-
Content Count
212,225 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Onlin) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dacwad ka dhan wakiilkii hore ee Somaliland, Xasan Hirad Yaasiin Cabsiiye u gudbisay xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi. Imaaraadka ayaa si weyn uga carootay qoraal uu Xasan Cabsiiye ku baahiyey bartiisa twitter-ka, kaasi oo ku dhaliilayey deeqaha ay dowladda Imaaraadku geyso deegaanada Somaliland. Xasan Cabsiiye ayaa qoraalkiisa eedeyn ugu jeediyey madaxda dalka Imaaraadka Carabta, maadama uu sheegay inaysan fulin balan-qaadyo ay hore ugu sameeyeen Somaliland. Isagoona si gaar ah u xusay in Imaaraadku uusan fulin balan-qaad uu ku sheegay inay ku dhisayeen Isbitaal weyn oo ay yeelato magaalada Berbera, halka ay Malaayiin doolar ku bixiyeen mid gaar ay u leeyihiin, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale waxa uu Xasan Cabsiiye si weyn uga horyimid barnaamij mucaawino ahaa oo uu dhawaan Nin u dhashay Imaaraadku uu ka fuliyay gudaha Somaliland, kaasi oo dhaqaale lagu siiyey qoysas baahan oo ku sugnaa magaalada Hargeysa. Wuxuuna ku sheegay barnaamijkaasi mid musuq-maasuq ahaa, isagoona ku tilmaamay mid been abuur ah oo lagu indho sarcaadayey bulshada. Dowladda Imaaraadka ayaa ka gubatay eedeymaha uu wakiilkaasi hore u jeediyay, iyada oo Madaxda sare ee Somaliland wax kasoo weydiisay inay arrinkaasi kala socdaan wakiilkoodii hore. Imaaraadka ayaa Somaliland ka dalbay inay cadeeyaan inaysan wax lug ah ku laheyn eedeymaha uu baraha bulshada ku baahiyay Xasan Cabsiiye oo Madaxweynaha Somaliland uu xilkaasi ka cayriyay bishii March ee sanadkii hore ee 2019-ka. Xasan Cabsiiye oo isagana wax laga weydiiyay arrinkaasi, ayaa sheegay inuu la kulmay hanjabaado kala duwan oo uga imaanaya shaqsiyaad uu sheegay inuu aqoonsan waayey, balse uu la xiriiriyey dowlada Imaaraadka oo iyadu si weyn uga carootay eedeymihiisa. Wasaarada arrimaha dibedda ee Somaliland, ayaa qoraal ay iskaga fogeynayso eedeymaha wakiilkeedii hore u dirtay dowladda Imaaraadka, iyadoona ka raali-gelisay arrinkaasi, sida ay ilo xogagaal ah u xaqiijiyeen Caasimada Online. Sida ay ogaatay Caasimada Online, xiisada ka dhex oogan dowladda Imaaraadka iyo Xasan Cabsiiye ayaa ka horeysay eedeymaha uu ku baahiyay bartiisa twitterka, iyadoo la rumeysan yahay intuu xilka hayey inuusan la dhacsaneyn dhaq-dhaqaaqyada Imaaraadka ee gudaha Somaliland. Xasan Cabsiiye ayaa xilkii uu hore ugu hayey dowladda Somaliland ku waayey xiisada kala dhaxeysa Imaaraadka, oo dhawaan si cad usoo if-baxday.
-
Ka warran haddii ay Hillary Clinton noqon lahayd madaxweynaha Mareykanka? Hillary Clinton waxay sanadkii 2016 ku dhawaatay in loo doorto madaxweynaha Mareykanka Buugga loogu magac daray Rodham wuxuu male’awaalayaa duni u dhow mid run ah oo wax kastana ay sidan ka duwanaan lahaayeen. Male’awaalka xiisaha leh ma nagu caawin karaa inaan dhisno ‘mustaqbal habboon’ ayey tiri Caryn James, oo ah wariye u dhalatay Mareykanka oo dhaleeceysa filimada. Sanadkii 2016-kii, shacabka Mareykanka waxay ku dhawaadeen inay madaxweyne u doortaan Hillary Clinton, dadka reer Britain iyaguna waxay ku sigteen inay diidaan ka bixitaanka Midowga Yurub. Bal ka warran haddii ay arrimahaas u dhici lahaayeen si ka duwan sidii ay u dhaceen? Qorayaasha mid ka mid ah buugaagtii ugu wanaagsanaa waayadan iyo barnaamijyo ka baxa telefishinnada ayaa sameeyay duni male’awaal ah oo ku dhisan jumladda “ka warran haddii ay sidaas dhici lahayd”. Curtis Sittenfeld, oo ah qoraa u dhalatay dalka Mareykanka ayaa sameysay buug ay ku magacowday Rodhan – oo dad badan ay ku xirmeen – waxayna uga warrameysaa sida ay Hillary Rodham nolosheeda u ekaan lahayd haddii aysan guursan lahayn Bill Clinton. (Waxyaabaha durba la fahmayo waxaa ka mid ah: in xirfaddeeda hammigeeda siyaasadeed uu billaaban lahaa xilli ka horreeya waqtigii uu billowday, maadaama uu seygeeda siyaasi ahaa.) Buugga waxaa lagu sharraxay qaabkii ay nolosha Hillary noqon lahayd haddii aysan guursan lahayn Bill Clinton Shirkadda uu leeyahay ninka ku xeel dheer allifaadda male’awaalka filimada, ee lagu magacaabo William Gibson, ayaa ka qeyb qaadatay diyaarinta Duni ay madaxweyne ka tahay Hillary Clinton, oo sidoo kale Britain aysan ka bixin Midowga Yurub. Qeybta ugu horreysa ee Filimkaas siyaasadeed ee male’awaalka ah, oo lagu magacaabay “The Good Fight=Dagaalka Wanaagsan” ayaa ka baxday telefishinka CBS, waxaana diiradda lagu saaray Hillary Clinton oo madaxweyne ah. Qaabka sheegada loo sameeyay aad baa loo jecleystay ilaa dhammaadka. Waxyaabo kale ayaa male’awaal noocaas ah laga sameeyay. Musalsalka AppleTV+ ee lagu soo qaato wax kasta oo ay bani’aadanka male’awaal ka dhigtaan ayaa isagana lagu eegay waxa dhici lahaa haddii uu Ruushka dayaxa geyn lahaa nin, kaddibna haweeney, ka hor inta uusan sidaas sameynin Mareykanka. Madaxweynihii Mareykanka, ee lagu magacaabi jiray Richard Nixon, oo lagu yaqaannay inuusan wax dan ah ka yeelanin xuquuqda haweenka ayaa dalbaday in sidaas la sameeyo, oo ragga iyo dumarka loo wada diro dayaxa. Akhristeyaasha iyo daawadeyaasha waxaa suurtagal ah inay ku caajiseen waxyaabaha male’awaalka ah, gaar ahaan marka ay u jeedaan xaqiiqda. Laakiin barnaamijyadan cusub waxay dareensiinayaan rajo fiican oo dhici karta. Waliba waxay kusoo aadeen xilli uu cudur safmar ah ka jiro caalamka oo inta badan guryaha la joogo, fursad wax kasta lagu daawadana la heysto. Musalsalka lagu magacaabay “For All Mankind” wuxuu male’awaalayaa duni ka duwan tan hadda jirta, oo imagines an alternative, female-friendly history of the space race Sidaas darteed dadku waxay ka fikirayaan xiisaha ay yeelan lahayd duni ka duwan sida ay hadda tahay. Horayba way jireen waxyaabo lagu fikiri jiray sida ay xaaladdu noqon lahayd haddii aysan dhici lahayn. Waxaa tusaale fiican ah Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Filim ay shirkadda HBO sameysay, oo lagu magacaabo “Qorshihii ka dhanka ahaa Mareykanka”, ayaa lagu daawaday Charles Lindbergh oo madaxweyne ka ah Mareykanka. Filim kale oo musalsal ah, oo laga heli karo Amazon ayaa isagana lagu jilay Yuhuudda Mareykanka ah oo sannadihii 1970-meeyadii ugaarsanaya Naaziyiintii xasuuqay. Hase yeeshee, arrinta ku saabsan 2016-kii waxay ka xiiso badan tahay dhammaan waxyaabaha kale, sababtna waxaa laga yaabaa inay tahay maadaama madaxweynenimada Hillary iyo kusii jiritaanka UK ee Midowga Yurub ay ahaayeen arrimo aad ugu sigtay inay si dhab ah u dhacaan. Xalaqo ka mid ah filimka “The Good Fight” waxaa lagu male’awaalayaa Hillary Clinton oo madaxweyne noqotay Dhacdooyinkan u dhawaaday runta ee laga sameeyay male’awaalka xiisaha badan ma aha kuwo ay suurtagal tahay inay si fudud u rumoobaan. Laakiin haddii ay xitaa dhici lahaayeen, waxaa jiro waxyaabo badan oo aysan ka baddali kari lahayn dunida hadda jirta, sida lagu caddeeyay filimada matalaadda ah. Madaxweynaha male’awaalka ah ee filimka lagu matalay, oo loola jeedo Mrs Clinton, awood uma aysan yeelanin inay nabad kusoo celiso gobolka Bariga Dhexe. Balse waxyaabo kale oo waaweyn ayaa ugu hirgalay sida ka muuqata filimka khiyaaliga ah. Waxaa ka mid ah in maamulka ay madaxweynaha ka tahay Hillary uu daawo u helay cudurka kansarka. Haddaba markii dib loogu soo laabto dunida runta ah, dhammaan taariikhahaas khiyaaliga ah awood uma laha inay dib waqtiga u celiyaan, oo ay mar kale isasaxaan. Kama hortagi karaan inuu dillaaco fayraska hadda dunida oo dhan ku faafay, dibna uma celin karaan ka bixitaanka UK ay macsalaameysay Midowga Yurub. Balse waxaa laga yaabaa in ay fikrad naga siiyaan sameynta mustaqbal ka wanaagsan sidii hore. Qaran News
-
Dawladda Sacuudiga oo khafiifisay Bandowgii ka dhashay cudurka Coronavirus+Go’aan ka soo baxay Xajka & Cumrada 2020 Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday inay xanibaada ka qaadayso inta badan magaalooyinka dalkaas, gaar ahaan magaalooyinka barakeysan ee Maka iyo Madiina. Amar kasoo baxay Boqor Salman Bin Cabdicasiis la faray in bandowga laga qaado magaalooyinka barakeysan ee Maka iyo Madiina dabayaaqada bisha soo socota ee June sida ay baahisay Wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA Boqorka ayaa sheegay in dadka loo furi doono masaajidda si ay ugu cibaadeystaan. Wixii ka dambeeya 31-ka bishan ayuu Boqorku amray in la fasaxo gaadiidka gudaha Sacuudiga ka shaqeeya, sidoo kalena 21-ka June waxaa si rasmi ah bandowga looga qaadi doonaa magaalooyinka Maka iyo Madiina. Warkan kasoo baxay boqortooyada waxaa lagu sheegay inaan la fasixi doonin Xajka iyo Cumrada sanadkan, sababo la xariira cabsi laga qabo inuu faafo xanuunka dilaaga ah ee Coronavirus. Sharciyada kala fogaanshaha bulshadda iyo inay mamnuuc tahay in kontomeeyo ruux meel iskugu timaado ayaa sidooda sii ahaan doona, sida warkan lagu sheegay. Dad kor u dhaafaya 75 kun oo qofood ayaa gudaha Sacuudiga laga helay xanuunka COVID-19, halka qiyaastii 400 oo kalena ay ku geeriyoodeen cudurkan. Halkan hoose ka akhri warkan oo intaa ka faahfaahsan:- Dowladda Sacuudiga Oo Bandowgii Khafiifisay! Jeddah Ka Dib, Bandowgii Kaamilka Ahaa Ee Ayaamaha Ciidda Soonfurka Iyo Bandowgii Labadii Bilood Ee Lasoo Dhaafay, Ayaa Dowladda Sacuudiga Sheegtay Inay Bandowgii Khafiifinayso Ka Dib Markii Wasaaradda Caafimaadka Laga Qaatay Talooyinka Kahortagga Cudurka Koofid-19 Kolkaa Bandowgii Waxaa Loo Khafiifinayaa Heerarka Soo Socda:- 1. Maalinta Khamiista Soo Socota Bisha Shawaal Ahna 05/10/1441H Ilaa 07/10/1441H = 28 May 2020 Ilaa 30 May 2020, Fasaxa Wuxuu Bilaabanaya 06:00 AM Subaxnimo Ilaa 03:00 PM Duhurnimo, Taasoo Ah Wixii Muhiim Iyadoo La Tixgelinayo Kala Fogaanshaha Waana Magaalooyinka Waddanka Sacuudiga Oo Dhan Aanan Ku Jirin Magaalada Barakaysan Ee Makkah Al-Mukarramah Iyo Xaafadaha Horey Loo Sii Sheegay 2. Maalinta Bisha Shawaal 08/10/1441H Ilaa 29/10/1441H = 31 May 2020 Ilaa 21 June 2020 Fasaxa Wuxuu Bilaabanayaa 06:00 AM Subaxnimo Ilaa 08:00 PM Fiidnimo, Waxaana La Fasaxay Shaqooyinka Dowladda Iyo Kuwa Gaar Ah, Iyadoo La Tixgelinayo Kala Fogaanshaha Si Aan Cudurku U Faafin Iyo In La Oogo Salaadda Jumcaha Ah Iyo Salaad Wadareedka Iyadoo Shuruudu Tahay Kala Fogaanshaha Iyo Sidoo Kale Waxaa La Fasaxay Isu Gooshidda Dhulka Ee Magaalooyinka Waddanka Iyo Safarka Cirka Ee Gudaha Dalka Sacuudiga, In La Samaysan Karo Jimicsiga Jirdhiska Socodka Iyo Ruclaynta (Daily Exercise) Meelaha Loogu Talagalay Iyo Tegidda Naadiyadda Isbortiga, Fasaxa Furitaanka Nashaadhka Gannacsiga Iyo Dhaqaalaha Magaalooyinka Dalka Sacuudiga Oo Aan Ku Jirin Magaalada Barakaysan Ee Makkah Al-Mukarramah Iyo Xaafadaha Horey Loo Sii Shaaciyey Iyadoo La Tixgelinayo Kala Fogaanshaha 3. Maalinta Bisha Shawaal 29/10/1441H = 21 June 2020, Bandowgii Ayaa La Qaadayaa Noloshii Ayaa Caadi Ahaan Loo Soo Celinayaa Iyadoo Lays Faray Inayan Kulmi Karin 50 Qafood Wax Ka Badan. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Caasimada Online in wakiilo ka socday beesha Habar-gidir ay gaari aan xabada iyo qaraxyadu karin ku wareejiyeen Janaraal Cali Xirsi Barre Cali Gaab, oo laba jeer ka badbaaday qaraxyo lala beegsaday. Gaariga ayaa la sheegay in uusan aheyn hanti dowladeed balse ay si shaqsi ah ugu soo iibiyeen ehelkiisa, si ay ugu dadaalaan bad qabkiisa maadaama uu halis ugu jiro weeraro ku socda. Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in isbadal lagu sameyn doono ilaalada Cali Gaab maadaama inta ugu badan ay dhaawacyo qabaan. Si rasmi ah looma oga cida beegsaneysa Cali Gaab laakiin waxaa la aaminsan yahay in aysan aheyn Al-Shabaab oo kaliya. Wax ka yar toban maalmood gudahood ayaa laba jeer Cali Gaab uu ka bad-baaday qarayxo lagu dili lahaa, waxaana jira shaki ku saabsan in dad isaga ku dhow oo wax ka og dhaq-dhaqaaqiisa ay bixinayaan xogtiisa. Genaraal Cali Xirsi Barre Cali Gaab, waxa uu ku jiraa saraakiisha fara ku tiriska ah ee ka haray ciidamadii hore ee Soomaaliya, sidoo kale waa nin shaqo oo qeybo badan oo booliska Soomaaliya ah ka soo shaqeeyay. Xubno kamid ah ehalada Cali Gaab ayaa noo sheegay in gaari Baruuf ah looga dalbay dowladda balse ay noqotay mid aan mira dhalin taasina ay sababtay in beeshiisa ay si deg deg ah ugu soo iibiyaan gaari aan xabadda karin.
-
Xasaasi:Xukumada Farmaajo oo lacag ku bixineysa xiisada ka aloosan Puntland+Siciid Deni oo sida Fiinta uga qayliyey…. Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay warbaahintu ayaa sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay lacag badan ku bixineyso khilaafka iyo bur-burinta maamulka Puntland. Dhowaan ayaa Madaxweyne Puntland Saciid Cabdullaahi Deni waxa uu sheegay in dowladda federaalka ah ay dhibaato iyo faro-gelin ku hayso arrimaha Puntland, waxaana dhaliishiisa ay gaadhay heer uu si dadban ugu eedeeyo qaraxyo ka dhacay Puntland. Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale dhawaan BBC-da ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay bilaawday iney la macaamisho dadka hoose ee Puntland, sida odayaasha, ganacsatada iyo siyaasiinta halkii ay aheyd iney maamulka la shaqeyso. Warbaahinta ayaa ogaatay in guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Dhooba-daareed uu dowladda Soomaaliya wakiil uga yahay abaabulka kacdoon ka dhan ah Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Sidoo kale waxaa arintaan qeyb ka ah Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo hadda khilaaf culus kala dhaxeeyo Deni, ganacsato, odayaal iyo siyaasiin kale. Ujeedka ugu weyn oo ay dowladda Soomaaliya arintaan ka leedahay ayaa lagu sheegay in la fashilo Madaxweyne Deni si loogu eedeeyo inuu isku wadi waayay Puntland kadibna la gaadhsiiyo baarlamaanka si ay Kalsoonida ugala noqdaan. Dowladda federaalka ayaa sidan oo kale waxay madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland Cabdixakiim Camey ugu kicisay madaxweyne Cabdiweli Gaas, kadibna ku abaal-marisay xilka safiirka Soomaaliya ee Itoobiya. Qaran News
-
Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga ayaa ayaa mar kale ku celiyay taageerada wadankiisu uu u fidinayo Falastiin iyadoo dunida Muslimku ay u dabaal degeeysay munaasabadda Ciiddul Fidriga. “Ma ogaan doono in dhulka Falastiin cid kale la siiyo,” ayuu Recep Tayyip Erdogan ku yiri farriin muuqaal ah oo uu ku daabacay Twitter-ka. “Waxaan jeclaan lahaa in aan ku celiyo oo wacad ku maro in magaaladda Qudus, oo meel barakeysan u ah sedax diimood, ahna qibladeenii ugu horeysay ay qad cas u tahay dunida muslimka ah,” ayuu yiri Erdogan. Waxaa uu hadalkiisa ku daray “waa ay caddahay in dunidu ku guul darreysatay in ay soo saarto cadaalad, nabad, amni iyo kala dambeyn.” “Todobaadkii lasoo dhaafay waxaan marqaati ka ahayn dhul qabsi iyo dhul goosi cusub, taasi oo aan tixgelineyn Madaxbanaanida Falastiin iyo xeerka caalamiga ah ayna fulineyso Israel.” Israel waxa ay sheegtay in ay goosan doonto qaybo ka mid ah daanta Galbeed 1-da July, sida ay ku heshiiyeen Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu iyo Benny Gant oo madax ka ah xisbiga Blue and White. Qorshahaas waxa laga cambaareeyay dunida dhan, gaar ahanna Turkiga, ayada oo dalalka Carabta badankood ay ka aamuseen. Daanta Galbeed oo ay ku jiro bariga Qudus waxaa loo arkaa dhul la qabsaday markii loo eego sharciga caalamiga ah, taasi oo degenaanshaha Yahuuda ee hadda iyo dhul goosiga qorsheysanba ka dhigeysa sharci darro.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay lacag badan ku bixineyso khilaafka iyo bur-burinta maamulka Puntland. Dhowaan ayaa Madaxweyne Puntland Saciid Cabdullaahi Deni waxa uu sheegay in dowladda federaalka ah ay dhibaato iyo faro-gelin ku hayso arrimaha Puntland, waxaana dhaliishiisa ay gaartay heer uu si dadban ugu eedeeyo qaraxyo ka dhacay Puntland. Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale dhawaan BBC-da ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay bilaawday iney la macaamisho dadka hoose ee Puntland, sida odayaasha, ganacsatada iyo siyaasiinta halkii ay aheyd iney maamulka la shaqeyso. Caasimada Online ayaa ogaatay in guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Dhooba-daareed uu dowladda Soomaaliya wakiil uga yahay abaabulka kacdoon ka dhan ah Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Sidoo kale waxaa arintaan qeyb ka ah Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo hadda khilaaf culus kala dhaxeeyo Deni, ganacsato, odayaal iyo siyaasiin kale. Ujeedka ugu weyn oo ay dowladda Soomaaliya arintaan ka leedahay ayaa lagu sheegay in la fashilo Madaxweyne Deni si loogu eedeeyo inuu isku wadi waayay Puntland kadibna la gaarsiiyo baarlamaanka si ay Kalsoonida ugala noqdaan. Dowladda federaalka ayaa sidoo kale sidan oo kale waxay madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland Cabdixakiim Camey ugu kicisay madaxweyne Cabdiweli Gaas, kadibna ku abaal-marisay xilka safiirka Soomaaliya ee Itoobiya. Xisbiyada mucaaradka iyo siyaasiinta Soomaaliyeed ayaa hore dhowr jeer dowladda Soomaaliya ku eedeeyay iney bur burineyso maamul gobaleedyada, si ay u geysato kuwa ku xiran Villa Somalia.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa war kasoo saaray go’aankii shalay wartiga loogu kordhiyay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Soomaaliya. Sheekh Shariif qoraalkiisa ku sheegay inuu aad uga xunyahay go’ankaas uu guddoonka baarlamaanka Soomaaliya mudada intaas la’eg dib ugu dhigay hadal jeedintii guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka oo laga doonayey inay baarlamaanka hor yimaadaan 27-ka bishan. “Waxaan aad uga xumahay in hoggaanka baarlamanka uu muddo bil ah dib u dhigay hadal-jeedinta Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ku muddeysneyd 27-ka May” ayuu yiri. Sheekh Shariif sheegay in talaabadaas ay xadgudub ku tahay dastuurka dalka sharciga doorashooyinka, isagoo ka digay in dib loo dhigo doorashada dalka oo mudo kororsi ay sameystaan hey’adaha dastuuriga ah iyo madaxda dowladda federaalka. “Taallabadaas waxay xadgudub ku tahay Dastuurka KMG iyo Sharciga Doorashada Qaranka ee dhawaan la ansixiyey. Waxaan ka digeynaa isku day walba oo dib loogu dhigayo doorashada qaranka, iyo kordhinta muddo xileedka hey’adaha dastuuriga ah iyo madaxda qaranka” ayuu qoraalkiisa ku yiri Shariif Sheekh. Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif ayaa madaxda dowladda federaalka ku eedeeyay inay ku fashilmeen in dalka ay gaarsiiyaan doorasho qof iyo cod ah, sidoo kale waxa uu sheegay in madaxda dowladdu ay dusha u rida doonaan cawaaqibkii ka dhasha mudo kororsi dhaca. “Wixii ka dhasha isku daygaas waxaa masuuliyaddeeda dusha u ridan doona madaxda dowladda. Dowladdan waxay ku fashilantay waajibaadkii loo doortay oo ay ugu horreysay qabashada doorasho qof iyo cod ah, kuna dhacda si xor ah oo xalaal ah.” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay Sheekh Shariif. Sidoo kale Xildhibaan Maxamuud Beenebeene oo ka tirsan golaha shacabka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu uga hadlay go’aankii shalay waqtiga loogu kordhiyay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Soomaaliya. Xildhibaanka ayaa go’aankaas ku tilmaamay mid qorsheysan oo afduub ah, “Go’anadi shirkii 2-da guddi jogto ee shalay May 25, 2020. waxu ahaa go’ano qorsheysan oo afdub ah, waliba qodobo sharciga doorashada jabiyey. Guddonka ayaa fulsaday qorsho ay waten horayna looguso heshiiyey. Xubno kamid ah guddoonka iyo Madaxtooyada oo mudo korarsi kawada shaqaynaya” ayuu yiri Xildhibaan Beenebeene. Guddiyada joogtada ah ee golaha shacabka ayaa kulan ay shalay yeesheen waxaa looga dhawaaqay waqti kordhin loo sameeyeen guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, kaas oo la rabay in 27-ka bishan uu hor yimaado xildhibaanada golaha shacabka. Guddiga ayaa loo kordhiyay mudo hal bil, waxaana lagu balansanyahay in kulanka golaha shacabka ay hor tagaan 27-ka bisha dambe ee June, isla amrkaana ay ka horjeediyaan warbixin ku saabsan nuuca doorasho ee dalka ka dhici karta iyo waqtiga loo qorsheeyay inay dhacdo.
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/BAr___Qubanaha-26052020-ww.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Inta la xaqiijiyay 10-qofood ayaa geeriyootay, halka tiro kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kadib markii gaari xamuul ah uu dad saarnaa mooto Bajaaj iyo kuwo lugeynayaba ku jiiray isgoyska Howlwadaag ee gobolka Banaadir. Gaariga jiiray dadkaas ayaa la sheegay in uu fariin goostay, sidaasna uu ku laayey dadka, waxaana dadkii ay dhaawacyadu soo gaareen loola cararay goobaha caafimaadka. Maamulka degmada Howlwadaag ayaa gaaray goobta uu shilkaasi ka dhacay, waxuuna guddoomiyaha degmada Howl-wadaag Mustaf Kheyre warbaahinta u xaqiijiyay in 10 qofood ay ku geeriyootay shilkaas. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in meydadka dadkaas ay badankood kasoo saareen dhismeyaal uu ku burburiyay gaariga xamuulka ah ee fariinka/ bareegga goostay. Guddoomiye Mustaf Kheyre waxa uu sidoo kale sheegay in markii laga soo tago 10-ka qof ee geeriyootay, ay jiraan dad kale oo shilka ku dhaawacmay, kuwaas oo qaarkood uu dhaawacoodu halis yahay, isla markaana loola cararay isbitaallada magaalada Muqdisho.
-
Puntland forces have arrested the driver of the leader of ISIS section in Somalia after massive operation was conducted in villages of Bosaso town, the commercial hub of Bari region. Speaking to the media, Commander of Bari region police forces Hussein Ali Mohamud said the forces nabbed the man along with other terrorists and are held in police custody. The operations took place in Isku Shuban, Toga Jaceyl, Toga Canjeel, and Dooha-Gabin, and weapons, as well as vehicles, were recovered. The commander vowed that the operations will be continuous to flash out the fighters from the region as wells as the country. The resurgence is particularly notable in Puntland, a semi-autonomous part of northern Somalia where al-Shabaab has for a long time maintained a limited presence. The faction operational in the region swore allegiance to Islamic State in Iraq and Syria (ISIS) terror organization in the Middle East. The group led by Sheikh Abdulkadir Mumin, a former Al-Shabaab cleric who pledged his allegiance to IS leader Abu Bakr al-Baghdadi in 2015 carries out attacks and assassinations against Puntland security forces, who have been struggling to expel the militants from the region. In 2016, the U.S. State Department designated Mumin as a global terrorist. Since the emergence of the IS faction in October 2015, the group has claimed responsibility for deadly attacks in Puntland and southern Somalia
-
Balcad (Caasimada Online) – Duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, gaar ahaan meel aad ugu dhaw deegaanka Gololey oo hoos taga Balcad, waxaa galabta makhribadii qarax lagula beegsaday gaadiid ay wateen askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya. Qaraxa oo nuuciisa lagu sheegay miinada dhulka lagu aaso ayaa haleelay mid ka mid ah kolonyo gadiid ah oo ay wateen askar ka tirsan ciidanka militeriga Soomaaliya. Illaa sideed askari ayaa ku geeriyootay qaraxaas, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha militeriga Soomaaliya, waxaana dhaawacii askartaas loola cararay demada Balcad. Ururka Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda qaraxaas, waxay sheegeen in 10 askari ay uga dileen ciidanka dowladda, kadib markii qaraxaasi uu haleelay gaari ka mid ah kolonyo gaadiid ah oo kasoo baxay Jowhar, kuna jeeday Muqdisho. Inta u dhaxeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar, waxaa inta badan qaraxyo lagu dhibaateeyo ciidanka dowladda Soomaaliya, mararka qaarna waxyeelo ka soo gaarto dadka shacabka ah ku aasa dagaalamayaasha Al-Shabaab. Weerarrada Al-Shabaab ee ku wajahan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa haatan u batay dhanka qaraxyada la geliyo wadada hareereheeda, kuwaas oo meelo fog laga hago, si loola beegsado gaariga ciidanka markii uu ku soo dhawaado.
-
Dowladda Turkiga oo saaxib dhow dhow la’ah dowladda federaalka tan iyo markii uu cilaaqaadka la yeeshay ayaa ka hadashay xaaladda dalka hadda uumaraayo , gaar ahaan hadal maalmahaan saxaafadda dalka ka qurtay hadalkii ka dhanka ahaa dowlad goboleedka Jubbaland ee ka soo yeeray wakiilka Midowga Afrika, Amb. Francisco Madeira. Wakiilka dowaladda Turkiga u fadhiyo Soomaaliya Amb. Kani Torun oo qoraal kooban soo dhiga bartiisa Twitter-ka ayuu uga hadlay arrintaasi, waxaana uu ugu baaqay ururka Midowga Afrika oo Soomaaliya ka gacansiiya dhanka amniga iyo dhinacyo kale in uusan faro-gelin siyaasadda gudaha ee Soomaaliya waxaana uu intaas ku daray in loo baahan yahay ururku in ar weliba dhex dhexaad ka noqdaan oo aysan faraha la galin siyaasadda Gudaha Soomaalia “Midowga Afrika waa in uusan faragelin siyaasada gudaha ee dalka Soomaaliya, Midowga Afrika waa inay dhex dhexaad ka noqdaan kooxaha siyaasadda haddii kale waxay wiiqi doontaa xasilloonida jilicsan.” ayuuu qoraalkiisa ku yiri danjiraha dowladda turkiga ee u jooga Soomaaliya Kani Torun. Hadalka dhowaan ka soo yeeray wakiilka midowga afrika Amb. Francisco Madeira ayaa dhaliyey in facelin badan laga bixiyo iyadoo ay xusid mudan tahay dowlad goboleedka Jubbaland xildhibaannada ku matalo federaalka in ay sheegeen in maxkamad ay la tiigsan doonaan halka xisbiyada dalka ay dalbadeen in la badelo Francisco Madeira. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamuud Beenebeene oo ka tirsan golaha shacabka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu uga hadlay go’aankii shalay wartiga loogu kordhiyay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Soomaaliya. Xildhibaanka ayaa go’aankaas ku tilmaamay mid qorsheysan oo afduub ah, “Go’anadi shirkii 2-da guddi jogto ee shalay May 25, 2020. waxu ahaa go’ano qorsheysan oo afdub ah, waliba qodobo sharciga doorashada jabiyey,” ayuu yiri Xildhibaan Beenebeene. Qoraalka Xildhibaanka ayaa intaas ku daray “Guddonka ayaa fulsaday qorsho ay waten horayna looguso heshiiyey. Xubno kamid ah guddoonka iyo Madaxtooyada oo mudo korarsi kawada shaqaynaya.” Hadalka Xildhibaan Maxamuud Beenebeene ayaa biirinaya hadallo ka soo yeeray in badan siyaasiyiinta Soomaaliya, kuwaas oo go’aankii waqti u kordhinta guddiga doorashooyinka ku tilmaamay mid hor dhac u ah dib u dhac doorasho iyo qorshe mudo kororsi oo ay wado xukuumaddu. Guddiyada joogtada ah ee golaha shacabka ayaa kulan ay shalay yeesheen waxaa looga dhawaaqay waqti kordhin loo sameeyeen guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, kaas oo la rabay in 27-ka bishan uu hor yimaado xildhibaanada golaha shacabka. Guddiga ayaa loo kordhiyay mudo hal bil, waxaana lagu balansanyahay in kulanka golaha shacabka ay hor tagaan 27-ka bisha dambe ee June, isla amrkaana ay horjeediyaan warbixin ku saabsan nuuca doorasho ee dalka ka dhici karta iyo waqtiga loo qorsheeyay inay dhacdo.
-
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwan geliyay 22-kiis oo cudurka Covid-19 ah kaas oo laga diiwaan geliyey magaalooyin dhowr ah sida warbixiteeda maalin laha ah ay ku sheegtay wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya. Qoraalka ka soo baxay maanta wasaaradda ayaa lagu sheegay in gobolka Banaadir laga diiwaan geliyey 5 kiis taas oowax badan ka yar kiisaskii maalmihii tagay laga helay magaalada, Somaaliland ayaa sidoo kale laga diiwaan geliyey 14 xaaladood oo COVID19, halka dowlad goboleedyada Jubbalanad, 1 Hirshabeelle1 Koonfur Galbeed 1 laga diiwaan geliyay kiisas isku oo mid weliba 1 kiis oo Coronavirus ah sida lagu xusay warbixinta wasaaradda. Xanuunka Coronavirus ayaa labadii maalin ee tagay waxaa soo yaraanayey dadka uu soo ridanayo haba ugu badnaato magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo laga diiwaan geliyey kiisaskii ugu yaraa tan iyo markii xanuunka kiiskii ugu horeeyey la helay 16-kii March 2020 guud ahaan bukaanno ayaa gaarayo 1,711(kun toddobo boqol iyo kow iyo toban), waxaa ka bogsaday 253 (laba boqol konton iyo saddex) halka ay u geeriyoodeen 67 ruux. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
A convicted terrorist who tried to travel to Somalia to join Al Shabab was back in a British jail after breaking the terms of his early release by owning a moped. Source: Hiiraan Online
-
Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay dalka laga diiwan-geliyay 22 kiis oo cudurka Covid-19 ah. War kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in 14 kiis laga helay Somaliland, gobolka Banaadir 5, Jubbaland 1-qof, Koofur Galbeed 1-qof iyo Hirshabeelle oo 1 ruux laga helay taas oo caddeyneysa in gobolka Banaadir tiradA cudurka uu soo ridanayo ay hoos u dhacday, halka uu kusii fidayo gobolada dalka. Sidoo kale wasaaradda ayaa xustay in illaa 18 ruux ay ka bogsatay cudurka 1 ruuxna uu u geeriyooday. Tirada guud ee kiisaska cudurka ayaa gaartay 1,711, waxaa sidoo kale ka bogsaday 253, halka ay u geeriyoodeen 67 ruux. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Habeen-26052020.mp3 View the full article