xiinfaniin

Nomads
  • Content Count

    14,528
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by xiinfaniin


  1. Madaxweynaha Soomaaliya oo Weji Gabax Kala Kulmay Xildhibaanada Baarlamaanka ee Kasoo Jeeda Gobolka Gedo

    August 19, 2013

     

    Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helnay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Soomaaliya ayaa waxay sheegaayaan in uu halkaasi ka dhacay kulan gaar ah oo dhexmaray Madaxweynaha Dowladda Fedraalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo jeedaJubbaLandgaar ahaana gobolka Gedo.

     

     

     

    Kulanka oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada ka hor inta uusan Madaxweynahu u ambabaxin magaaladaAddis Ababaayaa Madaxweynahu waxa uu Xildhibaanada usoo jeediyey codsi ku saabsan mustaqbalka gobolka Gedo.

     

     

     

    Qodobada uu Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud kala hadlay munadayaasha Baarlamaanka ee kasoo jeeda gobolka Gedo ayaa waxaa kamid ahaa codsi ku aadan in ay ku taageeraan sidii gobolka Gedo looga jari lahaa Jubba Land, looguna dari lahaa gobolada Bay iyo Bakool.

     

     

     

    Xassan Sheekh Maxamuud ayaa u sheegay Xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo jeeda Gedo in uu aqoonsanaayo maamulka Jubba Land haddii loo yeelo sida uu rabo oo ah in lagu soo kobo gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe, waxaana uu ku adkeystay in uusan aqoonsanaynJubbaLandinta uu katirsan yahay gobolka Gedo.

     

     

     

    Hase yeeshee mudanayashaan kasoo jeedaJubbaLandgaar ahaana gobolka Gedo ayaa waxay ku gacan sayreen dalabka Madaxweynaha Soomaaliya oo ahaa mid sinaba ugu cuntami waayey.

     

     

     

    Mudanayaashaan ayaa u sheegay Madaxweynaha in gobolka Gedo uu kasii mid ahaanaayo Jubba Land, waxayna diideen in ay Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ku taageeraan in gobolka Gedo laga saaro Jubba Land isla markaana lagu daro gobolada Bay iyo Bakool.

     

     

     

    Kulankaan ayaa kusoo gaba gaboobay weji gabax uu Madaxweynaha Soomaaliya kala kulmay Xildhibaanada kasoo jeedaJubbaLandee kasoo horjeestay kala goynta saddexda gobolka ee ku midoobay maamul goboleedkaJubbaLand.

     

     

     

    Sikastaba kulanka uu Madaxweynaha Soomaaliya la qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo jeedo Jubba Land gaar ahaana gobolka Gedo ayaa kusoo aaday xilli uu magaalada Addis Ababa ka furmeen wejigii labaad ee wada hadalada u dhexeeya Dowladda Fedraalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedka Jubba Land.


  2. Monday, August 19th, 2013 | Posted by Pi

    Faahfaahin — Madaxweyne Xasan Sheikh oo Adis gaaray, iyo Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya oo la kulmey Madaxweyne Axmed Madoobe

     

    Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh *Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta gaaray Magaalada Adis ababa si ay halkaas ugula kulmaan Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam, iyadoo Dowlada Itoobiya ay labada Madaxweyne kala dajiyeen laba Hotel.

     

    Wasiirka Arimaha Dibada Dr.Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa wuxuu la kulmay galabta Madaxweynaha Dowlada Jubaland iyo Wafdigiisa, kulankaasoo ka dhacay Hotelka ay Wafdiga Jubaland degan yihiin, Waxaana laga wada hadlay arimaha Soomaaliya.

     

    Dhinaca kale kulanku markuu dhacayay *Waxaa Magaalada dhinac kaga sugnaa Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne xasan Sheikh, Waxaana la filayaa in Beri subax ay bilowdaan Wadahadalada iyo kulanka dhex mari doona Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Madaxweyne Axmed Madoobe.

     

    Horey Waxaa Adis ababa isugu arkay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay iyo Wasiirka arimaha Dibada Itoobiya Dr.Tedros, kulankooduna waxay uga wadahadleen Kulanka dhexmari doona Axmed Madoobe iyo xasan Sheikh, Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya wuxuu Ncholas Kay u sheegey iney Itoobiya ku hanwayn tahay in Xasan Sheikh iyo Axmed Madoobe kulankoodu noqon doono mid ay kasoo baxaan waxyaabo wanaagsan


  3. The stubborn man finally caves in after collapsing under his weight. It is clear what Kismayo wants: a federal state in Puntland model. I am not sure what Hassan wants now. But from what I am hearing, Madoobe's hand is strengthened by Mogadishu's foolish acts of supporting alshabaab to oppose Jubbaland.

     

    We shall see. This is make or break for Hassan. For Madoobe is another opportunity to show that he wants peace in federal arrangement.


  4. Muqdisho: Xasan Shiikh oo u dhoofay Ethiopia

    19 Aug 19, 2013 - 10:15:59 AM

     

    Madaxweynaha DF Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa u dhoofay dalka Ethiopia caawa, waxana ku sii sagootiyay garoonka masuuliyiinta kala duwan ee Dowladda.

     

    Ujeedka socdaalka Xasan Shiikh ayaa lagu soo waramayaa inay tahay shir maalinka beri ah uu la yeelan doono Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo isagu maanta ka anbabaxay Kismayo kuna sugan haatan Addis.

     

    Faarax Cabdulqaadir wasiirka madaxtoyada iyo xildhibaano aan tiradooda la cayimin ayaa la sheegay inay duhurnimadii maanta Aadan Cade uga dhoofeen dhanka Addis, iyagoona horudhac u ahaa wafdiga Xasan Shiikh.

     

    Wejiga labaad ee wadahadalada DF iyo Jubaland ayaa beri la galayaa oo si toos la filayo inay isku soo horfariistaan labada madaxweyne ka dib markii uu diiday Axmed Madoobe inuu la shiro Faarax Cabduqaadir oo in badan Xasan Shiikh u taliya.

     

    Qodobo wax ku ool ah ayaa laga filayaa inay ka soo baxaan shirkan oo lagu dhameynayo khilaafkii soo jiitamayay mudada badan oo ku aadana habka loo maray dhismaha maamulka Jubaland.

     

    Kala soco Garowe Online wararka ku saabsan kulanka labada dhinaca ee Addis


  5. I am not in a disagreement in your overall take either. Our views significantly diverge however on the nature of Kismayo conflict. I happen to believe that the Kismayo fiasco is a manifestation of Somalia domestic political quarrel. Kenya is nothing more than an AMISOM presence that refused to do SFG's bidding. Blaming Kenya would be remembered one of the foolish moves this Mogadishu administration have done.


  6. The cracks in the UNUKA are there for all to see. Lets hope tolka does what is good for Somalia.

     

    It is funny Malistar is still talking about Kismayo handover and Kenya leaving after what has transpired. Lets hope Canbuulo is not as naive


  7. Troop Contributing Countries (TCC) secured a symbolic support from Somali Government to reject UN role and maintain current command and control under the loose AMISOM arrangement. Kenya particularly won as all TCC countries rallied her defense regarding recent accusations from Hassan's team.

     

    President Hassan's school boy crush on Kismayo got in the way of his better judgement as he was satisfied with a non practical, unenforceable language in the communique calling a total and immediate transfer of national assets including airport and harbor of Kismayo to the federal government. The net result is strengthened TCC, and weakened president of Somalia.

     

    I am not sure he realizes that yet :D


  8. The Kismayo equation has been solved , the core foundations of this federal state has been laid and solidified. Yesterday former PM Geedi saw the light and publicly endorsed. His bold stance is bellwether for the large UNUKA community who has a significant financial interest in Mombasa and Kenya.

     

    We have twenty days to finalize an understanding with Hassan or the Kismayo mustang will speed away , for good.


  9. Puntland oo ka faa’iidaysanaysa Lacag Somaliland dayacday

     

    http://www.hadhwanaagnews.com/

     

    Garowe(SLN) Midawga Yurub ayaa Maamulka Puntland ku caawiyay dhaqaale gaadhaya Lix iyo toban Milyan oo Doolar oo wax lagaga qabanayo dhismaha Wadooyinka magaalooyinka maamul Goboleedka Puntland, wadooyinkaas oo dhismayaashooda dhawaan la bilaabayo.

     

    Madaxweynaha Maamul Goboleedka duufaanada siyaasadeed ku kacsan yihiin ayaa qudbadii Ciidal Fidriga ugu qudbadeeyay shacabkiisa in ay midawga Yurub ka heleen lacag gaadhaysa lix iyo toban Milyan oo Jidadka wax lagaga qabanayo, taasoo ahayd Beerlaxawsi Doorashada Madaxtinimada uu ugu ololaynayay.

     

    Khubaro iyo ganacsato xidhiidh la lahayd Mashaariicda Midawga Yurub Somaliland ka fulin jiray gaar ahaana dhinaca Wadooyinka ayaa warbahiinta u sheegay in midawga Yurub dhaqaalahaas siiyay Puntland, isla markaana shirkadahooda loo soo bandhigay in ay ka qayb qaataan qandaraasyada lagu bixino jidadkaasi.

     

    Mid ka mid ah khubarada qanadaraaslayaasha ah ayaa warbahiinta u sheegay dhaqaalaha Puntland la siinayo in uu yahay kii Midawga Yurub hore ugu balanqaaday in uu ku dhisayo jidka Berbera Corridor, kaasoo aan ilaa hada la bixin, isagoo sababta Midawga Yurub sidaas u yeelayna ku sheegay baabi’inta Somaliland baabi’isay Hay’addii Wadooyina SRA, taasoo ay midawga Yurub Xukuumadda Somaliland ka dalbadeen in dib loo soo celiyo hase yeeshee ay ka dhego adaygtay.

     

    Khabiirku waxa uu xusay midawga Yurub in ay wada shaqayn toos ah la lahaayeen Hay’adaasi balse Hay’addan kale ee Madaxtooyaddu samaysay ee Horumarinta Wadooyinka loo bixiyay aanay la macaamilan, isagoo sheegay in ay ku diidan yihiin in nidaamka loo abuuray ee ah in ay iyadu dhisto wadooyinku ka hor imanayo sharcigooda, kazoo uu ku tilmaamay in uu dhigayo in ay shirkaddo madax banaan Qandaraas ku siiyaan, Hay’adda Wadooyinkuna ku ilaaliso oo kali ah.

     

    “ suurtogal ma aha in ay Midawga Yurub la shaqeeyaan hay’adda Xukuumaddu ugu talogashay in ay iyadu wax dhisto, oo soo Iibsato qalab oo kaaga darane ay isku milmeen Guddidii Qandaraasyadda oo lacag kaash ah gacanta ku qaadanaysa” ayuu yidhi Khabiirku.

     

    Wasiirka wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali X Xasan isla markaana ah Masuulka ay Hay’adda Horumarinta wadooyinku hoos timaado ayaa dhawaan mar uu xadhiga ka jarayay wadadii ugu horaysay ee ay dhisaan oo ah kalabaydh iyo Wajaale oo ah Wadadii midawga Yurub lacagta u hayeen ayaa sheegay in Midawga Yurub lacagtii ay u haysay wadada ku wareejisay IGAN, ilaa hadana ay hayso, isagoo xusay in aanay wax war ah oo danbe ka helin.

     

    Isa seega Midawga Yurub iyo Somaliland ee mashaariicdii horumarinta wadooyinka ayaa bilaabmay markii Madaxweyn Axmed Siilaanyo Digreetada ku baabi’iyay Hay’adii Wadooyinka SRA, wakhtigaasoo dad badani saadaaliyeen in ay sidan oo kale wax u dhici doonaan.

    - See more at: http://www.somalilandnew.com/?p=14035#sthash.nHTtGKKJ.dpuf