somalia4somalis

Nomads
  • Content Count

    82
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by somalia4somalis


  1. Madaxweynaha Somaliland iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Maanta u Ambabaxay Dalka Itoobiya

    0 0 Google +0 0

     

     

    thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail

     

     

    Axad, Juun 21, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta u anbaxay dalka Itoobiya halkaasi oo uu sheegay inuu kulamo la yeelan doonno madaxda dalkaasi.

    Madaxweynaha oo inta aanu dhoofin la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in marka muddo la joogaba loo baahan yahay in la xoojiyo xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, si danaha labadda dhinac loo sii hagaajiyo.

     

    “Waa dal uu xidhiidh wanaagsan inaga dhexeeyo, waana waajib in marka muddo la joogaba la is xog ogaalo oo laga wada hadlo danaha labadda dal, sidaaa daraadeed sidaas ayaanu ugu anbabaxay safar waxaana ilaahay ka rajaynayaa inuu nagu guuleeyo”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayey safarkiisa uu ku tagayo Itoobiya

     

    Sidoo kale, waxa uu ka hadlay arrimaha khilaafka ee golaha Guurtidda oo aan wali la xalin waxaanu sheegay in dastuurka iyo sharciga dalka u yaala lagu kala bixi doonno.

     

    “Dalku sharci buu leeyahay cid waliba waa inay ixtiraanta shuruucda dalka taas ayaana lagu kala bixi karaa”ayuu yidhi mar uu ka hadlayey khilaafka Guurtiddu ku qaadaceen heshiishkii xisbiyadda iyo xukuumadda ka gaadheen muddo kordhintii loo sameeyey madaxweynaha iyo baarlamaanka.

     

    Safarkan madaxweynuhu ku baxay ayaa ah mid aan hore loo sii sheegin, isla markaana si kadis ah ku baxayo.

     

    Haseyeeshe waxa maalmahan jiray dad reer Somaliland oo doonayey inay Itoobiya u baxaan ayaa ka cabanayey safaaradda Itoobiya ku leedahay Hargeysa oo muddo dhawr toddobaad ah aan u fiiseen Baasbaooradooddii, inkastoo safaaradda iyo wasaaradda Arrimha Dibadda Somaliland sheegeen inay kala go’ay istiikariskii lagu dhajin jiray Passporadda la fiiseeyo, taas oo ay sheegeen in ay xaliyeen.

     

    Dalka Itoobiya ayaa Passporka Somaliland u fiiseysa, iyadoo ka mid ah dalalka kooban ee ixtiraama Bassporka Somaliland, isla markana wax caqabad ah kala kulmin gudaha dalka Itoobiya.

     

    Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

    barkhadladiif@hiiraan.com

    Hargeysa, Somaliland

     

    - See more at: http://www.hiiraan.com/news/2015/Jun/wararka_maanta21-91945.htm#sthash.TOCBNgap.dpuf

     

     

    You heard it first from me: SNMland is Kililka Lixaad since 1991.

     

     


  2. <cite>
    said:</cite>

    Waan gartay.

     

    Looking at Ethiopia's mission to Somalia, there is an Embassy and 2 General Consulates.

     

    The Embassy is located in Mogadishu, 1 Consolute in Garoowe and the other Hargeisa.

     

    If they can't get it from the office in Hargeisa, why can't they goto the one in Garoowe or Xamar? Either way, good luck to them.

     

     

    It is difficult to be unrecognized papercountry


  3. Centre state will Border Nugaal new Constitution

     

    Ergada Cadaado oo ansixiyay in G/ Mudug ka tirsan yahay Maamulka G/Dhexe (Wareysi)

    Image

    Cadaado (KON) -- Ergada Shirka Maamul U sameynta Gobolada Dhexe ayaa qalinka ku duugay, oo ansixiyay in Gobolka Mudug oo idil inuu kamid yahay Maamulka Gobolada Dhexe.

     

    Teaser Image Ergada Cadaado oo ansixiyay in G/ Mudug ka tirsan yahay Maamulka G/Dhexe (Wareysi)

     

     

    Ergada oo ku guda jira ka doodista & ansixinta Dastuurka KMG ah ee Maamulka Gobolada Dhexe, ayaa Shalay u cadeeyeen Caalamka & Bulshada Gobolada Dhexe in Gobolka Mudug uu kamid ah Maamulka Cusub ee ay dhisayaan.

     

    Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federalka Somaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), ayaa sheegay in Ergada Go'aan kasta oo ay gaaraan uu yahay mid Sharci ah, isagoo hoosta ka xariiqay in Gobolka Mudug uu kamid ah Maamulka Gobolada Dhexe.

     

    Go'aanka Ergada ay soo saareen, ee ku qormay Dastuurka Maamulka Gobolada Dhexe ayaa wuxuu Dhabar-jab weyn ku ah Qorshaha Puntland ay ku doonayso in Waqooyiga Mudug aan lagu darin Maamulka loo dhisayo Gobolada Dhexe.

     

    Ergada ayaa la filaya in Sabtida soo socota ay ansixiyaan Dastuurka KMG ah, si ay ugu gudbaan qeybaha kale ee Maamul dhisada sida Caasimadda, Calanka & Dhisida Baarlamaanka.

     

    Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho


  4. abu m ‏@abumamerican 29 sep. 2013 Vertaling weergeven

    #Godane even refuses any attack in Hargeisa. Never did he n never he will. While he burns Mog he keeps investing in it with our money.

     

     

     

    abu m ‏@abumamerican 29 sep. 2013 Vertaling weergeven

    Tribalism Jahiliyah streams in #Godane's veins, therefore ruins his brain and blinds from him any good judgements.

     

     

     

    May He burn in hell for tribalism, genocide, and tarnishing image of islam.