All Activity

This stream auto-updates     

  1. Today
  2. hal shirkad oo ajaanibi ah qof ka socda kuma jirto the only shirkad "Natuon Media" waa ku wa conference u setup gareeyay. Meesha lagu qabanayo " Mogadisho Airport" fly in and fly out conference.
  3. No longer an abiding acolyte, eh? I always lambast reer Galbeed, my ayeeyo's people, for their pliable, agile vertebrae.
  4. Waxa maanta magaaladda Muqdisho lagu jidh dilay qaarna laga afduubtay dad shicib ah oo ka soo jeeda Somaliland kuwaasi oo ku shiraayay mid ka mid ah Hotel-da Muqdisho. Dadkani oo ka koobnaa dhalinyaro iyo waayeel lahaa rag iyo dumarba waxa weerar hubaysan ku soo qaaday xukuumadda Xasan Sheekh ee ka talisa qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Dadkani waxa ay ka war warsanaayeen oo ay doonayeen in ay ka hadlaan isla markaasina ka tashadaan dhalinyaro ka soo jeeda Somaliland oo ay saxiibo ahaayeen marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable oo xukuumadda Xasan Sheekh ku dal dashay magaalada Muqdisho kaasi oo ka shaqayn jiray duulista iyo hawdda Somalia dilkii marxuumkaasi kadib ayay xukuumadda Xasan Sheekh qab qabatay dhalinyardii ay wad shaqaynayeen ee ka soo jeeday Somaliland kuwaasi oo dilkii saxiibkood lagu masabiday. Dhalinyarada hada u xidhan ee la jidh dilo ayaa lagu khasbayaa in ay qirtaan danbi ayna galin si indhah looga jeediyo cidii dishay marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable Qaran News
  5. His yesterday uttering "loo joojin maa, yeeli maa" has been replaced with "aryaa dhaha"! He has now taken to releasing press releases, on his own, supposedly expected POST the FGS & FMSs leaders meeting. With the decision now taken off his hands, and no longer relevant, he is pretending as if a conciliatory national leader, when in reality he acts as if a "goof" chieftan. What a f@cking imbecile. "anigoo gudanaya xilkeyga dastuuriga ee ah ilaalinta midnimada iyo wadajirka dalka waxaan xusuusinayaa sida uu qabo Dastuurka Dalka in dowlad goboleedyadu aysan marnaba siyaasadeynin arrimaha masiiriga ah ee dowladnimada Soomaaliyeed sida: midnimada iyo wadajir Dalka, madax-bannaanida iyo gobnimada siyaasadeed ee Dalka, amniga Dalka, iyo bedqabka muwaadinka" --------------------------------------------------------------------------------------------------------------------- XIRIIRKA DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA IYO DOWLAD GOBOLEEDYADA Markii la i doortay 15-kii May 2022, Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee aan hoggaamiyo waxay ugu horreyntiiba mudnaan gaar ah siisay xiriirka wada-shaqeyn ee kala dhaxeeya dowlad goboleedyada iyadoo saldhig uga dhigaysa mabaadi’da dastuureed ee hagaysa hannaanka wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada si loo dardargeliyo fulinta ajendayaasha qaran oo ay ugu horreeyaan adkaynta amniga dalka, dhammaystirka Dastuurka Dalka oo dabranaa muddo ka badan 10 sanadood, xoojinta federaalaynta dalka iyo horumarinta dhaqaalaha. Nasiib wanaag, muddadii koobneyd ee aan talada Dalka hayey, Dowladda Federaalku waxay ka mirodhalisay xaqiijinta inta badan ajandeyaashii mudo inagu madlanaa inaga oo guulo ka gaarnay la-dagaalanka khawaarijta oo aan deegaano baaxad weyn ka saarnay, qaadista cunaqabateyntii hubka ee ina saarnayd in ka badan muddo 30 sano ah iyo cafinta deyntii naga hortaagneyd maalgashiga caalamiga ah. Dowladda Federaalka waxa ay horumar ka sameysay dibu-eegista lagu dhammaystirayo Dastuurka J.F.S iyada oo sameysay wadatashiga saamileyda siyaasadeed iyo si gaar ah talo aruurin dadweyne si toos ah iyo si danabeysanba (Online), welina waxa ay dowladu dhiirigelinaysaa wada-xaajoodka iyo wada-tashiga lagu dhameystirayo dastuurka dalka si shacabka Soomaaliyeed u gaaraan himillooyinka ay hiigsanayaan ee ah helidda dowlad hagaagsan oo dimoqraadi ah kana shaqeysa baraaraha muwaadinka Soomaaliga ah. Waxaan si gaar ah hoosta uga xariiqayaa in Dawladda Federaalku dadaal farabadan ku bixisay hagaajinta xiriirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeya dhammaan Dowlad Goboleedyada si gaar ahna Dowladda Puntland si uu noqdo xiriir sharci ah oo ku salaysan danta dadka iyo dalka, welina waxaa ka go’an Dawladda Federaalku in ay sii wado dadaal kasta oo ay ku hagaajineyso Xiriirka Dawladda Puntaland si dadka Soomaaliyeed u hantaan dawlad Soomaaliyeed oo xaqiijin karta himilooyinkooda Dawladnimo. Hadaba, Dowladda Federaalka waxaa ka go’an sidii horeba in aysan marnaba siyaasadeynin waajibka ka saaran wadashaqeynta labada heer dowladeed ee federaalka si gaar ah arrimaha ku saabsan dhaqaalaha, horumarinta iyo la tacaalidda arrimaha bini’aadannimada iyadoo oo adkeynaysa waajibka iyo xuquuqaha dastuuriga oo ay leeyihiin Dowlad goboleedyadu. Ugu dambeyn, anigoo gudanaya xilkeyga dastuuriga ee ah ilaalinta midnimada iyo wadajirka dalka waxaan xusuusinayaa sida uu qabo Dastuurka Dalka in dowlad goboleedyadu aysan marnaba siyaasadeynin arrimaha masiiriga ah ee dowladnimada Soomaaliyeed sida: midnimada iyo wadajir Dalka, madax-bannaanida iyo gobnimada siyaasadeed ee Dalka, amniga Dalka, iyo bedqabka muwaadinka. = DHAMMAAD =
  6. Madaxweynaha JFS mudane Dr. Xasan Sheekh oo goordhow soo saaray warmurtiyeed ku saabsan xiriirka maamulkiisa kala dhaxeeya dowlad goboleedyada ayaa ka digay in aan la siyaasadeyn howlaha qaran isaga oo ka yiri “, Aniga oo gudanaya xilkeyga dastuuriga ee ah ilaalinta midnimada iyo wadajirka dalka waxaan xusuusinayaa sida uu qabo Dastuurka Dalka in dowlad goboleedyadu aysan marnaba siyaasadeynin arrimaha masiiriga ah ee dowladnimada Soomaaliyeed sida: midnimada iyo wadajir Dalka, madax-bannaanida iyo gobnimada siyaasadeed ee Dalka, amniga Dalka, iyo bedqabka muwaadinka” Arrintan ayaa imaaneysa kadib baaqashadii Shirkii Golaha Wadatashiga qaran ee loo madalsanaa 20-ka bishan iyada oo aan la ogeyn xilli dambe oo la isku imaanayo. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay Sooyaalka waxyaabihii u qabsoomay dowladdiisa “Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee aan hoggaamiyo waxay ugu horreyntiiba mudnaan gaar ah siisay xiriirka wada-shaqeyn ee kala dhaxeeya dowlad goboleedyada iyadoo saldhig uga dhigaysa mabaadi’da dastuureed ee hagaysa hannaanka wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada si loo dardargeliyo fulinta ajendayaasha qaran oo ay ugu horreeyaan adkaynta amniga dalka, dhammaystirka Dastuurka Dalka oo dabranaa muddo ka badan 10 sanadood, xoojinta federaalaynta dalka iyo horumarinta dhaqaalaha. Madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa intaa ku daray “Nasiib wanaag, muddadii koobneyd ee aan talada Dalka hayey, Dowladda Federaalku waxay ka mirodhalisay xaqiijinta inta badan ajandeyaashii mudo inagu madlanaa inaga oo guulo ka gaarnay la-dagaalanka khawaarijta oo aan deegaano baaxad weyn ka saarnay, qaadista cunaqabateyntii hubka ee ina saarnayd in ka badan muddo 30 sano ah iyo cafinta deyntii naga hortaagneyd maalgashiga caalamiga ah. Dowladda Federaalka waxa ay horumar ka sameysay dibu-eegista lagu dhammaystirayo Dastuurka J.F.S iyada oo sameysay wadatashiga saamileyda siyaasadeed iyo si gaar ah talo aruurin dadweyne si toos ah iyo si danabeysanba (Online), welina waxa ay dowladu dhiirigelinaysaa wada-xaajoodka iyo wada-tashiga lagu dhameystirayo dastuurka dalka si shacabka Soomaaliyeed u gaaraan himillooyinka ay hiigsanayaan ee ah helidda dowlad hagaagsan oo dimoqraadi ah kana shaqeysa baraaraha muwaadinka Soomaaliga ah.” Ugu dambeyntii, Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh waxaa uu ka hadlay dadaallada uu ku bixiyey Xiriirka dowlad goboleedyada “Waxaan si gaar ah hoosta uga xariiqayaa in Dawladda Federaalku dadaal farabadan ku bixisay hagaajinta xiriirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeya dhammaan Dowlad Goboleedyada si gaar ahna Dowladda Puntland si uu noqdo xiriir sharci ah oo ku salaysan danta dadka iyo dalka, welina waxaa ka go’an Dawladda Federaalku in ay sii wado dadaal kasta oo ay ku hagaajineyso Xiriirka Dawladda Puntaland si dadka Soomaaliyeed u hantaan dawlad Soomaaliyeed oo xaqiijin karta himilooyinkooda Dawladnimo. Hadaba, Dowladda Federaalka waxaa ka go’an sidii horeba in aysan marnaba siyaasadeynin waajibka ka saaran wadashaqeynta labada heer dowladeed ee federaalka si gaar ah arrimaha ku saabsan dhaqaalaha, horumarinta iyo la tacaalidda arrimaha bini’aadannimada iyadoo oo adkeynaysa waajibka iyo xuquuqaha dastuuriga oo ay leeyihiin Dowlad goboleedyadu”. Source: goobjoog.com
  7. Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan gaar ah xarunta wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya kula qaatay mas’uuliyiin iyo Saraakiil Ciidamada Turkiga ka tirsan oo saarnaa Markabkii dagaalka ee dhowaan soo gaaray Muqdisho. Ajendaha kulanka ayaa ahaa qorsheyn iyo qaabeyn lagu dhiraan-dhirinayo hannaanka fulinta qodobo kamid ah heshiiskii Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan arrimaha tababarrada iyo taakuleynta ciidamada Soomaaliya. Kulankaas oo intiisa badan diiradda lagu saaray arrimaha ciidamada ayaa waxaa qeyb ka ahaa Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/Guuto Madey Nuurey Sheikh iyo saraakiil kale. Turkiga ayaa kamida dalalka ugu muhiimsan ee Soomaaliya taageera, wuxuuna tababar iyo qalabaynba u sameeyaa qaar kamida cutubyada ugu tayada wanaagsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  8. They video has been removed. What was it about! Can you find another link?
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan gaar ah xarunta wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya kula qaatay mas’uuliyiin wasaaradda Gaashaandhigga iyo Saraakiisha Ciidamada Turkiga ee saarnaa Markabka dagaalka ee shalay soo gaaray Muqdisho. Ajendaha kulanka ayaa ahaa qorsheyn iyo qaabeyn lagu dhiraan-dhirinayo hannaanka fulinta qodobo kamid ah heshiiskii Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan arrimaha tababarrada iyo taakuleynta ciidamada. Kulankaas oo intiisa badan diiradda lagu saaray arrimaha ciidamada ayaa waxaa qeyb ka ahaa Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/Guuto Madey Nuurey Sheikh iyo saraakiil kale. Kulankaan waxaa ka horeeyey mid xalay uu la yeeshay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo casho sharaf ahaa, kulankaas ayaa xalay ka dhacay Hotel Decale oo ku yaalla xeyndaabka garoonka Aadan Cadde. Saraakiisha iyo Taliyeyaasha Ciidamada Turkiga ee saarnaa Markabka dagaalka oo ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Turkiga ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoo ku soo xirtay dekedda. Markabkaas dushiisa ayaa shalay lagu qabtay munaasabad lagu kala saxiixday dhaqan-gelinta heshiiska iskaashiga difaaca ee dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya, waxaana madaxdii ka qeyb gashay ugu sareeyey Madaxweyne Xasan Sheekh. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xalay saraakiisha Tukida ah u sheegay in Markabka Difaaca Turkiga ee ku soo xirtay Muqdisho uu yahay dhacdo taariikhi ah oo xoojinaysa iskaashiga iyo walaalnimada Soomaaliya iyo Turkiga. Dhankiisa Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadaljeedintiisii shalay ku yiri, “Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed.” The post Sawirro: DF iyo Turkiga oo hoosta ka xariiqay arrin muhiim ah – Xogta kulan xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
  10. Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ee Dowladda Faderalka Soomaaliya ayaa digniin ka soo saartay saameynta iyo dhibaatooyinka ka dhallan kara Roobab aad u xooggan oo la saadaalinayo in 8-da maalmood ee soo socota ay ka da’aan magaalooyinka Beledweyne, Bu’aale, Garbahaarey iyo Baydhaba. Digniintan ay hay’addu soo saartay ayaa si gaar ah loogula dardaarmay dadka barakacayaasha ah iyo kuwa nugul ee ku dhaqan magaalooyinkaas, waxaana loogu baaqay inay ka foojignaadaan waxyeelada roobabkaas ka dhalan karta. Digniintan ayaa ku soo beegmaya xilli ay Roobabka Gu’gu meelaha badan oo dalka kamid ah ka curteen, maalmaha soo socdana la filayo inay mahiigaanno Kale dalka ka hooraan. Source: goobjoog.com
  11. Waraysigani oo idaacada afka ee VOA- wasiirka la yeelatay hoos ka dhegayso 01000000-0aff-0242-e63b-08dc63b83f24_16k (1) Qaran News
  12. During the start of his second term, President Hassan Sheikh took on significant endeavors, one of which involved combating the terrorist organization al-Shabab. This led him to personally lead the campaign in the central region of Somalia, specifically in the state of Galmudug. Additionally, he made numerous trips abroad to ensure the country received the necessary support. Moreover, he successfully applied for membership in the East African Community (EAC). Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, bahda dhaqanka iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Axmed Rashiid Sheekh Shucayb. Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu kamid ahaa tiirarka dhaqanka Soomaaliyeed ee doorka muuqda kasoo qaatay nabadda, xasilloonida, dib-u-heshiisiinta, adkeynta wadajirka shacabka iyo dowlad-dhiska, gaar ahaan dowlad-goboleedka Hirshabeelle. Sidoo kale madaxweynaha ayaa waxa uu Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday. Suldaan Axmed Rashiid Sheekh Shuceyb ayaa saaka waaberigii ku geeriyooday magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle, halkaasi oo isla maanta lagu aasay. Suldaanka ayaa kamid ahaa odey dhaqameedkii ka qeyb-galay shirkii Carta ee dib loogu yegleelay dowladda Soomaaliya sanadkii 2000. Waxa uuna kaalin muuqata ku lahaa dadaallada dib-u-heshiisiinta ee gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu qeyb ka ahaa xulista xildhibaannada reerkiisa ku matala barlamaanka Soomaaliya iyo kan gobolleedka Hirshabeelle, isaggoo kamid ahaa 135-ta odey ee u diiwaan-gashan wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya. The post Madaxweyne Xasan oo war kasoo saaray geerida Suldaan Axmed Rashiid appeared first on Caasimada Online.
  14. Taliyaha Booliska Garoonka Aadan Cadde Cabdifataax Bashiir Cali ayaa looga yeeray maxkamada Gobolka Banaadir, waxaana lagu eedayay inuu Dhisma sharci daro ah ka wado dhul ku yaalla aagga Garoonka Adan Cadde. Sida ku cad warqad rasmi ah oo ka soo baxday maxkamada ayaa sarkaalkan ku hore ugu amartay inuu joojiyo dhismaha uu goobtaa ka wado, 16 beri ah gudohood ah, balse arrintaa wuu ka dhega adaygay. Goobta uu dhismuhu ka socdo ayaa la sheegay inay tahay dhul lagu muransanyahay, waxayna maxkamaddu Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed ka dalbatay inuu soo qabto sarkaalkan maadaama uu diidanyahay inuu ka jawaabo amarka maxkamada. Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa muddooyinkii dambe ku howlanayd qaadista kiisas la xariira musuqmaasuq iyo boob hanti dadweyne oo ay gaysteen xubno awoodda dowlnimo si qaldan ugu faa’iidaystay. Source: goobjoog.com
  15. Mogadishu (HOL) —The Invest Somalia and Expo conference, aimed at boosting investment opportunities and showcasing Somalia's economic potential, is currently taking place in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  16. Mogadishu (HOL) - Government forces in the Middle Shabelle region's Hawadley area have thwarted a significant attack by Al-Shabaab militants, according to officials. Source: Hiiraan Online
  17. Sida ay sheegayaan wararka laga helayo dalka Itoobiya dhaqtarad ku taqasuustay maqaarka oo ka howlgalaysay isbitaalka Debere Markos ee gobolka Amxaarada ayay ciidamada Federaalku toogteen, xilli ay ku sugnayd goobteeda shaqo. Dr. Elizabeth Teshome oo aheyd aqoonyahanad dhowaan ka qalin-jabisay waxabarashada sare ayaa shalay lagu dilay magaalada Debere Markos aagga Gojjam, kadib markii ciidamada maamulka Abiy Axmed ay toogteen. Bulshada ku nool gobolka Amxaarada oo ka gadooday falkaas ayaa ka codsaday hay’adaha xuquuqul insaanka iyo Qaramada Midoobay in baaris lagu sameeyo dilalka iyo xadgudbayada maamulka Abiy Axmed uu ka wado gobalka. Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan oo ku sugan gobolka amxaaradu rag hubeysan oo ka tirsan militari-ga dowlada Itoobiya ayaa rasaas ku furay dhaqtarada iyo dad kale oo ay ku eedeen inay taageersanyihiin ciidamada Jabhada Fano, waxaana ku geeriyootay Dr. Elizabeth Teshome in ay ahayd hooyo leh labo caruur ah. Gobolka Amxaarada ayaa kamida meelaha ay colaadaha hubaysani ka holcayaan, ayadoo ay jabhadda FANO dagaalka xooggan kula jirto ciidamada dowladda Abii Axmed. Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – 100 maalmood ee soo aadan xasaasi ayay u tahay Soomaaliya. Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa jeexanaya qaabka ay madaxdooda usii wada ceeshi karaan ama u kala ciidan tagi karaan. Dowladda Itoobiya ayaa il gaar ah ku eegaysa xaaladaas. Intii la socotay warbixinadayadii ugu dambeeya dowladda Itoobiya waxay wada-hadallo hoose la wadaa madaxda laba kamid ah maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya, si ay ugu xirmaan magaalada Addis Ababa. Tan iyo 1-dii bishii Janaayo ee sanadkaan dowladda Itoobiya waxay kala kulantay siyaasadda arrimaha dibadda guul-darro siyaasadeed iyo dharbaaxo aanay sanadahan arag. Shirkii u dambeeyay ee dalalka G7 si weyn ayaa Itoobiya loogu dhalleeceeyay duulaanka qaawan ee ay ku qaaday midnimada iyo madax-banaanida Soomaaliya. Waxaana kale oo la sawiray halista kala taga qarameed ee ay wajaheyso Itoobiya, iyada oo dalalka G7 taageero u muujiyeen midnimada Soomaaliya. Iyada oo loo jeedo mowqifka dalalka G7 ee xiisadda labada waddan, lana xasuusto dhibcihii diblumaasiyadeed ee ay Soomaaliya kasoo hoysay Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD, Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo Jaamacadda Carabta iyo dhanka kale hoos u dhaca siyaasadeed ee gaaray Addis Ababa. Dadka Soomaalida waxay is-weydiinayaan madaxda maamul goboleedyada dalkooda ma u gacma qaban doonaan Itoobiya. Dhawaan Puntland ayaa ku xiratay Itoobiya, waxaana muuqata in aanay taageero badan uga helin Soomaalida dhexdeeda sababtuna waa in aanay dadka Soomaaliyeed sinaba ugu faraxsaneyn inay arkaan qarankooda oo loogaga adkaanayo fagaarayaasha caalamka. Itoobiya si ay uga jawaabto dharbaaxada uu madaxweyne Xasan Sheekh kaga soo dhuftay dhanka siyaasadda arrimaha dibadda waxay ka shaqeynaysa inay ka hor keento maamul goboleedyadiisa oo ay halkaasi ka fuliso aargoosi. Cidda keliya oo riyadaasi u rumeyn karta Itoobiya waa maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya. Laba kamid ah madaxda maamullada ayaa hadda lagu qalqaalinaya inay tagaan magaalada Addis Ababa oo ay la kulmaan ra’iisul wasaare Abiy Axmed, loona sameeyo soo dhaweyn u maqaam eeg sida qaran madax-banaan. Haddii uu ra’iisul wasaare Abiy Axmed taas ku guuleysto dharbaaxo culus ayay ku noqon doonta Soomaaliya laakiin waa mid ay isla Soomaali kale sababteeda qaadan doonto. Madaxda maamullada ee Itoobiya qal-qaalada ku wado waxaa haysta imtixaan culus oo ah sida ay iskaga badbaadin karaan inay dhaawacaan qarannimadooda. Si walba oo loo diidan yahay habka uu madaxweyne Xasan Sheekh ku wado siyaasadda arrimaha gudaha, haddana majiro hoggaamiye Soomaali ah oo libin ku heli doona inuu raaco Itoobiya. Madaxda maamullada ee ka gadoodsan madaxweyne Xasan Sheekh waxaa u haboon inay kula diriraan gudaha dalka, shirarka Golaha Wadatashiga Qaran iyo fagaarayaal ay Soomaali fadhiso, balse aanay sumcadooda siyaasadeed iyo qiimahooda shaqsiyadeedba ku burburin inay dalkooda usoo raacan dal kale, Abiy Axmed aanay ka dabcin culeyska uu kala kulmayo caalamka iyo gudaha dalkiisaba. Dowladda Itoobiya ayaa la fahamsan yahay inay wax walba ku bixin doonto inay madaxweyne Xasan Sheekh gudaha dagaal uga furto, si uu kaga mashquulo dagaalka uu waqtiga badan gelinayo ee siyaasadda arrimaha dibadda. Dadka Soomaalida waa inay si weyn oo foojigan isha ugu hayaan madaxda maamullada ee xilligaan isku dayaya inay raacan Itoobiya. The post Xujo weyn oo hortaalla madaxda maamullada xilli uu Abiy wado qorshe halis ah appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa maanta kulan la qaatay wasiirrada amniga dowlad-goboleedyada dalka oo Muqdisho u jooga xoojinta wada-shaqeynta laamaha amniga. Wasiirrada ayaa xoogga saaray sidii loo mideyn lahaa dadaallada lagu sugayo amniga dalka iyo dardar-gelinta la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay kulanka. Masuuliyiintan ayaa sidoo kale diirada saaray tayeynta booliska iyo xoojinta wada-shaqeynta ku aaddan ka hortagga iyo kadaba tagga falalka dambiyada. Wasiir Fartaag ayaa xusay muhiimadda ay amniga dalka u leedahay mideynta shaqada laamaha amniga iyo isku xirnaanta booliska, ayada oo shirkaan uu kusoo aaday xilli muhiim ah oo ay dalka ka socdaan howl-gallo ka dhan ah argagixisada. Wasiirka ayaa waxa kale oo uu bogaadiyey sida ay uga go’an tahay wasiirrada amniga ee heer dowlad-goboleed in la sii amba-qaado qorsheyaasha lagu xoojinayo Booliska Soomaaliyeed. Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirrada amniga dowlad-goboleedyada Jubbaland, HirShbelle, Galmudug iyo Koonfur-galbeed. Waxaana ka maqneyd Puntland oo ayadu xiriirka u jartay dowladda federaalka, kalana laabatay kalsoonidii wada-shaqeyneyd. Fartaag ayaa 7-dii bishaan loo magacaabay wasiirka amniga gudaha kadib billooyin uu xilkaasi banaana, ayada oo magacaabistiisu kusoo aadeysa xilli xasaasi ah oo dalka uu ku jiro dagaal ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab. The post Sawirro: Fartaag oo kulankii u horreeyay la yeeshay wasiirrada heer dowlad goboleed appeared first on Caasimada Online.
  20. the one they had in december last year
  21. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo lagu soo bandhigayey sidii looga faa’iideysan lahaa fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, iyada oo laga faa’iideysanayo fursadaha jira ee ay kamid tahay deyntii oo laga cafiyey Soomaaliya iyo ku biirista suuqa ganacsiga Bariga Afrika. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay dal qani ah oo leh kheyraad kala duwan, sidaas awgeedna ay Xukuumaddiisu dedaal ugu jirto soo jiidashada iyo dhiirigelinta maalgashiyo caalami ah oo dalka u horseeda isku filnaansho dhaqaale iyo shaqo abuur. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhiirigeliyey maalgashadayaasha gudaha iyo dibedda in ay ka faa’iideystaan fursadaha badan ee ka bannaan maalgashiga dalka, isaga oo xusay in fursadaha jira ay sii dhiirigelinayaan amniga oo soo hagaagaya iyo shuruucdii maalgashiga hagaysay oo la dhammeystiray, Tallaabooyinkaas oo damaanad siinaya maalgashadeyaasha caalamiga ah. Shirka oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa waxaa ka soo qeyb galeen ganacsato ka socotay waddamada Bariga Afrika, iyada oo lagu soo bandhigay fursadaha waaweyn ee dhinaca maalgashiga ah ee ka jira Soomaaliya, kuwaas oo u baahan in lagu sameeyo maalgelin, si bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan. Source: goobjoog.com
  22. Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta Falastiin ayaa soo dhoweysay go’aankii ay dowladda jameyka ugu aqoonsatay dowlad madax-bannaan, dalalka kale ee caalamkana ugu baaqday inay tallaabadaa oo kale qaadaan sida ugu dhaqsiyaha badan. Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: “Waxaan soo dhaweyneynaa go’aanka Jameyka ee ah in ay aqoonsato Dowladda Falastiin, iyo in ay ku biirto dhaqdhaqaaqa caalamiga ah ee ku baaqaya in si wax ku ool ah loo fuliyo xalka labada dowladood oo kala madax-bannaan, iyo ixtiraamka xuquuqda dadka reer Falastiin ay u leeyihiin in ay si xor ah u noolaadaan”. Bayaanka ayaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay hadalkii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jameyka , Ms. Kamina Johnson Smith, ee uu dalalka caalamka ugu baaqay inau aqoonsadaan Falastiin si loo xalliyo dhibaatada haysata dadka reer falastiin, islamarkaana loo helo laba dowladood oo kala madax-bannaan. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Jameyka ayaa saacado ka hor ku dhawaaqay in dalkiisu uu si buuxda u aqoonsaday dowladnimada iyo madax-bannaanida Falastiin, wuxuuna dalalka kale ee dunida ugu baaqay inay tallaabo taa lamida qaadaan. Source: goobjoog.com
  23. Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali X Xasan ayaa qaabilay dhallinyaro ka soo jeeda magaalooyinka Hargeysa iyo Gabiley oo xisbiga WADDANI ku soo biiray. Guddoomiyaha ayaa si kal-furan xisbiga ugu soo dhaweeyay dhallinyarada oo u diyaar ah in dalka isbedel hoggaamineed ka dhaco. Qaran News
  24. Jowhar (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle lagu aasay Suldaan Axmed Rashiid Sheekh Shuceyb oo ahaa Suldaanka beellaha Lixda Shiidlo, oo saaka waaberigii geeriyooday. Meydka Suldaan Axmed Rashiid ayaa Salaadda Janaasada lagula tukaday garoonka kubada cagta Xasey Kumaari ee magaalada Jowhar, ayada oo tukashada salaad ka qeyb-galeen mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulka HirShabelle iyo tan degmada. Suldaan Axmed Rashiid AUN ayaa kamid ahaa odey dhaqameedkii ka qeyb-galay shirkii Carta ee dib loogu yegleelay dowladda Soomaaliya sanadkii 2000. Suldaanka ayaa kaalin muuqata ku lahaa dadaallada dib-u-heshiisiinta ee gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu qeyb ka ahaa xulista xildhibaannada reerkiisa ku matala barlamaanka Soomaaliya iyo kan gobolleedka Hirshabeelle, isaggoo kamid ahaa 135-ta odey ee u diiwaan-gashan wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya. Madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe oo ka tacsiyadeeyay geerida Suldaanka ayaa waxa uu sheegay inuu naftiisa iyo waqtigiisaba u huray u adeegida shacabka HirShabelle. “Allaha u naxariistee Marxuum Suldaan Axmed Rashiid waxa uu kaalin wayn ka soo qaatay aasaaska iyo dowlad dhiska Hirshabeelle iyo sidoo kale dadaalada nabadeynta bulshada,” ayuu Cali Guudlaawe ku yiri qoraal uu kasoo saaray. Waxa uu intaas kusii daray “Marxuumka waxaan Alle uga baryayaa inuu Janatul Fardawsa ka waraabiyo, Qoyska, Ehelada iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo.” The post Suldaan kamid ahaa Salaadiin-tii qeybta ka aheyd shirkii Carta oo lagu aasay Jowhar appeared first on Caasimada Online.
  25. talka have failed betweeen sl and the bunker
  1. Load more activity
  • Newsletter

    Want to keep up to date with all our latest news and information?

    Sign Up