Barwaaqo

Nomad
  • Content Count

    729
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    15

Everything posted by Barwaaqo

  1. Galbeedi Dalkan cidi kaaga sheekayn mayso oo 25 sano ka hor daar taagani ma jirin meel walbana miinaa ku jirtay,dadkuna qoxooti kaba la' bay ahaayeen. Maansha Allah maanta dhibaatadaa waa laga soo doogaya. Magaaladda Hargaysi way weynaatay riigaggii hore u jirayna ma kafayn karaan baahideedda. Hada waxa socda mashruuc biyo galin ah. Waa loo baahan yahay in la dhiso xafiisyo ay wasaaraduhu yeeshaan,building nadaasuna waa hanti qaran intii dhismahoodu socdayna,shaqaaba laga helay. Dadka Maandeeq u tafaxaytay/guntaday way dareemayaan baahiyaha dalkoodda ka jira, roodhiday dadkoodda la cunaan, sidii cake loo wada cuni lahaana way ka shaqeeyaan. Bal hadaba Galbeedi dalka waynu wada leenahayee dhinacaaga ka duuli.
  2. Galbeedi Salaan Ind Dacaayadda odayga laga sheego run ha moodin, ma waxaad u malaynaysaa in nimankan wada kursi doonka ahi ay caano u lisi lahaayeen? Odaygu farsomaliga akhrintiisa waxa uu kaga fiican yahay ka englishka,taana waxaan u malaynayaa inuu just X,c,iyo w uun bedelay eenu waligii dhigan farsomaliga halka uu si qurux badan u akhriyo far Ingriiska . Qudbadihiisa English ka ah raadi oo is barbar dhig. My other half ayaan booqday oo ka mid ah ragga Somaliland duuliya ee business uma tegin. Hargeysa ilaa Caynaba ayaan socday,dalkuna aad buu u xasiloonaa . Caana geel waan ka soo dhergay.
  3. Galbeedi Salaan ka bacdi, waan ku faraxsanahay xaqiiqdda inaad ogaatay. Hadaba waxa loo baahan yahay in sidii wax loo sixi lahaa loo guntaddo/ tafaxayto. Baryahan waxaan warbaahinta Somalidda ku arkaa qaar qoraya nin hebel baa shaqadaa u Tafa-xaytay; war ragu wuu guntadaa ee ma tafaxayto. Saadaalintaad saadaalisey in Silaanyo shaqadda uga tegi doono caafimaad darro,horta Alle ayaa og balse odayga Sumerkii baan saacad in ku dhow la joogay walee waad yaabi caafimaadkiisa maansha Allah, islaantiisuna cuntadiisa siday u ilaaliso waad yaabi. Odaygu indoor swim ayuu maalin iyo habeen ku dabaashaa,Amina Waris ayaa shaqadaa caafimaadka u qaabilsan.
  4. Maxaa loogu ciyaarayaa xubinta dumarka ee taranka? War isku xishooda. Mar waa dariiqii aad soo marteen markaad dunida imanayseen, marna waydinka 24/7 ku fakaree! Yaa leh xoogiina iyo xoolihiina...?
  5. Galbeedi iila hadal eegaa;cimri,cilmi iyo waayo eegaa. Nafyahay ama jiidh ama joog jar baa kaa horeeyee! Ka joog baan ku leenahay oo caqli keen.
  6. Maansha Allah, Ahmed yaasiin waa aftahan gartiisa walee gole ka sheegtay. Waan hubaa in badani inay hadakiisa ka garowday. Hadaladiisu qabigay ka imanayaan ma aha mala awaal meel laga akhriyo. Reer Awdal waa lafdhabarkii iyo siidhi walihii Somaliland, waana in dagdeg wax looga qabto cabashadooda. Galbeedi, kaftan inaadeer qolyahan lagu jeclaysiiyey, miyaad iskala degi mise biriig hawada mara ayaad dhisan.
  7. Anigu Waxaan u malaynayaa in aan caruurteena si khalad ah ugu korino qurbaha. Hablaheena wax kasta waxaan ugu sheegnaa waa xaaraan-xitaa Waxaan xaraan ahayn, balse waalidku rabo in aanay inantu samayn, xaaraanta iyada la garay oo waa waajib ina saaran in aan u sheegno. maskixiyana ma korino. Dhaqnkii aan lahayn een ku soo koray looma shego. Habluhu haday schoolka hortiisa kaaga soo horbaxaan iyaga oo classmatekooda la socda way is qariyaan iyagoo ka baqaya wax ayaa laydinka sheegi, hada dariiqa unbaa kulmiyey caruurtay la socdaan.
  8. Dadka reer Boorama ilbaxnimadooda iyo xadaaradooda bal halkan ka dhugo/fiirso
  9. Boorame iyo nawaaxigeedu waxay ka mid tahay meelaha ugu quruxda badan dhulka Somaliland. Dadka reer Boorame waxaan aaminsanahay inay yihiin dadka somalida ugu cilmi iyo xadaaradba fog. Xadaarada iyo nabad jeclaantoodu waa taa dhulkoodiina dhistay Somaliland u horseeday in Boorama noqoto halkii dawladnimadeeda lagu dhisay.
  10. Moorgan ayaan ku xigsiin lahaa. Sababtuna waa dambiyadii uu ka galay dadka reer Somaliland.
  11. Ciid Mubaarik dhammantiin. Galbeedi, haa waan aqaan canbaabur waxana aan ka bartay asxaab reer Jabuuti ah. Waxay ii sheegeen in ay habaar tahay cunidiisu wakhtiyada kale balse waxaan u malaynayaa in sababtu tahay in uu Ciida gaar u ahaado.
  12. SOL, marka hore ma kala dhacaan, waxaanan aaminsanahay inay yihiin maskaxdii Somalida waxay doonaan ha kala aaminsanaadeenee. Anigu sadex qof ayaan dooranayaa. 1. Galbeedi, wuu ka sareeyaa waxeenii xilka lahaa ee qabyaalad. Wuxuu jecelyahay in somali wax noqoto. Galbeedi siyaasadda iyo taariikhda (oo uu runta ka sheego) kaliya kama hadlo xitaa xaga bulshada ayuu ka hadlaa si aynu u hagaagno. 2 Saffers, maansha Allah, dood kasta si fiican oo cilmiyeysan u soo bandhigta. 3 Dr Kennedy, macquul wax garad ah. Waa nin Da' yar balse rag waaweyn ka sareeya.
  13. Ma fahmin qaybta hore ee qoralkaga. Rayigayga iyo sidaan dumarkaa u arkaan ka hadlay waa maxay dagaalku.
  14. Dumarkaa sharaf ayaa ka muuqata. Dayac kama muuqdo. Runtana way ku rafteene, ma nerve ayey idin taabteen kuwiina dacwada qaboow? Gym taga oo is jafjafa kuye! KKKK, si fiican ayey isu difaaceen gari Alle ayey taqaanaaye.
  15. Wadaad isku sheegyadda somalidu waxay doonayaan inay dadka mugdi ku sii haystaan. Madaxaa ka waynaada marka la daba raxleeyo ileen waa ibna aadan oo sharafta la huwiyey garan maayaan ee. May ka hadlaan dumarka maalin walba iska rogo dhaxa lagu dilayo, meeye ragii dambiga la sheegayo la galay masaakiinta sharci daradda lagu dhagxinayo. Waxaan daawaday sheekh isku sheeg been cad intuu la soo fadhiistay leh London ayaan ku booqday 700 gabdhood oo HIV qaba oo xero ku jira! FG sheekhyadda diinta sida fiican u fasira kuma jiraan kuwan aan sheegayo.
  16. Faanku ceeb kuma aha qolyahan ee waa caadadood. Ma aha xilgii aad somalilda ku harawsan jirteen intii madax madow iyo reer hebel ayaa siman.
  17. Suldaanku taariikhda ayuu la socdaa. Dawladihii somaliya soo maray waxa si xun ula taliyey qolyo sad bursi doonayey oo u sheegay taariikh gacan ku rimis ah (waa qolyaha sheegta in sayidkii 1920 dhintay uu xornimo keenay 40sano ka dib dhimashadiisii) iyo in somaliland afar qof oo laga adkaan karo tahay.
  18. Laga barayba laga badi. Yaa somalida u horseeday musuqa scholarshipka. Ma is weydiisay sida madaxdiinu scholarship-ka ku heshay.
  19. Yaab, minority doonaya sad bursi.
  20. Toloow intaa qoraagu ka sheegay jamhuuriyada barakakeysan hadii uu ka Sheegi lahaa qolyihii isla-weyn , sow board-Ka may buuxiyeen?
  21. Ha karaamo seegin habaar laygu kari waaye.
  22. Somalida waxa gabay aqoon yahankoodi, waxay ahayd in ay dadkooda wacyi galiyaan oo wadaadadda cilmi gaabka ah la doodaan. Bal waa taase aan aragno qof ka hadlaya ama dadka Ka wacyi galinaya ka hortaga wiilasha yaryar ee maalin walba dagaalka carabta ku dhimanaya iyo gabdhaha ay guurka khayaaliga ah ugu guurinayaan dagaalyahanadooda. Waxaan maqli jiray si walba maw jabay.