Barwaaqo

Nomad
  • Content Count

    778
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    18

Posts posted by Barwaaqo


  1. 5 hours ago, Oodweyne said:

    Salaaan sare iga gudoon, inaadeer. Long time no see, my dearest. Halkan SOL ah waxa weeye arrinteedu: “Nin-na caadadii ma baajo, bahal-na qaydhinka ma daayo, nin itaal ama quwad iska waayeyna waa ciil ciyaa ama waa ciil hadlaa

    Oodweyne;

    Gacal ku arag, Cadowna argagax. Salaan qiimo badan Halyeey.

     Inaadeer cudurka haya kaarkiisa/xummadiisa waxay ku jebiyaan  Somaliland  iyo dadkeedda . Kiniinkii koodhiinka la odhan jiray baan u noqonay.


  2. Moqdhshoow I maqal:

    Cudurka kaa gala fadhaha Hadii laga gubo dameer dawadda lama gaadhayo’ waa maahmaah Somaliyeed.  Dawadda kama helaysaan BK hadal hayntiisa iyo hadal uu yidhi. Dawadda  saxda ahi  waa idinkoo ka raadiya dhexdiinna.

    Moqdishoow gumaadka  la idinku hayo yaan lagu qarin ama la idinku maaweelim fanaan  baa hadal yidhi.

    Moqdishoow maaweeladda caruurta yaan laydinKu seexin.

    Moqdishooy, reer Somaliland waa Soomaali muslin ah oo idiin damqanaya, nacayb idiinma hayno..

    Moqdishooy Madaxdii qarankayaga ayaa ka jawaabtay dareenkii shacabkayaga oo tacsida idiin soo dirtay. .

    Moqdishoow halka  dawadiinnu ku jirto raadiya si aad u caafimaadaan.
     

     

    • Like 1

  3. Talaabo, Shimbirtii u wayneyd ayaa Berbera ka soo degtay saaka subaxii 

     

    BURCOONLINE.COM

    (BurcoOnline.com)Madaarka Diyaaradaha Ee Magaalada Berbera Waxaa Kasoo Degtay Diyaarad Khaasa Oo Laga Leeyahay Wadanka Imaaraadka Carabta,

     


  4. Intii Jamhuuriyadda barakaysan ee Somaliland jirtay waa markii u horeysey ee Sucuudigu si wanaagsan u qaabilo Madax ka socota Somaliland amaba  jaaliyadda Somaliland ee Sucuudigu ay ula kulmaan  Madaxweynahoodda. Warancade oo arintan ka waramaya ka dhugo clipkan 

     

    • Thanks 2

  5. ‘Calaa geelii ba’ay’ , maahmaahdani waxay ku timi;  Oday qurbo   jooga ah baa reer Dan yar geel u dhiibtay , isagoo shuruud kula galay inay manaafacadsadaan , maalintuu u baahdanna uu Geeliisa la wareegayo. Geelaa waxa raaci jiray oo dhaqaalayn jiray wiil Cali la yidhaah oo ku garaadsaday isagoo  geelaa reerkoodu leeyahay. Hadaba maalintii geelii uu la wareegay xaqlihii , Cali wuu murardilaacay oo u qaadan waayey. Sidaasaay maahmaahdu ku baxday . U badi inay reer Burco  ahaayeen.

    Hada Saalax muxuu shaqo ka dhigan?