-
Content Count
212,225 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Alla ha u naxariistee waxa Magaalada Burco ku geeriyootay Marwo Dahabo Maxamed Cigaal oo ahayd Haweenaydii sida weyn xaaladdeeda saacadihii la soo dhaafay loogu baahiyay Baraha Bulshadu ku xidhiidho ee ay eheladeedu ka cabanayeen in loo waayay gaadiid ambalaas ah oo lagu keeno Magaalada Hargeysa iyo sidoo kale adeegga Oksajiinta ee dadka ka caawiya inuu neefta siiyo taasi oo ugu dambayn adeeg xumo caafimaad ugu geeriyootay Magaalada Burco. Marxuumad Dahabo Maxamed Cigaal oo ay eheladeedu sheegeen in ay ahayd haweenay ay Ilmaadeer ahaayeen Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa sida uu sheegay Ustaad Cabdixakiim Muuse oo hore xaaladdeeda qoraal uu ka sameeyey ugu baahiyey baraha Bulshada ayaa waxa qoraal uu shalay galab ku shaaciyey geerideeda waxa uu ku yidhi sidan: “Ugu danbayn DAHABO MAXAMED CIGAAL waxay ku geeriyootay Dhakhtarka weyn ee Burco. Waa qofkii aan xalay aan u waayay Ambalaas aan ku qaado. Ilaa Hargeysa. Waxay ka dhalatay qoys caan ah waxay oo dalka taariikh ku leh. Madaxweynihii Hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayay ilmaadeer ahaayeen. Ilaahay waxaynu uga baryaynaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo ehelkiina samir iyo iimaan ka siiyo. Ustaad Cabdixakiim Muuse ayaa hore u shaaciyay in uu haweenaydan Marxuumadda ee shalay geeriyootay waxa uu ka sheekeeyey xaalad dhiillo leh oo uu kala kulmay Cisbitaalka guud ee Magaalada Burco kadib markii uu waayay oksajiin lagu baxnaaniyo haweenaydan isaga oo sheegay in uu waayay markii hore Ambalaas uu ku soo qaado markii dambena xataa ambalaaskii dhawaan shirkadda dahabshiil siisay cisbitaalkaasi la sheegay in aan lagu qaadi Karin oo aanu lahayn adeeggii oksajiinta ahaa ee qofkaasi bukaanka ahaa lagu baxnaanin lahaa muddoda uu jidka ku soo jiro taasi oo ugu dambayn shalay ku geeriyootay Cisbitaalka weyn ee Burco. Dadweynaha ku dhaqan Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa muddoba waxa ay si weyn ufga cabanayaan xaaladda oksajiin la’aanta ah ee ay dadka bukaanka ahi kala kulmaan Cisbitaallada Hargeysa iyo Burco oo ay marar badan dad kala duwani sheegeen in eheladooda oo xanuuno la liidatay ugu dhinteen Cisbitaalladaasi markii ay waayeen Oksajiin lagu rikibo oo neefta ka caawiya. Xaaladda cudurka Karoona ayaa u muuqda mid si weyn u soo shaac saaray oo bannaanka keenay baylahda caafimaad iyo adeeg la’aanta umadda ee marka horeba jirtay taasi oo keentay in dhinaca kale qaylo dhaan culusi ka soo yeedhayso Gobolada iyo Degmooyinka dalka oo ay dadku ka cabanayaan Oksajiin la’aan iyo adeeg la’aan ay xukuumadda ku dhaliilayaan sida aanay waxba uga qaban ama fashilka ugu tahay adeeggii caafimaad ee umaddu u baahnayd. Source
-
Mataanaynta Hunguriga iyo Siyaasada. (Siyaasada ku dhisan Hunguriga) _________________________________ Self-interestedness culture in Politics ___________________________________ Q1aad: Akhristayaal waad salaamantihiin. Ciid Wanaagsan. Hunguriga iyo Siyaasada marka laysku Sooho , maxaa ku dhaca nidaamka Siyaasiga ee bulsho leedahay?. Si kale ,Hunguriga iyo Dowladniumada marka laysku qoosho , maxaa soo baxa ?. _________________________________ Bulshada huguriga iyo siyaasadu iska dhex galaan ee kala saari kari wayda (ninka hungurigu wado ee mustaqbalka caruurtaada ku socda iyo ka dantooda wada )sawir nooceeya ayay yeelataa?. ___________________________________ Hordhac : Qormadan aan ugu magac daray (Mataanaynta Image Hunguriga iyo Siyaasada) , waa mowduuc aan ku eegayo dhibaatooyinka hunguriga (qofka oo ka fekera kaliya sidii uu wax u heli lahaa) ku keento siyaasada bulshada ama dowladnimada , isagoo qofku iska dhigaaya siyaasi bulshada danaheeda ka shaqaynaaya , oo shaadhkaas gashan , meesha uu Hunguriga ka raadinayaana tahaydantii guud ee bulshada sida xafiis ama hayad Dowladeed iwm .( Thinking his/her own interest only). Qofku wax waa raadsan karaa , waana shaqaysan karaa , laakiin waxa kala duwan habka loo shaqo tago , markay tahay suuqa kale ee fursaduhu yaalan , iyo markay tahay in loo shaqo tago dowlada iyo markaad siyaasada galayso , waxa kala duwan mabaa’diida shaqooyinka ,waajibaadka iyo falsafada aad ku shaqo tagayso . Sideedaba waxa laysla waafaqsanyahay in qofka siyaasiga ahi yahay qof bulshada wax kusoo kordhin kara , oo fahamsan nolosha bulshadiisa , qiimeeyey waxa ka dhiman bulshadiisa , ka fekeray waxaa dhiman iyo habkii loo dhamaystiri lahaa , himo fog leh , jecel inuu bulshada taageero , magac katago iyo sharaf ,jecel inuu noqdo qof lagu daydo, lagu dayankaro, fahamsan tartaranka waddamada dunida ka dhexeeya , ee lagu tartamaayo amni , waxsoosaar , cadaalad , sinaan , aqoon, caafimaad , dowlad wanaag , isla xisaabtan , midnimo bulsho, dhaqaale,Siyaasad iwm, intaasi ay wado ,intaas ku darsaday karti iyo hogaamin, intaas isagoo ka shaqaynaaya, bulshada kaga hela mushahar u qalma , hoy wacan iyo maamuus . (Politician is a person experienced in the art or Science of government , engaged in conducting the affairs of the people and promoting life of the citizens ). Ninka intaasi wado ee siyaasada usoo gala habkaas waxaynu odhanaynaa waa siyaasi meeshuu doono haka gaadho . Waayo waxuu isu soo taagay inuu ilaaliyo , kana shaqeeyo danta guud ee shacabka , shaqadaasina ay saamaxdo in dalka , dadka iyo isaguba wax noqdaan . ninkaasi waa nin tagay hadal uma baahna kaliya taageero iyo in bulshadu ilaashato oo la shaqayso uun weeye. HUNGURIGA IYO SIYAASADA : #Hunguriga : waxaan uga jeeda waa qofka oo raadsada maslaxadadiisa gaarka ah , wax walba oo uu qabanaayona ku saleeya waxii maslaxadiisa u adeegaaya , maslaxadiisa ku tola wax kasta oo awooda oo uu haysto , aqoon , kibrad, xukun ,xil , ganacsi ,iwm . kana an ka hadlaayaa waa dadka jila inay siyaasiyiin yihiin iyagoo danahooda bka dhex baadhaya danta guud iyo waxay umadu wada leedahay. (The act of Considering the advantages to yourself when making decisions and deciding deciding to do what is the best for you). #Siyaasada : waa hanaan lagu maareeyo oo lagu ilaaliyo nolosha bulshada dhankasta oo ay tahay , caafimaad , waxbarasho , nabagelyo , siyaasad , sharci , cadaalad , ganacsi ,maalgalin , shaqo abuur iwm.Siyaasiga : waa qofka leh sifooyinka aan ku ku xusay iyo qaar kale oo badan. (Politics is an Art or Science of how to enhance the public affairs of the country). #Hadaba : Marka laysku linggaxo siyaasada iyo masaalixda shakhsiga ah ee ay ka hirgasho waddan inay mar walba xagga hore yimaadaan dadka ka addeegta siyaasada ee uga addeega dannohooda shakhsiga ah ee hungurigu wado , bulshaduna aanay dareensanayn , fursadna u helaan inay buuxiyaan dhamaan hayadaha dowliga ah ee u samaysan in bulshada loogu addeego, Waxa ka dhasha sidan hoose: (Consequences). 1. #dowladnimada marka aan ka eego dhanka dowladnimada (Government), waxaa dhaca sidan hoose: Dowladu waxay noqotaa dowlad tamar daran ,ku fashilanta dhamaan addeegyada bulshada , waayo waxa dhex ordaysa aragtida ah ka shaqayso , mataalo u shaqee oo magac iyo horumar keen , aqoonka iyo xirfada ayaa ku ag dhimata ,intaa danaysta yaasha ah ee xaga sare jooga kaliya ayaa is daawada ,is cajabiya ,malaha istaraatijiyad fikir oo lagu jaangoynaayo bulsha nolosheeda. Ma jiro qorshe fadhiya, waayo waxa lagu wada mashquulsanyahay dano gaara (vested interest),marka wax dhacaan uunbaa la hadlaa , muran qaylo ayaa laysla dhexqaadaa hebel u yeedha iyo hebel u yeedha . Ma jiro odoros siyaasadeed oo sal u ah siyaasada socota (there is no strategic thinking and Political Predictions ). Falsafada siyaasadeed ee ay qaataan danaystayaashu waa in dhamaan xogaha laga qariyo dadka, dadka la majaro habaabiyo iyadoo la adeegsanaayo warbaahinta dowlada iyo waxii kale ee la shaqaysta, beenta iyo Huuhaada ayaa badata, siyaasad aan fadhiyin oo kolba meel u ordaysa , kaliya ku mashquusha inay dadkeeda kala qaybiso si ay jaanis ugu hesho inay sii joogaan oo masaalixdooda ilaashadaan.(Hiding the reliable informations from the public and misleading). Taladu waxay ku koobantaa koox yar isku maslaxad ah (Bureaucratic system), kalitalisnimo, bulshada oo iska dhexweyda dowladeedii, dowladnimada oo lakala sheegto oo markaad wax ka sheegto dowladaadii ama aad Tilmaanto qaladaadka jira, koox MASLAXAD ilaashanaysa ayaaba kaa sheegan dowladii. Wada lahaansha iyo siyaasada loo dhanyahay ayaa meesha ka baxda (Elimination of the fundemantal principles of political equality). Dimiquraadiyada iyo doorashooyinka ayaa la laabaa (Absence democracy and elections). Khilaafaadka bulsha lama xaliyo (Inappropriate settlement of social disputes .) Distoorka iyo shacrciga ayaa layska laabaa (Violation of constitution and rule of law). Dhamaan tayada adeegyada bulshada sida waxbarashada , caafimaadka ,dhaqaalaha iwm ayaa meesha ka baxa. La soco qaybta 2aad. Abdirashid Hussein Yousuf Email :Gahaydhle@live.com Doha Qatar. Get Outlook for Android Qaran News
-
Xisbiga talada dalka haye ee KULMIYE ayaa waxa muuqata inuu mar kale dib u dhac ku yimi shir weynihiisa afraad, kaasi oo muddaysnaa in la qabto horaanta bishan foodda inagu soo haysa ee Juun, taasi oo ay inaga xigto laba maalmood oo kal ahi, balse waxa hadda muuqata inuu shirkaas dib uga dhacayo wakhtigii hore loogu qorsheeyey in lagu qabto shirweynahaasi. Shir weynaha afraad ee Xisbiga KULMIYE ayaa ah mid si weyn ay ugu dheg taagayeen bulshada reer Somaliland oo ay si gaar ah u xiisaynayaan qabsoomidiisa, isla markaana ay dhawrayeen qaabka uu u qabsoomayo iyo natiijada kasoo baxaysa gunaanadkiisa, maadaama lagu dooranayo hoggaanka xisbiga ayaa hadda shirkaasi ayaa waxa uu muuqdaa mid dib uga dhacaya wakhtigiisii loo qorsheeyey oo ahaa bilowga bishan juun. Sidoo kale siyaasiyiin si gaar ah dano uga lahaa qabsoomidda shirkan islamarkaana u gunti giijisnaa ayaa u muuqda inay hungo ka taagan yihiin oo uu dib u dhacaaasi xagal daaciyay dadaalkoodii, waxaanay warar hoose sheegayaan inay siyaasiyiintaasi shirar duceeyo arintani ku saabsan maalmahan ku jiraan. Dhanka kalene Xoggo hoose soo baxaya ayaa la xidhiidhinaya dib u dhaca shirkaas cudurka halista ee ah ee karoona Fayras,kaas oo ay sii kordhayso gudaha Somaliland tiradda dadka uu ku dhacay iyo kuwa u geeriyoonaya cudurkaas maalin walba, waxaana wararkani sheegayaan in masuuliyiinta xisbiga Kulmiye dhawaan la hadli doonaan warbaahinta. Geesta kalena Guddida ka horttaga cudurka karoona Fayras ee Somaliland,ayaa waxay maamnuuceen shirarka iyo xafladaha la isku yimaado, si looga hortaggo faafitaanka cudurka halista ah ee karoona fayras Ma Jiro wax war ah oo amuurtan ku saabsan oo kasoo baxay guddida qaban qaabada shir weynaha afraad Xisbiga KULMIYE iyo masuuliyiinta kale ee Xisbigaba, haseyeeshee shirkaasi ayaa ah mid dib uga dhacay wakhtigii la baahiyey in lagu qabanayo ee bilowga bisha juun. Xigasho Foore Source
-
Maamulka Gobalka Banaadir ayaa faahfaahin waxa uu ka bixiyay qaraxii saakay ka dhacay dhabarka dambe ee guriga Hooyooyinka kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyada oo qaraxaasina gaarigiisa loogu xiray sarkaal ka tirsan maamulka gobalka. Afhayeenka maamulka Gobalka Banaadir Saalax Xasan Cumar ayaa sheegay in qaraxaasi uu ku geeriyooday sarkaal ka tirsan booliska gobalka oo lagu magacaabi jiray Cabdishakuur Xuseen Cabdi Dhicisoow waxa uuna sidoo intaas ku daray in qof la socday sarkaalka uu isagana qaraxa ku geeriyooday halka hal askari uu ku dhaawacmay. Saalax Dheere ayaa tilmaamay in sarkaalka qaraxa loogu xiray gaarigiisa waxa uuna xusay inay wadaan baacsiga Al shabaab oo uu sheegay in muddooyinkii dambe ay marayaan heerarkii ugu dambeeyay. Halkan ka dhageyso codka afhayeenka https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/05/99411001_941063099673806_3737388671628738560_n-online-audio-converter.com_.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Halkan ka daawo farriin ku aaddan wacyi gelinta COVID-19 Source: goobjoog.com
-
Kulan ay magaalada Gaalkacyo ku yeesheen wasiirka amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi iyo wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa waxa ay uga wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa sugidda amniga Gaalkacyo oo maalmihii dambe ay ka dhacayeen falal liddi ku ah nabad gelyada. Wasiirka Wasaarada arrimaha gudaha Puntland Dhabancad ayaa sheegay inay iskaashi buuxa ka wada Sameeyn doonaan labada maamul Xallinta colaadaha iyo la dagaalanka dagaalamayaasha Al Shabaab. Wasiirka Wasaarada Amniga Galmudug Axmed Mcallin Fiqi ayaa isna ka warbixiyay ahmiyada ay nabada iyo amnigu ay u leeyihiim shacabka gobalka Mudug,wuxuuna dhanka kale xusay in tallaabo laga qaadayo cid kasta oo gacan saar la leh Al shabaab isaga oo intaas ku daray inay Puntland kala shaqeyn doonaan sugidda amniga magaalada Gaalkacyo. Sidoo kale wasiir Fiqi ayaa deegaannada Galmudug waxa uu ka mamnuucay waxyaabaha maanka dooriya ee la keeno deegaannadaasi isaga oo sheegay in waxyaabaha maanka dooriya abuuraan xasilooni darro, dilal joogta ah, kufsi iyo colaad. “Wuxuu maantay si rasmi ah wasiirka amniga gudaha Galmudug uu u mamnuucay ka ganacsiga, keenista, isticmaalka, daabulidda iyo kaydinta Khamriga iyo maandooriyaha oo maleeshiyaadka qaarkood ay si xun u isticmaalaan ka dibna ay abuuraan xasiloonidarro, dilal joogto ah, kufsi, colaado sokeeye iyo xadgudubyo xuquuqda aadanaha ka dhan ah” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxaya wasaaradda amniga Galmudug. Magaalada Gaalkacyo ayaa iminka laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo la doonayo in lagu sugo amniga magaaladaasi waxaana dadaalladaasi si xowli ah waxa uga wada wasiirka amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kooxo ku hubeysnaa bistoolado ayaa goor dhow toogasho ka geystay xaafadda suuq Bacaad oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay, Ugaas Xuseen Maxamed Daa’uud iyo askari ilaalo u ahaa, sida uu shabakadda warbaahinta Shabelle u xaqiijiyey, C/laahi Maxamuud Maxamed oo uu adeer u ahaa marxuumka. Wararka ayaa sheegaya in Ugaaska uu ka mid ahaa ergadii wax ka soo dooratay xildhibaanada BF, iyadoona raggii ka dambeeyey falkaasi ay goobta ka baxsadeen. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in meesha uu dilku ka dhacay ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-ugaaska-la-dilay-.mp3 View the full article
-
Laba iyo soddon qof (32) ayaa laga helay xanuunka, dhamaantood waa Somalilander, 21 qof waa rag, 11 qofna waa dumar Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa: (10jir ilaa 19jir = 1 qof) (20jir ilaa 29jir = 9 qof) (30jir ilaa 39jir = 11 qof) (40jir ilaa 49jir = 4 qof) (50jir ilaa 59jir = 2 qof) (60jir ilaa 69jir = 2 qof) (70jir ilaa 79jir = 2 qof) (80jir ilaa 89jir = 1 qof) Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 19 qof, Borama 5 qof, Berbera 5 qof iyo Burco oo ah 3 qof. Waxaa xanuunka ka bogsaday 5 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Sideed iyo Labaatan (28) Waxaa geeriyooday hal qof oo rag ah oo deganaa Hargeysa, da’diisuna ahayd 84 jir, taasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan u dhimatay sideed iyo toban (18). Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Duhur-28052020.mp3 View the full article
-
Soomaaliland ayaa maanta oo ah Khamiis 28-05-2020 waxa ay sheegtay in deegaannadeeda laga helay kiisas la xiriira safmarka Coronavirus ka dib markii baaritaan lagu sameeyay dad looga shakiyay xanuunka oo gaaraya 1083 qof. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland oo soo saaratay warbixinta maalin laha ah ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay in cudurka COVID-19 laga helay 32 qof, iyada oo sidoo kale shaacisay in xanuunka maanta ka bogsadeen 5 halka 24-kii saac ee la soo dhaafay uu hal ruux oo 84 jir ahaa u geeriyooday caabuqan. Tirada guud ee ka bogsatay Coronavirus gudaha Soomaaliland ayaa ah 28 qof iyada oo guud ahaan xanuunkan ay u geeriyoodeen 18 ruux. Guud ahaan Soomaaliland waxaa cudurkan kiisaska laga helay ay gaarayaan 257 kiis. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Minneopolis (Caasimadda Online) – Madaxweyanaha Mareykanka Donald Trump ayaa naxdin iyo masiibo ku tilmaamay dilkii magaalada Minneopolis loogu geystay ninkii madowga ahaa George Floyd. Trump wuxuu ka codsaday FBI-da iyo waaxda caddaallada dalkaas in tallaabo ay qaadaan marka ay soo afjaraan baaritaannada ku saabsan dhacdadaas. Wuxuu sidoo kale u tacsiyeeyay qoyska iyo eheleada George Floyd. “Sida aan ka codsaday, FBI-da iyo waaxda caddaallada waxay si wanaagsan u wadaan baaritaannada dhacdadan naxddinta badan ee masiibada ah ee dilkii Minnesota loogu geystay George Floyd. waxaan ka codsaday baaritaanada kaddib in tallaabo la qaado, waxaan si aad ugu mahadcelinaya ha’yadaha sharciga ee maxalliga ah shaqada ay qabteen…caddaallada waa inay dhaqan gashaa” Rabashado ka dhashay dil nin madow ah ay u geeysteen booliiska magaaladda Minneapolis ayaa isku badlay rabshado ay khasaaro ka dhasheen oo waxaa la boobay dukaamo waawayn sida kan caanka ka ah dalkaas ee loo yaqaan Target. Rabashadaha ayaa cirka isku sii shareeyay kaddib markii ay booliska Sunta dadka ka ilmeysiisa iyo rasaasta raabarka ah u adeegsadeen dibadbaxayaal aan hubeysnayn oo sida ay sheegeen doonanayay iney si nabdoon uga mudaaharaadaan dilkaa loo geystay George Floyd.
-
(SLT-Delhi)-Nin Pakistani ah ayaa ugu baaqay raysal wasaaraha Hindiya in loo soo celiyo shimbir nooca qoolleyda loo yaqaan ah, taas oo Hindiya u haysato basaasnimo. Ninkan, oo ku nool meel 4km u jirta (2.5 mayl) xuduudda, ayaa sheegay in sababta ay u duushay shimbirtiisani ay ahayd si ay ugu dabbaaldegto farxadda Ciidda. Booliiska ayaa sheegay in shimbirtani ay mid ka mid ah lugaheeda ku xidhnayd fargal wax ku qornaayeen, kaas oo qeexaya sida ay sheegeen xog-gudbin sir ah, ayna isku deyayaan inay u turjumaan xog la fahmi karo. Ninkan udhashay Pakistan, ee sheegtay lahaaanshaha shimbirtan la qabtay, ayaa sheegay in xogta ku qorani ee lambarrada ahi ay yihiin lambarkiisii caadiga ahaa. Wargeyska The Dawn ee ka soo baxa dalka Pakistan ayaa ninkan ku tilmaamay magaciisa Habibullah wuxuuna soo werinayaa inuu leeyahay tobaneeyo shimbiro ah oo kale. Habibullah waxa uu sheegay in shimbirtiisani tahay “astaan nabadeed” Indiana ay tahay inay “ka waantoobaan godobaynta shimbiraha aan waxba galabsan”. Dadka tuuladu ayaa qabtay shimbirtani isniintii iyagoo maraya xadka caalamiga ah ee Hindiya qaybta ay maamusho ee Kashmir waxayna ku wareejiyeen booliska. Source
-
Adeegyada ay dawladu siiso shacabkeeda, waxa ka mid ah difaaca qaranka, xasilooni, caafimaad, waxbarasho, biyo, wadooyin, kaabayaasha dhaqaalaha, garsoorka iyo wixii dantooda ah. Waajibka difaaca qaranka waxa dawlada ugu xilsaaran Ciidanka Qaranka. Sida uu tilmaamayo faqradada 1aad ee Qodobka 123aad ee dastuurka Somaliland iyo faqrada 2aad ee qodobkan oo tilmaamaysa in Ciidanka Qaranku u hogaasamayaan dastuurka:Ciidanka Qaranku wuxuu u xil-saaran yahay ilaalinta iyo difaaca madaxabannaanida dalka; waxa intaa u dheer marka loo baahdo hawlaha xilliga xukunka degdegga ah ee waafaqsan Dastuurka. Ciidanka Qaranku waxa uu had iyo jeer u hoggaansamayaa oo tixgelinayaa Dastuurka iyo xeerarka dalka. Waajibka shaqo ee ciidanka militarigu wuu ka xaasaasisan yahay shaqooyinka ay qabtaan waaxyaha kale ee dawladu, sababaha shaqada ciidanka militarigu xaasaasiga u tahay waxa ka mid ah: Waa shaqo ah difaaca dalka, si looga ilaaliyo qaranka cadawga, waxa dhici kara dagaal, xaaladaha dagaalka oo ah iska horimaad hubaysan oo natiijadiisu tahay burbur, dhimasho, dhaawac, cabsi oo u baahan geesimo iyo naf-hurnimo. Guud ahaan ciidamada ka qayb gala dagaaladu waxay u badheedhaan khatarahaas, waxa se jira qaar ka mid ah askarta ama saraakiisha oo muujiya geesinimo dheeraad ah oo mahadho ka muujiya goobaha dagaalka. Si loo xuso askarta ama saraakiisha muujisa kartida iyo geesinimada dheeraadka ah, quruumaha dunidu waxay ku maamuusaan abaal-marino kala duwan, sida: dalacaad, billado, shahaado sharaf, hanti kala duwan iyo amaan afka ah oo loo jeediyo. Jamhuuriyada Somaliland waxay soo martay marxalado qalafsan, xilli la aasaasayey waaxaha dawlada Somaliland, dhaqaale la’aan, maamulka oo aan isku mar wada gaadhin dalka iyo taageero la’aan beesha caalamka ah. Ciidanka Qaranka jamhuuriyada Somaliland oo 25 jirsaday lana aasaasay 02/02/1994, wuxuu soo maray marxaladaas adag oo uu la qabay qaranka jamhuuriyadda Somaliland, isagoo noqday waaxdii u horaysay dawladnimada Somaliland ee hana-qaaday. Jamhuuriyada Somaliland oo ah dalka ugu xasiloon wadamada Bariga Afrika, waxa ugu weyn ee caalamku ku majeertaana tahay nabad, inagoo u dhaxayna labada mandaqadood ee Geeska Afrika iyo Bariga dhexe oo amaankoodu halis ku yahay guud ahaan caalamka, 30kii sano ee u danbeeyey labadan mandaqadood waxay saldhigyo u noqotay xag-jir, budh-cad badeed iyo nabad-diid. Ciidanka Qaranku waa sababta u weyn ee xasiloonida iyo ka badbaadinta Somaaliland, qalalaasaha Geeska Afrika iyo Bariga dhexe; cadawga Somaliland in badan ayey isku dayeen inay mijaxaabiyaan ama khalkhal geliyaan Jamhuuriyada Somaliland, damacooda waxa u quus-gooyey Ciidanka Qaranka Somaliland. 25kaas sano ee Ciidanka Qaranku jiray, waxay gaadheen horumar dhan walba ah, waxa kordhay tirada ciidanka, gaadiidka, hubka iyo saanada Ciidanka Qaranka, waxay dhisteen xerooyin, xafiisyo, cisbitaalo, guryo iyo miisas saraakiil, isla markaana waxa la kobciyey aqoonta ciidanka, sanad walba dugsiyada Ciidanka Qaranka waxa ka soo baxa askar badan, sidoo kale jaamacadaha dibeda waxa Ciidanka Qaranka uga soo qalin-jabiyey saraakiil badan oo soo bartay aqoon iyo xirfado kala duwan. Ciidanka Qaranka oo muddo dheer loo diyaarinayey darajooyin, waxay suura-gashay sanadkii 2013kii, muddadaas dheer (1994-2013) ee Ciidanka Qaranku bilaa darajada ahaa, waxay isku maamulayeen Masuuliyad. Sanadkan 2020, xuskii 29 sano guurada maalinta qaranka 18/5/2020, dawlada Somaliland waxa u qabsoomay markii u horaysay in madaxweynaha Somaliland billado gudoosiiyey 12 sarkaal. Guud ahaan, Ciidanka Qaranku geesinimo iyo naf-hurnimo ma kala dhacaan, qiimayn aad u qoto-dheer oo muddo na aad looga baaraandagayey sifooyinka ay ku kala mudan karaan billadaha, waxa ku guulaystay taliyeyaasha hogaamiya Ciidanka Qaranka ee Aaga Beri. Weerarada gardarada ah ee ugu badan ee Somaliland lagu soo qaadaa, waxay ka dhacaan labada gobol ee Bariga Somaliland ee Sool iyo Sanaag; Puntland oo ku andacoota sheegashada labadaas gobol iyo Soomaaliya oo sheegata midnimado ay Somaliland ku jirto, sidoo kale labadaas gobol oo xad la leh Soomaaliya oo Saldhig u ah xagjir, nabad-diid iyo budh-cad badeed waxay isku dayaan inay qalalaase ka ridaan labadaas gobol iyo gobolada kale ee dalka ba. Ciidanka Qaranka Aaga Bari ee ka hawlgala labadaas gobol, waxay muujiyeen dhabar-adayg ay kaga hor tagaan khataraha badan iyo debinada cadawgu soo maleego. Ciidanka Aaga Bari waxay dagaalo badan la galeen kooxahaas abaabulan, waxayna gaadhsiiyeen jab, kana qabsadeen deegaano ay hore u joogeen, iyagoo deegaanadaas ku soo celiyey xasilooni iyo kala-danbayn. Guulahaas ay gaadheen Ciidanka Qaranka ee Aaga Bari waxa horseed u ahaa dhiiranaanta, tabta dagaal, lexo-jeclaynta askartooda, fulinta awaamiirta taliska guud iyo hanaanka maamul ee taliyeyaasha Cidanka Qaranka ee Aaga Bari. Waxa iyaduna xusid weyn mudan, Ciidanka Qaranka oo u hogaasan dastuurka jamhuuriyada Somaliland, isla markaana ixtiraamaya xuquuqda bini-aadamka, weligood kumay kicin wax tacadi ah, sida boob, dhac, kufsi iyo xadhig sharci daro ah, balse waxay taakuleenyaan shacabka xilliyada masiibooyinka dabiiciga ah, sida abaaraha, duufaanta, daadadka iwm, sidoo kale waxay ka qayb-galaan nabad ilaalinta beelaha isku dhaca iyo heshiisiintooda ba. Hawlahaas baaxada leh ee ay horseedka u yihiin taliyeyaasha Ciidanka Qaranka ee Aaga Bari iyo guulaha is daba jooga ah ee ay gaadheen ciidanka ay xukumaan, ayaa sabab u ah in lagu maamuuso billad geesi. 12ka sarkaal ee billada madaxweynaha Somaliland ku maamuuseen waxay kala yihiin; S/guuto: Cali Barre Xuseen: Taliyaha Ciidanka Qaranka Aaga Bari G/le sare: Ismaaciil Faarax Cawaale (Doolaal): Taliyaha Qaybta 31aad ee CQka G/le sare: Axmed Hurre Haariye: Madaxa Hogaanka Hawl-gelinta Taliska Guud, Taliyihii hore Qaybta 12aad ee CQka G/le sare: C/laahi Suufi Axmed Cali: Abaanduulaha Aaga Bari ee CQka G/le sare: Mahad Cambaashe Cilmi: Taliyaha Qaybta 7aad ee CQka G/le sare: C/laahi Ibraahim xasan: Taliyaha Guutooyinka Madaxa-banaan Taliska Guud G/le sare: Faysal Cabdi Bootaan: Taliyaha Qaybta 12aad ee CQka G/le sare: Yuusuf Iimaan Diiriye; Taliyaha Saldhiga 1aad ee CQka G/le dhexe: Kayd Cusmaan Muxumed: Abaanduulaha Qaybta 12aad ee CQka G/le dhexe: Ibraahim Cali Sabir: Hogaan ku xigeenka Hubka iyo Rasaasta CQka G/le dhexe: Maxamed C/laahi Cartan: Hogaan ku xigeenka Gaadiidka Gaashaaman G/le dhexe: C/laahi Maxamed Axmed (Dhaga-weyne): Taliyaha Guutada Widhwidh Muhiimado waa weyn ayey biladaha iyo abaal marinaha kala duwan u leeyihiin ciidamada militariga aduunka oo kuwa Somaliland ku jiraan, waxaana kamid ah muhiimadahaas: Mahad-naqid/Appreciation: in looga mahad celiyo abaalka ay ku leeyihiin qaranka dareemaana in shacbkooda oo ay wakiilka tahay dawladu u og yihiin kaalintooda wax ku oolka ah, waxay kor u qaadaysaa mooraalka iyo ku qanacsanaanta hawlaha ciidanka, waxayna si fudud uga gudbayaan xanibyada soo waajaha. Dhiiri-gelin/Motivation: inay guubaabo u noqoto xubnaha biladaha ku mutaystay kartida, kana sii kordhiyaan dadaalka hawlaha muhiimka ah ee ay qaranka u hayaan, sidoo kale na dhiiri-gelin ayey u tahay guud ahaan xubnaha kale Ciidanka Qaranka ee aan nasiibka u helin biladaha, si ay u higsadaan xubnaha biladaha mutaystay, iyaguna markooda ugu dadaalaan inay la yimaadaan sababo ay ku mutaysan karaan billado iyo abaal-marino kale. Ixtiraam/Respect: inay noqdaan xubno maamuus ku leh Ciidanka Qaranka iyo guud ahaan bulshada Somaliland, waxay kordhinaysaa in ciidanku jeclaadaan shaqadooda iyo inay ku soo biiraan muwaadiniinta kale ee buuxiya shuruuradaha ka mid noqoshada Ciidanka Qaranka Ciidanka Qaranka oo naf-qaybsi leh, lagu na tababaro wada-shaqayn (Teamwork) iyo inay wanaaga isu haneeyaan, way u hambalyeeyeen 12ka sarkaal ee billadaha madaxweynuhu gudoonsiiyey, waxaanay tahay guul u soo hoyatay guud ahaan Ciidanka Qaranka. Billadahan madaxweynuhu ku maamuusay 12ka sarkaal waa kuwii u horeeyey, balse maaha kuwii u danbeeyey, waxa jiri doona billado kala heer ah oo la gudoonsiin doono xubnaha Ciidanka Qaranka ee mutaysta, dable, sarkaa xigeen ama sarkaal kuu yahay ba. Bixinta billadaha waxa ku mahadsan Madaxweynaha Jamhuuriyad Somalilnad, Hambalyo 12ka sarkaal ee uu billadaha ku sharfay. Allah mahad leh Taliyaha ciidanka qaranka jamhuuriyada Somaliland S/gaas: Nuux Ismaaciil Taani Source
-
Madaxweyanaha Mareykanka Donald Trump ayaa naxdin iyo masiibo ku tilmaamay dilkii magaalada Minneopolis loogu geystay ninkii madowga ahaa ee George Floyd. Trump wuxuu ka codsaday FBI-da iyo waaxda caddaallada dalkaas in tallaabo ay qaadaan marka ay soo afjaraan baaritaannada ku saabsan dhacdadaas. Wuxuu sidoo kale u tacsiyeeyay qoyska iyo eheleada George Floyd. “Sida aan ka codsaday, FBI-da iyo waaxda caddaallada waxay si wanaagsan u wadaan baaritaannada dhacdadan naxddinta badan ee masiibada ah ee dilkii Minnesota loogu geystay George Floyd. waxaan ka codsaday baaritaanada kaddib in tallaabo la qaado, waxaan si aad ugu mahadcelinaya ha’yadaha sharciga ee maxalliga ah shaqada ay qabteen…caddaallada waa inay dhaqan gashaa” ayuu yiri Trump. Afar askari oo ka tirsan booliska magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa shaqada laga eryey kadib markii lagu arkay muuqaal laga duubay dil loo geystay nin madow ah oo aan hubaysnayn. Medaria Arradondo, madaxa booliska magaalada Minneapolis ayaa sheegay in afarta askari ay “hadda yihiin shaqaale hore.” Muuqaal la baahiyay ayaa tusinaya George Floyd, oo askari cadaan ah ku leh “Ma neefsan karo”, iyada oo la arkayay askariga oo luqunta lugta uga hayo Floyd. Dhacdadaan ayaa ka caraysiisay dad badan iyada oo aad looga hadal hayo gudaha dalka Maraykanka. FBI-da ayaa sheegtay inay baarayaan kiiskan oo fiidnimadii Isniinta ahayd ka dhacay Minneapolis. Booliska Minnesota ayaa sheegay in Mr Floyd oo 46 sano jir ah uu ilaaliyo ka ahaa maqaayad ku taala halkaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku-xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay marxaladda siyaasadeed ee uu dalku marayo, waxaanu xusay in marnaba jiritaanka Somaliland gorgortan la galin karin. Madaxweyne ku-xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlay Koronaha wuxuu yidhi “Wakhti kasta oo adag iyo wakhti kasta oo barwaaqo ah oo lagu jiro, waa in mar walba in ILLAAHAY lagu shugri noqo, maxaa yeelay wax walba waxay ku dhacaan qadder iyo qoraal ILLAAHAY, bishii ramadaan waynu soo dhaafnay, Ciiddiina waynu soo dhaafnay, ILLAAHAY wanaagooda iyo khayrkooda ha ina siiyee, ee xanuunkan aafada ku noqday dunidii, waxaynu ALLE ka baryeynaa inuu inaga dulqaado, dadka u bukuna uu caafimaad sareecana ugu beddelo, waxaan’se soo jeedinayaa in aad la isku ilaaliyo, oo wixii waano iyo wax sheeg ah ee ku saabsan ka hor taga xanuunkan ay dadku qaatan, maxaa yeelay xanuunkani maaha xanuun sahlan, ee aad ha la iskaga ilaaliyo”. Mar uu ka hadlayey qadiyadda Somaliland wuxuu yidhi “Somaliland waxay maxmiyad u ahayd Ingiriiskii, halka Soomaaliyana uu haystay Talyaanigu, shantii Soomaaliyeed ee kala ah Somaliland, Soomaaliya, Jabuuti, Kililka Shanaad iyo NFD ama Soomaalida Kenya, ee aynu raadinaynay inaynu isku keeno, suurtagal wey noqon weyday, oo inagoo Soomaaliya xornimada ka hor qaadanay, isla-markaana si xor ah u noqonay laba dal oo isku biiray, wixii dhibaatooyin ah ee la ina baday weynu ognahay, dib ayeynu ula soo laabanay xorriyaddii inaga luntay, markaas dal xor ah oo jiritaankiisa aan gorgortan la galin karin ayeynu nahay, Soomaaliyana jaarnimadeeda ha ku eekato, oo waxba yaanay wakhtiga iskaga lumin afkana ka sheegan Somaliland, maxaa yeelay Shacabka reer Somaliland waa Shacab isku tashaday, oo dalkooda iyo dadkoodaba u tashaday, waxaa qudha ee aanu tabanayna isla markaana aanu raadinaynaa waa sidii aanu u heli lahayn aqoonsi”. Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa shacabka reer Somaliland ku booriyey inay tacab iyo wax soo saar ay dalka wax kaga beeranaynayaan la yimaaddaan. Source
-
Xildhibaanow Xusuusnow Baarlamaankow Ciid wanaagsan. Waxaan maqlayaa in aad ku howlan tihiin qaabka ay doorasho u dhici doonto iyo goorta, qofkii Allah gaarsiiyo. Marka hore waan idinku bogaadinayaa in aad gudaneysaan waajibaadkiinna Dastuuriga ah. Marka xiga talooyinka aad rogrogeysaan, oo qaarkiin marka ay bannaanka joogaan aanay la gabmbaneyn, waxaan maqlayaa in ay ka mid tahay in aad kuraasta iska sii fadhidaan marka uu dhammaado xilligii la idiin doortay. Kuwa sidaas ku doodayaa kama xishoonayaan ee qiil ayayba ka dhiganayaan in ay ku fashilmeen in ay howlaha ayaga kaga beegan doorashada ay qabtaan si ay u dhacdo xilligii la isku ogaa oo ah bisha November 2020. Hadalka ayay qurxinayaan. Waxay leeyihiin doorasho lagama gaaro sidii in aanay ka mid ahayn howshii loo diray afar sano ka hor ee ay tahay Breaking News soo dhacay bartamaha 2020. Waxaa kale oo aad mooddaa in ay moog yihiin in kuwii ay doorasho kaga adkaadeen ama khiyaamo iyo wax isdaba marin gacan lagu siiyay ay kursiga kaga boobeen ay afar sano sugayeen tartankii uu Dastuurku damaanad qaaday 2020. In uu sameeyay ama uu ku biiray Xisbi ka dib markii shuruud laga dhigay. In isaga oo cartamaya uu maalin maalin u tirsanayay goorta ay ku eg tahay muddada sharciga ah ee heshiiska lagu yahay ee Baarlamaanku. Sidaas ay tahay waa laguu cad gooyay. Cidi kaama hor joogto in aad keligaa go’aan ka gaarto qaabka aad doonto in ay doorashadu noqoto iyo waliba goobta kursiga la dhigayo aad ku tartami lahaydeen. Waxa keliya ee Xildhibaanow aan ku xusuusinayo waa in haddii tirada dadka Soomaaliya ay tahay 15 milyan ay Xubnaha labada Gole ee Baarlamaanku ay ka noqonayaan Boqolkiiba 0.002. Haddii Xildhibaannada Baarlamaanka iyo ergooyinka soo dooratay la isku darana aad tihiin boqolkiiba 0.09 shacabka Soomaaliya. Waa tiro ka yar boqolkiiba hal aad madax ugu tihiin inta kale oo ah boqolkiiba 99 iyo dheeraad. Doorasho xilligeedi kuma dhici karto oo waan aragnaa in laga gaabiyey. Mana aha Corona oo ma aragno howl doorasho oo socotay oo Corona uu hakiyay. Kordhin farsamo oo lama huraan ah waa ku qabatay oo waa la qaadan. Marka aad go’aan gaareyso, meelmarin iyo fulintiisa adiga lagaa rabo laaca keliya lama eego. Xisaabta ku darso xaqiiqada ku hor iyo hareera taalla oo u qeybsameysa maxaa Soomaali ka suurta gal ah haddii la baajiyo doorashada? Iyo maxaa ka suurta gal ah ajnabiga kala danaha ah ee qaar noo hayo amniga, qaar na siiyo deeqaha, qaar naga taakuleeyo siyaasadda iyo diblomaasiyadda qaarna uu shidaalka iyo kalluunkeenna ku rabo lacag la’aan ama sida ugu jaban ee suurta gal ah. Yuusuf Garaad – Waa wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya, danjirihii hore ee Soomaaliya ee QM iyo madaxii hore ee laanta Af-Soomaaliga ee BBC. Source
-
(SLT-Minneapolis)-Rabashado ka dhashay dil nin madow ah ay u geeysteen booliiska magaaladda Minneapolis ayaa isku badlay rabshado ay khasaaro ka dhasheen oo waxaa la boobay dukaamo waawayn sida kan caanka ka ah dalkaas ee loo yaqaan Target. Rabashadaha ayaa cirka isku sii shareeyay kaddib markii ay booliska Sunta dadka ka ilmeysiisa iyo rasaasta raabarka ah u adeegsadeen dibadbaxayaal aan hubeysnayn oo sida ay sheegeen doonanayay iney si nabdoon uga mudaaharaadaan dilkaa loo geystay George Floyd. Ilhan Omar ayaa booliska ku dhaleeceysay isticmaalka rasaasta cinjirka ah iyo sunta ka ilmeeysiisa ee dibadbaxyaasha Minneapolis, kuwaasi oo ka careysnaa dilka ay booliska u geysteen George Floyd oo ahaa nin madow ah. “U adeegsashada rasaasta caagga ah iyo sunta ka ilmeysiisa dibadbaxayaal aan hubeysnayn oo ay ku jiraan caruur, marka sidaa darteed marnaba looma dul-qaadan karo,” ayay Ilhaan barteeda Twitter-ka ku daabacday. ”Waxa maanta ka dhacaya magaaladeena waa arrin ceeb ah, boolisku waa iney is xadidaan, bulshadeenuna waxay u baahantahay waqti ay ku dawoowdo.” Dhanka kale Duqa Magaalada Minneapolis Jacob Frey ayaa sheegay in qareenka dagmada Hennepin Mike Freeman uu dacwad ku soo oogo sarkaakiishii booliska ahayd ee ku lugta lahaa dhimashadii George Floyd. Frey ayaa waxa uu sidoo kale yiri: ” George Floyd wuxuu u qalmaa cadaalad, qoyskiisa wuxuu ubaahan yahay cadaalad, bulshada madow waxay ubaahantahay cadaalad iyo magaaladeenuna waxay xaq u leedahay caddaadda.” Lakiin caradii ka dhalatay dilkaa ayaa wali la dajin la yahay, waxaana sii xoogeeysanaya dibadbaxayda iyo rabshadaha magaalada Minneapolis. Qabanqaabayaasha ayaa sheegay in qorshahooda uu ahaa inuu dibadbaxa u dhaco si nabad, iyaga oo raacaya tallooyinka kala fogaanshaha bulshda ee lagula tacaalayo faafidda cudurka corona. Dibad baxaaysha ayaa ku dhawaaqayay erayada “Ma neefsan karo.” Afar askari oo ka tirsan booliska magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa shaqada laga eryey kaddib marki lagu arkay muuqaal laga duubay dil loo geystay nin madow ah oo aan hubaysnayn. Medaria Arradondo, madaxa booliska magaalada Minneapolis ayaa sheegay in afarta askari ay “hadda yihiin shaqaale hore.” Muuqaal la baahiyay ayaa tusinaya George Floyd, oo askari cadaan ah ku leh “Ma neefsan karo”, iyada oo la arkayay askariga oo luqunta lugta uga hayo Floyd. Dhacdadaan ayaa ka caraysiisay dad badan iyada oo aad looga hadal hayo gudaha dalka Maraykanka. Booiska Minnesota ayaa sheegay in Mr Floyd oo 46 sano jir ah uu ilaaliyo ka ahaa maqaayad ku taala halkaas. Source
-
Wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegtay in hoos u dhac uu ku yimid kiisaska COVID-19 ee laga helayo deegaannada maamulkaasi ka dib baaritaanno la sameeyay. Wasaaradda ayaa xustay in tirade guud ee haatan xanuunka laga helay ay mareyso 178 ruux iyada oo sheegtay in xanuunka maanta laga helay 8 ruux oo kaliya taas oo ka dhigeysa inay hoos u dhacday tirade dadka uu soo ridanayo xanuunkan safmarka ah. “Waxaa la baaray 87 Ruux waxaana laga helay 8 qof xanuunka Covid19, waxaa udhintay 1 qof. Tirada dadka laga helay COVID-19 ee Puntland ayaa maraysa 178 ruux, waxaana hoos ugu dhacday dadka xanuunka laga helayo” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxaya wasaaradda caafimaadka Puntland. Maamulka Deni ayaa horey u soo saaray awaamiir looga baaqsanayo faafitaanka safmarka COVID-19 oo ay ka midyihiin bandow habeenkii ah, joojinta qaadka iyo in la xiro goobaha waxbarashada iyo masaajidda lagu cibaadeysto. Wasaaradda caafimaadka maamulka Puntland ayaa wali ka wada deegaanada maamulkaas wacyigalinta bulshada iyo sidii bulshada loola wadaagi lahaa xanuunka iyo saamaynta uu yeelan karo inkastoo haatan la dareemayo hoos u dhac maaadaama magaalada Muqdishana uu ku yimid hoos u dhac la xiriira COVID-19. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Tension remains high in the Somali border town of Balad-Hawa town with reports that fugitive Jubbaland security minister dispatched more troops readying to combat with Somali army forces based in the town. Residents have expressed fears they could find themselves at the center of fresh clashes with sounds of sporadic gunfire heard in the town and with reported advances by Jubbaland forces within the border territory. There have also been widespread rumors across the border region that Jubbaland forces are planning fresh attacks in the town. “We fear fighting could erupt at anytime because Jubbaland forces led by Abdirashid Janaan, who reportedly fled prison in Mogadishu, have converged near the town and could possibly carry out an ambush attack.” Says a local resident. In March, at least ten people were killed and thousands of people displaced after a deadly clash between the two rival forces broke out in Balad-Hawo town. The two forces were said to be seeking control of Bulahawa town within the Gedo region, with other reports suggesting that Somali government troops seeking to re-arrest the fugitive regional minister who vanished from custody in Mogadishu under unclear circumstance and sought refuge in the Kenyan town. Since the fugitive minister arrived, Balad-Hawa and its bordering town Mandera experienced high tension with Kenyan government accused of hosting the fugitive minister. Somalia has in recent months called the Government of Kenya to halt its ongoing violations of the Federal Republic of Somalia’s sovereignty and encroachment in the border areas between the two countries. Kenya has in return denied interfering in Somalia’s internal affairs, Saying the accusation made against them are baseless and fabricated for political expediency. The relationship between two neighboring nations has gone sour after Somalia declined the maritime case to be settled out of court. The case is due for public hearing in March next year, after the ICJ delayed it thrice, on Kenyan request.
-
Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa khasaaraha ka dhashay qarax gaari oo maanta ka dhacay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir. Qaraxaas ayaa jugtiisa laga maqlay qeybo ka mid ah xaafadaha degmada Xamarweyne waxaana la sheegay in gaarigiisa loogu xiray sarkaal ka tirsanaa Booliiska Soomaaliya. Goob-joogayaal ayaa ku soo warramay in qaraxaasi ka dhacay inta u dhaxeysa dhabarka dambe ee wadada marta guriga hooyooyinka iyo barxadda iskaashatooyinka. Sarkaalkii gaarigiisa loogu xiray qaraxa oo magaciisa lagu soo koobay Jaabir ayaa la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday qaraxaas. Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas sida ay sheegtay warbaahinta taageerta Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Faahfaahinta Khasaraha qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
BY NURADIN DIRIE Ahmed Muse Nur, the governor of Mudug, in Somalia’s Puntland State, was killed by the al-Shabab terrorist group on May 17, 2020. He was Somalia’s third regional governor killed by the group in less than a year. The group earlier killed the Governor of Nugal, Abdisalam Hassan Hirsi, on March 29, 2020, and the Governor and Mayor of the capital Mogadishu, Abdirahman Omar Osman “Yarisow,” on Aug. 1, 2019, in a particularly horrific suicide bombing inside his own office. The more emboldened al-Shabab has become, the busier it has been ever with operations and attacks of all kinds – from ambushes on African Union forces in Somalia to complex, organized attacks against government and diplomatic installations and targeted assassinations of civilians, the group has become more and more active in recent years. Since Somalia’s current federal administration took power in early 2017, al-Shabab carried out at least 1,598 attacks using improvised explosive devices (IED), killing thousands of people, according to the United Nations. This translates into two such incidents every day. Many more people were killed in complex suicide attacks and targeted assassinations. It is a gloomy picture that does not offer hope. The country’s already fragile security is on a downward trajectory despite massive international support. The world continues to spend billions a year to support security in Somalia with little to show for it. A lot of Somali troops are being trained, equipped and paid to conduct operations against al-Shabab, but they are being trained differently by different countries; Turkey, the U.S., the U.K., the European Union, Kenya, Ethiopia, Uganda and recently by Eritrea, to name a few. Upon their graduation, no one knows under what curriculum they have been trained, what doctrine they have been taught and how that will benefit the formation of a cohesive Somali national army. But perhaps most worryingly, no one knows who these troops are loyal to and how they are being commanded and controlled. Rebuilding a shattered army after a civil war is challenging enough but what is even more challenging is rebuilding these forces to serve a new Somalia with a new federal governance system. Under such circumstances, it is absolutely essential to have a political agreement on how the new security set up should be formed, commanded and managed. This is absolutely critical to make sure that the new army is trusted by everyone as it is the only guarantee against a renewed civil war in Somalia. This is not just academic speculation. We recently saw such a scenario being played out in the Gedo region in Jubaland. There was a similar political agreement and national security structure that was painstakingly negotiated by Somali stakeholders in 2016-2017, under the auspices of the last federal government of Somalia. It included a solid framework of how to build accountable, inclusive and efficient armed forces to serve the new Somalia. It was accepted by the current government and was finally supported by international partners in a meeting in London in 2017, as the roadmap to rebuild Somali security. As soon as that meeting ended and Somali delegates went back to Mogadishu, the current federal government of Somalia threw that framework, the roadmap and the agreement in the dustbin. Since then, one is only sure that whatever security forces are being built in Somalia are neither inclusive nor accountable. As a consequence, al-Shabab has fully exploited this political discord and exponentially increased its deadly operations throughout Somalia and beyond. They know fully well that they cannot be defeated by an unaccountable security force in Somalia no matter how much they are trained, equipped or financed. It is time for Somali political stakeholders to demand, more forcefully, a return to the agreed security framework and for international partners to condition their support for the tangible implementation of that agreed and accountable framework. Anything less would allow this tragedy to continue. We can only defeat al-Shabab through politics, including the politics of security. Nuradin Dirie Chief political adviser to the President of Puntland and chairs his Senior Advisory Council. Until recently he has been the Special Adviser to the U.N. envoy to Somalia. Source: Daily Sabah The post Somalia cannot defeat terrorism without accountable security appeared first on Puntland Post.
-
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaare geystay oo goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah M/ Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeysa guriga Hooyooyinka iyo dhabarka dambe ee barxadda iskaashatooyinta gaadiileyda gobolka Banaadir Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Saalax Dheere oo ka warbixiyey qaraxaan ayaa sheegay in gaarigiisa loogu xiray, Cabdishakuur Xuseen Cabdi Dhicisow oo ku magac dheeraa ( Jaabiri ), kaas oo ka mid ahaa saraakiisha Booliska Soomaaliyeed. Sidoo kale afhayeenka ayaa xaqiijiyey in qaraxa lagu dilay sarkaalkaasi iyo qof la socday, halka askari kale oo ilaaladiisa ka mid ah uu dhaawac soo gaaray. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxaana ay baahisay inay la bartilmaameedsatay, kuna dishay sarkaal ka tirsanaa Booliska Somalia. Halkaan hoose ka dhageyso codka afhayeenka gobolka Banaadir. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-1-Turki-.mp3 View the full article
-
Xisbiga Garsoor oo ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee dalka islamarkaana ka diiwan gashan guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa waxa uu baaq ka soo saaray doorashada dalka la filayo inay ka dhacdo sanadka 2021 waxa uuna ka digay xisbigu muddo kororsi. Xisbigan oo soo saaray warsaxaafadeed ayaa waxa uu sheegay in markii ay sameeyeen qiimeyn ku aaddan doorashada qaranka inaysan u muuqan wax diyaar garow ah oo ay ku qabsoomi karto doorasho waqtigeeda ku dhacda. Sidoo kale xisbiga Garsoor ayaa guddiga joogtada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha fulinta waxa uu ku eedeeyay inay ku tunteen sharciyada u yaal dastuurka ku meel gaarka ah iyo kan doorashooyinka ee la meel mariyay. Dhanka kale xisbigan ayaa sheegay in xanuunka COVID-19 uusan noqon Karin marmarsiyo dib loogu dhigi karo doorashada guud ee qaranka. Halkan ka akhriso warsaxaafadeedka xisbiga Garsoor Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Bidix Gacan-ku-dhiigle Gaagaale midig Taliye Ammaan Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Puntland ayaa Maanta oo Khamiis ah dil ku fulisay Askari shan sannadood ka hor si bareer ah u dilay Taliyihii Ilalaada Garoonka Diyaaradaha Boosaaso Marxuum Xasan Shire Ammaan Xukmanaha oo lagu magacaabo Axmed Aadan Maxamed Gaagaale ayaa lagu toogtay meel fagaare ah oo ku taal Magaaladda Boasaaso ee xarunta Gobolka Bari, waxaana qisaasta dilka fuliyay wiil uu dhalay Taliye Xasan Shire Aamaan. Qoyska Taliye Xasan Shir Amaan oo goobjoog ahaa ayaa soo dhaweeyay fulinta xukunka qisaasta, iyagoo u mahadceliyay Dowladda Puntland. Sidoo kale waxaa goojoog ahaa Guddoomiyaha maxkamada Ciidamada Qalabka sida. Alle u naxariiste Taliyaha Xasan Shire Ammaan oo masuul ka ahaa ammaanka Garoonka diyaaraha Bosaso ayaa waxaa 7 bishii December 2015kii toogtay askariga maanta dilka lagu fuliyay, kaasi oo markii dambe baxsaday. Askarigan oo muddo saddex sanno baxsad ahaa ayaa ciidamada amnigu soo qabtay sanadkii hore. Dhinaca kale, Maxkamada Ciidamada waxay xukuntay in dowladda Puntland ay diyo ahaan u siiso askariga dilka maanta lagu fuliyay 67 neef oo geel ah oo dhaawacyo soo gaaray markii la soo qabanayay. PUNTLAND POST The post Maxkamadda Ciidamada Puntland oo xukun dil ah fulisay appeared first on Puntland Post.