Barwaaqo

Nomad
  • Content Count

    778
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    18

Everything posted by Barwaaqo

  1. Dadyahow garta si fiican u naqa, yaanay idinka noqon qof nacayb. Video ga waynu wada daawanay, ma madaxweynaha caafimaadkiisa ayuu muujinayaa mise staffkiisa sida xun u dhaqmaya. Eedu halkay saarantahay ka leexashadeedu waa somali caadadeed.
  2. Maahmaah kale ayaa tidhaah "nin maqan amaantiisu waa nin jooga caydii" sidaa darteed qolyaha hada jooga ha iga raali ahaadaan hadaan SOL iyo bari-samaadkii ka sheekeeyey.
  3. Somalidu been way sheegaan laakiin been kuma maahmaahaan (rag waa ragii hore hadala waa intii uu yidhi). Sol waxaan soo booqanayey ilaa 2005 way fiicnaan lahayd in qolyihi halkan ka doodi jiray reunion party sameeyaan anana aan dusha idinka daawano.
  4. Ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyo, ehelkeedna samair ha ka siiyo. Gacan ka gar daran ayaa dishay.
  5. Raga aad tirisay dhamaantood waxay wada ahaayeen civl servents, Dawladii markaa dhisnaydna waxay ka dhaxaysay jamhuuriyadii saqiirtay. Waa hubaal in dawlad ay leedahay wasaarado kala duwan oo muwaadiniyiintu u shaqayso ama sirdoon ha noqoto, meletari,wasiiro iwm. Ta dhibka keentay waxa weeye markii la ugaadhsaday qaybo ka mid ah umadii wax wada lahayd iyo nimankii dhibka u gaystay ee maamulkaasi adeegsanayey. Nimankan aad soo tirisay midna dil iyo xasuuq uma gaysan reer somaliland sidaa darteed doodaadu waa un 'mindi mindi ku taag'.
  6. Dadka caqligaa leh ayey wax isugu kaayo jireen waa hore. Qarankii kaa dhintay kuwii horseedka u ahaa dhimashadiisii adigu dhoob- dhoobo oo ha kugu soo kordhiyaan kibradooda ah sida wax loo gowraco. Annagu tagnay qofkii dambi naga galayna waan naqaan sida kabihiisa loo gubo. Oo maxaa iga galay (gidhiisha kol hadaan ka gabyey oo aan u bayaamiyey qolyaha aan taariikhdiisa la socon) dhiigyacabka madaxnimadiisa ma kol buu cari aan leeyahay ka talinayaa.
  7. Khibradu ma waxay noqotay sida loo daadiyo dhiiga reer Somaliland. Waaw, soo doonta shaqooyinka ugu sareeya xukuumadda hadaad khibrad u leedahay jid- dilka iyo xasuuqa dadka Somalidda.
  8. Ninna caadadii ma baajo, bahalna caydhin ma daayo. Dhukur dambiyadda ninkani ka galay Somaliland wuu ogaa waanu la socday ee cadawnimo ayuu sidaa u yeelay. Taas bay leeyihiin ha is raacdo.
  9. Runta hadii aan isku sheegno cid naga labis xuni ma jirto. Waliba xaga dumarka marka aan runta isu sheegno, in badan baa la moodaa in ay homless yihiin. Kaaga sii darane waxaad arkaysaa hooyo iyo inantay dhashay iyo tay ayeeyda u ahayd oo cabaayad isku mida xidan. Dhaqankii hore ee somalida hablaha iyo islaamuhu kala labis bay ahaayeen.
  10. Galbeedi, (hadii lagu sheegana waa la is sheelaa, hadii lagu sheelana waa la is sheegaa). Waxaan hubaa in ay ku farxad gelisay dhalinyaradda goosatay midhihii aad asaaskooda qaybta ku lahayd. Is sheeg (brag) way kuu ahaatee.
  11. Maansha Alah, alle ha ka dhigo kuwii dalkooda,diintooda iyo dalkoodaba anfaca amiin. 'Nabad ayaa naas la nuugo leh' Boorame waa hooyadda Somaliland, waa halkii u horseeday nabadda iyo wada noolaanshaha, waxa lagu dhisay dawladnimadda Somaliland. Xaga tacliinta Awdal cidi kula muranto oo cadkaa hore ayaa loogu gooyey(tamaashiirtana cidi kuma haysato). Qolyaha Somaliweynta taageerana waxaan odhan lahaa, reer koonfurku waxay kuu arkaan waligaa qaldaan ay ku waajibtay in uu taageero mashruuc aan lala hinjinayn sidaa darteed tacabkaagu waa biyo col dhaanshay!
  12. Pro Samatar waxa uu ka mid yahay 3da million ee go'aansaday inay gooni isaga taagaan jamhuuryaddii saqiirtay ee reer koonfurku sadqeeyey. Aan kuugu daro'e maanta waa sanadguuradii 25aad ee ka soo wareegtay maalintii 17/07/1989 ciidankii arxanka daraa xeebta jasiira ku dilay dad rayid ah kuwaas oo dhamaantood ka soo jeeda Somaliland. Ha ku fekerina in jamhuuriyaasi soo noqoto ama Samatar caaya ama cirka soo gujiya.
  13. Galbeedi, salaama huuno, walee waan xasuustaa carwadii Idco ee ku tiilay jidka sodonka kkkk, horta sow labada dhisme isma yara shabahaan? horta sow lama odhan jirin (nacaskii xoolaha qaranka cunay) waa hadaan xusuustaydu i qaldayn.
  14. Maansha Allah, Alow nimcada noo siyaadi, walaalahayaga koonfureedna dhibka iyo colaada ka dulqaad Amiiiiiiiin.
  15. Marka aad nin himilada Hilin toosan mariyoo Hir markii la gaadhaba Ku labaad hilaadshoo Haga maatadiiso (in this case our youth) La higsade dhashaa baa Hooyo lagu xasuustaa. (Hadraawi} Galbeedi, Waxa hubaal ah in aad qiimo weyn ugu fadhido dhamaan dadka somaliyeed. qoraaladaadu waxay ka turjumayaan sida aad u jeceshahay in umadda somalidu ay wax noqoto. Waxaan aaminsanahay in dhalinyaradda dibedda ku kortay ay wax badan kaa faa'iidaysan lahaayeen hadii aad siminaaro u furi lahyd. Bal hadaba arinta sol uun ha ku koobide masraxyo ku day.
  16. Galbeedi canshuurta aad wax ku baratay deeq laguguma siin ee jamhuuriyadda qaybtii aad ku lahayd baad ku heshay.
  17. Ka quuso ha quudareyn, qaranka dad baa dhistay. Galbeedi, canshuurtii la guray ee wax kaa digtay,badankayagu saamigii aan ku lahayn waan ka qadnay, waliba tacadi ayaa naloogu daray. Hadaba hadii aynu dhinaca iskaga tolonahay oo aynu meel wada marayno siday suurto gal u tahay Riyadadu.
  18. Galbeedi Nin la sugayoow yaad sugi malaha halkay ka dhutinaysaaba waa aqoonyahanka dabadda xaska geliyey! Waliba xeedho salkay ka soo unkantaaye ka biloow guryosamo iyo beledkii nabadda.
  19. Hadii dagaal ooge dhiigyacab ahi wato tuug siyaasi ah; tuugaa siyaasiga ahina wato koofiyad bac leh gargaar ka helaya qabiilayste jaahil ah, meeye wax garadkii iyo aqoonyahankii? Maad heshiisaan oo wax meel isla dhigtaan. Somalaay is daba qabta oo u tudha jiilkeena dambe. Hadaydaan heshiin waxa dhici doonta mar jiilka soo socdaa duco uu inoo duceeyo daaye ay odhan doonaan awoowayaashayo mustaqbal noogama tegin- Alle kama dhigo'e.
  20. Nimanka somalidu markay dadka kale xamanayaan u xoog waynaa waxa la yidhi'maroodigu takarta saaran ma arko ee ta maroodiga kale saaran buu arkaa' Car waa idinkaase intaad dood gashaan intiinan sol isugu timaada idinka oo aan isu faanayn wax soo soora oo waliba waaqica jira ku saleeya. Ma adiga oo Somali ah ayaad dad kale wax ka sheegi kartaa? Ubucdaadii ayaa ilaa South Africa wadhane. F.G, Jinsiyadaydu waa somali.
  21. Galbeedi Si fiican baad u dhigtay uganna faalootay xaaladda dalka ka jirta. In kasta oo aad wali aaminsan tahay midnimadda jamhuuriyadii burburtay hadanna adigu si xaqiiqda ku salaysan ayaad uga faalootaa arimaha Somaliland amaba Somalia, sidaaa darteed faalooyinkaagu ima gafaan. Mar-marka qaarkood kaama madhna qabiil yara duris taana somali baad u tahay oo bahashaa si kasta oo aynu u hore marno waa lay- noogu dawgalay. Tusaale hadaan u soo qaato hadalkaagan 'Waa markii ugu horaysay ee taageerayaasha Silaanyo dha-dhamiyaam xukunka iyo hogaaminta dalka, laga soo bilaabo markii gumaystuhu soo caga dhigtay xeebaha somalida ilaa maanta, lagamana yaabo in ay si dhib yar xukunka uga tagaan'. OO miyaa hadda ka hor wakhti loo helayba in la dhadhamiyo xukun iyo hogaamin, sawtaynu calankeenii ula dholon-dholay koonfur iyadoon wax shuruuda ah lagu xidhin. Kulmiye waxaan leeyahay caqligu ha shaqeeyo oo hala isu tanaasulo, dalkana yaan khal-khal la gelin. Macaaradka waxaan leeyahay tusa dadweynaha oo u soo bandhiga qorshihiina siyaasadeed oo hufan; dadweynaha reer Somaliland waxaan leeyahay ka waantooba qabiil oo doorta xisbiga dantu idiin ku jirto ee noloshiina sare u qaadaya.
  22. Dr Osman Waxaad i leedahay indhaha iska tuur oo xaqdarro ugu hiili ta puntland, waan kaa diiday! War reerku turubkii rag iyo dumarba baray ee samir baan ku idhi oo sadkaaga qaado oo aamin.