-
Content Count
212,225 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xildhibaanow Xusuusnow Baarlamaankow Ciid wanaagsan. Waxaan maqlayaa in aad ku howlan tihiin qaabka ay doorasho u dhici doonto iyo goorta, qofkii Allah gaarsiiyo. Marka hore waan idinku bogaadinayaa in aad gudaneysaan waajibaadkiinna Dastuuriga ah. Marka xiga talooyinka aad rogrogeysaan, oo qaarkiin marka ay bannaanka joogaan aanay la gabmbaneyn, waxaan maqlayaa in ay ka mid tahay in aad kuraasta iska sii fadhidaan marka uu dhammaado xilligii la idiin doortay. Kuwa sidaas ku doodayaa kama xishoonayaan ee qiil ayayba ka dhiganayaan in ay ku fashilmeen in ay howlaha ayaga kaga beegan doorashada ay qabtaan si ay u dhacdo xilligii la isku ogaa oo ah bisha November 2020. Hadalka ayay qurxinayaan. Waxay leeyihiin doorasho lagama gaaro sidii in aanay ka mid ahayn howshii loo diray afar sano ka hor ee ay tahay Breaking News soo dhacay bartamaha 2020. Waxaa kale oo aad mooddaa in ay moog yihiin in kuwii ay doorasho kaga adkaadeen ama khiyaamo iyo wax isdaba marin gacan lagu siiyay ay kursiga kaga boobeen ay afar sano sugayeen tartankii uu Dastuurku damaanad qaaday 2020. In uu sameeyay ama uu ku biiray Xisbi ka dib markii shuruud laga dhigay. In isaga oo cartamaya uu maalin maalin u tirsanayay goorta ay ku eg tahay muddada sharciga ah ee heshiiska lagu yahay ee Baarlamaanku. Sidaas ay tahay waa laguu cad gooyay. Cidi kaama hor joogto in aad keligaa go’aan ka gaarto qaabka aad doonto in ay doorashadu noqoto iyo waliba goobta kursiga la dhigayo aad ku tartami lahaydeen. Waxa keliya ee Xildhibaanow aan ku xusuusinayo waa in haddii tirada dadka Soomaaliya ay tahay 15 milyan ay Xubnaha labada Gole ee Baarlamaanku ay ka noqonayaan Boqolkiiba 0.002. Haddii Xildhibaannada Baarlamaanka iyo ergooyinka soo dooratay la isku darana aad tihiin boqolkiiba 0.09 shacabka Soomaaliya. Waa tiro ka yar boqolkiiba hal aad madax ugu tihiin inta kale oo ah boqolkiiba 99 iyo dheeraad. Doorasho xilligeedi kuma dhici karto oo waan aragnaa in laga gaabiyey. Mana aha Corona oo ma aragno howl doorasho oo socotay oo Corona uu hakiyay. Kordhin farsamo oo lama huraan ah waa ku qabatay oo waa la qaadan. Marka aad go’aan gaareyso, meelmarin iyo fulintiisa adiga lagaa rabo laaca keliya lama eego. Xisaabta ku darso xaqiiqada ku hor iyo hareera taalla oo u qeybsameysa maxaa Soomaali ka suurta gal ah haddii la baajiyo doorashada? Iyo maxaa ka suurta gal ah ajnabiga kala danaha ah ee qaar noo hayo amniga, qaar na siiyo deeqaha, qaar naga taakuleeyo siyaasadda iyo diblomaasiyadda qaarna uu shidaalka iyo kalluunkeenna ku rabo lacag la’aan ama sida ugu jaban ee suurta gal ah. Yuusuf Garaad – Waa wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya, danjirihii hore ee Soomaaliya ee QM iyo madaxii hore ee laanta Af-Soomaaliga ee BBC. Qaran News
-
Maxay Ilhaan Cumar ka tidhi dilka ninkii madowga ahaa? Ilhan Omar Rabashado ka dhashay dil nin madow ah ay u geeysteen booliiska magaaladda Minneapolis ayaa isku badlay rabshado ay khasaaro ka dhasheen oo waxaa la boobay dukaamo waawayn sida kan caanka ka ah dalkaas ee loo yaqaan Target. Rabashadaha ayaa cirka isku sii shareeyay kaddib markii ay booliska Sunta dadka ka ilmeysiisa iyo rasaasta raabarka ah u adeegsadeen dibadbaxayaal aan hubeysnayn oo sida ay sheegeen doonanayay iney si nabdoon uga mudaaharaadaan dilkaa loo geystay George Floyd. Ilhan Omar ayaa booliska ku dhaleeceysay isticmaalka rasaasta cinjirka ah iyo sunta ka ilmeeysiisa ee dibadbaxyaasha Minneapolis, kuwaasi oo ka careysnaa dilka ay booliska u geysteen George Floyd oo ahaa nin madow ah. George Floyd. “U adeegsashada rasaasta caagga ah iyo sunta ka ilmeysiisa dibadbaxayaal aan hubeysnayn oo ay ku jiraan caruur, marka sidaa darteed marnaba looma dul-qaadan karo,” ayay Ilhaan barteeda Twitter-ka ku daabacday. ”Waxa maanta ka dhacaya magaaladeena waa arrin ceeb ah, boolisku waa iney is xadidaan, bulshadeenuna waxay u baahantahay waqti ay ku dawoowdo.” Dhanka kale Duqa Magaalada Minneapolis Jacob Frey ayaa sheegay in qareenka dagmada Hennepin Mike Freeman uu dacwad ku soo oogo sarkaakiishii booliska ahayd ee ku lugta lahaa dhimashadii George Floyd. Frey ayaa waxa uu sidoo kale yiri: ” George Floyd wuxuu u qalmaa cadaalad, qoyskiisa wuxuu ubaahan yahay cadaalad, bulshada madow waxay ubaahantahay cadaalad iyo magaaladeenuna waxay xaq u leedahay caddaadda.” Lakiin caradii ka dhalatay dilkaa ayaa wali la dajin la yahay, waxaana sii xoogeeysanaya dibadbaxayda iyo rabshadaha magaalada Minneapolis. Qabanqaabayaasha ayaa sheegay in qorshahooda uu ahaa inuu dibadbaxa u dhaco si nabad, iyaga oo raacaya tallooyinka kala fogaanshaha bulshda ee lagula tacaalayo faafidda cudurka corona. Dibad baxaaysha ayaa ku dhawaaqayay erayada “Ma neefsan karo.” Afar askari oo ka tirsan booliska magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa shaqada laga eryey kaddib marki lagu arkay muuqaal laga duubay dil loo geystay nin madow ah oo aan hubaysnayn. Medaria Arradondo, madaxa booliska magaalada Minneapolis ayaa sheegay in afarta askari ay “hadda yihiin shaqaale hore.” Muuqaal la baahiyay ayaa tusinaya George Floyd, oo askari cadaan ah ku leh “Ma neefsan karo”, iyada oo la arkayay askariga oo luqunta lugta uga hayo Floyd. Dhacdadaan ayaa ka caraysiisay dad badan iyada oo aad looga hadal hayo gudaha dalka Maraykanka. Booiska Minnesota ayaa sheegay in Mr Floyd oo 46 sano jir ah uu ilaaliyo ka ahaa maqaayad ku taala halkaas. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay saraakiisha Milateriga Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ay damacsan yihiin in dalka ay geliyaan jawi dagaal ka hor doorashooyinka dalka Duulaanka ka dhanka Al-Shabaab ayaa la filayaa inuu ka billowdo ilaa afar maamul gobaleed oo ka tirsan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Goballada la filayo in duulaanka ka billowdo ayaa waxaa kamid ah Shabeellada hoose, Galgaduud, Shabeellada dhexe, Jubada Dhexe oo ka kala tirsan dowlad gobaleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. Saraakiisha militariga ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid la doonayo in Shabaab looga xoreeyo deegaano badan ka hor inta aan madaxda hadda jirto waqtigu ka dhammaan, hase yeeshee mucaaradka ayaa rumeysan in dano kala lala leeyahay. Xildhibaanada mucaaradka qaarkood ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in qorshahan ka dhanka Al-Shabaab uu yahay mid la doonayo in doorashada dib loogu dhigo si beesha caalamka iyo Soomaalida kale looga dhaa-dhiciyo in dalka ay ku faran tahay saddex arrin oo kala ah. Covid-19, Fatahaado iyo Jawi dagaal. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal badan ugu jirta sidii dib loogu dhigi lahaa doorashada Soomaaliya oo ay ka harsan tahay muddo 6 bil oo kaliya lamana oga sida ay ugu suurta geli doonto arrintaas. Si kastaba, militariga ayaa ku adkaystay in arrintasan ay tahay mid amni oo aan siyaasad ku lug lahayn
-
Wakiilka Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta, danjire Muniir Xaaji Cabdillaahi Abusite ayaa ku guulaystay inuu dawladda UAE ku qanciyo inay ogolaato shahaadada waxbarashada ee dalka JSL. Wasaaradda waxbarashada ee dalka UAE ayaa bogeeda ku dartay in Somaliland ka mid tahay dalalka ay ogolaatay shahaadadeeda waxbarasho. Bahda waxbarashada ayaa soo dhaweeyay talaabadan oo ay u sheegeen inay tahay mid kor u qaadaysa niyadda ardayda reer Somaliland. Wakiil Muniir, ayaa la sheegay in afartii bilood ee u dambeeyay uu hawshan ka shaqaynayay oo uu dedaal u galay inuu dawladda UAE ku qanciyo inay ogolaato shahaadada waxbarasho ee JSL. Geeska Qaran News
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Bar___Qubanaha-Shabelle-270520-ww.mp3 View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirkii amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa muddo kadib dib ugu soo laabtay xerada Banyooley oo ka tirsan degmada Beladxaawo ee gobalka Gedo, gaar ahaan xuduudda Kenya, kadib markii uu safar muddo ugu maqnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Janan uu la yimid hub iyo lacag islamarkaana uu dhaq-dhaqaaqyo ka billaabay gobalka Gedo. Ugu yaraan 100 qori oo AK47 ah, rasaas farabadan iyo mushaarka muddo saddex ilaa laba bil ah ayaa la sheegay in laga soo siiyay Nairobi, waxa uuna dhaq dhaqaaq kawadaa aagga dagaal ee Beladxaawo. Dad goob joogayaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in shalay dhowr jeer ay maqleen rasaas lagu sheegay dhoola-tus, halka qaar kale ay sheegeen in ciidankiisa ay sameynayeen Dab rid, taas oo abuurtay baqdin xoog leh. Saraakiil ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay inay ka war qabaan dhaq dhaqaaq ciidan ee wasiir Janan islamarkaana ay diyaar u yihiin wax ay ugu yareen is-difaac. Dadka degaanka ayaa ka cabsi qaba in markale gobalka ka dhacdo dagaal muddo bilo ah ay daganaansho ka jirtay kadib. Jubbaland ayaa dowladda Soomaaliya kal hore ku eedeysay in gobalka ay ka wado xasiloonin darro amni iyo mid siyaasadeed.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay hadal dhawaan kasoo yeeray madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, kaas oo ahaa in qalabkii caafimaadka ee loogu deeqay Soomaaliya si looga hortago Coronavirus suuqyada lagu iibiyo. Wasiir ku xigeenka caafimaadka Soomaaliya Maxamed Saciid Cabdullaahi oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay qalabkaas ay u isticmaalaan sidii loogu tala galay ka wasaarad ahaan. Sidoo kale wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in xaaladaha caafimaad ee haatan dalka ka jira aysan aheyn kuwo ku haboon in la siyaasadeeyo, isla markaana agabkii ay dowladuhu ku caawiyeen loo qeybiyay gobollada dalka. “Dowladda federaalka arrinta COVID-19 sharciga uga yaalla waa wax aan la siyaasadeyn oo aysan aheyn arrin la siyaasadeyn karo, waana dhib aduunyada ku wada hadsaday, waan sii dadaaleynaa waana la tacaaleynaa qof kasta oo uu soo rito,” ayuu yiri Maxamed Saciid. Isaga oo hadalkiisa sii watay ayuu yiri, “Illaa hadda qalabka caafimaad ee nasoo gaaray waa mid aad u yar, waxaana gaarsiinay gobollada meelihii ugu darnaa, arrimaha siyaasadana siima dhex geli karo iyo waxaana la sheegayo, laakiin anaga waajibkenu waa inaan dalka wada gaarsiino adeeg caafimaad inta tabarteen ah.” “Ka wasaarad ahaan weli ma aanaan arkin qalab caafimaad oo lagu iibinayo suuqyada, mana garan karno meel laga keenay warkaas” ayuu yiri. Ugu dambeyntii wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in cudurka Coronavirus uu si daran ugu faafay dalka, isla markaana ka wasaarad ahaan aysan u tag heyn, balse ay dadaalayaan. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/Wasiir-ku-xigeenka-caafimaadka-Soomaaliya-Maxamed-Saciid.mp3
-
Waxaa maanta gelinkii dambe gaartay magaalada Cadaado diyaarad siday shixnad gargaar caafimaad ah oo ay la socdeen dhaqaatiir iyo howlwadeenno caafimaad kuwaas oo la filaayo in ay sameeyaan baaritaanno la xiriira xanuunka Coronavirus oo saameeyey magaalada Cadaado oo dad ku dhow 10 ruux ay u geeriyoodeen COVID-19 Agabka caafimaadka oo lagu wareejiyey gudoomiyaha degmada Cadado Cabdullaahi Cabdiraxmaan Tootoole ayaa isugu jirta qalabka marada ah ee wajiga lagu xirto, (Face mask), gacmo gashi, sariiro, qalabka neefta siiya bukaanada qaba xanuunka COVID-19, guddoomiyaha ayaana ka mahad celiyey qalabkaan la soo gaarsiiyey xili baahi loo qabay. Cabdullaahi Cabdiraxmaan Tootoole ayaa intaas ku daray dhakhaatiirta ay dowladda Federaalka u soo dirtay Cadaado ay ku sameyn doonaan baaritaanno bukaannada lagaga shakisan yahay in ay qabaan cudurka, iasaga oo carabka ku adkeeyey in la sugayo jawaabaha ka soo baxa baaritaannada la sameyn doono sida uu sheegay Tootoole. Agabkaan caafimaad ee la gaarsiiyey magaalada Cadaado ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo maanta galinkii dambe safar aan horay loo shaacin uu magaalada ku tagay wafdi uu hogaaminaayey madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor waxaana la filayaa inuu tago xarunta loo diyaariyey in lagu karaantiilka dadka uu soo ridanayo xanuunka COVID-19 taas oo u baahan in la qalabeeyo sida uu sheegay maamulka magaalada Cadadado. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaanow Xusuusnow Baarlamaankow Ciid wanaagsan. Waxaan maqlayaa in aad ku howlan tihiin qaabka ay doorasho u dhici doonto iyo goorta, qofkii Allah gaarsiiyo. Marka hore waan idinku bogaadinayaa in aad gudaneysaan waajibaadkiinna Dastuuriga ah. Marka xiga talooyinka aad rogrogeysaan, oo qaarkiin marka ay bannaanka joogaan aanay la gabmbaneyn, waxaan maqlayaa in ay ka mid tahay in aad kuraasta iska sii fadhidaan marka uu dhammaado xilligii la idiin doortay. Kuwa sidaas ku doodayaa kama xishoonayaan ee qiil ayayba ka dhiganayaan in ay ku fashilmeen in ay howlaha ayaga kaga beegan doorashada ay qabtaan si ay u dhacdo xilligii la isku ogaa oo ah bisha November 2020. Hadalka ayay qurxinayaan. Waxay leeyihiin doorasho lagama gaaro sidii in aanay ka mid ahayn howshii loo diray afar sano ka hor ee ay tahay Breaking News soo dhacay bartamaha 2020. Waxaa kale oo aad mooddaa in ay moog yihiin in kuwii ay doorasho kaga adkaadeen ama khiyaamo iyo wax isdaba marin gacan lagu siiyay ay kursiga kaga boobeen ay afar sano sugayeen tartankii uu Dastuurku damaanad qaaday 2020. In uu sameeyay ama uu ku biiray Xisbi ka dib markii shuruud laga dhigay. In isaga oo cartamaya uu maalin maalin u tirsanayay goorta ay ku eg tahay muddada sharciga ah ee heshiiska lagu yahay ee Baarlamaanku. Sidaas ay tahay waa laguu cad gooyay. Cidi kaama hor joogto in aad keligaa go’aan ka gaarto qaabka aad doonto in ay doorashadu noqoto iyo waliba goobta kursiga la dhigayo aad ku tartami lahaydeen. Waxa keliya ee Xildhibaanow aan ku xusuusinayo waa in haddii tirada dadka Soomaaliya ay tahay 15 milyan ay Xubnaha labada Gole ee Baarlamaanku ay ka noqonayaan Boqolkiiba 0.002. Haddii Xildhibaannada Baarlamaanka iyo ergooyinka soo dooratay la isku darana aad tihiin boqolkiiba 0.09 shacabka Soomaaliya. Waa tiro ka yar boqolkiiba hal aad madax ugu tihiin inta kale oo ah boqolkiiba 99 iyo dheeraad. Doorasho xilligeedi kuma dhici karto oo waan aragnaa in laga gaabiyey. Mana aha Corona oo ma aragno howl doorasho oo socotay oo Corona uu hakiyay. Kordhin farsamo oo lama huraan ah waa ku qabatay oo waa la qaadan. Marka aad go’aan gaareyso, meelmarin iyo fulintiisa adiga lagaa rabo laaca keliya lama eego. Xisaabta ku darso xaqiiqada ku hor iyo hareera taalla oo u qeybsameysa maxaa Soomaali ka suurta gal ah haddii la baajiyo doorashada? Iyo maxaa ka suurta gal ah ajnabiga kala danaha ah ee qaar noo hayo amniga, qaar na siiyo deeqaha, qaar naga taakuleeyo siyaasadda iyo diblomaasiyadda qaarna uu shidaalka iyo kalluunkeenna ku rabo lacag la’aan ama sida ugu jaban ee suurta gal ah. Yuusuf Garaad – Waa wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya, danjirihii hore ee Soomaaliya ee QM iyo madaxii hore ee laanta Af-Soomaaliga ee BBC. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
(SLT-Laascaanood)-Kiisaskii u horeeyay ee caabuqa Coronavirus ayaa laga helay gobolka Sool, iyadoo la shaaciyay in laba qof oo xanuunkaasi haleelayay lagu arkay magaaladda Laascaanood. Tiradda dadka laga helay caabuqa Coronavirus ayaa ah laba qof, iyadoo labadda qof la daawaynayo oo ay xaaladoodda si dhaw ula socdaan dhakhaatiirta iyo kooxaha loo diyaariyay la tacaalida dadka uu haleelo caabuqaasi. Sidaasina waxaa shaaciyay isu-duwaha wasaaradda caafimaadka Somaliland ee gobolka Sool, ahna guddoomiyaha guddiga gobolkaasi ee la dagaalanka faafintaanka Covid-19, Dr. Maxamuud Xaaji Khaliil. Kadib kulan ay maanta ku yeesheen magaaladda Laascaanood guddiga la tacaalida faafitaanka Coronavirus ee gobolka Sool. Dr. Maxamuud Xaaji Khaliil, ayaa sheegay in aanay weli bulshadda gobolka Sool u hogaansamin fariimaha iyo awaamiirta guddiyadda la dagaalanka Coronavirus, isla markaana ay weli sidii hore isugu soo ururayaan makhaayadaha, masaajidadda iyo goobaha bar-kulanka ah. Waxaanu dadweynaha ugu baaqay in ay qaataan tallooyinka guddiyadda iyo bahda caafimaadka, isla markaana cidii dareenta in ay isku aragto calaamadaha xanuunkaasi in ay la soo xidhiidhaan xarumaha caafimaadka. Waxaanu yidhi, “Waxaa jirta, in aanay weli bulshadu baraarruga iyo wacyigelinta xanuunka Coronavirus qaadan. In Makhaayadaha la fadhiyo, masaajidadda lagu tukanayo, goobaha lagu shaaho weli la isugu imanayo. Weli ay bulshadu samaynayaan tacaamulkii hore. Waxaana muuqata in aanay weli bulshadda baraarrugeedu sax ahayn”. Waxaanu intaas raaciyay, “Waxaan halkan u marinayaa bulshadda gobolka Sool, in kiisaskii ugu horeeyay Laga xaqiijiyay. Waxaanan doonaynaa in bulshadu ay taxaderaan, oo ay dhegaha u weeleeyaan fariimaha ka soo baxaya guddiga iyo wasaaradda caafimaadka, iyo dhakhaatiirta” ayuu yidhi Dr. Khaliif. Geesta kale Dr. Maxamed Xaaji Khaliif, ayaa faahfaahin ka bixiyay labadda qof ee xanuunka laga helay iyo meelaha xaaladoodda lagula tacaalayo. Waxaanu yidhi, “Labadaa kiis waa la daawaynayaa. Meel gaar ah, oo bulshadda kale ka gaar ahna waa lagu daawaynayaa. Xaaladoodda caafimaad-na, dhakhaatiirta iyo kooxaha caafimaadku aad ayay ula soconayaan. Waanay wanaagsan yihiin xaaladoodda caafimaad”. Dhinaca kale Dr. Xaaji Khaliif, waxa uu sheegay in weli dadku ay cabsanayaan, isla markaana ay qarsanayaan haddii ay dareemaan calaamadaha xanuunka Covid-19. Waxaanu ugu baaqay dadweynaha in qofkii iska shakiya meesha uu doono ha joogee in ay kooxaha caafimaadku ugu imanayaan. “Weli waxaad moodaa in dadka ay cabsiyi ku jirto, oo ay dadku xanuunkii qarsanayaan, oo ay guryaha ku haystaan. Arrintaana waxaan leeyahay waa in laga waantoobo. Ha qarsanina xanuunkan, haddii aad iska shakidaan, aad hay’adaha u xil saran la soo xidhiidho, gurigaaga ayaa laguugu imanayaa. Ama miyi joog ama magaallo joog, goobta aad joogto ayay kooxaha caafimaadku kuugu imanayaan. Haddii ay tahay habeen iyo haddii ay tahay maalin-ba” ayuu yidhi isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee Sool. DAAWO: isu-duwaha oo arrimahaa Faahfaahinaya: Source
-
Somalia’s ministry of health has announced 13 new Covid-19 cases on Wednesday, the lowest number since the outbreak of the deadly virus in the country early this year. The health officials said 8 of the new cases were recorded in Mogadishu and 5 in Somaliland, a breakaway region located north of the country. The ministry has also announced 12 recoveries. The latest tally brings the total number of Covid-19 cases to 1,731 with 253 and 67 deaths. View the full article
-
La taliyaha sare ee COVID19, kala taliyo wasaaradda caafimaadka Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje) ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegay in 24kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 13 xaaladood oo COVID19 ah, taas oo tirada guud dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 1,731 Bukaannada cusub oo laga diiwaan geliyay Somaliland 8 iyo gobalka Banaadir 5 ayaa 10 kamid ah waxa ay yihiin rag, 3-na waa haween. Feyruska Karoona waxaa bogsooday 12 qof oo cusub taas oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 265 qof. Lama diiwaan gelin bukaan cusub oo u geeriyooday COVID19, waxaana geerida guud mareysaa 67. Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje) ayaa ku baaqay in lagu dadaalo ka hor tagga iyo faafitaanka cudurka si loo yareeyo saameynta COVID19 uu bulshada ku yeelanayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxa uu xafiiskiisa ku dhejiyay sawirka madaxeynihii hore Aadan Cabdulle Cismaan, si uu u muujiyo in uu ku dayanayo [...] The post Musharax M/weyne Daahir Mohamud Gelle : – ” Mudane M/weyne in aad Xafiiskaaga ku dhegsato Maswirka Madaxweyne Aden Cade iyo inaad macaanasto oo aad isku dhejidis Kursiga iyo Awooda Dalku is keeni meyso “ appeared first on . Source
-
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qooqoor iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaana loo soo galbiyey madaxtooyada magaalada Cadaado. Madaxweyne Qoorqoor waxaa safarka uu gaaray Cadaado ku wehlinaya Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug, wasiirro, xildhibaanno iyo xubno kale waxaana garoonka diyaaradaha ee duleedka bari magaalada Cadado kusoo dhaweeyay Maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Madaxweyne Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor ayaa waxaa lagu wadaa Inta uu ku sugan yahay magaalada Cadaado inuu kulamo kala duwan uu la qaato Maamulka Degmada, Saraakiisha Ciidanka iyo Bulshada, isagoo kala hadli doona arrimo kala duwan oo ay ugu horeyso saameynta xanuunka Coronavirus oo dhowr qof u geeriyootay Sidoo kale waxaa uu kormeer ku tegi doonaa sida la sheegay xarumo ku yaalla Magaalada Cadaado oo loogu talo galay in lagu karaantiilo dadka uu soo ridanayo xanuunka COVID-19 oo maamulka degmada ay horay u sheegeen inaysan qalabaysneen waxaana wasaaradda caafimaadka Galmudug iyo federaalka ka dalbadeen in loo qalabeeyo. Safarka Madaxweynaha Galmudug uu maanta ku gaaray magaalada Cadado ayaa ah safakii ugu horeeyey tan iyo markii loo doortay Galmudug Ammaanka Guud ee Magaalada Cadaado ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka Galmudug iyo kuwa ka tirsan dowladda Federaalka oo ku sugan gudaha cadaado. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Habeen-270520-we.mp3 View the full article
-
Qore : Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan Gedo iyo Berdaale waxaka dhacay waa dharbaaxo shacabkaSoomaaliyeed oo dhan ku dhacdayee gaar kuma aha goblkaas! Colonel Abiy Axmed-ka Itoobiya [...] The post Mraykanka iyo Itoobiya siyaasaddooda Soomaaliya ma is xambaar baa?!… Doqontii usha agteeda lagu dhuftay! appeared first on . Source
-
Wasiir Xigeenka Wasaarada Maaliyada Puntland Mudane Cabdi Ibraahim Qawdhan ayaa maanta wuxuu Xilkii kala wareegay Masuulkii badalay. Wasiirka Maaliyada iyo Agaasimaha Wasaarada ayaa ka qayb [...] The post Wasiir Qowdhan oo Xilkii la wareegay appeared first on . Source
-
Buuloburde (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka ayaa Al-Shabaab kala wareegay deegaano kala hoos taga magaalooyinka Buuloburde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kadib dagaallo culus oo dhex maray saacadihii la soo dhaafay. Khasaare kala duwan ayaa la sheegay in uu ka dhashay dagaalkaas, waxayna dad ku sugan magaalada Jalalaqsi noo sheegeen in deegaanada lagu dagaalamay ay ka mid yihiin Afcad, Ceelbacad, iyo Abooreey oo kala hoos taga magaalooyinka Buuloburde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa guulo ka sheegtay dagaalka waxayna sheegeen in weerarro culus oo ay ku qaadeen Al-Shabaab ay ku gaarsiiyeen khasaare kala duwan. Dhame Cabdulqaadir Cali Nuur oo ah Taliyaha ururka 41-aad ee guutada shanaad ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in Al-Shabaab ay dagaalkaas uga dileen illaa 13 dagaalame. Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay kala wareegeen deegaano dhowr ah, isla markaana ay ka furteen hub iyo saanad ciidan. Al-Shabaab ayaan weli dhankooda wax war ah kasoo saarin dagaalka ka dhacay Hiiraan ee guulaha ay ka sheegteen militeriga Soomaaliya. Taliska qeybta 27aad ee militeriga Soomaaliya oo fadhigiisu yahay gobolka Hiiraan ayaa dhawaan ku dhawaaqay in la bilaabi doono howlagallo ka dhan ah ururka Al-shabaab.
-
La taliyaha sare ee COVID19, Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje) ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegay in 24kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 13 xaaladood oo COVID19 ah, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 1,731. Bukaannada cusub oo laga diiwaan geliyay Somaliland 8 iyo gobalka Banaadir 5 ayaa 10 kamid ah waxa ay yihiin rag, 3-na waa haween. Feyruska Karoona waxaa bogsooday 12 qof oo cusub taas oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 265 qof. Lama diiwaan gelin bukaan cusub oo u geeriyooday COVID19, waxaana geerida guud mareysaa 67. Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje) ayaa ku baaqay in lagu dadaalo kahor tagga iyo faafitaanka cudurka si loo yareeyo saameynta COVID19 uu bulshada ku yeelanayo. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa bedeshay maamulkii isbitaalka Martiini oo loo asteeyay in lagula tacaalo dadka uu soo rito xanuunka Coronavirus. Wasaaradda ayaa Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed ‘Jalaaludiin’ u magacawday Agaasimaha cusub ee isbitaalka Martiini oo ah isbitaal kaliya ee haatan aad loogu han weyn yahay adeegiisa, maadaama cudurka COVID-19 uu fara ba’an ku hayo dalka. Martiini ayaa ah goobta caafimaad ee illaa hadda si rasmi ah loogu asteeyay in lagu dabiibo dadka uu soo rito COVID-19, waxaana haatan ku jira dad badan oo qaba cudurkaas. Sidoo kale waxaa maalin kasta taga isbitaalkaas dadka qaba iyo kuwa isaga shakiya cudurkaas, si looga baaro, iyadoo qofkii xaaladiisu darantahayna la jiifiyo. Dadka ugu badan ee la jiifiyo Martiini waxaa kuwa awoodi waaya inay neefsadaan, waxaana lagu baxnaaniyaa qalabka neefta siiya ee Oksajiinka. Agaasimaha cusub ee haatan loo magacaabay isbitaalka Dr, Jalaaludiin waxa uu horay u ahaa la-taliyaha nidaamka caafimaadka ee wasaaradda caafimaadka, sidoo kale waa xubin ka tirsan guddiga ka hor tagga xanuunka Coronvirus.
-
Guddiga Ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa ku wargeliyay ururada siyaasadda Puntland in ay ugu dambayn 22-june 2020 ku soo gudbiyaan dhammaystirka Shuruudaha Wejiga labaad ee Diiwaan-gelinta. Qoraal ka soo baxay TPEC ayaa lagu sheegay in Guddigu uu dib u eegis ku sameeyay go’aankoodii hore ee la xiriiray hakinta shirarka Ururada Siyaasadda si looga taxaddaro faafidda Xanuunka COVID-19 sidaasi darteedna ay Ururada siyaasaddu haatan soo gudbistaan Shuruudaha Wejiga labaad ee Diiwaan-gelinta. Sidoo kale Urur siyaasadeed kasta waxaa lagu wargeliyay in uu qabsado Shirweynihiisa ka hor 22-June2020 si waafaqsan Habraaca iyo Shuruudaha u degsan Guddiga Ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland. Guddiga ayaa sidoo kale Ururada Siyaasadda ku boorriyay in ay taxaddar dheeriya muujiyaan wakhtiyada ay Shirarka qabsanayaan maadaama uu weli dalka ka jiro Xanuunka COVID-19 islamarkaana ay raacaan talooyinka Bahda Caafimaadka si loo ilaaliyo bedqabka Shacabka. Halkaan ka akhriso Qoraalka PUNTLAND POST The post Ururada Siyaasada Puntland oo lagu wargeliyay in ay soo dhammaystiraan Wejiga labaad ee Diiwaan-gelinta appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Somaliland ayaa werwer ka muujisay Hub ay sheegtay in dawladda Masar ugu deeqday Soomaaliya. Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa bartiisa Twitterka ku qoray in arrintani waxyeelayso Xasilloonida gobolka. ” Dawladda Somaliland waxay aad uga walaacsantahay u hogaansan la’aanta dawladda Soomaaliya ee xanibaadda hubka. waxa aan cabaaraynaynaa dawladda masar ku xadgudubka cunuqabataynta hubka Somalia. tani waxay keenaysaa khatar xagga amniga iyo deganaansha aha gobolka”. Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland oo aan khadka Telephone-ka kula xidhiidhay isagoo Ceel-Afweyn ku sugan ayaa ii sheegay in ay werwer weyn ka qabaan Hubka Soomaaliya lagu caawinayo sida uu hadalka u dhiggay. Source