All Activity

This stream auto-updates     

  1. Today
  2. After much pressure an election date has been set.
  3. President Hassan Sheikh Mohamud and the Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed. Mogadishu (PP Editorial) — The IMF is urging Ethiopia to devalue the birr, seen as a crucial step to gain IMF loan. Currently, the black market rate for the birr is 50% lower than the official rate, causing difficulties for Ethiopian businessmen trying to exchange currency at the central bank, where the official rate remains higher. Devaluing the birr could attract more investors to Ethiopia, but it would also raise costs for importers. This situation mirrors the economic experiment Somalia underwent between 1986 and 1990, when the IMF imposed a Structural Adjustment Program, leading to rapid inflation and various economic challenges . In January 1986, one hundred Somali Shillings could purchase 1 dollar. However, the IMF’s auction of the US dollar under the Structural Adjustment Program (SAP) led to a sharp increase in the exchange rate and resulted in rapid inflation. As a result, food importers were compelled to hoard their commodities because the government prohibited them from adjusting wholesale food prices to align with the new IMF-mandated exchange rate. SAP compelled the government to reduce public spending. The education ministry had to introduce fees on schools to subsidise teacher salaries. Ahmed Shide, the Minister of Finance of Ethiopia, and Ms. Kristalina Georgieva, the IMF Managing Director. Ethiopia, once praised for its economic growth, now faces tough decisions, particularly as it seeks a new loan programme from the IMF. Despite past resistance, Ethiopia may need to consider IMF recommendations if it aims to attract foreign direct investment. The economic policies of past leaders, such as Meles Zenawi, offer lessons for Abiy Ahmed, who must carefully navigate Ethiopia’s economic future. In Globalization and Its Discontents Professor Joseph Stiglitz discusses Ethiopia’s economic policies under Meles Zenawi, who resisted pressure from the Bretton Woods institutions to open Ethiopian banking markets to foreign banks. Meles, who came to power in 1991 with a developmental state agenda, eventually saw this agenda become a tool for the TPLF to maintain power for 27 years. Abiy Ahmed faces significant economic considerations this weekend as he reflects on these lessons. © Puntland Post, 2024 The post What Somalia and Ethiopia can learn from each other about their dealings with IMF appeared first on Puntland Post.
  4. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa meesha ka saartay in Itoobiya ay wadahadal la gasho ilaa Addis Ababa ay “waxba kama jiraan” kasoo qaadeyso heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay la gashay Somaliland, sida lagu shegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda. “Soomaaliya waxaa ka go’an inay taageerto nabadda iyo amniga gobolka, waxayna aad u dooneysaa inay xoojiso iskaashiga ay la leedahay G7 iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo barwaaqo ka dhalata Geeska Afrika” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda Soomaaliya. Hadalka dowladda Soomaaliaya ayaa daba socday bayaan ay soo saareen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka G7 ee kala ah, Canada, France, Germany, Italy, Japan, UK, iyo Maraykankahoray u kuwaas oowalaac ka muujisay heshiiska is-afgaradka ah, waxayna ugu baaqday Itoobiya iyo Soomaaliya inay furnaadaan dhammaan waddooyinka wadahadallada. War-saxaafadeedka Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Wadahadallada Itoobiya waa kuwo aan la gaari karin, haddii aanay meesha ka saarin heshiiskii sharci-darrada ahaa ee is-afgaradka ahaa ee ay la galeen gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) oo ay muujinayso ixtiraam buuxa oo ay u hayaan midnimada, madaxbannaanida Soomaaliya iyo mabda’a ah in aan la faragelin.” PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo ku celisay in aysan wax wada-hadal ah la galayn Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  5. Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Wadamada G7 ayaa walaac ka muujiyay Heshiiskii Badda ee la sheegay in uu dhexmaray Itoobiya iyo Maamulka Somaliland. Wadamada G7 ayaa ku adkaystay in la ilaaliyo sharciyada Caalamiga ah Madaxbaaanida iyo Qaranimada ee ku cad cahdiga Qaramada Midoobay. Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Wadamada G7 ee Kanada, faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga Jaban, Boqortooyada UK Maraykanka iyo Ergayga Midowga Yurubka ayaa bogaadiyay horumarada Soomaaliya ay ka samaysay dhanka Hay’adaha dhaqaalaha iyo ammaanka. Sidoo kale waxay ku dhiiragaliyeen dowladda Soomaaliya inay sii wado oo ay sii laba jibaarto ka guul gaarida dagaalka socda ee ka dhanka ah kooxaha Argagixisada ah. Dhanka kale wasiiradu ayaa soo dhaweeyay qorshayaasha ay wadaan dowladda Soomaaliya iyo midowga Afrika ee ku aadan hormarinta qorshaha dowladdu ay kula wareegayso ammaanka wadanka. PUNTLAND POST The post Dalalka G7 oo walaac ka muujiyay Heshiiskii Badda Itoobiya iyo Somaliland appeared first on Puntland Post.
  6. If its true that the federal army is siding with the canary, then the FGS and Jabuuti have a responsibility to transfer arms to the Liyu police and the other Somali groups fighting for their survival.
  7. MOGADISHU (HOL) — The federal government has postponed the National Consultative Council (NCC) summit, formerly scheduled to commence in Mogadishu on Saturday, following the withdrawal of two regional leaders from attending the meeting, reports say. Source: Hiiraan Online
  8. NAIROBI, KENYA — Kenya began three days of mourning on Friday after its defense chief and nine other senior officers were killed in a helicopter crash, the latest military accident involving a high-profile figure. Source: Hiiraan Online
  9. Following the conclusion of the G7 foreign ministers meeting held in Capri, Italy between 17 – 19 April, member states said they expressed concern regarding the Memorandum of Understanding between Ethiopia and the Somaliland region of Somalia announced in January 2024. Source: Hiiraan Online
  10. Shirkii ay Sabtida maanta ah yeelan lahaayeen golaha wadatashiga qaranka ayaa dib loo dhigay “sababo farsamo” awgeed, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. “Shirkan oo muhiim u ah dardargelinta horumarinta dowladnimada, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta, dhammeystirka dastuurka, iyo arrimo kale oo masiiri ah ayaa dib loo dhigay muddo kooban” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Talaadadii iskugu yeeray kulan ay yeeshaan madaxda federaalka iyo kuwa heer goboleed. Madaxweynaha ayaa warqado u kala diray madaxda maamul goboleedyada Puntland, Jubaland, Koonfur Glabeed, Galmudug, Hirshabelle iyo maamulka gobolka Banaadir. PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shaacisay in uu baaqday Shirkii Golaha Wada-Tashiga Qaran appeared first on Puntland Post.
  11. Yesterday
  12. G7 Foreign Ministers Meeting Statement on MoU 3. Horn of Africa We reaffirm our strong commitment to promoting peace, security, and stability in the Horn of Africa. We continue to provide humanitarian support to those most affected by food insecurity, widespread poverty, armed violence, the impact of extreme weather events and displacement. We express our concern regarding the Memorandum of Understanding between Ethiopia and the Somaliland region of Somalia announced in January 2024. We encourage both the Ethiopian and the Federal Government of Somalia to keep all channels of dialogue open to prevent further escalation, working with regional partners, in the framework of the African Union and through bilateral contacts, in accordance with international law and the principles of sovereignty and territorial integrity as enshrined in the UN Charter. Source: G7 Italy 2024
  13. Marxuum Tuur (bidix) iyo Marxuum Qaalib (midig) aqoon durugsan ayay u lahaayeen siyaasadda Waqooyi Bari Afrika oo ilaa hadda quwadaha waaweyni ku loollamayaan. Muqdisho (Faallo) — Soddon sano ayaa laga joogaa markuu marxuum Cabdiramaan Axmed Cali (Tuur) yimid Muqdisho kuna baaqay in hab federaal uu yahay kan Soomaaliya dib loogu soo dhisi karo burburkii dowladdii dhexe kaddib. Tuur wuxuu la dhashay marxuum Maxamuud Axmed Cali oo ahaa aabbaha waxbarashada Soomaalida gaar ahaan gobollada Waqooyi. Xilligaas suurtaggal ma ahayn in hab federaal uu Soomaaliya uga hirgalo hab Waqooyi iyo Koofur waayo Muqdisho laba qeyb ayay u kala qeybsanayd; Cabdiraxmaan Tuur wuxuu la jiray Jeneraal Caydiid. Hadalkisii waxaa lagu tilmaamaay inuu colaad ka aloosay waqooyiga gaar ahaan beelihii taageeri jiray ururkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed (Somali National Movement). Mowqifka midnimada Soomaaliya ee Cabdiraxmaan Tuur wuxuu ku qotomay aqoonta uu u lahaa xiriirka caalamiga ah. Isagu muu la dhacsanayn go’aankii degdegga ahaa lagaga dhawaaqay Burco Maajo 18, 1991, kaasoo lagu shaaciyay in Waqooyiga Soomaaliya uu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale. Wuu ogaa in go’aankaas kala goynta Soomaaliya aan la isku raacsanayn, uu xitaa ka hor imanayayay dastuurkii ururka SNM oo si cad u taageerayay midnimada dhuleed iyo siyaasadeed ee Soomaaliya. Marxuum Jaamac Maxamed Qaalib isaguna si la mid sidaas ayuu midnimada u aamminsanaa. Wuxuu aqoon u lahaa siyaasadda Geeska Afrika. Wuxuu qoray buug ku saabsan Soomaali Galbeed, oo uu ku soo bandhigay xogo aan hore loogu adeegsanin qoraallo taariikheed, ku saabsan sida had iyo jeer Xabashidu uga dadaadili jirtay in la tirtiro jiritaanka qaranka Soomaaliyeed. Buug ka mid ah buugagga uu qoray marxuum Jaamac Maxamed Qaalib. Qaalib iyo Tuur waxay u soo taagnaayeen xilli Xayle Salaase doonayay in Waqooyiga Soomaaliya lagu biiriyo Itoobiya. Tuur danjire ayuu ahaa; Qaalib madax sirdoon dowladdii rayidka ayuu noqday; xilligii dowladdii kacaanka taliyaha ciidanka booliska iyo wasiirkii horumarinta miyiga ayuu soo noqday. Wargeysyadii ka soo bixi jiray Hargeysa kontomaadkii qarnigii 20aad ayaa gaashaanka u duruuray himiladii gurracnayd ee Xayle Salaase. Indheergaradka siyaasadeed ee Hargeysa xilligaas waxay lahaayeen garasho siyaasadeed oo aad u sarreysa kaddib markii Ingriisku ku ballan-furay beelihii Soomaaliyeed uu heshiiska ilaalinta la saxiixday. Ingiriisku wuxuu dhul Soomaalidu ku nooshahay 1954kii si sharcidarro ah ugu wareejiyay Xabashida (Imbradooriyaddii Itoobiya), oo waxaa laga qoray buugag sida The Betrayal of Somalis iyo The Somali Dispute. Buug laga qoray taariikh nololeedkii marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali. Waxyaabaha Tuur iyo Qaalib ogaayeen waxaa ka mid ah in qarannimadu tahay tiir adag oo ilaaliya xuquuqda shucuubta. Tan labaad taageerada ay u muujiyeen qarannimada iyo midnimada Soomaaliyed waxay ku salaysanayd taageerista xaqa qofka Soomaaliyeed u leeyahay dhowrista naftiisa iyo hantidiisa iyo inuu dalkiisa hooyo meeshuu doono kaga noolaan karo. Intaas haddii la waayo ma jirayso qarannimo Soomaaliyeed oo laga hadlayo: haddii qof sheegto inuu magaalo qof kale oo Soomaaliyeed kaga awood-badan yahay, wuxuu doono samayn karo oo aan lala xisaabtami karin, fursadaha dhaqaalaha ka hor istaagi karo qof kale, maleeshiyo beeleed ugu awood-sheegan karo qof kale oo Soomaali ah xaaladdu kama duwana gumeysigii oo kabo loo tolay (Soomaalida ayaa ku maahmaahda waa kudkii oo kabo loo tolay markay arkaan wax ka sii daran wax kale). Soddon sano kaddib Soomaalidu waxay isa su’aalaysaa sababaha weli isu awood-sheegasho maleeshiyo beeled iyo ciidamo dhinac-ka-raran ay weli halis ugu yihiin xuquuqda qofka Soomaaliyeed. Ma siyaasiyiita Soomaaliyeed ayaa sidan ku heshiiyay mise aamusnaantooda ayaa mas’uul ka ah in sooyaalkii qabqablayaasha aan weli xiddida loo siibin? 2024 sidii 1994 Waqooyiga Soomaaliya waxaa ka taagan colaado u loogi kara dhulka Soomaaliyeed cadaw muddo u hanqal-taagayay. Marxuum Tuur iyo Marxuum Qaalib way ogaayeen in haybta siyaasadeed ee Soomaalida (the Somali political identity) aan la hoosgeyn karin hayb beeleed. Qaranka Soomaaliyeed ilaalintiisa naf iyo maal baa loo huray. Wax hunguri la siisan karo ma aha. © Puntland Post, 2024 The post Cabdiraxmaan Tuur, Jaamac Maxamed Qaalib iyo Muqdisho 1994kii appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Xaalad cakiran ayaa saacadihii lasoo dhaafay kasoo korortay qeybaha koonfureed ee magaalada Muqdisho, kadib markii booliska Soomaaliya oo markii 3-aad digniin kama dambeys ah siiyey qoysaska degan dhulkii dabdemiska ee ciidanka booliska Soomaaliyeed. Dhankooda qoysaska degan dhulka boolisku dalbaday in laga guuro ayaa ku adkeystay in aysan guuri doonin, waxayna cadeeyeen inay dagaalami doonaan, hadii loo adeegsado awood dowladeed. Intaas kadib arrinta waxaa ku soo baxay masuuliyiinta dowladda ku metesha beesha Habargidir, balse waxaa dhibcihii ugu badnaa galabta uruursaday madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor. Qoysaska degan dhulka la isku heysto waxay u badan yihiin beesha Sacad, waqtigii loo qabtay inay ku guuraan wuxuu ku egyahay berri oo bisha Abriil ay 20 tahay, halka siyaasiyiinta Dowladda Federaalka ku metesha beesha Sacad ay caawa dhamaantood joogaan magaalada Gaalkacyo. Qoor Qoor oo Muqdisho jooga ayaa galabta baxay oo tegay degmada Hodan, halkaas wuxuu kula kulmay odayaasha dhaqanka ee beesha laga dalbaday inay ka guuraan dhulka dabdemiska. Madaxweynaha Galmudug wuxuu la hadlay warbaahinta, isagoo la jooga odayaasha dhaqanka ee beesha Habargidir oo diidan inay dhulkaas ka guuraan, wuxuu sheegay in berri aysan dhici doonin waxa la filayo oo booliska iyo wasaaradda amniga uu la hadli doono. Sidoo kale Qoor Qoor ayaa odayaasha ka dalbaday inay iska soo xulaan guddi ay ku kalsoonyihiin, kuwaas oo uu ula tegi doono madaxda qaranka, si loo xaliyo xiisadda ka taagan dhulkaas, wuxuuna si buuxda u balan-qaaday in berri aan la kici doonin qoysaska degan halkaas. Taani waxay Qoor Qoor u noqotay dhibco siyaasadeed, maadaama siyaasiyiintii dadkaas ku meteleysay dowladda federaalka, sida Fiqi, Cabdi Qeybdiid, Dhabancad, Cabdiraxmaan Cagaweyne iyo xubno kale ay iska xaadiriyeen Gaalkacyo, halkii ay ku bixi lahaayeen xalinta xiisadaan. Saan-saan colaadeed ayaa maanta laga dareemayey isgoyska Banaadir, Seybiyaano ilaa beerta Qaad, maadaama dowladdu ay ku adkeysatay in xoog looga rari doono berri qoysaska degan dhulkii dabdemiska, halka qoysaska degan halkaas oo ka soo jeeda beesha Habargidir ay hubkooda la soo baxeen, iyagoo si cad u sheegay inay dagaalami doonaan hadii lasoo weeraro. The post Siyaasiyiinta Sacad oo xilli adag Gaalkacyo aaday iyo Qoor Qoor oo qaatay kaalintoodii appeared first on Caasimada Online.
  15. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Qoorqoor ayaa xallinta khilaaf ku saabsan dhulka dab-damiska oo ay dad danyar ihi degganyihiin,islamarkaana ay Booliiska Soomaaliya amar ku bixiyeen in degdeg looga guuro. Madaxweyne Qoor qoor ayaa sheegay khilaaf halkaa ka jiraahi uu is faham ku dhammaan doono, islamarkaana wuxuu dadka dhulkaa deggan ka codsaday inay is dejiyaan asagoo u ballan qaaday wax walba si fudud loo xallin doono. Wuxuu intaa ku daray in ay dhulka dowladdu leedahay, dowladdana ay dadku leeyihiin aan loo baahnayn in dad dhibaato gaarto, dowladduna aanay sidii damacsanayn. Sidoo kale wuxuu ballan qaaday inuu arrintaa madaxda qaranka iyo taliska Booliska Soomaaliyeed kala hadli doono, islamarkaana aanay dhici doonin in dadka halkaa deggan xoog looga raro. Muranka dhulkan ayaa muddo soo jiitamaysay, ayadoo Booliska Soomaaliyana ay dhowr soo saareen amarro ku saabsan la banneeyo si looga dhiso xarun dab-dhis oo bulshada looga adeego, balse dadka halkaa deggan ayaa sheegay inaanay garanayn meel kale oo ay u guuraan. Source: goobjoog.com
  16. Fighting broke out between the warring factions in Sudan exactly one year ago. What started out as a disagreement over the merge of paramilitary troops to national army, sadly, escalated into a violent conflict, resulting in widespread bloodshed, devastation, and disaster. Neither the national army nor the Rapid Support Force has been able to claim victory as they continue, till today, to battle for the control of key cities and critical infrastructures. Source: Hiiraan Online
  17. Somalia is at a pivotal moment in its quest for progress. It is facing challenges that demand fresh perspectives and innovative solutions. While Western interventions have played a significant role in shaping global development policies, Somalia, much like many African nations, still struggles with enduring issues despite these efforts. As we step into the 21st century, Somalia recognizes the urgent need to explore new avenues for development, and it believes forging stronger ties with economic powerhouses like China and other Asian giants could be the game-changer it has been searching for. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inuu baaqday Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu balansanaa inuu Muqdisho ka furmo berri oo Sabti ah 20-ka Abriil. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in shirkaas dib loo dhigay muddo kooban, iyadoo aan la shaacin waqtiga la isugu imaanayo. Qoraalka waxaa lagu sheegay in shirkaas uu iclaamiyey Madaxweyne Xasan Sheekh uu berri u baaqday arrimo farsamo. “Shirkaan oo muhiim u ah dardargelinta hormarka dowladnimada, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta, dhameystirka Dastuurka iyo artimo kale oo masiiri ah ayaa dib loo dhigay muddo kooban,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha. Ilaa hadda dowladda ma shaacin sababta loo baajiyey shirkaas iyo halka ay howshu iska qaban la’dahay, sidoo kale markii hore si weyn looma baahin oo Pageska xafiisyada dowladda laguma baahin warqadii lagu iclaamiyey shirkaan. Madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka ayaa sii kala fogaanaya, waxaana suurtagal ah in sababta shirkaan uu u qabsoomi waayey ay taasi ugu horeyso. Inkastoo Saciid Deni lagu bilaabay warqadii lagu casuumay madaxda gobollada, hadana waxaa si buuxda loo saadaalinayey in Muqdisho uusan imaa doonin, maadaama ay siyaasadda ku kala tageen Xasan Sheekh, tan iyo wixii ka dabeeyey doorashadii madaxtinimada dalka. Madaxda kale ee dowlad goboleedyada ayaa la soo werinayaa inay qabaan cabasho la xiriirta dastuurka, kuwaas oo qaarkood ka cagajiiday inay ka soo qeyb galaan shirka uu iclaamiyey Xasan Sheekh, inkastoo madaxda qaar ay Muqdisho joogaan, sida Axmed Qoor Qoor. Muxuu salka ku hayaa khilaafka Xasan Sheekh iyo madax goboleedyada? The post DF oo baajisay shirkii uu Xasan Sheekh isugu yeeray madax goboleedyada dalka appeared first on Caasimada Online.
  19. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan Magaalada Washington ee dalka Mareykanka oo uu ka socdo shirka xiliga Gu’ga ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa ka qeyb galay shirar muhiim u ah Maaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya iyo kulamo doceedyo miro-dhalay oo looga arrinsaday horumarinta iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya. Sidoo kale wasiirka Maaliyadda Xukumadda federal ka Soomaaliya Md. Biixi Imaan Cige ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Wasiirka horumarinta Caalamiga ah ee Dowladda Norway Marwo Anne Beathe Tvinnereim oo qeyb ka aheyd wafdiga ka soo qayb galay shirka xili-dhaxaad ah ee Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunka. Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa uga mahadceliyay Wasiiradda, doorkii ay Dowladeeda Norway ka cayaartay hannanka deyn cafinta iyo habkii ay uga qeyb qaateen dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya oo soo martay heerar kala duwan, taas oo sababtay in ugu dambeyn Dowladda Soomaaliya laga cafiyo deymihii lagu lahaa. dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda ayaa kulan gaar ah la qaatay ku-xigeenka Xoghaya Joogtada ah ee Xafiiska Horumarinta Arrimaha Dibadda Mr. Nick Dyer. Kulanka labada masuul ayaa looga wada hadlay heerka uu taagan yahay dhaqaalaha Soomaaliya, wadashaqaynta ku saleysan sare u qaadidda dakhliga iyo maalgalinka xiliga isbaddalka cimilada oo saameyn ku leh gudaha Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Dowladda UK xiriirkeeda Saaxibtinimo iyo taageeradeeda, iyadoo Dowladda UK ay dhawaan ku dhawaaqday in ay tirtirtay oo ay cafisay Deymihii ay Dowladda Soomaaliya ku laheyd taas oo aheyd Cafin Boqol kiiba Boqol ah. Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda ee ku sugan Washington ayaa kulan gaar ah la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Lacagta Adduunka u qaalbilsan Dalalka Carabta iyo Bartamaha Qaaradda Aasiya Mr. Jihad Azour. Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa kala hadlay Mr. Jihad, qorshayaasha IMF ee Soomaaliya ee dib-u-eegista Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Sideeda Sano ee soo socota. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal dheeri ah ugu jirta sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha Soomaaliya, loona helilahaa maalgalin dhameystiran oo Soomaaliya gaarsiin karta heerka isku filnaashaha maaliyadeed, maadaama laga cafiyay deymihii cuslaynayay hannaanka Dowliga ah ee dalka. Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa galabta la kulmay odayaashii ka hor yimid amarka dowladda ee diiday inay ka guuraan dhulka dabdemiska ee ku yaalla degmada Hodan. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay in berri aan la kici doonin dadka degan dhulka dabdamiska, isagoo sheegay inuu la hadlay Booliska iyo Masuuliyiinta wasaaradda Amniga XFS. “Dhulka Dowladda ayaa leh,Dowladda dadka dagan baa leh, Madaxda qaranka iyo Booliska waan kala hadleynaa berrina arrinta waa la joojinaa, is dejiya, iskana soo xula guddi aad ku kalsoontihiin,” ayuu yiri Qoor Qoor. Madaxweynaha ayaa sheegay in dadkaan aysan xaq u laheyn in la dhaho iska guura, isla markaana arrintaan uu kala hadli doono madaxda ugu sareysa dalka. Qoor Qoor ayaa duray dad uu sheegay in dano gaar ah oo dhaqaale ay ka dhex raadinayaan arrinta dhulka dabdemiska, isagoo yiri “iimaanka allaha u soo celiyo ayaan leenahay dadkaas” inkastoo uusan xusin magacyada dad gaar ah. “Berri waa dii deganaa doontaan halkaan cid idiin imaaneysana ma jirto anigaa la hadlaya booliska iyo hey’adaha kale ee amniga sida wasaaradda amniga, marka is dejiya, cid awood inku rari karta ma jirtee,” ayuu yiri Qoor Qoor. Madaxweynaha Galmudug ayaa qoysaska degan dhulka dabdemiska ka dalbaday inay soo xulaan guddi lagala xaajoodo arrintaan oo taladu ay ka go’do, maadaama kiiskaan ay u gudbinayaan madaxda ugu sareysa dalka. Sabtiga Berri ayuu Booliska Soomaaliya dalbaday inay qoysaska degan ka guuraan dhulkii dabdemiska ciidanka booliska oo ku yaalla xaafadda Seybiyaano, balse dadka degan ayaa ka biyo diiday amarkaas. Qoysaska degan halkaas uu u badan beesha Sacad ayaa si cad u diiday amarkaas, iyagoo ku goodiyey inay dagaalami doonaan, ciidamo hubeysan ayaa lagu arkayaa aagga Seybiyaano, waxaana beri ka go’an inay booliska la dagaalamaan. Hoos ka daawo hadalka Qoor Qoor The post Daawo: Qoor Qoor oo qaaday tallaabo cajiib ah kuna guuleystay baajinta dagaalkii Seybiyaano appeared first on Caasimada Online.
  21. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dhaleeceeyay diidmada qayaxan ee Maraykanku ku hor istaagay codsigii Falastiin ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, kaasoo ahaa inay xubin buuxda ka noqoto Qaramada Midoobay, isagoo muujiyay sida uu uga xun yahay in Mareykanka uu garab taagan yahay Israa’iil. Erdogan oo ka jawaabayay su’aalo ay warfiyeenku weydiiyeen salaaddii jimcaha ka dib ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay inuu Mareykanku la safto Israa’iil, asagoo indha ka dadbanaya xasuuqa maalin laha ah ee ku socda dadka reer falastiin. Hadalka madaxweyne Erdogan ayaa imaanaya xilli ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Talaadadii ka doodeen ajande ah in Falastiin laga dhigo xubin buuxda oo ka tirsan Qaramada Midoobay, islamarkaana uu Maraykanku diidmada qayaxan ku hor istaagay. Source: goobjoog.com
  1. Load more activity
  • Newsletter

    Want to keep up to date with all our latest news and information?

    Sign Up