Sanghuni

Nomads
  • Content Count

    3
  • Joined

  • Last visited

  1. Soo dowaynta mahad baan ka celiyay. Boggan in aan jacbur la isugu heegin baan u qabay, la yaabse ma leh oo dad xaqiiqada jacburka ka jecel baa nagu badan. Aan idiinwarramee Miskiin iyo inta kaleba, dadkani horta waa Soomaali sax ah, halka ay ku xaraysanyihiin waa saldhig booliis oo Chicago ku yaal, taariikhduna waa sax 1915-kii. Guud ahaan kooban, waxay ka tirsanaayeen dad carriga Soomaaliyeed laga keenay si ay uga mid noqdaan dad adduunka meelo badan oo guumaystayaashii reer Yurub dullaysteen laga soo ururshay si xeryaha xayawaanka iyo bandhigyada waawayn loogu daawado "savages". Gaar ahaan, kooxdaan Chicago la keenay iyaga oo ka hor meelo kalena lagu soo bandhigay ayaa masrax magaalada ku yaal lagula heshiiyay in ay waxyaalihii looga bartay ka jilaan "savages etc.", waa aqbaleen waana lagu wada heshiiyay. Nasiib darro lacagtii ay halkaa ka shqaysteen ayaa loo diiday, si ay ku dhacdayba, iyaguna warmahooda ayay qaateen si ay xaqqooda u dhacsadaan. Arrintii cirka ay isku shareertay ilaa ay dacwad maxkamadeed gaartay. Sidaa ayaa dadkan horta saldhigga lagu keenay sawirradan aad arkaysana halkaa dacdarrada leh looga qaaday. Waxa la soo xiray ragga oo kaliya ayay ahaayeen, dumarkuna haddii raggii xabsi loo dareershay meel ay ku haraan ma jirin. War yaanan idinku daaline, ugu dambayn maxkamad ayaa loo gudbiyay dhammaanna waxaa lagu xukumay musaafurin degdeg ah. Dabadeed si xaal noqday, bal adba! Afeef: Sheekadaan inta aanan boggaan ku soo biirin ka hor ayaan la socday oo qoraal cilmi-baaris ah oo aan muddo ku gudo jiray meelo badanna u maray ayay ka mid ahayd. Aad ayaan ugu farxay markii aan maalin dhowayd aniga oo wax baaraya ka soo kor dhacay sheekadiina muddada hore soo bilaabatay oo xog qabyo iga ahayd aan ka kororsaday. Midda kale, waxa aa soo gudbiyay waa baaritaan socda ah oo aanan 100% hubin ee ha lala socdo. Mahadsanidin dhammaan
  2. Dhammaan waa salaamay, Labada sawir ee ugu horreeya (Soomaali Chicago 1915?) sheekadooda oo buuxda anaa idiin haya. Waxaan hubsanayaa in sheekadu wali socoto ama ay boggan ka xiranytahy. Haddii aad wali halkan ka dhowraysaan soo jawaaba, haddii kale dhambaal cusub ayaan furi doonaa ee la socda si aan idin kaga sheekeeyo taariikhda dadkaa Soomaaliyeed iyo sidii ay Chcago ku yimaadeen. Mahadsanidin. B.M.Warsame (cilimi-baare madax bannaan)
  3. AUN Another legend and shining star is gone. Her memories will surely stay in our memories as long as we remain in this world after her. Almighty bless her soul. Aammiin.