Barwaaqo

Nomad
  • Content Count

    778
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    18

Posts posted by Barwaaqo


  1. 12 minutes ago, Saalax said:

     

    Buundo la dhisayo maxay sheegaysa? there is no work on the rest of the road.

    Warkaaganni waa saambuuse laga adimaye; miyaan wali laguu soo dhiibin waxaad ka sheegi lahayd Madaxdda meeqaamka sare leh ee Mujaahidka qasrigiisa ku soo booqday?  Ma diyaaradii Waftiga Eretariyiinta ah Muqdisho u waday baa la soo khaldantay buu cinwaankaagu  noqon?


  2. 10 minutes ago, Oodweyne said:

    Moreover, I really will like to "eavesdrop" on the deep anguish and heartache they are having right about now, or are experiencing right now, in places like Villa Somalia.

    Kkkk, Islaan habaryar ii  ah bay show been u sheegeen oo ku yidhaahdeen “Muuse Biixi markuu Abu-Dhabi tegay waa la waayey oo Xamar baa laga dejiyey “ Habaryartay dhowr  jeer baa war khaldan loo sheegay oon beeniyey balse beenta Facebook ee reer Nabad iyo Naxdin kama ilbaxdo.

    • Haha - That was funny. You made me laugh! 3

  3. Somaliland waxay noqotay dal(xuduudo sugan leh) 26/06/1960 ,waxana aqoonsaday inay aduunka xorta ah ku soo biirtay in ka badan 30 dawladood. Somalia wali xornimo ma qaadan markii Hargeisa laga dabaaldegayey ee la sudhay calan. Calankaa waxa madaxeyne u ahaa Ina Cigaal, waxa baarlamaan u ahaa 33kii member ee xorta ahaa waxana Magaalo madax u ahayd Hargeisa.

    Dowlad dhisan oo calan xor ah wadata ayaa Muqdisho ku biirtay oo magaca Jamhuuriyadda Soomaliyeed loogu wan-qalay. Somaliland Shanta maalmood ay xorta ahayd ayaa ka dhigaysa dawlad calan lahayd oo ka hor dhalatay Somalia. Somalia calankaa waxay sheegan  kartaa markay xorowday 01/07/1960 sababtoo ah dal aan xor ahayn calan ma yeelan karo.

    In Somaliland dal ahayd waxaad ka dheehan kartaa fadhigii barlamaanka UK ee wakhtigaasi.

    API.PARLIAMENT.UK

    SOMALILAND (INDEPENDENCE) (Hansard, 25 July 1960)