Barwaaqo

Nomad
  • Content Count

    756
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    16

Everything posted by Barwaaqo

  1. Somaliland waxay noqotay dal(xuduudo sugan leh) 26/06/1960 ,waxana aqoonsaday inay aduunka xorta ah ku soo biirtay in ka badan 30 dawladood. Somalia wali xornimo ma qaadan markii Hargeisa laga dabaaldegayey ee la sudhay calan. Calankaa waxa madaxeyne u ahaa Ina Cigaal, waxa baarlamaan u ahaa 33kii member ee xorta ahaa waxana Magaalo madax u ahayd Hargeisa. Dowlad dhisan oo calan xor ah wadata ayaa Muqdisho ku biirtay oo magaca Jamhuuriyadda Soomaliyeed loogu wan-qalay. Somaliland Shanta maalmood ay xorta ahayd ayaa ka dhigaysa dawlad calan lahayd oo ka hor dhalatay Somalia. Somalia calankaa waxay sheegan kartaa markay xorowday 01/07/1960 sababtoo ah dal aan xor ahayn calan ma yeelan karo. In Somaliland dal ahayd waxaad ka dheehan kartaa fadhigii barlamaanka UK ee wakhtigaasi. SOMALILAND (INDEPENDENCE) (Hansard, 25 July 1960) API.PARLIAMENT.UK SOMALILAND (INDEPENDENCE) (Hansard, 25 July 1960)
  2. ^^^^^^^ Cidla laga hel , Cambarro korisay iyo Hebel tolwaayey waa naanaysaha loogu yeedho ciyaalkii Estu aabahood u qoor-diiday sidaadda oo kale. Reer Burco naanaysta cidi kuma gaadho.
  3. ^^^^ March 5, ku saxeexan warqadda, March 6 iyo kulankii Neyrobi baa ka dambeeyey.
  4. Villa Som dadkeedda maxay runta uga qarinayaan iyo wixii laga wadahadlay? Abby Ahmed sheekadii la caadaystaystay ee ay madaxdda odhan jireen “the meeting was fruitful” tweet dheeraynayuu ku soo afjaray! Isagoo leh hadee runtu ma fantaa?
  5. Warkii oo kooban iyo Haaruun Macruuf
  6. https://muqdisho.online/deg-deg-mw-farmaajo-oo-ogolaaday-in-kiiska-badda-lagu-dhameeyo-wadahadal-xog-muhiim-ah/
  7. Ditoore Dhiigaa i dhaqaaqay Dee! Balse waan ogahay In Suldaankeenu awrkiisa ku kicinayey.
  8. Dhanka xubiga; oo maxay u diidi waaba dahabe! Xaga siyaasadse ee Suldaanoow Duulxulkaagu u dhacayo waa lagaa adkaa oo dhinac walba laguu jeedi.
  9. Mahadsanid Dr Oodweyne, aragtidda Aqoonyahankaan sugayey balse way ii muuqatay shirka muhiimadiisu. Meel aan rabay roob ma iigu da’ay.
  10. Dhulkaygunna waa amaan Ma-dhace; ma-dhace waa Calankayagga Qofkii dhib la doonayoow Cadowgu kuma soo dhaco Ood iyo dhacantaa u dheer
  11. Khudbadii Abtigiis oo ahayd mid aad u qurux badan shacabkuna u riyaaqay.
  12. Ethiopia has gone far in recognising Somaliland in practical terms but not formally. Ethiopian recognises Somalilander passports and currency. Somalilander representatives “are received with all the diplomatic niceties that any minister or head of state gets, with the exception of a flying flag. https://www.busiweek.com/somaliland-president-ethiopia-pm-hold-trade-talks-in-addis/
  13. ^^^^ Nabar iyo Naxdin sadexeeye doc ka yeedh ah bay noqotay! Dadkeeday indho sarcaad u dhigaysa. Mujaahid Madaxwayne Muuse ADIS teg; Meeqaam sarenna lagu soo dhawee; Arimaha labadda dal khuseeya laga wadda hadal; Sadarka(line-ka) yar ee ah Somaliland iyo Somalia wadda hadla ;awalba IC wuu odhan jiray. Hadaba reer Somalia ha waydiiyaan Farmaajo sababta keentay Inuu wabigu ku soo fataho Kanaalkuu soo xidhay.