Barwaaqo

Nomad
  • Content Count

    735
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    15

Everything posted by Barwaaqo

  1. Laga barayba laga badi. Yaa somalida u horseeday musuqa scholarshipka. Ma is weydiisay sida madaxdiinu scholarship-ka ku heshay.
  2. Yaab, minority doonaya sad bursi.
  3. Toloow intaa qoraagu ka sheegay jamhuuriyada barakakeysan hadii uu ka Sheegi lahaa qolyihii isla-weyn , sow board-Ka may buuxiyeen?
  4. Ha karaamo seegin habaar laygu kari waaye.
  5. Somalida waxa gabay aqoon yahankoodi, waxay ahayd in ay dadkooda wacyi galiyaan oo wadaadadda cilmi gaabka ah la doodaan. Bal waa taase aan aragno qof ka hadlaya ama dadka Ka wacyi galinaya ka hortaga wiilasha yaryar ee maalin walba dagaalka carabta ku dhimanaya iyo gabdhaha ay guurka khayaaliga ah ugu guurinayaan dagaalyahanadooda. Waxaan maqli jiray si walba maw jabay.
  6. Aan ooyee Albaabka ii xidha. Dhiigii wiilasha somaliyeed ayaa sidaa raqiis u noqday oo carabi xabada isaga dhigaysaa. Kaaga darane gabdhahayagiina guur been ah ayey ku hoosteen. Hilbahayagii ayaa haadu ka dheregtay.
  7. Dacaayadaadi raqiiska ahayd ayaan beeneeyey soow ma aha?.
  8. http://somalilandpress.com/%E2%80%9Cdno-has-no-plans-to-exit-somaliland%E2%80%9D-norway%E2%80%99s-dno-spokesman-53409
  9. Oo ma caad baa indhaha naga saaran baad maqashay ,mise xabag baad indha nagaga dhamooqi.
  10. Faalo qurux badan oo xaqiiqda ku salaysan. Galbeedi hadii ay dhacdo oo aad siyaasadda ka qayb gasho bal aan ku taageero'e magacaa Galbeedi docda kaaga kaga darso kolayba bahasha waad u sii socotaaye.
  11. Indhaha maa sharooto na looga dhejinaa waan aragnay wixii dhacay'e.
  12. Waa xilgaan u diir nixi jiray Hassan. Mudaharaad Indio la' iga dheh. Mudaharadayaasha qadiyadoodu waa cadkaa hadii aanan cunayn waan ciidayn.
  13. Ninanka somaliyeed waa in ay ka masuul noqdaan maatidooda. Hadii kale sida aynu hadaba aragtay hablaheena yaryarna carab ayaa guur khayaali ah ku guursan, wiilasheenana xabadda isaga dhigi. Wacyi galin ayaa loo baahan yahay. Waan Ka xumahay waxa ku dhacay Suldaan Faysal.
  14. Naftu waa malaay oo way macaan tahay'e, war sow laxdu na cuntaa! Aleylehe Qalwadii mas baa galay!
  15. Dadyahow garta si fiican u naqa, yaanay idinka noqon qof nacayb. Video ga waynu wada daawanay, ma madaxweynaha caafimaadkiisa ayuu muujinayaa mise staffkiisa sida xun u dhaqmaya. Eedu halkay saarantahay ka leexashadeedu waa somali caadadeed.
  16. Maahmaah kale ayaa tidhaah "nin maqan amaantiisu waa nin jooga caydii" sidaa darteed qolyaha hada jooga ha iga raali ahaadaan hadaan SOL iyo bari-samaadkii ka sheekeeyey.
  17. Somalidu been way sheegaan laakiin been kuma maahmaahaan (rag waa ragii hore hadala waa intii uu yidhi). Sol waxaan soo booqanayey ilaa 2005 way fiicnaan lahayd in qolyihi halkan ka doodi jiray reunion party sameeyaan anana aan dusha idinka daawano.
  18. Ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyo, ehelkeedna samair ha ka siiyo. Gacan ka gar daran ayaa dishay.
  19. Raga aad tirisay dhamaantood waxay wada ahaayeen civl servents, Dawladii markaa dhisnaydna waxay ka dhaxaysay jamhuuriyadii saqiirtay. Waa hubaal in dawlad ay leedahay wasaarado kala duwan oo muwaadiniyiintu u shaqayso ama sirdoon ha noqoto, meletari,wasiiro iwm. Ta dhibka keentay waxa weeye markii la ugaadhsaday qaybo ka mid ah umadii wax wada lahayd iyo nimankii dhibka u gaystay ee maamulkaasi adeegsanayey. Nimankan aad soo tirisay midna dil iyo xasuuq uma gaysan reer somaliland sidaa darteed doodaadu waa un 'mindi mindi ku taag'.
  20. Dadka caqligaa leh ayey wax isugu kaayo jireen waa hore. Qarankii kaa dhintay kuwii horseedka u ahaa dhimashadiisii adigu dhoob- dhoobo oo ha kugu soo kordhiyaan kibradooda ah sida wax loo gowraco. Annagu tagnay qofkii dambi naga galayna waan naqaan sida kabihiisa loo gubo. Oo maxaa iga galay (gidhiisha kol hadaan ka gabyey oo aan u bayaamiyey qolyaha aan taariikhdiisa la socon) dhiigyacabka madaxnimadiisa ma kol buu cari aan leeyahay ka talinayaa.
  21. Khibradu ma waxay noqotay sida loo daadiyo dhiiga reer Somaliland. Waaw, soo doonta shaqooyinka ugu sareeya xukuumadda hadaad khibrad u leedahay jid- dilka iyo xasuuqa dadka Somalidda.
  22. Ninna caadadii ma baajo, bahalna caydhin ma daayo. Dhukur dambiyadda ninkani ka galay Somaliland wuu ogaa waanu la socday ee cadawnimo ayuu sidaa u yeelay. Taas bay leeyihiin ha is raacdo.