XOG-ogaal

Nomads
  • Content Count

    479
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by XOG-ogaal


  1. JB wasn't it TFG supportes who said that he should run for president because waa nin wax yaqaana ? i guess he is not good enough. we all knew that he was there because of his tribe which he does not represent....................I"m sure my friend Duke will convince us that he is.


  2. Dagaal ka bilaawday Agagaarta Xarunta Xisbiga ee magaalad Muqdisho

    Posted to the Web Apr 10, 22:24

     

     

    Muqdisho:-Dagaal qaraar ayaa ka bilaawday iyo Is rasaaseyn xooggan agagaarka xarunta Xisbiga iyo garoonka Stadiyo Muqdisho ilaa wada iskuulka Jen Daa,uud daryanka madaafiicda iyo Taangiyada Itoobiya ayaa si weyn looga maqlayaa dhamaan Xaafadaha ku dhow Xamar Bile ee Muqdisho.

     

    Dagaalka ayaan ilaa haatan la aqoon Sababta bilaawday iyada oo ay soctay waan waan labada dhinac waxaase galabta fashilmay kulan ay yeelan lahaayen Saraakiisha Ciidanka Itoobiya iyo Odayaal dhaqameedyo ka tirsan Beelaha ******.

     

     

    Wixii warar ah ee soo kordha kala soco Halgan.net


  3. Wariyaha Idaacada Simba uga soo waramo Boosaaso Cabdi Risaaq Sheekh Aduun ayaa sheegay in xiisado colaadeed iyo is abaabul ciidan laga dareemayo Magaalooyinka Garowe,Boosaaso iyo Gaalkacyo kadib markii la xaqiijiyay in Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland ay ku sii siqayaan degaano ay hore uga arimin jireen Maamulka Cadde Muuse.

     

    Wariye Sheekh aduun oo xiganayay ila kala duwan oo wareed wuxuu tibaaxay in dagaalka uu khasaaro badan dhaliyay,sidoo kalana jiidaha dagaalka laga maqlayo xabado goos goosa.

     

    Ciidanka Jamhuuriyada Somaliland ayaa la sheegay inay la wareegeen gacan ku heynta Baran,Dhahar iyo degaano kale iyadoo dhinaca kalana la xaqiijiyay in laga gubay lix gaari dagaal Ciidanka Maamulka Puntland ee degaanadaas hore u joogay.

     

    Wasiirka Sports-ka ee Somaliland Dr Maxamud Siciid ayaa Waagacusub u sheegay in dagaalka uu qarxay kadib markii ay ka warheleen weerar gaadmaa oo kaga yimid dhinaca Puntland xilli ay hoowlo ku marayaan degaanadaas.

     

    Dharbaaxada ku dhacday Ciidanka Cadde Muusse boqor ayaa sabab looga dhigayaa beelaha gobolada Sool iyo Sanaag oo tageeridii gaashaanbuureed kala laabtay.

     

    Xildhibaano ka socday Aqalka Wakiiladda Somaliland ayaa booqday Laascaano xilli ay ku sugnaayeen cududii ugu balaarneed ee Ciidamada Puntland taas oo noqotay fajac,waxaase nalka uu mar qura ka damay Maamulka Cadde Muusse ,markii laga war helay in taliyahii Ciidanka gobolka Sool uu ku biiray Ciidamada Somaliland.

     

    Beesha duubays ee Warsangeli ****** ayaa taageeraddi gebi ahaan kala noqotay Maamul goboleedka puntland.

     

    Beeshan ayaa si cad u sheegtay inay taageersan yihiin Somaliland.

     

    Ciidamadii Daraawiishta ee Puntland ayaa inta badan faarujiyay difaacii dhinaca Gaalkacyo taas oo qudheeda cabsi badan leh,lagana yaabo in si sahala loogu duso.

     

    Dhinaca kale dagaalo xoogan ayaa la soo sheegayaa inay ka dhex qarxeen dalalka Itoobiya iyo Ereteria taas oo abuureeyso jawi Colaadeed oo laga yaabo inuu saameeyo guud ahaan geeska Afrika.


  4. Wararka ka imaanay xuduuda dagaal ee Itoobiya iyo Eritreya ayaa sheegaya in halkaas uu ka qarxay dagaal kulul maalinkii Jimcaha ahaa. Dagaanka Tsorona oo ay isku horfadhiyeen labada ciidan ayaa waxa ka dhacay dagaal culus oo aan wali la ogayn qasaarihiisu inta uu le'eg yahay. Dhamaan ciidamadii Itoobiya ka joogay xuduuda Eritreya ayaa loosoo qaaday gudaha Somaliya, mana jiraan ciidamo xoog leh oo Itoobiyan ah oo halkaas jooga.

     

    Dagaalkaan ayaa la isku adeegsaday madaafiicada goobta ee labada ciidan, Dowladda Maraykanka ayaa horay ugu hanjabtay dowladda Eritreya haddii ay isku daydo inay dib u qabsato dhulkeeda inta ciidamada Itoobiya ay ku maqan yihiin Somaliya. inkastoo maalintii saraakiil ka tirsan waaxda difaaca ee Ethiopia ay kala hadleen Mrs.Ferzer xaaladaha ku soo kordhay Soomaaliya iyo ereteya, Lama garan karo in dagaalka ay bilowday dowladda Eritreya oo ay iska dhagatirtay hanjabaada Maraykanka iyo in uu ahaa shil yar oo dhacay. Wixi warar ah ee kasoo kordha dagaalkaas kala socda bogaan Eritrea-Ethiopia Battle Resumes in Tsorona


  5. Ku Xigeenka dhinaca Maaliyadda ee duqa magaalada Muqdisho, Xasan Qalaad oo lagu dhaawacay Muqdisho

     

     

    Ku xigeenka dhinaca Maaliyadda ee duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Nuur “Qalaad”, ayaa maanta lagu dhaawacay albaabka hore ee Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay isku maan dhaafeen isaga iyo mid ka mid ah ilaalada Dekedda.

     

    Qalaad ayaa waxaa la dhigay oo uu iminka jiifaa Isbitalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, ayada oo Sarakiisha Caafimaadka ee Isbitalkaasina ay sheegeen in ay dhaawacyo ka gaareen lugta bidix, oo la sheegay inay labada kalba ka jabtay.

     

    Dhaawaca Qalaad ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen ilaalada Qalaad iyo kuwa Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho.

     

    Waxaa la sheegay in Qalaad oo Dekedda kasii baxay uu mid ka mid ah ilaalada Dekedda uu xabad riday, kadibna uu soo laabtay Qalaad, islamarkaana isaga oo Askarigii la murmaya, islamarkaana qorayga kula dhegan, uu xabad soo riday mid ka mid ah ilaaladiisa, kadibna ay xabaddaasi haleeshay.

     

    Xilliyadii ugu dambeeyay waxaa jiray weeraro lala beegsanayo Saraakiisha iyo Mas'uuliyiinta Dowladda KMG ah ee Somalia .

     

    Ku xigeenka dhinaca Ammaanka iyo Siyaasadda ee Duqa Magaalada Muqdisho Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweeye ayaa horey waxaa loogu dhaawacay weerar ka dhacay Muqdisho, kaasi oo sidoo kale lagu dilay qaar ka mid ahaa xogheenadiisa