Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    180,203
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. 1200px-Puntland_State_of_Somalia_Coat_of

    Garoowe: 02 Oct 2023: Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland  Mudane Ahmed E. Osman Karaash  oo ku hadlaya Afka dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa marka hore uga  tacsiyeeyey ehelada labada dhinacba dadkii ku dhintay dagaal beeleedkii ka dhacay deegaano ka tirsan  gobolka Mudug isaga oo inta dhaawaca ahna Ebbe uga rajeeyey caafimaad.

    Madaxweynaha ayaa ugu baaqay labada dhinacba inay u hogaansamaan dedaalada Nabadgelyo ee socda oo ay ugu horayso dhaqan gelinta xabad joojin shuruud la’aan ah islamarkaana ay ka dheeraadaan wax kasta oo sii hurinkara colaada.

    Talaabooyinka dowladdu qaaday.

    1- Madaxweynaha oo gudanaya waajibaadka dastuuriga ah ee dowladda ka saaraan illaalinta Nabadgelyada iyo wada noolaanshaha bulshada waxay khadka Taleefanka ku wada hadleen Madaxweynaha dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) oo ay isla garteen in si wadajir ah looga shaqeeyo  sidii loo xakamayn lahaa colaadaas, in labada dowladood diraan guddiyo taga deegaanadaas iyo soo celinta  xasiloonidii deegaanka.

    2- Dowladdu waxay magacowday guddi Wasiiro ah oo kala ah.

    -Wasiirka Gargaarka
    -Wasiirka Cadaalada
    -Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka
    -Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada.

    si ay udub dhexaad ugu noqdaan  hirgelinta nabada iyo sidii looga dheeraan lahaa dhib kale oo halkaasi ka dhaca.

    3- Ciidamada isku dhafka ah ee gobolka Mudug oo la kala dhex dhigay Beelihii Dirirtu dhexmartay.

    Ugu damabayn Madaxweynaha ayaa faray Ciidamada isku dhafka ah ee halkaasi ku sugan iyo Ciidamada kale ee Amniga inay xoojiyaan hawl-galada lagu xaqiijinayo Amniga deegaanka, isaga oo ku bogaadiyey doorkooda Wanaagsan ee ay qaateen.

                       DHAMMAAD

    The post Puntland oo go’aanno ka soo saartay dagaal beeleedka ka dhacay Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.


  2. MOGADISHU, Somalia — Today marks a historic event as Bilan, the first-ever all-women media team in Somalia, earns a nomination for the prominent 2023 Index on Censorship Press Freedom Award in Journalism. This nomination shines a spotlight on the audacious women of Bilan who have overcome significant obstacles to carve out a space for female journalists in a country where reporting is fraught with danger.

    Source: Hiiraan Online


  3. Shuute.jpeg?fit=2048%2C1440&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Cali Nuur Shuute guuddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa ka sheeheeyey qisada saaxiibkiis ay isla soo koreen oo dil toogasho ah uu ku xukumay.

    Shuute, markii uu xogtaan soo bandhigay wuxuu u khudbeynayey saraakiisha ciidanka Gor Gor ee xoogga dalka oo maalmahaan lagu abaabulayey magaalada Muqdisho, si loogu celiyo furimaha dagaalka.

    Guddoomiye Shuute oo ah nin sharciga ku ad-adag ayaa sheegay in saaxiibkiis ay isla soo koreen uu cunug yar dilay isagoo sarkaal ah, kadibna maxkamadda lasoo taagan.

    Baaritaan kadib waxaa maxkamadda u cadaatay in Shuute saaxiibkiis uu dilkaas u geystay si bareer ah, taas oo kaliftay in isagana uu ku xukumo dil.

    Mar uu sharaxay sababta uu sarkaalkaasi u dilay cunuga, wuxuu yiri “Sarkaalka saaxiibkey ah markii Maxkamadda la keenay waxaan weydiiyey sababta uu u dilay wiilka yar wuxuuna ku jawaabay ‘qorigii aan watay ayuu yiri biyo ayaa ka dhaca, ana xabad ayaan madaxa uga dhuftay’ sidaas ayuu ku dhintay wiilkii yaraa ee banooniga ciyaarayey,” ayuu yiri Shuute.

    Guddoomiye Shuute ayaa intaas ku sii daray in saaxiibkiis uu ku xukumay dil una sheegay in loo tooga doono sidii uu u toogtay cunuga yar, balse wuxuu sheegay in weli uu nool yahay ninkii oo reerkii cunuga dhalay ay cafiyeen.

    “Toogasho ayaan ku xukumay saaxiibkey aan jeclaa si loo qisaaso oo xadka looga oofiyo, laakiin nasiib ayuu lahaa  oo reerkii ayaa cafiyey iyadoo tiirka loo sii wado, ninkaas aad ayaan u jeclaa oo saaxiibo isku qaaliya oo isla soo koray ayaan aheyn,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Shuute.

    Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in ninkaas ay weli saaxiibo yihiin oo uu u yimaado, laakiin ciidanka laga saaray “Waa ii yimaadaa mar kasta, dadka aniga iyuu iigu jecelyahay, waxaan ku canaantay ciidan dambe ha isku gelin, hadaaba qofkii ku caaya madaxa xabad uga dhufaneyso,” ayaan iri ayuu yiri Shuute.

    Guddoomiyaha ayaa saraakiishii uu u khudbeynayey ee GOR GOR wuxuu ka dalbaday inay meel iska soo dhigaan ‘nin jecleysi’ oo sharciga ciidanka ay ku dhaqmaan, taariikhdu ay u xusto.

    Hoos ka daawo qisadaan

    The post Daawo: Shuute oo shaaciyey qiso ku kaliftay inuu dil ku xukumo saaxiibkiis appeared first on Caasimada Online.

  4. Guddoomiye Xirsi oo shaaciyay inay xoojinayaan dad Kasbashada Ummadda Somaliland

    London(Qaran news)- Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay inay xoojinayaan dedaalkooda cod kasbashada bulshada.

    Guddoomiyaha WADDANI oo socdaal ku jooga Ingiriiska ayaa hadal uu u jeediyay taagereyaasha xisbigaas wuxuu ku sheegay in dalku u jihaystay dariiqa doorashooyinka.

    “Taageerayaasha Xisbiga WADDANI waxaan leeyahay, haddii aynu doorasho sugaynay dalku wuxuu u jehaystay doorasho ee aan iska dayno hadal tirada oo u diyaar garowno doorasho, aan dalka midnimadiisa ka shaqayno,” ayuu yidhi Guddoomiye Xirsi.

    Isagoo hadalkiisa sii watayna wuxuu yidhi “Waxaynu wax ku noqon karayna dadkii ina dooran lahaa oo meel u wada jeeda. Waxaynu ka shaqaynayna wixii doorasho, nabad galyo iyo midnimo wax ka taraya.”

    Qaran News


  5. Ra’iisul Waaaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ay weheliyaan guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka JFS ayaa ka qeyb galay Salaadda Janaasada Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Ugaas Cabdulle oo ahaa Duqii hore ee Muqdisho oo maanta ku geeriyooday Muqdisho.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in marxuumku uu ahaa shaqsi dalkiisa ugu soo adeegay daacadnimo iyo dal jacayl, taasoo uu caan ku ahaa intii uu noolaa.

    Salaadda Janaasada marxuumka ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin kala duwan oo ay kamid ahaayeen Madaxweynihii hore Mudane Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda , ehellada marxuumka iyo dadweyne .

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  6. Markab Yaallay Dekedda Berbera oo dab qabsaday oo la Bakhtiiyay

    Berbera(Qaran news)- Ciidanka Dab-demiska Berbera oo xalay demiyay dab Qabsaday Markab, yaalay dekedda Berbera.

    Ciidanka ayaa ku guuleystay badbaadinta hantidii markabkaas,xakamaynta iyo daminta dabkaas,markabka. Mana Jirin khasaare dhaawac iyo dhimasho ah oo uu dabkani sababay.

    Guddoomiyaha Degmada Berbera ayaa isaguna dhankiisa hawlgalkaa joogay.

    Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in ay ka digtoonaadaan wax kasta oo keeni ama sababi kara dab.

    Qaran News


  7. Mahadaay.jpeg?fit=881%2C500&ssl=1

    Jowhar (Caasimada Online) – Dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegaya in haatan soo galeen deegaan hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, oo todobaadkii u dambeeyay ay ka soo gudbayeen dhinaca Webiga.

    Ciidamada dowladda iyo shacabka hubeysan ayaa la sheegaya in howl-gallo ka dhan ah xubnahahan soo galay deegaankaas ka fuliyeen halkaas, kuwaasi oo ah dagaallo toos ah iyo duqeymo.

    Maamulka HirShabeelle oo sheegay inay la socdaan xogta xubnahan Shabaabka ah ayaa sidoo kale ku goodiyay guluf culus oo ka dhan ah Shabaab.

    Wasiirka Amniga Maamulka Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre oo arrinkaan ka hadlay ayaa sidoo kale waxa uu ciidamada huwanta faray iney feejignaan dheeri ah muujiyaan.

    Al-Shabaab ayaa doonaysay in dagaal-yahano badan ay soo geliyaan inta u dhaxeysa deegaanada xorta ah ee gobolka Shabeellada Dhexe, xilli marxaladd xasaasi ah uu marayo dagaalka ka dhanka ah kooxda.

    Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa kamid ah meelaha sida ba’an loogu laayay dagaal-yahaanada Al-Shabaab, sidoo kalena waxaa laga qabsaday dhul ballaaran oo kooxda ay sanado badan gacanta ku haysay.

    Si kastaba, Waxaa dhawaan si rasmi ah u bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kaasi oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska, si kooxda looga xoreeyo deegaanada weli ku harsan gacantooda.

    The post War ka cusub Shabaab gudaha u galay degaan hoostaga Mahadaay appeared first on Caasimada Online.

  8. In a heartwarming and inspiring ceremony held on Saturday evening 30th September at the Hamdaan Hotel in Hargeisa, a remarkable new chapter unfolded for the special needs community in Somaliland. The occasion marked the official opening of the Life Line Center, a state-of-the-art facility dedicated to providing comprehensive care and support for special needs children. The grand inauguration was graced by the presence of esteemed dignitaries, including Mr. Ahdihakim Sead Bustaale, the Deputy Education & Science Minister, who officiated the event.

    Source: Hiiraan Online


  9. dagaal-beeleed-k.jpg?fit=960%2C640&ssl=1

    Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Goldogob ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed, kaasi oo uu ka dhashay khasaare kala duwan.

    Maleeshiyo beeleedka oo kasoo kala jeeda degmada Galdogob iyo degaanka Bandiiradley oo ka kala tirsan maamulka Puntland iyo Galmudug, ayaa waxa uu dagaalkooda salka ku haya muran dhul daaqsimeed halkaas ku yaalla.

    Deegaanka ay haatan dirirtu ka dhacayso ayaa lagu magacaba Dalsan, wuxuuna ku yaalla meel ku dhow xuduudka Itoobiya, waxaana maamul ahaan laga xukumaa degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

    Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalkan uu ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhaawac iyo dhimasho, waxaana lagu soo waramay in ugu yaraan 5 qof ay galaafatay dirirtaan.

    Sidoo kale waxaa lagu soo waramaya in ciidamo ka tirsan maamullada Puntland iyo Galmudug ay ku baxeen colaadda, si loo joojiyo dirirta u dhaxeysa labada maleeshiyo beeleed.

    Labada beelood ee dagaalku u dhaxeeyo ayaa horey heshiis loo dhex dhigay, ayada oo shirar loogu qabtay Bandiiradley iyo Galgodob, kaasi oo ay uga heshiiyeen colaad dheerayd oo u dhaxeysay labada dhinac.

    Dagaal beeleedyada ayaa inta badan ku soo noq-noqda deegaanada gobolka Mudug, waxaana xusid mudan in madaxda maamullada Galmudug iyo Puntland ee gobolkaas ay dadaal ku bixiyaan sidii meesha looga saari lahaa murannada sababa gacan ka hadalka.

    The post Dagaal beeleed xooggan oo ka socda Galdogob appeared first on Caasimada Online.

  10. Murrashax Cirro oo Qaabilay Wiil Naafo ah oo uu Waxbarashadiisa ku Tabcay
    IMG-20231002-WA0004.jpg
    Hargeysa(Qaran news)-Musharraxa madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro ayaa hoygiisa ku qaabilay Maxamed Haldoor oo ah wiil dhallinyaro ah oo maanta ka qalin jebiyay heerka 1-aad ee jaamacadda. Musharraxa ayaa Maxamed ku bogaadiyay dadaalka uu muujiyey ee uu aqoontiisa kor ugu qaaday.
    Maxamed Haldoor ayaa dhankiisa waxa uu shaahado sharaf mahadnaq ah guddoonsiiyay Musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.
    Maxamed ayaa musharraxa u sheegay in uu kaalin weyn ka qaatay waxbarashadiisa gaadhi uu musharraxu hore u guddoonsiiyay, islamarkaana uu mahadcelin iyo abaal weyn uga hayo.
    Murrashax Cirro ayaa taageera dadka nugul iyo dadka saboolka ah ee kaalmo doin ugu taga.

    Qaran News


  11. Shirkadda Dahabshiil oo ugu Deeqay 300.000 oo Doolar Dadkii Hantidoodu ku Gubatay Suuqa Wajaale

    Hargeysa(Qaran news)-Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil Group ayaa ugu baaqay 𝐠𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐭𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐣𝐚𝐚𝐥𝐞 iyo dhammaan qof walba oo awoodaa in uu door weyn ka qaato taakuleynta walaalahoodda ku hanti beelay iyo kuwii ka shaqayn jirayba suuqa wajaale ee dabku ganacsigoodda baabiiyay.

    Munaasibad qaadhaanka loogu ururinayay ganacstadii hantidoodda ku waaayay dabkii suuqa wajaale, ayaa maamulaha 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐡𝐚𝐛𝐬𝐡𝐢𝐢𝐥 𝐆𝐫𝐨𝐮𝐩 𝐡𝐚𝐥𝐤𝐚𝐚𝐬 𝐤𝐚𝐠𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 $𝟑𝟎𝟎,𝟎𝟎𝟎 oo ay kaga qayb qaadanayaan deeqaha loo ururinayo Ganacsatadii ku waxyeeloobay musiibadda dabka ka kacay Suuqa ganacsiyeedka Tog-Wajaale.

    Qaran News


  12. FB_IMG_1696253621973.jpg?resize=720%2C48

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta ee  Soomaaliya, Axmed Juma Al Rumaithi.

    Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaare Xamse ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ka wada-hadleen xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii joogteyn lahaa.

    Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Dowladda Imaaraadka uga mahadceliyey taageerada dhinacyada badan ee ay u fidiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bini’aadamnimada.

    Danjire Al Rumaithi ayaa mahadcelin ka dib, wuxuu Xukuumadda ku bogaadiyey horumarrada ay ka sameysay dhinacyada sugidda amniga iyo dowlad wanaagga, wuxuuna adkeeyey sida ay Imaaraadka uga go’an tahay sii joogteynta taageerada uu siiyo Soomaliya. 

    Danjire Al Rumaithi ayaa ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare Xamsa soo gaarsiiyey casuumaadda shirka isbeddelka cimilada ee COP 28 oo ka dhacaya dalka Imaaraadka bisha  DECEMBER 2023.

    PUNTLAND POST

    The post Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay Safiirka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.


  13. Hantidii ku Gubatay Wajaale oo la Shaaciyay
    IMG-20231002-WA0001.jpg
    Hargeysa(Qaran news)- Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in hanti u dhiganta $5,300,000 ay ku gubatay suuqa degmada Wajaale ee dhawaan qaybo kamid ahi gubteen.

    Xubno kamid ah golaha wasiirada iyo madaxda gobolka Gabilay oo maanta gaadhay suuqa gubtay ee Wajaale, ayaa ku dhawaaqay khasaaraha, iyadoo halkaa sidookale lagaga dhawaaqay lacago dib loogu maalgalinayo dadkii ku hanti waayay dabka.

    Ururka Dowladaha Hoose ee Somaliland ayaa lacag dhan $600,000 ku wareejiyay guddida ay xukuumadda Somaliland u xilsaartay kasoo kabashada khasaaraha uu dabku gaystay.

    Dhinaca ganacsatada shirkada Dahabshiil ayaa ku dhawaaqday in ay gurmadka kaga qaybqaadanayso $300,000, halka shirkada isgaadhsiinta ee Telesom ay iyadna balanqaaday in ay bixinayso $150,000, waxaana la rajaynaya in saacadaha soo socda ay shirkado iyo ganacsato kale ku dhawaaqaan gacanta ay ka gaysanayaan dib usoo celinta suuqa.

    Suuqan ayaa ah ka labaad ee Somaliland ugu wayn marka laga yimaado suuqii Waaheen ee gubtay kaasi oo hada ku jira xaalad dib u dhis ah, isla markaana gubashada suuqyadan ayaa samayn ku yeelatay dhaqaalaha Somaliland.

    Qaran News


  14. 385802801_783051813861427_15689082663745

    Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga saaxiibtinimada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Majlis Shuurada Qatar ayaa maanta doorasho ku qabsaday xarunta Villa Hargeysa.

    Xubnaha guddiga ayaa maanta iska dhex doortay guddoonka guddigaas ee dhinaca Soomaaliya, waxayna doorashada ku dhacday hab gacan taag ah.

    Waxaa guddoomiye loo doortay Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Mire, halka guddoomiye ku-xigeen loo doortaySenator Axmed Maxamed Saciid (Irbad). Sidoo kale xubnaha guddiga xoghaye u doortay Senator Ayaan Aadan Cabdullaahi.

    Xubnaha la doortay ayaa ballan-qaaday in ay ku dadaali doonaan sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada Baarlamaan iyo shacabka walaalaha ah ee Labada dal.

    Guddigan ayaa waxaa 24-kii bishii hore si wada-jir ah u magacaabay guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi.

    Magacaabida guddigan ayaa waxa uu guddoonka labada Aqal u cuskaday qodobka 14(6) ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka iyo qodobka 7(7) ee Xeer Hoosaadka Aqalka Sare oo dhigaya in Guddoomiye Gole kasta uu mas’uuliyadda saaran ay kamid tahay xiriirinta Baarlamaanka Adduunka.

    Qatar ayaa kamid ah dowladaha carbeed ee taageera Soomaaliya, waxaana lagu xasuustaa in mar ay aheyd dowladaha ugu dhow Soomaaliya sanadihii uu hoggaamiyey Farmaajo.

    Sidoo kale xukuumadda Dooxa ayaa taageero u fidisa ciidanka Soomaaliya oo haatan sameynaya dib u kabasho, kadib tababaro caalami ah oo ay heleen, xilli uu dalk ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

    385495685_783051863861422_49124195944804

    385500347_783051850528090_52082737328883

    385815371_783051857194756_61917836683560

    385802801_783051813861427_15689082663745

    385870914_783051907194751_70998995784305

    The post Sawirro: Doorasho maanta ka dhacday Villa Hargeysa appeared first on Caasimada Online.

  15. 385877163_675529591342857_77570937004566

    Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, Axmed Juma Al Rumaithi.

    Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa kulankaan uga wada-hadlay xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo sidii loo sii joogteyn lahaa.

    Mudane Xamza ayaa dowladda Imaaraadka uga mahad-celiyey taageerada dhinacyada badan ee ay u fidiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bini’aadamnimada.

    Danjire Al-Rumaithi ayaa mahad-celin kadib, wuxuu xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaaraha ku bogaadiyey horumarrada ay ka sameysay dhinacyada sugidda amniga iyo dowlad wanaagga, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamza.

    Sidoo kale waxa uu adkeeyey danjiraha sida ay dowladda Imaaraadka uga go’an tahay sii joogteynta taageerada uu siiyo Soomaliya.

    Danjire Al-Rumaithi ayaa ugu dambeyntii ra’iisul wasaare Xamza soo gaarsiiyey casuumaadda shirka isbeddelka cimilada ee COP 28 oo ka dhacaya dalka Imaaraadka bisha DECEMBER 2023.

    Si kastaba, Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa haatan leh xiriir wanaagsan, kaasi oo aad u xumaa muddadii uu madaxweyne dalka ka ahaa Farmaajo, oo dowladdiisa ay ka door biday Qatar oo ay is-hayaan, balse Xasan Sheekh ayaa isbaheysi weyn ka dhigtay Abu Dhabi markii dib loo doortay.

    386152377_675529584676191_77713466169446

    385877163_675529591342857_77570937004566

    386356868_675529604676189_37973614689414

    386397353_675529621342854_77591843834104

    The post Sawirro: Maxay aheyd farriinta uu Axmed Al-Rumaithi soo gaarsiiyay Xamza? appeared first on Caasimada Online.

  16. Cali-Ugaas.png?fit=1307%2C750&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya iyo mads’uuuliyiin kale ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay geerida ku timid AUN marxuum cali Ugaas Cabdulle oo maanta ku geeriyooday isbitaalka Digfeer, kaasoo xilal kala duwan kasoo qabtay dalka, sidoo kalena dhalay Ugaaska Beesha Mudulood, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.

    Xasan Sheekh Maxamuud oo tacsi tiiranyo leh u diray qoyska uu ugu horeeyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, qaraabada iyo guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Cali Ugaas Cabdulle ayaa tilmaamay dadaalka Marxuumku uu ku bixiyey nabadaynta iyo horumarka dalkeenna

    Madaxweynaha ayaa xusay  in Marxuum Cali Ugaas Cabdulle uu muddada dheer u soo adeegayey shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xiliyadii adkaa ee uu dalkeenna soo maray, Alle ha u naxariistee Cali Ugaas  ayaa soo qabtay xilal ay ka mid yihiin Safiirka dalka Talyaaniga  iyo Duqii Magaalada Muqdisho Sanadkii 1987-1990,

    “Inna lillaahi wa inna ilaayhi raajicuun Alle ha u naxariisto Duqii hore ee magaalada Muqdisho Cali Ugaas Cabdulle oo ahaa Siyaasi ruug caddaa ah iyo Nabaddoon door weyn kasoo qaatay nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo samatabixinta dadka soomaaliyeed” ayuu yiri.

    Madaxweynaha ayaa sidoo kale Alle uga baryey marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo jannatul fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiis, ehelkiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

    Dhankiisa Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Cali Ugaas Cabdulle oo ku geeriyooda Muqdisho.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in marxuumku uu ahaa muwaadin dalkiisa ugu soo adeegay daacadnimo, isla markaana kaalin wax ku ool ah ka soo qaatay dadaalladii dowlad dhisidda iyo dib-u-heshiisiinta dalka.

    Xamza ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa oo uu ugu horreeyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.

    Sidoo kale waxaa ka hadlay geerida ku timdi marxuumka inta badan siyaasiyiinta Soomaaliyeed, madax dhaqameedyada iyo qayabaha kala duwan ee bulshada.

    Marxuum Cali Ugaas ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dalka, kuwaas oo ay ugu muhiim sanaayeen Duqii Muqdisho iyo Danjirihii Soomaaliya u fadhiyey dalka Talyaaniga.

    The post Madaxda dalka oo war kasoo saartay geerida duqii hore ee Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

  17. Xilli wadamada Afrika qaarkood siweyn looga hadal haayay in wadamo dhowr ah oo aan Muslimiin aheyn ay dhaqan galinayaan sharci ahaanshiyaha dadka isku jinsiga ee isku galmooda, iyadoo ay xusid mudan tahay in dhowaan madaxweynaha Uganda uu ku gacan seeray markii la hor keenay.

    Maxkamadda dastuuriga ee dalka Uganda ayaa bilaabeysa dhageysiga dacwad ka dhan ah sharciga dadka isku jiinsiga ee isu galmooda oo laga dhaqan galiyay dalkaas, bishii May ee sanadkan, kadib markii uu saxiixay madaxweyne Yoweri Museveni.

    Sharcigaas ayaa ciqaab adag ku soo rogaya dadka isku jiinsiga ee wax iska doona, waxaana kamid ah in qofkaas lagu fuliyo xukun dil ah. Waxaana kaba sii daran hadii qofku galmo ku qasbo carruurta iyo dadka nugul, inuu marayo wadadaas dilka ah.

    Dadka gudbiyay dacwaddan, oo isugu jira kooxo shakhsiyaad ah iyo qaar kamid ah ha’yadaha u dooda xuquuqda aadanaha, ayaa ku doodaya in sharcigaas la meel mariyay iyadoo aan laga wqeyb gelin dadka shacabka ah isla markaana uu ku xad gudbayo xuquuqda xornimada iyo dastuurka.

    Tallaabadan ay Uganda ku ansixisay sharciga ka dhanka ah dadka isku jinsiga ee isu galmooda, ayaa waxay sababtay in qaar kamid ah waddamada reer galbeedka ay joojiyaan kaalmihii dhaqaale ee ay siin jireen dalkaas isku ku dhaqma arrintaasi.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  18. Gedo.png?fit=1455%2C1419&ssl=1

    Luuq (Caasimada Online) – Maamulka cusub ee degmada Luuq ee ay soo magacowday Jubbaland ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay, kuwaas oo uu wareegto kusoo magacaabay madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulkaasi Maxamuud Sayid Aadan.

    Sayid Aadan ayaa shalay xilalkii ka qaaday guddoomiyihii hore ee degmada Luuq, Cali Kadiye iyo guddoomiye ku xigeenkii koowad ee degmadaasi Jeelle Xuseen Cabdi, wuxuuna u magacaabay mas’uuliyiin cusub, sida lagu shaaciyay wareegtada haatan soo baxday.

    Daahir Muxumed Nuur (Caato) ayaa waxaa loo magacaabay guddoomiyaha cusub ee  Luuq, halka guddoomiye ku xigeenka 1-aad isna loo magacaabay Jabarti Isaaq Aadan.

    Munaasabad ka dhacday degmada Luuq, ayna ka qayb-galeen mas’uuliyiin kala duwan ayaa waxaa xilalka kula wareegay maamulka cusub ee lasoo magacaabay, inkastoo guddoomiyihii hore ee degmada Luuq, Cali Kadiye uu ka maqnaa munaasabadaasi.

    Guddoomiye ku xigeenka amniga ee maamulka gobolka Gedo Mudane Cismaan Nuur Xaaji (Macallimuu) oo munaasabadda ka hadlay ayaa soo dhaweeyay isbedalka maamul ee dhacay iyo magacaabista maamulka cusub ee degmada Luuq.

    “Qof la beddalo maanta ma bilaabaneyso horay ayay u jirtay waa la beddalay maamulkii degmada, waxaana lagu beddalay maamulkaan cusub” ayuu yiri Macallimuu.

    Sidoo kale wuxuu kula dardaarmay xubnaha cusub inay ka shaqeyaan horumarka deegaanka iyo wax ka qabashada ammaanka guud.

    “Waxaan rabnaa in bulshada si wanaagsan loo maamulo, waana filayaa in si wanaagsan loo maamuli doono, annaga magaaladaan waxaan u rabnnaa nabad-gelyo” ayuu sii raaciyay.

    Dhankiisa guddoomiyaha cusub Daahir Caato oo madasha ka hadlay ayaa ballan qaaday inay la shaqeyn doonaan madaxda ka sarreysa ee gobolka iyo Jubbaland.

    “Waxaan kula shaqeyn doonaa madaxda iga sarreysa awooddeyda iyo kartideyda inta uu ilaahey i siiyay” ayuu isna yiri guddoomiyaha cusub ee lasoo magacaabay.

    Gobolka Gedo oo muddo ku jiray go’doon siyaasadeed ayaa waxaa dhowaan ka dhacay isbeddal maamul, waxaana si buuxa gobolka ula wareegtay Jubbaland oo markii hore laga diidanaa degmooyinka gobolkaasi, taas oo keentay inuu soo dhmaado khilaafkii dheeraa.

    The post Jubbaland oo isbeddalkii ugu horeeyay ku sameysay maamulka degmo ka tirsan GEDO appeared first on Caasimada Online.