xiinfaniin

Nomads
  • Content Count

    14,528
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by xiinfaniin


  1. gooni,

     

    Siyaarada qabriga Zenewi in madaxweynuhu keligeed u tagay iyo inuu Jubbaland la kulanked u tagayba ilaa berri baan warkeeda helaynaa.

     

    Kenya naga hiilisay waa nin liita warkii. Haddaad ogtahay inaadan Kenya tabar u hayn magalaadana jacaylkeedu ku madax maray maad nag-nagta joojisay adeer, oo raggaaga dhinac ka raacdid. Caqliga Ugandha iyo Ethiopiana madaxdooda aabayaasha gees africa ka dhigaya , Kenya cadow in alshabaab loola midoobo ay tahay ka dhigaya, waa caqli-gooni


  2. GARODI,

     

    Somalis in Puntland with the exception of those in IDPs do not need food. They need shools, hospitals, infrastructure i.e. roads, airports, harbors and governance enhancing, capacity building support .

     

    There are business folks who support their families by importing bariis, digir and baasto.

     

    This shipment was not for IDP camps ; it was destined fishing communities of Isku-shuban, and the camel and cattle herders of Goldogob and Taleex.


  3. Wasiirka Arimaha Dibada ee Ethiopia Dr.Tedros Adhanom ayaa xalay kulan casha sharaf ah la qaatay wafdigii madaxweynaha Jubaland ee hslay Addis Ababa gaadhay.Xog aanu ka helnay kulankan ayaa sheegaysa in kulankan aan lagu soo qaadin wax siyaasad ah uuna ku ekaa soo dhaweyn.

     

    Geeska kale waxay isla xogtan noo sheegtay in maanta wax kulan ah uusan jiri doonin maadaama maanta Addis Ababa laga xusayo sanadguuradii kasoo wareegtay geeridii Meles Zenawi.

     

    Wadahadalada dhexmari doona wafdiyada ka akal socda DFS iyo Jubaland ayaa lagu soo waramayaa inay furmi doonaan maalinta bari ah.

     

    Waxaa kale oo aanu xog ku helnay in xildhibaanada la socda wasiiro dowlaha madaxtooyada Faarax Sheekh Cabdiqaadir aysan ka qeyb qaadan doonin wadahadalada balse ay Addis uyimaadeen barnaamij kale oo wadahadalada garab socdo oo ah xalinta khilaafaadka u dhaxeeya beelaha wadadaga Jubaland iyo kawada xaajoodka dagaaladii ka dhacay Kismaayo iyo beelihii ku kala irdhoobay.

     

    Dhanaan Media


  4. Magacyada xubnaha wafdiga Jubaland ee kusugan Addis Ababa

    August 19, 2013

     

    Magacyada xubnaha wafdiga Jubaland ee kusugna Addis Ababa ayaa kala ah

     

    Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan

    Madaxweyne kuxigeenka Jubaland Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag

    Cumar Cabdi Rashiid

    Prof.Maxamed Cabdi Gaandi

    Cabdi Cali Raage

    Gen.Darwiish

     

    http://dhanaan.com/xubnaha-wafdiga-jubaland-ee-kusugan-addis-ababa/


  5. War Deg Deg ah– Puntlandi oo heley Qodobada Ergada Jubaland iyo DF ay isku mari waayeen ilaa hadda

     

    Adis abeba–20 Ogoosto,2013–Pi– Tan iyo Xalay Waxaa Magaalada Adis Ababa ka socdey kulamo loogu Gogol xaarayo kulanka Caawa oo Talaado 20 Agoosto ah dhex mari doona Madaxweynayaasha Dowlada Jubaland iyo Dowlada Federaalka, Kulamadaas Wax natiijo ah kama soo bixin, in kastoo is badal Isfahan uu ka dhaci karo Kulanka labada Madaxweyne.

     

    Ergada Dowlada Federaalka waxaa ka mid ahaa Xildhibaanadii had iyo jeer diidanaa in Jubaland Maamul loo sameeyo, kuwasoo Muqdisho shirar ku qaban jirey iyadoo ay weheliyaan Odoyaashii Beesha ****** sida Xaad iyo Axmed Diiriye. Xildhibaanadaas ayaa kulamada hadda ka socda Adis Ababa waxay la yimaadeen Wax ka baxsan Waxyaabihii looga wada hadley kulamadii kan ka horeeyey ee Adis Ababa ka dhacay bishii Juun sanadkaan.

     

    Ergada ka socda Dowlada federaalka oo Xildhibaanadaas ka mid yihiin iyo Ergada ka Socda Dowlada Jubaland oo labada Madaxweyne ka maqan yihiin waxay Qolo walba soo bandhigtey Dhowr Qodob, oo kala ah sidaan:

    Dowlada Federaalku waxay soo bandhigeen

     

    In kulanka Adis Ababa lagu saxiixo Heshiis oranaya in kulanka Isfahan ka dhacay uuna kasii socon doono Muqdisho, intaas ka dibna Muqdisho lagu balamo si Heshiiska rasmiga ah la isula meel dhigo.

    In Magaalada Muqdisho la isugu yimaado halkaasna Dowlada federaalku ay Maamul kumeel gaara u magacawdo Gobolada Jubooyinka.

    In Gobolka Gedo la raaciyo Bay iyo Bakool , iydoo Ergada Gobolkaas kasoo jeeda laga reebayo Ergada ka imaanaysa Jubooyinka ee ka qayb gali doona kulanka Muqdisho

     

    Jubaland arintaas waa ku gacan sayrtey Waxayna miiska soo saareen Qodobada dhankooda oo ay kamid yihiin..

     

    In Dowlada Federaalku si buuxda ula shaqayso Dowlada Jubaland iyadoo la tixraacayo Dastuurka Federaalka, dastuurkaasoo noqonaya kii ay Lixda saxiixayaashu saxiixeen.

    In Dowlada Jubaland ay iyagu maamushaan Deeqaha Caalamku siiyo Soomaaliya qaybtooda aysana Cidna Wakiil uga noqon.

    Mushaarka Ciidamada Jubaland in ay qaybtooda ka helaan Dhaqaalaha Mushaar ahaanka loo siiyo Ciidanka Soomaaliya ee Beesha caalamku bixso

    In sida Dastuurku qoraya ay Jubaland qayb ka ahaadaan Heshiisyada Caalamiga ah ee saameyn ku yeelan kara Deegaanada Jubaland.

     

    Kulankii markii Dambe waa lagu kala kacay waxaana goobta Buuq ka dhaliyey Xildhibaanadii ka socdey Madaxweyne Xasan Sheikh, waxaana kulanka markii dambe goob joog ahaa Ergo ka socota Wadamada IGAD,

     

    Ergada Jubaland waxay soo jeediyeen in Wadahadalka loo daayo labada Madaxweyne oo uu wehelin doono madaxweyne Xigeenka Jubaland, sidaas awgeedna ay Sadexdaan Masuul wada eegaan Qodobada ayna ka wada hadlaan.

     

    Kulanka Madaxweynayaashu wuxuu dhacayaa Caawa Fiidkii saacada Adis ababa


  6. Ah it is Carafaat again.

     

    What can we say. Hear from me: when one is on a firm political foot, one easily rejects noise and decides what is good for own and for Somalia for that matter.

     

    Federalism drives Somalia's political discourse. Proponents see it as a win for Somalia, opponents including President Hassan sees it as a losing proposition for Somalia. The rest are details , but important nevertheless .


  7. ^^lol @ Che. who is the Ditoore?

     

    I am not sure who the Ditoore is , but one understands why an 'Aid' from Turkey has to come to Mogadishu (look at that map) to get to the Puntland, as one also understands why Hargeysa would come in the aid of an embarrassed admin in Mogashu.

     

    Salax is talking sense , he is in the know.


  8. Hargeysa: Markabkii Puntland laga celiyey oo Somaliland-na muran ka dhexdhaliyey(Dhegeyso)

    August 20, 2013

     

    Hargeysa (PP) Afhayeenka xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani ee Somaliland Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa ka hadlay Markab raashin deeq ah keenay dekedda Magaalada Berbera, kaasi oo Turkigu ugu deeqay Puntland, balse Puntland ay isagaga celisay sababo la xidhiidha khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland.

     

    Afhayeenka Waddani, ayaa sheegay in Markabkan siday raashinka dekedda Boosaaso laga celiyey ay dawladda Soomaaliya u soo dirtay dekedda Berbera, taasina ay markhaati u tahay in ilaa hadda beesha caalamku aanay kala saarin deeqaha Somaliland iyo Soomaaliya isla-markaana wixii deeq ah ee ay Somaliland ugu talogaleen ay Muqdisho soo marinayaan.

     

    Afhayeenka Waddani, oo xalay khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya Markabkaasi wuxuu yidhi “Heshiisbaa jiray dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya, kaasi oo xukuumaddu inoo sheegtay inuu dhigayey in wixii mucaawinooyin ah ee beesha caalamku ugu talogashay Somaliland inaan haba yaraatee aan loo soo marin Soomaaliya, laakiin arintani waxay muujinaysaa inaan arintaa waxba ka jirin, oo dawladda Turkiga ama beesha caalamku wixii ay deeq ah ee ay Somaliland ugu talogashay ay u soo marinayso Soomaaliya, Markabkana waxa soo habeeyay dawladda federaalka ee Soomaaliya isla-markaana ay ugu talo-gashay maamul Goboleedka Puntland, khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay awgeedna Puntland u celisay, dabadeedna waxay noqotay in Somaliland lagu wareejiyo, markaa taasi waxay caddaynaysaa in Somaliland iyo Soomaaliya ay ka xiriireen sida Markabkaasi loo maamulayo ama Berbera loo keenayo, waxayna caddaynaysaa in dawladda Turkigu wixii ay Somaliland ugu talo-gashay ay soo marinayso dawladda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho, taasina maaha mid sharaftii iyo karaamadii Somaliland kor u qaadaysa oo heerkii loogu talo-galay gaadhsiinaysa”.

     

    Hadaba si aad u dhegeysatid eedayntaas oo dhamaystiran halka hoose ka dhegeyso.


  9. Wadahadaladii Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedka Jubbaland oo ka furmay Adis Ababa iyo Xassan Sheekh oo markii uu Adis Ababa soo aadayay warbaahinta u sheegay inuu aadayo Tacsida Ra’iisal wasaarihii hore ee Itoobiya (Warbixin xiiso leh)

    August 19, 2013

     

    Magaalada Addis Ababa ee xarunta Ethiopia ayaa waxaa xalay ka furmay wejigii labaad ee wada hadalada Dowladda Fedraalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedka Jubba Land oo uu ka dhexeeyo khilaaf muddo soo jiitamaayey.

     

     

     

    Shalay magaalada Addis Ababa waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Dowladda Fedraalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, inkastoo uu Madaxweyne Xassan Sheekh markii uu ka amba-baxaayey magaalada Muqdisho uu saxaafadda u sheegay in uu Addis Ababa u tegaayo sanad guuradii koowaad ee geeridii Raysal wasaarahii hore ee Ethiopia Meles Zanawe ayaa hadana ilo xog ogaal ah waxay Dhanaan Media u xaqiijiyeen in ajandaha ugu weyn ee uu Madaxweynahu u aaday Addis Ababa ay tahay wada hadalka Dowladda Ferdaalka iyo Dowladda Jubba Land.

     

     

     

    Sidoo kale Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa shalay ka ambabaxay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose iyaga oo gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta Ethiopia oo ay isla shalay gaareen.

     

     

     

    Wada hadalada oo ah labo faddhi ayaa Dowladda Fedraalka fadhiga koowaad waxaa u metelaaya guddi uu hormuud u yahay Wasiiru Dowlaha madaxtooyada Villa Soomaaliya Faarax Cabdulqaadir waxaana kamid ah Xildhibaano Baarlamaanka katirsan.

     

     

     

    Dhanka Dowlad goboleedka Jubba Land waxaa fadhigga koowaad ee kulanka uga qayb gelaaya guddi uu hoggaaminaayo Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Jubba Land Gen. Canbdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

     

     

     

    Fadhiga labaad ee wada hadalada oo ah kulan adag oo indhaha lagu wada hayo ayaa waxaa si toos ah isku hor fariisanaaya labada Madaxweyne ee Xassan Sheekh Maxamuud iyo Axmed Maxamed Islaam, waxaa sidoo kale kulankaasi qayb ka ah xubno sar sare oo kamid ah Urur goboleedka IGAD.

     

     

     

    Wada hadalada oo ah kuwo aad looga dhursugaayo ayaa waxaa garwadeen ka ah Urur goboleedka IGAD, waxaana la filaayaa in ay kasoo baxaan natoojin xal u noqda khilaafka labada dhinac oo meel sare gaaray.

     

     

     

    Xubno kamid ah waftiga Jubba Land ee Addis Ababa kusugan ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey wada hadalada Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad goboleedka Jubba Land mar uu la xiriiray Dhanaan Media.

     

     

     

    Qodobada la hadal hayo ayaa waxaa kamid ah in Dowladda Soomaaliya oo geed dheer iyo mid gaaban u fuushay bur burinta Jubba Land ay shirka uga dhawaaqdo in ay aqoonsan tahay Dowlad goboleedka Jubba Land .

     

     

     

    Arrimaha kale ee sida weyn loo hadal hayo waxaa kamid ah in xubnaha Dowladda Soomaaliya uga qayb gelaaya kulanka Addis Ababa ay kamid yihiin Xildhibaanadii af iyo adinba kula dagaalamay Jubba Land , waxaana xildhibaanadaasi kamid ah.

     

     

     

    Xildhibaan Alankay, Xildhibaan Magan, Xildhibaan Daahir Amin Jeesow, Xildhibaan Samaan, Xildhibaan Goodir, Xildhibaan Sandheere iyo xildhibaano kale.

    Urur goboleedka IGAD oo door muhiim ah ku leh kulamada Addis Ababa ayaa dhankooda waxay shaaciyeen in arrintu sidii hore kasoo durugtay, waxayna rajo ka muujiyeen is fahan dhexmara Dowladda Fedraalka iyo Dowlad goboleedka Jubba Land oo markii hore aad u kala fogaa.

     

     

     

    Sikastaba wada hadaladaan oo ah wejigii labaad ayaa natiijada kasoo baxdaa waxay tahay mid la wada sugaayo maadaama xilligaan baahi weyn loo qabo is afrgad buuxa oo dhexmara labada dhinac ee Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad goboleedka Jubba Land, waxaana wada hadalada kadib hadii la heshiiyo iyo hadii kale ay Jubba lanad sii wadi doontaa dhameystirka Maamulkeeda.


  10. Madaxweynaha Soomaaliya oo Weji Gabax Kala Kulmay Xildhibaanada Baarlamaanka ee Kasoo Jeeda Gobolka Gedo

    August 19, 2013

     

    Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helnay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Soomaaliya ayaa waxay sheegaayaan in uu halkaasi ka dhacay kulan gaar ah oo dhexmaray Madaxweynaha Dowladda Fedraalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo jeedaJubbaLandgaar ahaana gobolka Gedo.

     

     

     

    Kulanka oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada ka hor inta uusan Madaxweynahu u ambabaxin magaaladaAddis Ababaayaa Madaxweynahu waxa uu Xildhibaanada usoo jeediyey codsi ku saabsan mustaqbalka gobolka Gedo.

     

     

     

    Qodobada uu Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud kala hadlay munadayaasha Baarlamaanka ee kasoo jeeda gobolka Gedo ayaa waxaa kamid ahaa codsi ku aadan in ay ku taageeraan sidii gobolka Gedo looga jari lahaa Jubba Land, looguna dari lahaa gobolada Bay iyo Bakool.

     

     

     

    Xassan Sheekh Maxamuud ayaa u sheegay Xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo jeeda Gedo in uu aqoonsanaayo maamulka Jubba Land haddii loo yeelo sida uu rabo oo ah in lagu soo kobo gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe, waxaana uu ku adkeystay in uusan aqoonsanaynJubbaLandinta uu katirsan yahay gobolka Gedo.

     

     

     

    Hase yeeshee mudanayashaan kasoo jeedaJubbaLandgaar ahaana gobolka Gedo ayaa waxay ku gacan sayreen dalabka Madaxweynaha Soomaaliya oo ahaa mid sinaba ugu cuntami waayey.

     

     

     

    Mudanayaashaan ayaa u sheegay Madaxweynaha in gobolka Gedo uu kasii mid ahaanaayo Jubba Land, waxayna diideen in ay Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ku taageeraan in gobolka Gedo laga saaro Jubba Land isla markaana lagu daro gobolada Bay iyo Bakool.

     

     

     

    Kulankaan ayaa kusoo gaba gaboobay weji gabax uu Madaxweynaha Soomaaliya kala kulmay Xildhibaanada kasoo jeedaJubbaLandee kasoo horjeestay kala goynta saddexda gobolka ee ku midoobay maamul goboleedkaJubbaLand.

     

     

     

    Sikastaba kulanka uu Madaxweynaha Soomaaliya la qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo jeedo Jubba Land gaar ahaana gobolka Gedo ayaa kusoo aaday xilli uu magaalada Addis Ababa ka furmeen wejigii labaad ee wada hadalada u dhexeeya Dowladda Fedraalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedka Jubba Land.


  11. Monday, August 19th, 2013 | Posted by Pi

    Faahfaahin — Madaxweyne Xasan Sheikh oo Adis gaaray, iyo Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya oo la kulmey Madaxweyne Axmed Madoobe

     

    Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh *Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta gaaray Magaalada Adis ababa si ay halkaas ugula kulmaan Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam, iyadoo Dowlada Itoobiya ay labada Madaxweyne kala dajiyeen laba Hotel.

     

    Wasiirka Arimaha Dibada Dr.Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa wuxuu la kulmay galabta Madaxweynaha Dowlada Jubaland iyo Wafdigiisa, kulankaasoo ka dhacay Hotelka ay Wafdiga Jubaland degan yihiin, Waxaana laga wada hadlay arimaha Soomaaliya.

     

    Dhinaca kale kulanku markuu dhacayay *Waxaa Magaalada dhinac kaga sugnaa Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne xasan Sheikh, Waxaana la filayaa in Beri subax ay bilowdaan Wadahadalada iyo kulanka dhex mari doona Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Madaxweyne Axmed Madoobe.

     

    Horey Waxaa Adis ababa isugu arkay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay iyo Wasiirka arimaha Dibada Itoobiya Dr.Tedros, kulankooduna waxay uga wadahadleen Kulanka dhexmari doona Axmed Madoobe iyo xasan Sheikh, Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya wuxuu Ncholas Kay u sheegey iney Itoobiya ku hanwayn tahay in Xasan Sheikh iyo Axmed Madoobe kulankoodu noqon doono mid ay kasoo baxaan waxyaabo wanaagsan


  12. The stubborn man finally caves in after collapsing under his weight. It is clear what Kismayo wants: a federal state in Puntland model. I am not sure what Hassan wants now. But from what I am hearing, Madoobe's hand is strengthened by Mogadishu's foolish acts of supporting alshabaab to oppose Jubbaland.

     

    We shall see. This is make or break for Hassan. For Madoobe is another opportunity to show that he wants peace in federal arrangement.


  13. Muqdisho: Xasan Shiikh oo u dhoofay Ethiopia

    19 Aug 19, 2013 - 10:15:59 AM

     

    Madaxweynaha DF Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa u dhoofay dalka Ethiopia caawa, waxana ku sii sagootiyay garoonka masuuliyiinta kala duwan ee Dowladda.

     

    Ujeedka socdaalka Xasan Shiikh ayaa lagu soo waramayaa inay tahay shir maalinka beri ah uu la yeelan doono Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo isagu maanta ka anbabaxay Kismayo kuna sugan haatan Addis.

     

    Faarax Cabdulqaadir wasiirka madaxtoyada iyo xildhibaano aan tiradooda la cayimin ayaa la sheegay inay duhurnimadii maanta Aadan Cade uga dhoofeen dhanka Addis, iyagoona horudhac u ahaa wafdiga Xasan Shiikh.

     

    Wejiga labaad ee wadahadalada DF iyo Jubaland ayaa beri la galayaa oo si toos la filayo inay isku soo horfariistaan labada madaxweyne ka dib markii uu diiday Axmed Madoobe inuu la shiro Faarax Cabduqaadir oo in badan Xasan Shiikh u taliya.

     

    Qodobo wax ku ool ah ayaa laga filayaa inay ka soo baxaan shirkan oo lagu dhameynayo khilaafkii soo jiitamayay mudada badan oo ku aadana habka loo maray dhismaha maamulka Jubaland.

     

    Kala soco Garowe Online wararka ku saabsan kulanka labada dhinaca ee Addis


  14. I am not in a disagreement in your overall take either. Our views significantly diverge however on the nature of Kismayo conflict. I happen to believe that the Kismayo fiasco is a manifestation of Somalia domestic political quarrel. Kenya is nothing more than an AMISOM presence that refused to do SFG's bidding. Blaming Kenya would be remembered one of the foolish moves this Mogadishu administration have done.