladda federaalka iyo kuwa Goboleedyada, difaaca iyo ilaalinta nabadgelyada dowladda Soomaaliya, taagerada diblomaasi ayaa ku guuldareystay in Madaxweyne Farmaajo ku qanciyaan inuu ilaaliyo dastuurka kmg iyo sharciga, inuu dhawro xuquuqda iyo xorriyada muwaadiniinta soomaaliyeed, inuu ka noqdo eryidda wakiilka Xoghayaha guud, inuu Ciidammada Dowladda ka soo celiyo Jubbaland (Gobolka Gedo) kaddib markii ay dhaceen dagaallo sokeeye oo dad badan ku barakaceen, inuusan hubka iyo hantida dadweynaha u isticmaalin la dagaalka siyaasiinta ay aragtida ku kala duwan yihiin ama mucaaradka, inuu ilaaliyo xorriyada saxaafadda madaxabannaan, inuu joojiyo khilaafka kala dhexeeya madaxda dowlad Goboleedyada, isla markaana talada hoggaaminta dalka la wadaago, inuu degdeg u caddeeyo doorashada la rabo inay dhacdo Nofember 2020, inuu dhammeystiro dhammaan arrimihii muhiimka u ahaa taabbagalka dowladnimada Soomaaliya sida dhammeystirka dastuurka kmg iyo qaab dhismeedka dowladda federaalka, dhismaha ciidammada dowladda hab waafaqsan nidaamka lagu unkay shirkii London May 2017, hakinta qorshaha xaraashka ceelal shidaal, dhismaha hay’adda maamulka Garsoorka, Maxkamadda dastuurka, iyo guddiga xuquuqul insaanka, iyo Guddiga Madaxabannaan ee Nabadgelyada. Shacabka Soomaaliyeed waxay 3 sano iyo dheeri ka quustay in Madaxweyne Farmaajo la hadlo kana qanciyo arrimo badan oo saameyn ku leh aayaha Soomaaliya sida dacwada badda, xiriirka walaaltinimo ee Ethiopia, mideynta dalalka Ethiopia Soomaaliya iyo Eritrea, iyo heshiiska dowladda Soomaaliya ku heshiineyso 4 dekadood dalka, dhacdooyin muwaadiniin soomaaliyeed lagu dilay sabab la’aan, muwaadin soomaaliyeed ee si sharcidarro ah Ethiopia loogu gacangeliyay , jidadka xiran ee Muqdisho, dhaqaalaha dowladda ka heshay dibedda iyo sida loo isticmaalay, ujeedada iyo xogta xooggagga wadiyiinta inay shaqaale dowlad yihiin iyo in kale iyo cidda mushaarka siisa, waxay tahay “Nabad iyo Nolol?” iyo xeerka hoggaaminaya marka ay taagerayaan dowladda oo ka hadlayaan baraha bulshada, mowqifka uu ka qabo Ismaamulka Gobolka Benadir, iyo arrimo badan ee kale Haddii beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ku guuldareysteen in Madaxweyne Farmaajo ku qanciyaan ama ka helaan wax ka qabashada iyo ka hadalka arrimaha kor ku xusan, waxaan shaki ku jirin in arrinta doorashada ku dambeyneyso cakirnaan, marin habaabin, iyo ku takrifal. Sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan ah in lagu talagalo go’aan keligi talis oo aan heshiis lagu aheyn, sharcidarro ah, oo dalka u horseedaya qalalaase siyaasadeed iyo nabadgelyo xumo kana dhalan karto burburka dowladda dhexe ee fadhigeedu yahay caasimada Muqdisho. Waxaa lama huraan ah in Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Xisbiyada mucaaradka ( kuwa dowladda la jira kuma jiraan) iyo guud ahaan shacabka soomaaliyeed u toog hayaan, kana tabaabusheystaan in 75% ay musiibadaas suuragal tahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay wiil dhalinyaro ahaa loogu geystay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland. Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay fuliyeen kooxo burcad ah oo doonayey inay Mobile-ka gacanta ka dhacaan wiilkaasi dhalinyarad ahaa. Marxuumka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay, Cabdicasiis Farxaan Jaamac, iyadoo dadka deegaanku ay sheegeen in uu ka dhaga adeegay inuu Taleefanka dhiibo, kadibna ay Mindi ku dhufteen ragga burcada ah oo Mobile-ka horay uga sii qaatay Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxdii ka dambeysay dilka wiilkaasi dhalinyarada ah ay goobta isaga baxsatay falka kadib. Saraakiil ka tirsan Booliska Somaliland oo ka hadlay dhacdadaasi ayaa sheegay inay haatan wadaan baaritaan dheeraad ah oo ku aadan raggii ka dambeeyey dilkaasi. Dhacdadan ma’ahan mid ugub ku ah Hargeysa, waxaana mararka qaar dhibaatooyin amni darro oo dhac u badan xilliyada habeenkii ah magaaladaasi ka geysta rag burcad ah.
-
Allaah Haw Naxariistee Cabdicasiis Farxaan Jaamac, ayaa Xalay ku Dhintay Magaalada Hargeysa Ka dib Markii Dhalinyaro Shufto Ahi ay ku Damaaciyeen Mobilekiisii Gacanra. Wiilkan ayaa sida Lagu Baahiyay Baraha Bulshada lagu dilay Mindiyo. Magaaladda Hargeysa ayaa dhawrkii sanno ee u Dambeeyay ka nasatay falalka Noocan ah, Hasayeeshee ayaa ah mid abuuraysa baqdin Cusub Oo hor leh. Ciidamada Booliska ayaa U qabqabtay Falkan dhawr Qof. Source
-
Laba Qof oo cusub ayaa Xanuunka Covid_19 ugu Geeriyooday Somaliland, taasina tirada Dadka Xanuunkaa ugu Geeriyooday Somaliland ka dhigaysa 17 Qof. Sidoo kale, waxa xanuunka laga helay Xanuunka laga helay 14 Qof oo cusub, taasina waxay tirada Dadka gudaha Somaliland ku sugan ee Xanuunka qaba ka dhigaysaa 217 Qof. Sidaana waxa Goor dhawayd Shaaciyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo War-bixinta Maalinlaha ah ee Xanuunka Covid_19 la wadaagay Warbaahinta. Labada Qof ee Xanuunka u dhintay ayaa ku kala sugnaa Magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama, sida Agaasimuhu sheegay. Source
-
Guddoomiyaha deegaanka Garasbaaley, Cabdiraxmaan Axmed Cali (Garyare) oo u warramay Shabelle ayaa ka hadlay dagaal saaka ka dhacay duleedka deegaankaasi. Garyare ayaa marka hore beeniyey in dagaalka ay ka qeyb qaateen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Garasbaaley, kadib markii wararkaasi lagu baahiyey baraha bulshada. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaalka uu ka dhacay meel ka baxsan Garasbaaley oo ah agagaarka deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii ciidan ka amar-qaata guddoomiyaha Dayniile, Maxamed Abuukar Jacfar ay howlo burburin ah ka bilaabeen halkaasi, kadibna ay isku dhaceen askar kale oo ka soo horjeeday burburintaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintay illaa saddex askari, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga oo ku aadan iska hor imaadkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka guddoomiyaha deegaanka Garasbaaley. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Gudoomiyaha-garsbaaley-.mp3 View the full article
-
GALK’AYO (PP News Desk) — Galmudug State Security Minister Ahmed Moalim Fiqi has witnessed the process of integrating South Galka’yon clan militias into Galmudug State security forces. Minister Fiqi has facilitated the transfer of more than sixty fighters and five technicals from Saax Qurun village to Dhuusamareeb, the administrative capital of Galmudug State. Ahmed Fiqi: Militias will undergo a training before being absorbed into Galmudug security forces Fiqi said that militias would undergo a training before being integrated into Galmudug Dervish Forces. Galmudug Security Minister thanked senior officials of Somali Armed Forces particularly Danab commandos for their role in maintaining security in Galmudug State. Danab Commandos disarmed South Galka’yo clan militias On Sunday organised clan militias attempted to release a businessman whom Danab commandos had taken into custody over alleged links with Al-shabaab. Intervention of elders in South Galka’yo led to negotiations that culminated in the surrender of clan militias on terms set out by Galmudug State. © Puntland Post, 2020 The post GALMUDUG ABSORBS CLAN MILITIAS INTO SECURITY FORCES appeared first on Puntland Post.
-
https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/05/Fayadhowr.mp4 Source: goobjoog.com
-
(SLT-Dubai)-Dawladda UAE ayaa la sheegay inay aad uga cadhootay qoraalo uu twitterkiisa ku baahiyay wakiilkii hore ee Somaliland Mr. Xasan Hirad Yaasiin Cabsiiye oo uu eeddo ugu jeediyay qaar ka mid ah madaxda dalka Imaaraadka Carabta. Wakiilkan oo uu Madaxweyne Biixi xilka ka qaaday bishii March ee sannadkii hore ee 2019, ayaa weli degen dalka UAE. Qoraalada uu twitterka ku baahiyay wuxuu Mr. Cabsiiye ku dhaliilay oo uu eeddo ugu jeediyay dawladda Imaaraadka Carabta inuu qawadsanyahay caawimada ay siiyaan dawladda Somaliland, isagoo ku eedeeyay inaanay fulin balanqaadyadii ay hore u sameeyeen oo ay ka mid ahaayeen sida uu sheegay inay UAE cisbitaal ka dhisto Berbera, kaas oo aan weli la dhisin, “Halka nin Imaaraati ahi cisbitaal uu gaar u leeyahay malaayiin dollar lagu bixiyay.” Ayuu yidhi. Waxa kale oo uu eeddo u jeediyay barnaamij dhawaanahan ka hirgalay Hargeysa oo uu nin Imaaraadka u dhashay taageero dhaqaale ku siiyay qoysas baahan oo ku sugan Hargeysa, waxaanu sheegay inuu barnaamijkaasi yahay mid musuqmaasuq oo been abuur ah. Wuxuu wakiilkan hore sheegay in isaga iyo qoyskiisa oo haysta dhalashada dalka Kanada ay farriimo hanjabaad ah ka heleen rag ka tirsan dawladda UAE oo aanu magacaabin. Dawladda UAE ayaa la sheegay inay la soo xidhiidhay dawladda Somaliland, iyadoo wax ka weydiisay farriimaha uu wakiilkan hore ee Somaliland baahinayo iyo inay la ogtahay dawladda Somaliland. Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaal ahi, Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa qoraal ay si gaar ah ugu dirtay dawladda UAE waxay raaligelin rasmi ah kaga bixisay qoraalada uu wakilkaas hore ku baahiyay bartiisa twitterka. Qoraal kale oo ay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ku baahisay twitterkeeda, oo ku qoran luuqadda Carabiga waxay ku sheegtay inaanu wakiilkas hore metelin dawladda iyo shacabka Somaliland, islamarkaana ay raaligen ka bixinayso farriimahaas oo ay sheegtay inay meel ka dhac ku yihiin nidaamka diblomaasiyadda. Wakiilkan hore ayuu Madaxweyne Biixi magacaabay markii loo doortay hoggaanka Somaliland, waxaanu markaas degenaa dalka UAE, isagoon ka tirsanayn wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland. Somaliland ayaa waxay wakiiladeeda dibadda u magacowdaa qaab ka duwan dunida, waxaana ay dunidu inta badan wakiilada dibadda u metela kala soo dhex badaa wasaaradda arrimaha dibadda, halka Somaliland ay wakiiladeeda ku magacowdo qaab suuqa laga soo xusho. Source
-
Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland ayaa sheegtay in saacadihii la soo dhaafay deegaannadooda ay xanuunka Coronavirus ugu geeriyoodeen 2 ruux oo la xanuunsanayay fayraskan, waxaana sidoo kale maanta kiisas cusub oo COVID-19 ah laga helay deegaannadaasi. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland oo soo saaratay warbixinta maalin laha ah ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay 14 qof oo cusub uu cudurka soo ritay, iyada oo sidoo kale shaacisay in guud ahaan ay xanuunka ka bogsadeen 21 iyadoo guud ahaan ay xanuunka u geeriyoodeen 17. Guud ahaan Soomaaliland waxaa cudurkan kiisaska laga helay ay gaarayaan 217 kiis. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shirka joogtada ee guddiga la tacaalidda Covid 19 oo R/wasaare Xasan Cali Kheeyre guddoomiyay ayaa diiradda lagu saaray sidii sare loogu qaadi lahaa awoodda sheybaarka Qaranka, si ay u suurto gasho kordginta tirada dadka la baarayo ee gobollada dalka. Intiisa badan waxaa shirkaan diirada lagu saaray hal qodob oo ahaa sidii sare loogu qaadi lahaa awoodda sheybaarka, si ay u suurto gasho kordginta tirada dadka la baarayo. “Shirka joogtada ee Guddiga Qaran ee la tacaalidda safmarka COVID19 oo uu Ra’iisul Waaaare Hassan Ali Khairere guddoomiyay caawa ayaa diiradda lagu saaray sidii sare loogu qaadi lahaa awoodda sheybaarka Qaranka, si ay u suurto gasho kordginta tirada dadka la baarayo ee gobollada dalka.” ayaa lagu qoraal ka soo baxay xafiiska r/Wasaare Khayre. Sidoo kale xubnaha guddiga la tacaalida Coronavirus ayaa soo jeediyey in deg-deg howshaas loo guda galo, si adeegyada sheybaarka loo gaarsiiyo meel badan oo dalka ah. Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada uu fara ba’an ku hayo cudurka safmarka ah ee Covid-19 ee saameeyey caalamka, waxaana saacadihii ugu dambeeyey dalka laga diiwaan-geliyey illaa 95 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha ka dhigeysa 1,689 ruux. View the full article
-
(SLT-Tel Aviva)-Website-yo laga jabsaday ee Israa’iil, weeraro internet-ka oo laga soo wariyay Iran iyo dagaalka Twitter-ka ee hogaankooda u dhaxeeya: Cadaawadda u dhaxeysay labadan dal ee si weyn u xifaaltama ayaa ka holcaysa Online-ka. Falaadhihii ugu dambeeyay ee ay is-weydaarsadeen Israa’iil iyo Iran waxay ku beegmeen 20 sanno guuradii kasoo wareegtay markii ciidanka Israa’iil ay ka baxeen koourta Lubnaan, taasi oo ay ku khasabeen maleeshiyaadka Iran ay taageerto ee Xisbullah. Iyadoo Israa’iil ay u dabaal degeeyso markii ay qabsatay qaybta bari ee magaaladda barakeysan ee Qudus sanadkii 1967, Iran waa ay xuseysaa maalinkas waxayna ku xuseysaa Falastiiniyiinta iyo isku xidhka muslimiinta iyo sidoo kale Yahuud nacayb. “Waan taageeri doonaa waana caawin doonaa maamul kasta iyo koox kasta oo la dagaalamaysa rajiimka Yahuudda,” waxaa sidaas Twitter-ka ku qoray hogaamiyaha Iran Ayatollah Ali Khamenei. Waxaa uu ku baaqay in la difaaco dadka Falastiin iyo in xilka laga tuuro Ra’iisul Wasaaare Benjamin Netanyahu. Ra’iisul Wasaaraha Israe ayaa Khamanei Twitter ka ugu jawaabay. “ Waa in uu ogaadaa in rajiim walba oo Israa’iil ugu goodiya xasuuq uu naga heli doono khatar la mid ah,” yuu qoray Netanyahu. Weeraro internet-ka ah Subax kadib markii hogaamiyeyaashu Twitter-ka isku hardiyeen, Israa’iil waxay kusoo kacday weerar Internet-ka ah oo lagu beegsaday website-yo, ganacsi, dowladaha hoose, iyo NGO iyadoo ay la socotay farriin ku qoran luuqadaha Hebrew iyo English oo sheegeysa in “bur-burinta Israa’iil ay bilaabatay muddo ka hor.” Weerarkaas waxaa la socday muuqaal muujinaya Caasimadda dhaqaalaha Israa’iil ee Tel Aviv oo gubaneysa waxaana ku dul qornaa “ u diyaar garooba layaab weyn” Ma jirto faah-faahin laga helay kooxda weerarka sheegatay oo magacooda ku sheegay “Hackers of Saviour”. Horraantii todobaadkaan, Washington Post ayaa werisay in Israel ay qaaday weerar ka dhan ah dekadda Iran ee Shahid Rajae oo ku taalla marinka Hormuz oo muhiim u ah isu socodka saliidda caalamka. Weerarkaasi waxaa la aaminsan yahay in uu aargoosi u ahaa weerar lagu qaaday warshadaha biyaha Israel. Mas’uuliyiinta Israel ma aysan xaqiijin labada weerar midkoodna, hase yeeshee waxay ogolaadeen in tuhunka uu sii jiitamo. “Canaasiirta Iran waxay noo soo dirayaan unugyo dhan kasta naga qabsada,” waxaa sidaas yidhi wasiirka difaaca Israel ee xilka ka degay toddobaadkii tegay Naftali Bennett. “Waa inaan sare u qaadno cadaadiska diblomaasiyadeed, midka dhaqaale, kan militari iyo midka teknoolaji, islamarkaana ka fal-celinaa dhan kasta,” ayuu yidhi. Maalinkii ku xigay, madaxa ciidamada Israa’iil Aviv Kahovi ayaa yidhi “waxaan diyaarineynaa habab kala duwan oo gaar ah iyo xeelado dagaal oo aan maskax ahaan ku dhaawacno cadowga.” Iran iyo Israa’iil, oo ah labada dal ee isugu neceb bariga dhexe weli kuma dhiirin dagaal hubeysan oo toos ah, waxayse hadda ku dagaalamayaan teknoolajiyadda, labadooduna aad ayay ugu wanaagsan yihiin. Source
-
Marxuumka xalay lagu dilay Hargeysa Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa sheegaya in halkaasi ay xalay dil ka gaysteen kooxo Burcad ah oo abaabulan sida laga soo xigtay Booliiska Somaliland. Kooxaha Burcadka ah oo mindiyo ku hubaysnaa ayaa xaafad ka tirsan Hargeysa waxay ku dileen nin dhalinyaro ah oo magaciisa lagu sheegay Cabdicasiis Farxaan Jaamac sida ay ku warrantay warbaahinta Somaliland oo xiganaysa saraakiil Booliis ah. Marxuumka ayaa kooxdaasi ku dileen mindi kadib markii sida la sheegay uu isku adkeeyay mobile ay doonayeen in ay ka furtaan waxaana markiiba halkaasi ku geeriyooday marxuumka. Kooxdii Burcadka ahaa ee dilka gaystay ayaan weli gacanta lagu dhigin waxaana haatan socda hawlgal ay Booliiska ku baadi-goobayaan kooxdaasi. PUNTLAND POST The post Dil Xalay ka dhacay magaalada Hargeysa appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Washington)-Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay tijaabooyinka lagu waday dawada malaariyada ee hydroxychloroquine in lagu daweyn karo Coronavirus iyo inkale si ku meel gaadh ah in loo joojiyey sababa la xidhiidha badqabka dawadaasi awgeed. Hay’adda WHO waxay Isniintii sheegtay waddama dhowr ah iney tijaabooyinki ay wadeen ‘si ku meel gaadh ahna’ loo joojiyey. Go’aanka WHO ayaa imanaya kaddib marki daraasad dhawaan la sameeyey ay ku talabixisay dawadaasi iney khatar dhimasho ku sii kordhinesyo bukaannada uu soo ritay Covid-19. Madaxweyne Donald Trump ayaa isna sheegay inuu dawada uu isticmaalay si uu uga hortago faayraska corona. Madaxweynaha Mareykanka ayaa marar badan ka dhawaajiyey dawada lagaga hortago cudurka malaariyada in cudurka Corona lagu daweyn karo, balse talooyinka iyo digniinaha ay soo jeedinayaan khubarada caafimaadka waxay ku sheegeen daawadaasi iney khatar dhinaca wadnaha ay keeneyso. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal saaka ka dhacay duleedka degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan ciidan ka amar-qaata guddoomiyaha degmada Dayniile, Maxamed Abuukar Jacfar oo howlo burbirin ka bilaabay halkaaasi iyo askar kale oo ka soo horjeeday burburintaasi, kana yimid, sida la sheegay dhinaca degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalka dhex-mara labada ciidan ku dhintay ugu yaraan illaa saddex askari, iyadoona ay ku dhaawacmeen afar kale. Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dagaalkaasi, balse wararka qaar ayaa sheegaya in la’isku hayo arrimo la xiriira dhul ku yaalla halkaasi. Xaaladda ayaa haatan yare degan, hase’ahaatee ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan iska hor imaadkaasi.
-
Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee aqalka sare Abshir Maxamed Axmed oo shalay ka hadlay kulankii ay yeesheen guddiga joogtada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya ayaa waxa uu sharraxaad ka bixiyay waxyaabaha la qaban doono muddada u dhaxeysa xilliga uu furmayo kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka iyo waqtiga guddiga madaxbannaan ee doorashooyinka qaranka ay hortagayaan xildhibaanada. Guddiga joogtada ayaa isku raacay in 06-06-2020 uu furmo kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka halka guddiga madaxbannaan ee doorashooyinkana ay hor imaan doonaan golaha 27-06-2020, waxaana arrintaan su aalo ka keenay qaar ka mid ah xildhibaanada iyaga oo ku dooday waxa la qabanayo muddadaas balse guddoomiye Abshir ayaa sheegay in guddiga doorashooyinka aysan u yeeri Karin iyaga oo aysan u diyaarsanayn 4-tii qodob ee loo diray inay soo gudbiyaan guddiga isku dhafka ah ee labada aqal kuwaas oo uu guddoomiyuhu sheegay in qodobadaas qaarkood ay wali guddiga xal u la’yihiin. “In guddigii isku dhafka ahaa 4-tii qodob ee loo xilsaaray oo baarlamaanku ansixiyay in loo gudbiyo iyadoo diyaar ah guddiga uma yeeri karno hadii aysan intaas noo diyaarsanayn si taas loo diyaariyo 4-ta qodob oo loo diray guddiga isku dhafka ah ee baarlamaanka waa 4-qodob oo xasaasi ah o oculus oo ilaa maanta aan dareemayo in qaar ka mid ah ay xal u heli la’yihiin” ayuu yiri guddoomiye Abshir. Dhanka kale guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee aqalka ayaa xildhibaanada u sheegay inay dalban doonaan waqti marka la horkeeno qodobada ay keeni doonaan guddiga isku dhafka ah ee diyaarinta iyo dhameystirka xeerarka doorashooyinka qaranka isaga oo cuskaday inay aad u adagtahay asteynta kuraasta waxa uuna intaas ku daray guddoomiye Abshir in xildhibaanada ay geli doonaan dood adag. “Waxaan hubaa markii baarlamaanka la furo 6-da bisha Juun oo la idiin keeno qodobada qodobka ugu horeeya in ay idinku qaadan doonto saddex beri afar beri sababtoo ah waxaan ognahay asteynta kuraasta doodeedu sida ay u culustahay waad ogtihiin laakiin qofkasta oo idinka mid ah waa diidi doonaa aragti cusubna waa keeni doonaa , qoondada haweenka sida la yeeli doono iyo matalaada Muqdisho doodda ka taagan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Guddiga joogtada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay waxa ay go’aamiyeen in kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka dalka uu si toos ah u furmo 06-06-2020 islamarkaana 27-06-2020 ay baarlamaanka Soomaaliya hor yimaadaan guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Amniga dowlad goboleedka GalmudugGalmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa shalay lagu wareejiya dhammaan gaadiid dagaal oo ay wateen maleeshiyo beeleed maalmo ka hor weerartay xarunta Ciidanka DANAB ee koonfurta Gaalkacyo. In ka badan 60 malayshiyo iyo 5 gaadiidka dagaalka ah oo ay wateen ayaa isla xalay wasiir Fiqi geeyay magaalada Dhuusamareeb kadib markii uu ka kexeeyay tuulada Saax Qurun ee gobolka Mudug. Wasiir Fiqi ayaa sheegtay in malayshiyaadka iyo hubkooda la qarameyn doono si ay uga mid noqdaan ciidamada Daraawiishta Galmudug islamarkaana wixii haatan ka dambeeya ay ciidan dowlo noqon doonaan. Wasiirka Amniga Galmudug ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay taliska saraakiisha iyo ciidamada dowladda federaalka ee DANAB oo qayb ka ah sugidda Amniga Galmudug. PUNTLAND POST The post Galmudug oo qaramaysay malayshiyaad dhowaan dagaal ka riday Koonfurta Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.