xiinfaniin

Nomads
  • Content Count

    14,528
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by xiinfaniin


  1. War Deg Deg: Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo yimid Nairobi lana kulmay Madaxweyne Uhuru Kenyatta( Sawirro)

     

    Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yimid magaalada Nairobi ee Kenya wuxuuna muddo 3 cisho ah joogayaa waddanka Kenya, sida aan ku helnay wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi.

     

    Wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh maanta la kulmay dhiigiisa Uhura Kenyatta, isagoo kula kulmay State Lodge, Sagana. Waxay labada madaxweyne ka wada hadleen xiriirka iskaashiga ee labada waddan ka dhaxeeya.

     

    Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa wafdigiisa ka mid aha marwada kowaad Mrs. Qamar Ali Omar, wasiirka madaxtooyada Mr. Farah Ali Abdul Qadir iyo safiirka soomalida ee Kenya Mr. Mohammed Noor ” Ali Ameriko”.

     

    Waxaa dhinaca kale kulanka maanta joogay marwada kowaad ee Kenya Margaret Kenyatta iyo Agaasimaha guud ee madaxtooyada Kenya Thuita Mwangi.

     

    120.jpg

    310.jpg


  2. ^^Ritti qooqan kama liidatid ee inaka soor reerka

    Haddii kale aan kala raaridne aniga hayraacin :D

     

    Intaasaan ka xasuustaa , belaayaa ilaahay ku jarribay odoga, habartu arrigeeda inay u qasho waa diiday hadduusan alyacni reerka oday u noqon


  3. ^^Yes Baashi this report says Ina Galayd is there, he has been very vocal for his support of Jubbaland. I am not sure what his role is in all of this, but we shall see.

     

     

    It is very interesting to watch how President Hassan Sheekh manages to move away from previous statements he made with respect to Jubbaland administration. There was a bit of absolutist attitude from him when he declared the federal government will never recognize the outcome of Kismayo conference i.e. the election of Ahmed Madoobe as the president of Jubbaland Federal State.


  4. Madaxweyne Xassan iyo Madaxweyne Axmed oo Nairobi ku kulmaya

     

    Kismaayo (RBC Radio) Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamul Goboleedka ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa galabta gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

     

    Magaalada Nairobi waxaa horey ugu sugnaa Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole, Aasaasayaashii Jubbaland, Ururka Ganacsatada Jubbaland, Siyaasiyiin ay kamid yihiin Cali Khaliif Galeydh iyo Cabdirashiid Xidig.

     

    Waxaa kaloo soo gaari doono Madaxweynaha Fedraalka Soomaaliya Mudane Xassan SH Maxamuud.

     

    Sidoo kale waxaa maalinimada Bari ah oo taariikhdu ku began tahay 5ta bisha Junyo halkaas gaari doono ururada bulshada rayid ah ee gobolada Jubbaland.

     

    Warar lagu kalsoon yahay waxa ay sheegayaan in wadahadal uu codsaday madaxweynaha Soomaaliya uu uga furmi doono magaalada Nairobi madaxda Fedraalka iyo Jubbaland oo mudooyinkaan danbe meel fog kala taagnaa.

     

    Kulankan ayaan ilaa hada lagu balansan yahay in uu qabsoomo ,balse waxaa dhici karta in laka boodo oo uu qabsoomi waayo maadaama uu jiro kala shaki iyo is aaminaad aad u baaxad weyn.

     

    Dowlada Fedraalka.

     

     

    Dowlada Fedraalka marar badan sheegtay in aysan aqoonsaneyn iyada oo ay marar badan ku tilmaantay in dhisida maamulka Jubbaland ay balaayo bilowgeeda tahay.

     

    Siyaasiyiinta taageera Siyaasada Madaxweyne Xassan SH ee ku aadan gobolada Jubbaland ayaa ku dooday in hadiiba jubbaland la dhisayo in 4.5 wax lagu qeybsado.

     

    “Waxa Kismaayo ka dhacay waa wax aysan dowladdu waxba kala socon oo aan dastuurka waafaqsaneen, ismagacowga madaxweynayaasha faraha badan waa mid ka mid ah waxyaabihii aan ka dhaxalnay 22-kii sano ee burburka waxayna sahli kartaa in alshabaab ay magaalada dib ula wareegaan” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey kulan madaxeedkii wadamada urur goboleedka IGAD.

     

    Wararku waxa ay sheegayaan in dowlada si hoose ay ka soo Dabacday waxa ayna ka tanaasushay doodii 4.5 ta aheyd, iyo qabiil baa qabsadey.

     

    Gorgortanka madaxweyne Xassan uu soo gudbiyey ayaa waxa ay tahay in dowlada ay aqoonsan doonto Jubbaland balse laga talo galiyo xulista mudanayaasha baarlamaanka Jubbaland iyo qeyb weyn ay ku yeelato maamulka dekada, gegida dayuuradaha ee Kismaayo, kaabayaasha dhaqaale iyo qadista canshuuraadka IWM.

     

    Khilaafka Kenya iyo Soomaaliya

     

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka Jabaan kula kulmay madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Rutonayaa u sheegay Ruto in la buun-buuniyay warar aan jirin oo mugdi ka dhex-abuuray dowladaha Soomaaliya iyo Kenya,wuxuuna tilmaamay iney been abuur yihiin wararka sheegaya in dowladda Soomaaliya ay Kismaayo u dirtay Ciidan hubeysan

     

     

    Dowlada Soomaaliya iyo Dowlada Kenya ayaa dhawaan mugdi soo kala dhex galay kadib markii ciidamada AMISOM ee Kenya lagu eedeeyey in aysan daacad ka aheyn kamid ahaanshaha AMISOM waxaa taasna ka jawaabay Gen Julius Karangi oo ah madaxa ciidamaada xooga dalka Kenya ayaa si kulul u yiri.

     

    “Kenya wax lug ah kumaleh arrimaha siyaasaded ee ka jirta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo mana jirto anago markale ku celinayna ciid Kenyati ah oo ka qeyb qaadatey siyaasada shirarkii Kismaayo ka socdey”waxaa intaas hadalkiisa ku soo qadey Gen Julius Karangi oo ah madaxa ciidamaada xooga dalka Kenya.

     

    Jubbaland

     

     

    Wararka sida ay sheegayaan ayaa madaxda Jubbaland waxa ugu weyn ay wataan ay tahay in Dowlada fedraalka ay aqoonsato Jubbaland iyo in deeqaha caalamku siiyo Soomaaliya ay qeybtoda ay ka helaan Dowlada Fedraalka.

     

    Isqabqabsiga Dowlada Fedraalka iyo Maamulka Jubbaland ayaa cirka isku shareeray kadib markii magaaladaas gaareen dad badan oo kala duwan, qaarna dayuuradii ay saarnaayeen dib loogu celiyey.

     

    Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubaland C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka hadlayey waftiga wasiirada ah ee ka socda xukuumadda Soomaaliya ee maalmihii danbe ku sugnaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo iyo gudaha magaalada ayaa si bareer ah u sheegay iney iyagu u diideen wasiirada dowladda Soomaaliya iney gudaha u galaan magaalada Kismaayo ee xarun goboleedka Jubada hoose.

     

    “Kismaayo maaha meel la iska galo,waxaa ka jira maamul” ayuu yiri C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo si kulul u dhaleeceeyey aragtida dowladda ee Jubooyinka,wuxuuna shaaca ka qaaday in waftigani ay ka dhoofi karaan garoonka isla markaane ay ku laaban karaan gudaha magaalada Muqdisho oo ay markii hore kasoo kicitimeen balse aysan marne ogolaan doonin iney gudaha u galaan magaalada Kismaayo.

     

    Puntland

     

    Maamul Goboleedka Puntland ayaa si weyn u taageertay Jubbaland iyada oo Madaxweynaha Puntland uu dhawaan sheegay in la carqaladeeyo Maamulkaas ay tahay wax aan la qaadan kari.

     

    Waxaana erayadii madaxweynaha Puntland kamid ahaa

     

    “Shirka Jubbaland waxaa loo fadhiyey sideed bilood ilaa 4 sano iyo barna waa ay soo socotay in maanta faragalin lagu sameeyana wax la qaadan kara maahan waad aragteen Tiifiiyada, Idacadaha shirarka ka socda aduunyada daafaheeda oo dhan….. ma cayaarbaa cayaar maahan waa daereenka dadka weeye”

     

    Lama saadaalin karo in kulanka labada madaxweyne, balse Shacabka Soomaaliyeed ayaa rajo weyn ka qabo in Siyaasiyiinta ay isku tanaasulaan oo danta guud laga wada shaqeeyo.

     

    http://www.raxanreeb.com/2013/06/madaxweyne-xassan-iyo-madaxweyne-axmed-oo-nairobi-ku-kulmaya/


  5. Baashi;958903 wrote:
    Game on! What a game...and so far no soul has been lost because of it. There was a time when this blood sport (particulary in that neck of the wood) required human sacrifice. No more
    :)
    It's a beauty!

     

    This is a high poker game. The entire system of governance the country will be adopting is at stake. Some folks tried to tweak it to their liking but Faroole is not having any of that
    :)
    I would have liked Gandi better as a partner in this tango but hey you take what you have and see how it pans out. Hope Madoobe is as solid as Gandi in understanding the depth of the dispute.

     

    Ganaane
    river in its entirety with Kismayo as its hub forming a federal member state within federal Somalia is something no one could have predicted a couple of years ago. It looks like it is has arrived (with minor tweaking at the prephery north of Luuq district).

     

    Get this one right and you could attract Somali assets in East Africa. You could also bring refugee to home and that my friends is blessing from Allah.

    Could Madoobe deliver the goods?

    I sure hope so Baashi ---from I what have gleaned the man understands what is at stake, otherwise he would have taken the tempting offers from Mogadishu as he publicly said. Like you said the game is on, and there is a profound questions that deserves an answer from Hassan Sheekh: With D block community entirely expelled from Mogadishu and the presidency being held by a man from those who retained the capital city, is he willing to risk his presidency by tinkering with the current federal arrangement to the liking of Mogadishu community?

     

    That is the raw politics at play here , only if the commons could understand it


  6. • Kuma tacabno taataabashiyo, baasha tabar moode

    • Tib wax lagu masaaliyo dubbaha, toobin madaxiis leh

    • Ma tiinbaday tubtii oonku diley, gaanidii tabisey

    • Ma tarrariyey tarahaan wax badan, meel fog laga taaban

    • Tiigsashada rakaada leh markii, toobta lagu reemay

    • Gumucii taraaraxa markuu, baal walbaba taabtay

    • Sidi riyo tigaad cunay gabdhihi, taaha ku caweeye

     

    • Tufta dumarka xaydh lagu tuhmaa, taws ka bixintooda

    • Tif ku siinnta tiixii ku da’ay, talalii daaye

    • Durba xabadka taataabasho, xiiso kale tiigte

    • Xaraadadi markii laga tiritirey, tiifta iyo oonki

    • Intay faraxa laamaha tageen, noo tolnimo sheegte

    • Tag inaan u nahay oo cid kale, ayn dibba u tooyan

    • Tallaahida intay noo mareen, sayn u tagi doonin

    • Ilaahay ha tabantaabiyee, ducada noo tuunshe

     

    :D :D :D@ the description of sexual orgy


  7. Madaxweynaha Kenya Oo Sheegay in Madaxweyne Faroole uu Maanta Ka Soo Dhex Wacay isagoo Taagan irada Hore ee Xarunta Madaxtooyada Kenya Kulan Lama Filaan ah ay Yeesheen

    (Hadhwanaagnews) Tuesday, June 04, 2013

    Nairobi-(HWN)- Sida uu maanta Boggiisa facebook-ga soo dhigay Madaxweynaha cusub ee dalka Kenta Uhuru Kenyatta

     

    :D :D :D

    Nairobi-(HWN)- Sida uu maanta Boggiisa facebook-ga soo dhigay Madaxweynaha cusub ee dalka Kenta Uhuru Kenyatta in Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole uu si lama filaan ah uga soo dhex wacay isagoo dhex taagan xarunta Madaxtooyada Kenya sheegayna in aysan balan saneyn.

     

    Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in filanwa ay ku noqotay markii uu Telfoonka ka qabtay Cabdiraxmaan Faroole oo u sheegay in uu taagan yahay irada hore ee Madaxtooyada Kenya laga soo galo ilaa iyo iminkana uu la yaaban yahay.

     

     

    Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in ay yeesheen kulan deg deg ah oo lama filaan loogu magac daray waxaana ay ka hadleen arimaha Jubboyinka iyo in Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu taageero dhisida maamul goboleedyada Soomaaliya.

     

    Uhuru Kenyatta ayaa Bogiisa Facebook-ga waxaa uu soo dhigay Sawirada kulanka lama filaanka ah oo sida Cajiibka ah uu irada hore uga soo wacay Madaxweynaha maamul goboleedka Puantland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole.

     

    Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horeysay mas uul heer Madaxweyne ah in isagoo qofna la balan saneyn uu irada hore si lama filaan ah ugu soo waco shaqsi ama mas uul Madaxweyne ah. :D :D :D

     

    Xasankuuriya

     

    Hadhwanaagnews/Office Muqdisho


  8. Professor Abtigiis,

     

    You have every right to despise Faroole or even hate him , but one must appreciate when one sees a man of principle. Faroole believes Federalism is the right course for Somalia and he articulates whys. In this conflict, he did not take an unreasonable position. Just like a good politician he saw an opening and cleverly sized it. If that is a crime so be it awoowe...Hassan Sheekh committed an unforced error , and he seems to be oblivious about his slip on Kismayo.

     

    Your take on Puntland's internal politicking is nothing more than a marfish talk ; Faroole embraced intellectuals, not expelled them. On the domestic front, he is on the right course (on the big scheme of things).


  9. lol@ Carafaat. I thought you called Ahmed Madoobe a warlord that need to be shunned away , and should never be dignified with a presidential audience :D

     

    I love Faroole, he changes minds ( of the fickle ones) faster than time

     

    Abtigiis,

     

    Stop the appeasement waryaa, I know you deeply appreciate Faroole's logic and vision about post civil war Somalia


  10. ^^newbie :D :D

     

    Marriage is about security for her, for you it must be about investment. You got that understood and agreed, you will live happy ever after

     

    ps. I am senior to NGONGE when it comes these stuff, so take it from me


  11. Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo Nairobi lagu soo dhaweeyey

     

    ahmed_madobe.jpg

     

    Madaxweynaha lagu doortey shirkii Jubaland Axmed Maxamed Islan iyo wefdi la socdey ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, Soo dhaweynta Madaxweynaha waxaa ka qaybqaatey boqol dadweyne ah uu u badnaa taageerayaasha Jubaland iyo ergooyin kale oo ka socda qaar ka mid ah maamulada dalka Soomaaliya ka jira.

     

    Booqasha wefdiga Jubaland ayaa ku soo beegmeysa xili ay halkaas ku sugan yihiin qaar ka mid ah asaasayaashii Jubaland iyo madaxweynaha Puntland kuwaas oo kulan la qaatey Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

     

    Warar Horseed Media heleyso ayaa sheegaya in maalinta berri ah ee Arbacad uu tegi doono Nairobi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud, waxana wararku sheegayaan in ay kulan wada qaadan doonaan Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha dhawaan la doortey Axmed Madoobe, kulankan ayaa ah mid la isku deyaayo in Dowladda iyo Jubaland la isku fahamsiiyo.

     

    Dhanka kale Madaxweynaha Jubland Axmed Madoobe ayaa kulamo la qaadan doona madax ka tirsan dalalka IGAD oo ku hawlan xal u helida xiisadda Jubbooyinka.

     

    Waa safarkii u horeeyey ee Madaxweynaha Jublanad ku tago Kenya tan iyo markii xilka ergooyin u doorteen 15 May 2013.

     

    Horseed Media


  12. Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Kenya waxaa soo gaaray daqiiqado ka hor Madaxweynaha Jubbaland-State Sayid Axmed Madoobe,waxaana Garoonka ku soo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan Dalka Kenya iyo Wefdi Puntland ka tirsan oo maalmahan Nairobi joogo.

     

    Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu Magaaladda Nairobi kulan fool ka fool ah la yeesho Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliyeed Xasan Culusoow,waxaana kulankooda dhex-dhexaadin-doona Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole.

    Dhinaca kale Wasiradda Arimaha Dibadda ee Kenya Aamino Jabriil ayaa galabta la filayaa inay qado u samayso Wefdiga Madaxweynaha Jubbaland iyo wefdigii horey u sii joogay ee Puntland ka yimid,waxaana la filayaa inay ka waad hadlaan sidii la loo dhex-dhexaadin lahaa Madaxweyne Xasan Culusoow iyo Sayidka,iyadoo gogoshaan uu dhigay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole,lamana yaqaan in Madaxweyne Xasan aqbali-doono nabadoonimada uu ku baaqay Odayga Faroole oo u tafa-xeytay inuu heshiisiiyo Jubbaland iyo Maadxweyne Xasan.


  13. Do not compromise on Jubbaland Issue

     

    Xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan oo Madaxweyne Xassan Sheekh kaga digay kullanka Faroole ee Nairobi (Warbixin)

     

    Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa kaga digay madaxweynaha dowladda Soomaalaiya Xassan Sheekh Max'uud kullan ay ku balansan yihiin maalinta Arbacadda magaalada Nairobi madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole.

     

    Xildhibaanadan waxey sheegeen in Faroole uu doonayo in madaxweynaha uu hordhigo ajendayaal loo soo dhiibay, isaga oo ay ujeedadiisu tahay in madaxweynaha uu ka dalbado fulinta shuruudo jebinaya shir loo balansan yahay in Muqdisho uu ka dhaco, loogana hadlayo aayaha gobolada Jubbooyinnka.

     

    Xildhibaa Cabdullaahi Xassan oo ka mid ah xubnaha madaxweynaha u digaya wuxuu yiri

     

    "Faroole waxyaabaha la filaayo inuu madaxweynaha kala hadlo waxaa ka mid ah in shir Muqdisho lagu balansanaa in lagu qabto, si looga hadlo aayaha Jubbooyinka, meelo kale sida Puntland loo wareejiyo, kulankoodana ay heshiis ka soo wada saaraan sida 2 madaxweyne oo kulmay, hadduu madaxweynuhu ku gacan seyro qorsahahaas waxaa Faroole lagula balamay inta uu shir jaraa'id qabto inuu madaxweynaha cambaareeyo"

     

    Xildhibaan Cabdullaahi wuxuu sheegay in Xassan Sheekh aanu ku dhicin qaladaadkii siyaasadeed ee uu horay u sameeyey Sheekh Shariif oo meeqaam ka sareeya maamulada kale ee Soomaaliya ka jira gaarsiiyey maamulka Puntland, oo ah maamul u adeegaya danaha qabiil ka mid ah qabaa'ilada Soomaaliya.

     

    "Xassan Sheekh waxaan kaga digeynaa inuu ku dhaco qaladkii uu hadda ka hor ku dhacay Sheekh Shariif, oo meeqaab aaney xaq u laheyn gaarsiiyey maamulka Puntland. Haddii Xassan Sheekh uu ogolaado in dal dibedda ah uu heshiis kula saxiixdo madaxda maamulada gobolada, wuxuu isku furayaa marxalad cusub, waana in Faroole la meel dhigaa madaxda Gobolada dalka" ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi.


  14. @Gheelle ---yes, that is the logical step to defuse this manufactured, political crisis by Hassan

     

    Madaxweyne Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islam Madoobe iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa manta ka dhoofay Garoonka Calamiga ah ee Magaalada Kismaayo.

     

    Safarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa lagu macneeyay Kulamo uu la so kala qaadanayo Madax ka tirsan Dowladaha Kenya iyo Somalia waxaana kulamadaasi diirada lagu saaridoona Aqonsiga iyo dhamaystirka Dowlad Goboleedka Jubbaland State.

     

    Safarka Axmed Madoobe ayaa maalmahaan waxaa laga dareemaya Xarunta uu ka dagan yahay Magaalada Kismaayo waxaaana halkaasi ka socday Wadatashi ku adan Qodabadi uu kala soo hadli lahaa Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud oo ay ku kulmayaan Magaalada Nairobi maalmaha na soo adan.