Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,225
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online)- Wararka ka imaanayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu halkaas ka dhacay qarax lala eegtay ciidamo boolis ah. Qaraxa ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhacay degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir, wuxuuna ahaa nooca Gawaarida lagu dhajiyo. Gaariga qaraxa lagu xiray ayaa waxaa lahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliska oo magaciisa lagu soo koobay Jabriil, iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaaan inuu halkaas ku geeriyooday. Qaraxa ayaa la sheegay in loogu xiray gaarigiisa waxa uuna si gaara uga dhacay inta u dhexaysa Guriga hooyooyinka iyo Hotel Muna. Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka ayaa goobta gaaray waxa ayna xireen iska socodka dadka iyo gaadiidka agagaarka qaraxu ka dhacay. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxaasi iyo xilka uu haayay sarkaalka qaraxa lagu dilay ee lagu magacaabo Jaabiri. Booliska Soomaaliya weli kama hadlin weerarkaan sidoo kalana weli ma jirto cid sheegatay inkastoo loo badinayo inay ka dambeyso kooxda Al-Shabaab oo looga bartay weerarada noocaan oo kale ah.
  2. Kulan ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo ay ka qeyb-galeen laba wafdi oo ay kala hogaaminayeen wasiirka wasaaradda amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa looga hadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen amniga magaaladaasi iyo guud ahaan gobolka Mudug. Kulanka ayaa intiisa badan waxaa looga hadlay dilalkii iyo qaraxyadii dhowaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo iyo sidii si wadajir ah looga wada shaqeyn lahaa sugida amniga. Wasiir Fiqi ayaa sheegay in uu ballan qaadayo in Galmudug ay Puntland kala shaqeyneyso amnigaa Gaalkacyo iyo ka hortagga weerarada ay fuliyaan Al-Shabaab. Dhankiisa wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in Puntland ay dhinaceeda dowlad goboleedka Galmudug kala shaqeneyso sugida amniga guud ahaan gobolka iyo sidoo kale la dagaalanka dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay weeraro kala duwan, waxaana 17-kii bishan waqooyiga magaaladasi qarax ismiidaamin ahaa lagula dilay guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland, Axmed Muuse Nuur. View the full article
  3. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wasiirka Amniga gudaha ee Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inay si adag ula macaamili doonaan shaqsiyaadka laacagaha baadda ah siiyo kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh urur weynaha Al-Qaaciddaa. Wasiirka ayaa sheegay inay wadaan shaqada sharciga la dagaalanka Argagixisada oo uu sheegay in dhawaan lasoo saari doono laguna caddeyn doono xukunka Xubanah Al-Shabaab ka tirsan, kuwa xiriirka la leh iyo kuwa lacagaha siiyo. Mar uu ka hadlaayey shakhsiyaadka lacagta siiyo Al-Shabaab ayuu sheegay inay kamid yihiin qaar ka tirsan shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliya inkastoo uu ka gaabsaday inuu sheego magacyada shirkadahaas. Wasiir Fiqi ayaa si adag u sheegay in dadka lacagaha siiyo Al-Shabaab ay u aqoonsan doonaan inay ka tirsan yihiin kooxda maadaama uu sheegay inay garab ku siinayaan gumaadka ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay. “Nimankan hadda Zako kaliya ma qaadaan waxooda waa baad; waligeedna lama arkin Zako la leeyahay soo horumariya saddex sano, afar sano; waxay ahayd fariinteydu ninkii caruurtaada dilayey ee ku qarxinayey yaan isku siin lacag; Zako hadaad bixineysid soo sii maamulkii amnigaagii iyo degaankaagii ka shaqeynayey; lacagta baada ah, wiilaan la garaneyn telefoonada dadka u soo diraya waliba dadka shirkadaha ka shaqeeya; si taas ay ka go’do, waana ka go’neynaa shirkadii siisa ama qofkii aan ku maqalno in uu Shabaab lacag siinayana waxba Shabaab kama duwana; qaraxa la sameynayo iyo baabuurta lacagtaasaa lagu soo gadayaa; sharciga argagixiso la dirirka waan soo wadnaa, sharcigaas ayayna ku qornaan doontaa,” ayuu u sheegey BBC-da. Wasiirka oo wax laga waydiiyey sida ay ka leeyihiin goobaha ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin deegaanada Maamulka Galmudug ayaa sheegay in heysashadaas ay tahay mid xaaraan ah isla markaasna ay waqti dhow ka saari doonaan.
  4. Waxaa warar kala duwan laga helayaa qarax goor dhow ka dhacay agagaarka Tiyaatarka qaranka oo u dhow madaxtooyada Soomaaliya waxaana halkaasi xilligan laga maqlayaa rasaas ay ridayaan ciidanka dowladda ee ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxan uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, inkastoo aan si rasmi ah wali loo ogaan halka bartilmaameedku uu ahaa maadaama uu daqiiqado ka hor qaraxu dhacay. Wali lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi balse muddooyinkii dambe magaalada Muqdisho ayaa wax ay ka caaganayd qaraxyada nuucaan oo kale ah. Wixii ku soo kordha halkan kala soco Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Tripoli (Caasimadda Online) – Dowladda Turkiga ayaa awood Militari oo dheeri ah ku daad gureysay gudaha Dalka liibiya oo uu ka socdo loolan adag oo u dhaxeeyo dowlado badan oo mid kasta ay dooneyso inay ka faa’ideysato shidaalka iyo kheyraadka dalkaas uu hodanka ku yahay. Maalmihii lasoo dhaafay Dowladda Turkiga ayaa sameysay buunddo dhanka hawada ah oo labada dal si toos ah isugu xiraysa iyadoo diyaaradaha Xamuulka ah ee gawaarida gaashaaman iyo saanado kale oo Militari kusoo daadineyso Magaalada sedexaad ee ugu weyne dalka Liibiya ee lagu magacaabo Misraatah. Saldhigga ugu weyne ee Turkiga ku leeyahay dalka Liibiya gaar ahaan Garoonka Diyaaradaha ee misraatah ayaa waxaa maalin kasta ka daga diyaaradaha noocoodu yahay C-130 oo ah kuwa xambaaro Gaadiidka iyadoo la rumeysan yahay in halkaas laga dajiyey gawaarida nuuca aan xabaddu karin ah iyo saanado kale oo Milliteri. Sida laga soo xigtay Dowladda Ruushka, Turkiga ayaa magaalada Misraata ku rakibtay difaaca cirka ee loo yaqaan MIM-23 taas oo awood u leh in ay dhulka soo dhigto diyaaradaha dagaalka, sidoo kalana waxay illo wareedyo Ruush ah sheegeen in dalka Qatar ay Liibiya ka dajisay diyaaradaha noocoodu yahay Q Globemaster. Laba Diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha laheyn oo ay soo saartay Shiinaha ayaa todobaadyo ka hor lagu soo riday dalka Liibiya iyadoo loo adeegsaday qalabka uu Turkiga ku rakibtay gudaha wadankaas. Dhanka Kale, Turkiga ayaa lasoo sheegayaa inuu ku xoojiyay saldhiggiisa ku yaal magaalada caasimadda ah ee Tripoli diyaaradaha casriga ah ee aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Bayraktar. Tallaabada ay Turkiga ku xoojisay awoodeeda Militari ee Liibiya ayaa kusoo aadeyso kadib markii General xaftar uu ku hanjabay inuu ciidamada Turkiga ee ku sugan Liibiya u dhigi doono cashir uu la ooyo madaxweyne Erdogan. Dowladaha Turkiga, Talyaaniga iyo Qatar ayaa heshiis ku ah inay taageero dhinac walba ah siiyaan Dowladda Liibiya oo ay aqoosan tahay Qaramada Midoobay. Sidoo kale Dowladaha Faransiiska, Imaaraadka carabta, Ruushka, Masar, Sacuudiga iyo Suudaan ayaa iyagana la safan dagaal ooge xaftar oo rabo inuu awood Militari ku qabsado dalka Liibiya inkastoo hadda ay u muuqato in la wiiqay awoodiisa.
  6. Rabashado ka dhashay dil nin madow ah ay u geyysteen booliiska magaaladda Minneapolis ayaa isku badlay rabshado ay khasaaro ka dhasheen oo waxaa la boobay dukaamo waawayn sida kan caanka ka ah dalkaas ee loo yaqaan Target. Rabashadaha ayaa cirka isku sii shareeyay kaddib markii ay booliska Sunta dadka ka ilmeysiisa iyo rasaasta raabarka ah u adeegsadeen dibadbaxayaal aan hubeysnayn oo sida ay sheegeen doonanayay iney si nabdoon uga mudaaharaadaan dilkaa loo geystay George Floyd. Ilhaan Cumar ayaa booliska ku dhaleeceysay isticmaalka rasaasta cinjirka ah iyo sunta ka ilmeeysiisa ee dibadbaxyaasha Minneapolis, kuwaasi oo ka careysnaa dilka ay booliska u geysteen George Floyd oo ahaa nin madow ah. “U adeegsashada rasaasta caagga ah iyo sunta ka ilmeysiisa dibadbaxayaal aan hubeysnayn oo ay ku jiraan caruur, marka sidaa darteed marnaba looma dul-qaadan karo,” ayay Ilhaan barteeda Twitter-ka ku daabacday. ”Waxa ka dhacaya magaaladeena waa arrin ceeb ah, boolisku waa iney is xadidaan, bulshadeenuna waxay u baahantahay waqti ay ku dawoowdo.” View the full article
  7. Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay guddiga wasaaradaha ee mashaariicda xalalka Waara. Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Waare ayaa lagu sheegay in guddigaan oo ka kooban illaa 9 Xubnood ay u xilsaaran yihiin isku dubaridka iyo mashaariicda xalalka waara, taasi oo qeyb ka ah xal u helida biyaha had iyo jeer ku fataha Beledweyne. Halkaan hoose ka aqriso:- View the full article
  8. Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka iyo golaha wasiirada ee ka soo jeeda Beelaha Mogadishu Clan ayaa xalay kulan xasaasi ah ku yeeshay gudaha magaalada Muqdisho. Kulanka oo ka dhacay Hotel Doorbin ayaa waxaa looga hadlayey sidii gobolka Banaadir matalaad ugu yeelan lahaa aqalka sare, xilli iminka la sugayo in go’aan la gaaro qaabka doorashooyinka dalka ka dhacaya uu gobolka ugu lug yeelan karo. Guddi isku-dhaf ah oo ka kooban xildhibaano ka tirsan laba Aqal ayaa dhameystiraya sharciga doorashooyinka dalka, iyaga oo go’aan ka gaaray arrimo ay ka mid yihiin waxa laga yeelayo gobolka Banaadir iyo arirnta Somaliland. Shirkii xalay ayaa waxaa ka qeyb gala guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Filish, wasiirka ganacsiga Injineer Cabdullaahi Cali Xasan, wasiir ku-xigeenka dekadaha Cusmaan Daallo, wasiir ku-xigeenka isboortiga iyo xildhibaano badan Si kastaba ha’ahaatee kulankaan ayaa waxa uu ku soo aadayaa, iyadoo haatan dalka uu ku jiro diyaar-garow ku aadan doorashada soo socota ee la filayo in la qabto 2020/2021. View the full article
  9. Minneapolis (HOL) - A Minneapolis venture capitalist who led the campaign to "Save Lake Calhoun" from reverting its name to Bde Maka Ska has lost his office lease after a viral video of him racially profiling a group of Somali entrepreneurs at an Uptown Minneapolis office building garnered condemnation throughout Minnesota and beyond. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-280520.mp3 View the full article
  11. Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland ayaa saaka oo Khamiis ah warbixin ka soo saartay xaaladda Xanuunka COVID-19 ee degaannada Puntland iyo kiisaskii u dambeeyay ee la diiwaan-geliyay. Warbixin lagu daabacay bogga wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa lagu sheegay in baaritaannadii u dambeeyay lagu ogaaday in hoos u dhac ku yimid kiisaska la xiriira Xanuunka COVID-19 ee laga helay gudaha Puntland. Warbixinta wasaaradda ayaa lagu xusay in mudadii u dhexaysay 22-28-kii bishan May xanuunka laga baaray dad gaaraya 87 ruux balse laga helay 8 bukaan oo keliya kuwaas oo kala jooga gobollada Mudug iyo Nugaal. Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in tirada guud ee bukaannada laga helay xanuunka ay haatan gaartay 178 ruux kuwaas oo ay ku jiraan 6 bukaan oo u geeriyooday iyo 15 qof oo ka bogsaday xanuunka. PUNTLAND POST The post Hoos u dhac ku yimid kiisaska Xanuunka COVID-19 ee degaannada Puntland appeared first on Puntland Post.
  12. Djibouti (HOL) - The U.S is upping its airstrikes campaign in Somalia following an expected upgrade of its airfield in Djibouti to handle increased flights of unmanned aircraft. Source: Hiiraan Online
  13. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa magacaabay Guddiga Wasaaradaha ee Mashaariicda Xalka waara. Dikreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Waare, ayaa lagu sheegay in Guddigaas oo ka kooban 9 Xubnood ay u xilsaaran isku dubaridka iyo mashaariicda xalka waara, taasi oo qeyb ka ah Xal u helida Biyaha Had iyo jeer ku fataha Magaalada Beledweyne iyo Guud ahaan Degaanada Hirshabelle. Guddiga ayaa ka kooban Wasaaradaha Qorshaynta, Hawlaha Guud iyo Dib u dhiska, Maaliyadda, Arrimaha Gudaha, Biyaha iyo Tamarta, Beeraha iyo Waraabka. Sidoo kale, Guddiga waxaa ku jira Guddoomiyaasha Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe iyo Xafiiska Mashaariicda Xalka waara u qaabilsan Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Waare oo magacaabay Guddiga Mashaariicda Xalka Waara appeared first on Puntland Post.
  14. Madaxeynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor ayaa ka hadlay xaaladda caafimaad ee magaalaa Cadaado iyo wararka sheegaya in ay jiraan dad COVID-19 ugu geeriyooday Cadaado. Kadib kadib markii uu shalay gaaray halkaas ayuu ka hadlay u jeedada safarkiisa isaga oo tilmamaay in uu la xiriiro socdaalkiisu ogaashaha xaaladda caafimaad iyo mid shaqo,waxaana uu tilmaamay in wax badan laga qaban doono xaaladaha caafimaad ee ka jira Cadaado iyo degaanada hoos taga. Dadka shacabka ah ayuu ugu baaqay in ay ka waantoobaan wax kasta oo u keeni kara dhibaato caafimaad maadaama Corona uu ka dilaacay Cadaado waxaana uu sheegay in loo baahanyahay in aan la dhayeelsan. Maamulka Galmudug ayuu tilmaamay Qoor qoor in uu kala hadlay dowladda sidii qalab caafimaad loo gaarsiin lahaa Cadooda isla markaana ay geysay balse dadkuna ay tahay in ay qaataan kaalintooda. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa safarkiisii ugu horeeyay ku tegay magaalada Cadaado tan iyo doorashadiisii waxaana uu inta uu ku suganyahay uu kulamo la qaadan doonaa maamulada iyo bulshada magaalada Cadaado. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Qoor Qoor oo ka hadlay gurmadka Caafimaad ee la geeyay Cadaado appeared first on Puntland Post.
  15. Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa Diyaarad siday agab caafimaad gelinkii dambe ee Shalay ka dejisay garoonka diyaaradaha magaalada Cadaado. Diyaaradda ayaa sidoo kale waxaa la socday dhakhaatiir caafimaad oo baaritaanno la xiriira COVID-19 ka soo sameeynaya degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, si dheecaanada halkaasi laga soo qaado loogu baaro shaybaarka Muqdisho. Agabka caafimaadka oo isugu jirta marada wajiga lagu xirto, (Face mask), gacmo gashi, sariiro, qalabka dadka neefta siiya iyo agab kale ayaa lagu wareejiyay guddoomiyaha Degmada Cadaado Cabdullaahi Cabdiraxmaan Tootoole oo ka mahadceliyay gurmadka deg deg ah ee lasoo gaarsiiyay. Guddoomiye Cabdullaahi Cabdiraxmaan Tootoole ayaa xusay in dhakhaatiirta ay dowladda Federaalka u soo dirtay Cadaado ay sameynayaa baaritaanno bukaano looga shakisanyahay in ay qabaan cudurka, balse jawaabta saxda ah laga sugi doono marka ay dhamaato baaritaannada. PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka oo gurmad Caafimaad gaysay Cadaado appeared first on Puntland Post.
  16. WASHINGTON (Reuters) - U.S. President Donald Trump will sign an executive order on social media companies on Thursday, White House officials said after Trump threatened to shut down websites he accused of stifling conservative voices. Source: Hiiraan Online
  17. Calls grow for the prosecution of four Minneapolis police officers over the death of George Floyd, an unarmed Black man. Source: Hiiraan Online
  18. Anger over the death of George Floyd spilled into the streets of Minneapolis for a second night Wednesday, as protesters lobbed rocks and bottles at police and gathered separately outside the homes of Hennepin County Attorney Mike Freeman and the fired officer who knelt on Floyd’s neck. Source: Hiiraan Online
  19. IT’S OFFICIAL: Donald Trump now has the blood of 100,000 people on his tiny hands. Source: Hiiraan Online
  20. Elwak, the second most populous town in Mandera County, is set to become a municipality after members of the county assembly voted to elevate its status. Source: Hiiraan Online
  21. Six months ago, Beledweyne, a town in central Somalia was battered by heavy rainstorms. The flooding destroyed houses, crops and roads, and displaced thousands of families. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamanka iyo golaha wasiirada ee kasoo jeeda Beelaha Mogadishu Clan ayaa xalay kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Kulankan, oo ka dhacay Hotel Doorbin, ayaa looga hadlayey sidii Gobolka Banaadir matalaad ugu yeelan lahaa Aqalka Sare, xilli iminka la sugayo in go’aan la gaaro qaabka doorashooyinka dalka ka dhacaya uu gobolka ugu lug yeelan karo. Guddi isku-dhaf ah oo ka kooban xildhibaano ka tirsan laba Aqal ayaa dhameystiraya sharciga doorashooyinka dalka, ayaga oo go’aan ka gaaray arrimo ay ka mid yihiin waxa laga yeelayo gobolka Banaadir iyo arirnta Somaliland. Shirkii xalay ayaa waxaa ka qeyb gala Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Filish, Wasiirka Ganacsiga Injineer Cabdullaahi Cali Xasan, Wasiir Ku-xigeenka dekadaha Cusmaan Daallo, Wasiir ku-xigeenka Isboortiga iyo xildhibaano badan Si kastaba kulanka ayaa waxaa ka maqnaa inta badan Wasiirada Beelaha Mogadishu Clan ku matala Xukuumadda Xasan Cali Kheyre, oo la sheegay inay kulankan uga baaqdeen cabsi ay xilalkooda ka qabaan. Ma jiraan qodobo kasoo baxay kulanka, hase yeeshee dhinacyada ayaa eegayey waxa laga yeelayo haddii mar kale gobolka Banaadir la duudsiiyo xuquuqdiisa doorashooyinka soo aadan. Kulamo kale oo sidan oo kale looga hadlay arrintan gobolka Banaadir, ayaanay kasoo bixin natiijo la taaban karo, hase yeeshee dadaalladan ayaa la rumeysan yahay in cadaadiska ku kordhin doonaan dowladda federaalka. Gobolka Banaadir waa kan kaliya ee dhaqaalihiisa ay ku tiirsan dowladda, hase yeeshee inta badan dhaqaalihiisa ayaan gobolka wax loogu qaban, waxaana lagu quudiyaa xildhibaano iyo wasiiro intooda badan ka yimid gobollo kale. Dadka qaar ayaa rumeysan in sida kaliya ee gobolka uu isaga dulqaadi karo culeyska aan loo sineyn ee dowladdu ku hayso shacabkiisa ay tahay ayada oo caasimadda loo raro magaalo kale, dowladda isaga tago, oo dadka gobolka ay aayihiisa u madax-banaanaadan.
  23. Weerar dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Dalka Sacuudiga Ugu yaraan 6 Ruux ayaa ku geeriyootey weerar ka dhacay Boqortooyada Sacuudi carabiya sida ay sheegeyaan Warbaahinta gudaha oo soo xiganaya laamaha ammaanka dalkaas. Weerarka ayaa ka dhacay gobolka Al-Amoah oo ku yaalla koonfur galbeed dalkaas, waxaana wali ay Booliisku baadi goobeyaan raggii ka dambeeyey qaarkood oo baxsaday. Faahfaahin lagama bixin sababta iska horimaadka dhalisay iyo cida ku lugta laheyd inkastoo wararka qaar ay sheegayaan inuu dhexmaray rag ka soo jeeday labo qoys oo khilaaf uu soo kala dhex galay. Dowlada Sacuudiga ayaan illaa hadda wax war ah ka soo saarin weerarkan oo sidoo kale saddex qof ay ku dhaawacmeen. Qaran News
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lasoo gudbiyey habraaca loo marayo soo xulista xubnaha labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya kasoo gelaya deegaanada Somaliland, marka la gaaro dabayaaqada sanadkan. Habraacan, oo weli qabyo ah, lagana yaabo in waxa laga beddelo, ayaa waxaa soo saaray guddiyo isku dhaf ah oo ka kala socda labada gole ee baarlamaanka federaalka, kuwaas oo loo xil saaray inay kasoo tala bixiyaan sharciga doorashooyinka oo markii hore aan qeexeynin hanaanka loo marayo soo xulidda xubnaha Somaliland ku metela dowladda federaalka iyo qodobo kale, waxaana guddigaas hoggaaminaya Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow. Habraacan ayaa u eg kii doorashadii 2016, waxaana lagu sheegay in xildhibaankiiba ay soo dooranayaan ergo ka kooban 75, ayada oo doorashaduna ay ka dhaceyso magaalada Muqdisho. Xarunta baarlamaanka ee Villa Hargeysa kulan ka dhacay Talaadadii 26-kii bishan waxaa isugu yimid xubnaha ka soo jeeda Somaliland ee ku jira labada aqal ee baarlamaanka federaalka, waxaana laga hor akhriyey habraacan cusub. Kulankaas waxaa goobjoog ka ahaa xubno uu hoggaaminayey Ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed oo ka socday xukuumadda, isla markaana ay qeyb ka ahaayeen wasiirrada kala ah Maareeye iyo Beyle, waxayna la dhacsanyihiin xubnahan ku jira xukuumadda, qaabka loo soo diyaariyey habraacan. Hase yeeshee waxaa habraacaan si adag uga soo hor jeestay siyaasiyiinta kale ee reer Somaliland, waa kuwa aan ku jirin xukuumadda, si kale hadii loo dhigana waa kuwa mucaaradka ah. Xubnaha ka hor yimid habraaca cusub waxay la hadleen warbaahinta, waxayna sheegeen in xukuumaddu ay afduubaneyso doorashada kuraasta deegaan doorashadoodu tahay gobollada waqooyi ee Somaliland. Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka ka mid ah xildhibaanada golaha shacbaka ee gobollada waqooyi kasoo galay baarlamaanka ayaa sheegay in xukuumaddu ay soo qoratay qaabka ay u soo xulaneyso xubnaha baarlamaanka federaalka kasoo gelaya Somaliland, isla markaana ay u diyaarsatay dad gaar ah, waxuuna tilmaamay in taasi ay muujineyso in dadka gobollada waqooyi kasoo jeeda aysan u madax banaaneyn inay kuraastooda doortaan. Sidoo kale waxay beesha caalamka u direen warqad ay uga cabanayaan habraacan cusub, waxayna ku soo bandhigeen qoraalka ay ku gudbiyeen dacwadaas qodobo ku yaalla dastuurka oo ay sheegeen in lagu xad-gudbay, iyaga oo madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu afduubtay habsami u socodkii howlaha doorashada dalka. Hoos ka aqriso habraaca muranka dhaliyey
  25. Dawlada ugu Tunka weyn Dowladaha taageerada ciidan siiyey Gen. Khalifa Haftar oo ku baaqday Wadahadal deg deg ah Dowlada caalamka aqoonsan yahay ee Liibiya ayaa guulo waa weyn ka gaartay dagaalka ay kula jiraan ciidamada uu Hogaamiyo Janaraal Khalifa Haftar ay taageerayaan dowlado ay kamid yihiin Imaaraadka iyo Masar. Ruushka oo lagu tuhmayo in uu taageerayo janaraalka doonaya in uu xoog kula wareego talada dalka Liibiya ee Khalifa Haftar ayaa ku baaqay in xaalada dagaal la qaboojiyo wadahadl deg deg ahna la furo. Xukuumada Moscow ayaa soo jeedisay hindise xabad joojin deg deg ah iyo wadahadal siyaasadeed oo lagu dhameynayo xiisadda Libya ka taagan gaar ahaan dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo kuwa Daacada u ah Khalifa Haftar. Ruushka ayaa taageero ku siinayay dagaalka Janaraal Khalifa Haftar oo hada lagu jabiyay dagaalka Tripoli, waxaana Ruushka si qarsoodi ah Liibiya u geeyay calooshood u shaqeestaaal Ruush ah iyo diyaarado dagaal oo caawinaya xulufata Khalifa Haftar. Ciidamada dowladda Liibiya oo taageero ka helaya Milatariga Turkiga ayaa maalmihii lasoo dhaafay qabsaday goobo muhiim ah oo kuyaala Caasimada oo ay horey u haysteen ciidamada Jeneral Khaliifa Haftar. Qaran News