All Activity

This stream auto-updates     

  1. Today
  2. Shirkada diyaaradaha ee Emitrates ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay war ay baahisay Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland, oo sheegayay in ay isku dhici gaadheen diyaarado ay leeyihiin Emirates iyo Ethiopian Airlines. Afhayeen u hadlay shirkada diyaaradaha Emirates ayaa sheegay in diyaaradoodu anay la kulmin wax khatar ah wakhtiga ay Somaliland sheegtay oo ahaa maalintii Axada ee 24 March. “Emirates waxay xaqiininaysa in anay jirin wax diyaarad ah oo nagu soo dhawaatay taasi oo khatar galin kartay diyaaradayada wakhtigaa la sheegay, dhamaan diyaaradaha Emirates waxa ku rikiban qalab u sahalaya in ay ilaashato masaaafada” ayuu yidhi afhayeenku. Source
  3. Guddiga madaxabannaan ee dib u eegista dastuurka ayaa maanta xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda ka hor akhriyay nuqulka kamadambeysta ah ee dib u eegista lagu sameeyay Cutubyada 1-aad -4-aad ee Dastuurka, waxaana lagu ballamay in maalinta sabtida ah loo qaado codka ansixinta ah. Halkaan ka akhriso https://sonna.so/so/wp-content/uploads/2024/03/Soojeedinta-Nuqulka-Kama-Dambayst-ah-28.3.2024-1.pdf Source: goobjoog.com
  4. Masuuliyiinta WADDANI oo ka Qaybgalay Tartanka Cirro Cup Hargeysa(Qaran news)-Masuuliyiin ka mid ah xisbiga WADDANI ayaa ka qayb galay xidhitaanka tartanka Cirro Cup ee magaalada Ballidhiig ee gobolka Togdheer ka socday. Tartankan oo uu hirgeliyay musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayay ku tartameen degmooyin waaweyn oo ka mid ah gobolka waxaanu noqday tartanka ugu xiisaha badan Cirro Cup oo ka socda gobollada iyo degmooyinka. Kooxda ka socotay degmada Qorilugud ayaa ku guulaysatay koobka iyada oo ay ciyaarta u dambeysa wada ciyaareen kooxda ka socotay degmada Qoryaale. Tartankan ayaa u dhacay si qurux badan waxaanu is dhex gal u ahaa dhallinyarada oo ciyaar wanaag muujisay, islamarkaana degmada Ballidhiig si wanaagsan u marti gelisay. Waxa ciyaarta shalay ka qayb galay xoghayaha ciyaaraha xisbiga WADDANI Mudane Yuusuf Nuux Yuusuf Tadhase oo ay weheliyaan xoghayaha waxbarashada mudane Muuse Askar, xoghayaha amniga mudane Ibraahin Ducaale Boos, xoghaye kuxigeenka xidhiidhka gobollada iyo degmooyinka Maxamuud Xasan Doob, Xoghaye ku xigeenka garabka dhalinyarada heer qaran mudane Yaasiin Xiis, afhayeenka gobolka Togdheer mudane Cabdiweli Sunbul iyo masuuliyiin kale. Qaran News
  5. 434617440_3652716151668140_1935516687290011841_n Qaran News
  6. Caabudwaaq (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa galabta dil toogasho ah ku fulisay Axmed Cabdi Maxamed oo degmada Caabudwaaq ku dilay Bashiir Hure Cabdi, ninkaan ayaa shalay lagu xukumay dilka galabta lagu fuliyey. Ninkan maanta lagu oofiyay xadkii qisaasta marxuumka ayaa maalin kahor ka hor si lala yaabay maxkamadda uga hor qirtay dembiga loo haystay ee dilka marxuum Bashiir Hure Cabdi. Axmed Cabdi ayaa si cad maxkamadda uga hor qirtay in Bashiir Hure uu isagu dilay, oo waliba si kas ah uu u dilay, taasi oo dadkii fadhiga ka soo qeyb galay aad uga yaabisay. Qareenkii isku soo diyaariyey inuu u doodo ninkaan dilka loo heystay ayaa garan waayey wax uu sheego markaasi, maadaama uu isagu kahor qirtay maxkamadda. Intaas kadib guddoomiyaha maxkamadda gobolka Galgaduud Cismaan Cali Hudey ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamadda, isagoo dil toogasho ah ku xukumay Axmed Cabdi Maxamed oo ah qisaasta Bashiir Hure Cabdi. Kiisaska dilka ah iyo maxkamadeynta ka socota Caabudwaaq ayaa maalmihii u dambeeyay si aad ah u qabsaday baraha bulshada, waxaana dadka ka yaabiyey ilaa 3 nin oo si toos ah maxkamadda uga hor qirtay inay geysteen dilalka lagu soo eedeeyey. Dadka falanqeeyey kiisaska dilalka ah ee qirashada ah ayaa ka yaabay dhiiranaanta ragga dilka geystay oo maxkamadda ka hor sheegay inay si kas ah u geysteen dilalka lagu eedeynayo. Waa qisaastii labaad oo maanta ka dhacday degmada Caabudwaaq, waxaana hadda xabsiga ku jira hal nin oo ka mid ahaa raggii dilka lagu xukumay ee dembiyada dilka ah qirtay, ninkaas ayaa shalay maxkamadda ka codsaday in lagu wareejiyo aabihii dhalay wiilka uu dilay. Cabdixakiin Axmed Cigaal oo magaalada Cabudwaaq 13-kii bishaan ku dilay Alle ha unaxariistee Wariye Cabdikariin Axmed Bulxan, isla markaana qiraal ahaa ayaa maanta lagu bilaabay toogashada. Cabdixakiin wuxuu ahaa ninkii ugu dhiiranaanta badnaa, isagoo maxkamadda ka dalbaday in la toogto oo laga oofiyo xadka walaalkiis Bulxan oo si bareer ah uu u dilay. Hoos ka daawo The post Daawo: Ninkii labaad oo qirtay dembi dil ah oo lagu toogtay Caabudwaaq appeared first on Caasimada Online.
  7. Jaliyadda Somaliland ee Wales oo casho sharaf ku soo Dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Hargeysa(Qaran news)-Jaaliyadda Somaliland ee Wales ayaa Afur iyo Casho Sharafeed u samaysay Gudoomiyaha Golaha Wakiillada ee Jamhuriyada Somaliland Prof. Yassin Haji Mohamoud Xiir “ Faratoon”. Halkaas oo ay ka soo qayb galeen hal doorka Jaaliyadda Somaliland ee Wales. Ujeedada Xafladda waxay ahayd Soodhaweyn iyo Maamuus loo Sammaynaayey Gudoomiyaha, Golaha Wakiilada JSL. Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Mudane Prof. Yassin Haji Mohamoud Xiir “ Faratoon” ayaa kulankan ku soo Xidhay hadal isugu jira Mahadnaq , Guubaabo, dardaaran iyo duco. Qaran News
  8. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xarardheere ayaa noqotay tijaabaddii ugu dambeysay ee Al-Shabaab, ayada oo dadka deegaanka ay wajahayan koox uusan dhinac kale dagaal uga socon, xilli beelaha qaar ay furimihii kale kasoo baxeen. Kooxda ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay culeys xooggan soo saartay degmada, ayada oo shalay deegaan dhaca duleedkeeda ay isku fara saareen ciidanka iyo maleeshiyaad ay kooxda u diyaarineysay inay weeraraan degmada. Shabaab ayaa xilligaan dadaal badan ku bixineysa sidii ay dib ugu qabsan laheyd degmada oo kal hore looga adkaaday, xilli uu hoos u dhacay gulufkii dagaal ee ka dhanka ahaa kooxda. Haddii reer Xarardheere xilligaan laga adkaado ayaa waxay ka dhigan tahay in uu dagaalkii gobollada dhexe fashilmay, taasi oo god dheer kusii ridi karta rejada in kooxda Al-Shabaab laga adkaado Reer Xarardheere si ay argagixisada uga adkaadan kuma filna ayaa la leeyahay inay dowladdu baraha bulshada ku taageerto ee waa “in gurmad iyo gacan ficil ah lagu biiriya, oo fadhiga laga kacaa.” Dowladda dhexe iyo maamulka Galmudug waa in aaney dadka deegaanka ku fiirsan culeyska ay argagixisadu soo saartay maalmihii dambe, ayna u fidiyaan gurmadka iyo taageerada sida deg degta ah ugu baahan yihiin. Si kastaba, Al-Shabaab ayaa dhawaan dib ula wareegtay deegaano uu dhiig badan ku daatay oo horey looga xoreeyay kadib markii uu hoos u dhac ku yimid dagaalka, ayna iskaga baxeen ciidanka, xilli la filayay in uu dagaalka galo wejiga labaad. The post Xarardheere: Tijaabaddii ugu dambeysay ee Shabaab iyo tallaabo la gudboon dowladda appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Sabtida soo aadan oo bishu tahay 30, baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod u qaadi doono ansixinta afarta cutub ee ugu horreysa dastuurka. Sida Villa Somalia ay qorsheysay la’lama sugi doono 11-ka cutub ee dhiman. Nuqulka ugu dambeeya afartaan cutub ayaa lala wadaagay Xildhibaannada. Waxyaaba ku qoran cutubka afaraad waxaa kamid ah inuu dalka yeesho ra’iisul wasaare uu madaxweynuhu eryi karo markii uu doono. Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay cadaadis ku saabsan sameynta madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen ayaa hadda u guuray ra’iisul wasaare uu isagu xilka ka qaadi karo. Dad badan ayaa durba bilaabay inay ka doodaan midka Soomaaliya u roon ra’iisul wasaare uu madaxweynuhu xilka ka qaadi karo oo agaasime lamid ah iyo madaxweyne ku-xigeen shacabka dooranayaan oo uusan madaxweynaha eryi karin. Kursiga ra’iisul wasaaraha wuxuu marwalba dheeli-tiri jiray madaxweynaha, gaar ahaan xilliga doorashada markaas oo inta badan madaxda isku deydo inay xukunka sii haysato ama ay qabato doorasho ay iyagu kusoo laaban karaan. Tan iyo dib u yagleelidii Jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya oo magaalada Carta kasoo bilaabata, waxaa laga dharagsan yahay in uusan jirin madaxweyne rabay inuu doorasho qabto laakiin dhamaan waxaa doorasho gelinaayay ra’iisul wasaarayaashii markaas fadhiyay. Madaxdaas qaar ayaa isku dayay inay ra’iisul wasaaraha iska eryaan, si ay usii dheereystaan xukunka ama ay u dhacdo doorasho ay kusoo laaban karaan. Waxaana ugu dambeeyay Farmaajo oo isku dayay inuu xilka ka qaado ra’iisul wasaare Rooble laakiin maadaama uu dastuurka KMG ah taas diidayay waa u suurtoobi weysay. Saddex arrimoodba Soomaaliya waxaa u fiican in aan la dhimin awoodaha ra’iisul wasaaraha oo aan wax walba lagu qiimeyn muddo xileedkan. Haddii madaxweyne Xasan Sheekh uu isagu isku arko siyaasi aan waxba ka haleynayn qaranka, waa in dhinaca kale lagu xisaabtama inay wax walba oo taban ka imaan karaan qofka ka dambeeya ee isaga kadib xukumi doona dalka. Haddii awoodda ra’iisul wasaaraha la dhimo waxaa si weyn hoos ugu dhici doona isku dheeli-tirkii laamaha dowladda. Waxaa dhici doonta in la waayo ra’iisul wasaare isku dhigi kara haddii uu madaxweynaha u bareero inuu dalka kala diro, boobo ama uu geliyo heshiisyo uusan qaadi karin. Waxaa dhamaan doona ra’iisul wasaare laga sugo inuu dalka doorasho gaarsiiyo, waxaana beddelkeeda la arki doona ra’iisul wasaare xukunka u xoogaya madaxweynaha magacaabay ee haddana eryi kara. Xagga qabaa’ilka: Kursigan reer ayuu marwalba u noqon jiray sad siyaasadeed, maadaama aanay Soomaaliya weli ku heshiinin inay ka guurto hanaanka qabaa’ilka ee 4.5, haddii awoodda kursiga la dhimo kuma filna inuu saami qeybsi noqdo, mana jiri doono reer ku qanci doona ra’iisul wasaare agaasime ku tabar ah. Xamaasada iyo shaqada: Kursiga ra’iisul wasaaraha wuxuu lahaan jirey xamaasad, laakiin markii Sabtida la dhimo awoodda kursiga ra’iisul wasaaraha xiiso badan siima lahaan doono. Sidoo kale shaqooyinkii shaqsiga ahaa, ku dhicii uu lahaan jiray qofka booskan haysta ayaa meesha ka bixi doona oo qofka wuxuu ogaanaya in xilli walba la eryi karo oo uusan u baahneyn kooram baarlamaan, isaguna uu is difaaci karin. Marka la eego xaaladdan, madaxweyne ku-xigeen doorasho ku imaanaya oo uusan madaxweyne magacaabeyn uuna eryi karin ayaa 100% dhaami lahaa ra’iisul wasaare agaasime ah ayey leeyihiin dadka isbarbar dhigaya labadaan boos midka Soomaaliya u roon. The post Qorshaha Xasan ee dastuurka oo noqday laba daran mid dooro iyo midka Soomaaliya u roon appeared first on Caasimada Online.
  10. Guddoomiya xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa cambaareeyay mawqifka ay dowlada Jabuuti kaga soo horjeedsatay isfahamka Somaliland iyo Itoobiya. Guddoomiyaha ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X doqoniimo ku tilmaamay hadal uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf kaga soo horjeestay isfahamka Somaliland iyo Itoobiya. “Waa hadalkii ugu doqoniimada badnaa ee wasiir arrimo dibadeed kasoo yeedha, dowlada Jabuuti madaxbannaanida Somaliland meel ka xun Soomaaliya ayay ka taagantahay ilaa markii Somaliland ay madaxbannaanideeda lasoo noqotay” ayuu yidhi Guddomiye Waraabe. Dhan kale xukuumadda Somalind ayaan iyadu wali ka hadlin hadalkan ka soo yeedhay dawladda Jabuuti. Source
  11. Dowladda Jabuuti ayaa war cusub kasoo saartay xiisadda diblumaasiyadeed ee u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii taariikhiga ahaa ee dhinaca badda ee ay wada gaadheen Abiy Axmed iyo madaxweynaha Somaliland. Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo wareysi siiyay MM Somali TV ayaa shaaca ka qaaday in kulan u dhexeeyo Xasan Sheekh iyo Abiy uu martigelinayo dalkiisa, balse ma shaacin goorta uu dhacayo. Maxamuud Cali Yuusuf ayaa xaqiijiyay in kulankan uu daba socdo kulan kale oo ay hore ugu yeesheen dalka Kenya, sida uu hadalka u dhigay, halkan hoose ka daawo Source
  12. Mogadishu (HOL) - Djibouti's Foreign Minister, Mahmoud Ali Youssouf, stated that Djibouti, along with Kenya, is working to restore the good relations between Ethiopia and Somalia to their previous level. Source: Hiiraan Online
  13. Have u noticed that this isn’t about Ethiopia gaining access of Ethiopia annexing parts of Somaliland they mention . They mention that they hate what is in for Somaliland which recognition
  14. Dowlada Jabuuti oo mar kale ka hadashay mawqifkeeda ku aadan isfahamka Somaliland iyo itoobiya Khamiis, Maarso, 28, 2024 (HOL) - Dowlada Jabuuti ayaa markale kasoo horjeedsatay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, iyada oo sheegtay in madaxbannaanida Soomaaliya ay tahay lama taabtaan. Wasiirka Arrimaha Dibada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, oo waraysi kooban siiyay MMTV, ayaa sheegay in loo bahanyahay in dib loo soo celiyo xidhiidhkii ka dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya. "In xidhiidhka fiican ee Soomaaliya iyo Itoobiya dhexmarayay in uu sidii kusoo noqdo hadafkaa ayuu Madaxweyne Ismaaciil Cumar qabaa, markaa gobolkeena dhibaatooyinkiisu way badanyihiin, dhibaato cusubna uma baahnin" ayuu yidhi Wasiir Yuusuf. Wasiirku waxa uu carabka ku adkeeyay in ay qabaan mawqif ah in la ixtiraamo madaxbannaanida Soomaaliya, isaga oo sheegay in dowlada Jabuuti anay aaminsanayn in Soomaaliya la kala jaro. Waxa uu sheegay in isfahamkii Somaliland iyo Itoobiya anay wali waxba ka hirgalin, isla markaana dowladaha Jabuuti iyo Kenya ka shaqaynayaan isku soo dhawaynta Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxa uu sheegay in Jabuuti ay hada hayso xilka hoggaanka urur goboleedka IGAD, isla markaana ay masuuliyadi ka saarantahay ilaalinta nabada gobolka, iyo isku haynta dowladaha ururka xubnaha ka ah.
  15. Caabudwaaq (Caasimada Online) – Maxkamada gobalka Galgaduud ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Cabdixakiin Axmed Cigaal oo magaalada Cabudwaaq 13-kii bishaan ku dilay Alle ha unaxariistee Wariye Cabdikariin Axmed Bulxan. Cabdikariin Bulxan oo sidoo kale ahaa Samafale ayaa waxa uu ka tirsanaa Warbaahinta Qaranka. Ninkan maanta lagu oofiyay xadkii qisaasta marxuumka ayaa waxa uu laba maalin kahor ka hor si lala yaabay maxkamadda uga hor qirtay dembiga loo haystay ee dilka marxuum Bulxan. Cabdixakiin ayaa si cad maxkamadda uga hor qirtay in Cabdikariin uu isagu dilay, isaga oo markaas codsaday in laga oofiyo xadka qisaasta dilkii uu u geystay Weriye Cabdikariin Bulxan, taasi oo dadkii fadhiga ka soo qeyb galay aad uga yaabisay. “Walaalkey Cabdikariin Axmed Bulxan aniga ayaa dilay, waliba si bareer ah ayaan u dilay, waxaan diyaar u ahay in xaqa la iga oofiyo oo shareecada islaamka la i marsiiyo,” ayuu yiri Cabdixakiin Axmed Cigaal oo si dhiiran uga hor hadlay maxkamadda. Qareenkii isku soo diyaariyey inuu u doodo ninkaan dilka loo heystay ayaa garan waayey wax uu sheego markaasi, maadaama uu isagu kahor qirtay maxkamadda. Intaas kadib guddoomiyaha maxkamadda gobolka Galgaduud Cismaan Cali Hudey ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamadda, isagoo dil toogasho ah ku xukumay Cabdixakiin Axmed Cigaal oo ah qisaasta Weriye Cabdikariin Axmed Bulxan. Kiiskaan ayaa maalmihii u dambeeyay si aad ah u qabsaday baraha bulshada, ayada oo dadka aad uga yaabisay dhiiranaanta ninka dilka geystay oo maxkamadda ka codsaday in laga oofiyo xadka qisaasta. Hoos ka daawo The post Daawo: Cabdixakiin Cigaal oo maanta laga oofiyay xadkii qisaasta Samafale Bulxan appeared first on Caasimada Online.
  16. Shirkadda diyaaradaha ee Emirates Airlines ayaa been abuur ku tilmaantay in mid ka mid ah diyaaradooda ay shil ku gali gaartay hawada Soomaaliya. Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Somaliland ayaa laba maalin ka hor sheegtay in qalad ay galeen hagayaasha diyaaradaha ee garoonka Muqdisho ay sababi gaartay in ay isku dhacaan laba diyaaradood, oo ay lee yihiin Emirates Airlines iyo Ethiopian Airlines. Haddaba, afhayeen u hadlay Emirates Airlines, ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin warka la xiriira isku dhaca labada diyaaradood, wuxuuna tilmaamay in diyaaradaha Emirates Airlines ay leeyihiin nidaam ka ilaalinaya inay galaan khadka ay ku jiraan diyaaradaha kale, sida u ku warramay wargeyska Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee Gulfnews. Saraakiisha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ee SCAA , ayaa dhankooda laga soo xigtay in aysan jirin wax qaladaad dhankooda ah oo sababi gaaray isku dhaca diyaaradaha , iyagoo intaa ku daray in aysan labada diyaaradood ee la sheegay in ay isku dhici gaareen aysan isku jiho u socon. PUNTLAND POST The post Shirkadda Emirates Airlines oo beenisay in diyaarad ay leedahay Shil ku gali gaartay Hawada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta gacanta ku dhigtay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn, sida ay ku sheegtay qoraal ay soo saartay kooxda. Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in diyaaraddan oo ah kuwa yar-yarka ah ay basaaseysay goobaha ay joogaan, balse ay qabteen, sida ay hadalka u dhigtay. Ma shaacin kooxdu, sida ay gacanta ugu dhigeen diyaaradda oo ah kuwa qumaatiga u kaca iyo halka ay ku qabteen. Diyaarada ayaa waxaa soo saartay Textron Systems oo ah shirkad fadhigeedu yahay dalka Mareykanka, sida ay muujiyaan sawiro ay baahisay kooxda Al-Shabaab. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in diyaaraddaas ay la yeehiin ciidanka Mareykanka ee ku sugan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo inta badan fuliya duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab. Horay Al-Shabaab ayaa sidan oo kale gacanta ugu dhigay diyaarado milatari iyo kuwa kale oo ku dhacay deegaanadooda, kadib markii ay ku yimadeen cilado sababay inay soo dhacaan. Shilkii ugu dambeeyay ayaa dhacay bishii January ee sanadkan ka gadaal markii Al-Shabaab ay gacanta ku dhigeen diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay leedahay Qaramada Midoobay, taasi oo ay la socdeen shaqaale Soomaali iyo Ajaanib ah, waxaya ku degtay deegaan ay maamusho kooxda Al-Shabaab. Sida ay QM oo lahayd diyaaradaasi sheegtay waxaa ku timid cilad, xilli ay kasoo duushay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxayna ku dhacday agagaarka tuulada Xiindheere ee gobolka Galguduud. The post Al-Shabaab oo shaacisay inay gacanta ku dhigtay diyaarad Drone ah oo… appeared first on Caasimada Online.
  18. Mogadishu (HOL) — The Somali government and Emirates separately denied media reports that an Emirates Boeing 777 and an Ethiopian Airlines Boeing 737 MAX narrowly avoided a collision while flying over Somaliland this week. Source: Hiiraan Online
  19. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga 4-aad kulankiisa 30aad ee wadajirka ah ee Labada Aqal, waxaana ku weheliyay ku-xigeennada labada gole. Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad, qeybinta nuqulka kama dambeysta ah ee soojeedimaha wax-ka-beddelka dastuurka (Cutubka 1-aad ilaa iyo 4-aad) iyo warbxinta Guddiga Dib u eegista iyo La-socodka Dastuurka. Guddoomiyaha Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa aqal Xil. Xuseen Iidoow, oo Xildhibaannada hortooda ka aqriyay warbxinta 1-aad ilaa iyo 4-aad, isagoona sheegay in Xildhibaannada loo qeeybiyay nuqulka kama dambeysta ah ee ay soo diyaariyeen Guddiga Madaxbanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka. Guddoomiyaha Guddiga Madaxbanaan ee La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka, Mudane Burhaan Aadan Cumar, ayaa soo bandhigay hadal qoraallada ay diiwaan geliyeen kuwaas oo ahaa soo jeedimaha Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray fadhiga maanta ayaa sheegay in nuqulada maanta loo qeybiyay Xildhibaannada iyo Sanatarrada in ay soo akhriyaan, waxaana uu Guddoomiyuhu tilmaamay in Xildhibaanada soo xaadiraan kulamada ka dhiman kalfadhigaan. Source: goobjoog.com
  20. Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa war cusub oo xasaasi ah kasoo saartay xiisadda diblumaasiyadeed ee u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda ee ay wada gaareen Abiy Axmed iyo madaxweynaha Somaliland. Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo wareysi siiyay MM Somali TV ayaa shaaca ka qaaday in kulan u dhexeeyo Xasan Sheekh iyo Abiy uu martigelinayo dalkiisa, balse ma shaacin goorta uu dhacayo. Maxamuud Cali Yuusuf ayaa xaqiijiyay in kulankan uu daba socdo kulan kale oo ay horay ugu yeesheen dalka Kenya, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray kulanka ka dhaca Jabuuti diiradda lagu saari doono xalinta khilaafka xoogan ee u dhexeeyo labada dal, ayna qayb ka tahay dadaalkaas Kenya. Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti oo hadakiisa sii wata ayaa xusay in gobolka ay ka jiraan dhibaatooyin kale, isla markaana aan loo baahneyn in xaaladda looga sii daro. “Gobolka wuxuu lahaa dhibaatooyin badan, dooni mayno dagaal cusub oo ka dhaca gobolka” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya. Dhinaca kale waxaa wasiirku mar kale uu ku celiyay mowqifka dowladda Jabuuti ee ixtiraamka madax bannaanida Soomaaliya. Si kastaba, illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan kulankaas, balse horay madaxweyne Xasan ayaa u sheegay inuu wadahadal la geli doonin ra’iisul wasaaraha Itoobiya illaa uu ka laabto heshiiska badda ee Somaliland. The post Xog: Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed oo ku kulmaya dalka Jabuuti – Maxaa soo kordhay? appeared first on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Xilldhibaan Faadumo oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay xog ku aadan darawalka madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo oo la xaqiijiyay inuu u goostay kooxda Al-Shabaab. Xildhibaannada oo Wariyeyaasha kula hadashay afaafka hore ee xarunta baarlamaanka ayaa sheegtay in la waayay darawalka oo lagu magacaabo Sahal Maxamed Xirsi, isla markaana arrintiisa si tartiib ah usoo ifbaxday saacadihii lasoo dhaafay. Sidoo kale waxa ay sheegtay in darawalka la waayay uu dhalay nabadoonkeeda, waxayna ka codsatay dowladda federalka Soomaaliya inay la raadiyaan ninkaasi. “Darawalka lama hayo maanta sideed nabadoonka beesheyda ayaa dhalay anaa xildhibaan u ah laamaha dowladda oo dhan waan wargeliyay,” ayay tiri xildhibaan Faadumod. Waxay intaasi sii raacisay “Laamaha dowladda waxaan ka codsanayaa inay soo caddeeyaan meel walbaba kaamiro ayaa ku xiran, si loo soo caddeeyo arrintiisa”. Sida ay xogtaan ku heshay Caasimada Online, Sahal wuxuu ahaa darawalkii qaaska ahaa ee Farmaajo, kaas oo waday gaarigii garoonka Aadan Cadde geeyey Farmaajo safarkii ugu dambeeyey ee Garoowe uu ku tegay. Sidoo kale Sahal ayaa gaarigii Farmaajo la baxsaday markii uu ka soo laabtay garoonka, waxaana naloo xaqiijiyey inuu isku dhiibay kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab. Xogta ayaa intaas kusii dareysaa in gaariga uu ka iibsaday magaalada Muqdisho, isla markaana uu horay u qaatay lacag kumanaan doollar ah oo gaarigii Brufta ahaa uu kala baxay. Sahal ayaa la sheegay in maalmo kahor uu ka degay magaalada Kismaayo ee Jubbaland, isla markaana uu kaga sii gudbay deegaanada ay joogaan Al-Shabaab, si kooxdaas uu ugu dhex noolaado. Ilaa hadda kooxda Farmaajo wax faah-faahin ah kama bixin halka uu ku dambeeyo darawalkii gaarka ahaa ee Farmaajo, balse dadka sida dhow ula socda arrintaan ayaa dib u xusuusanaya xaaladihii amni ee dalka ka jiray xiligii uu xukunka joogay Farmaajo. Markii uu dhacay weerarkii Hotelka VIlla Rays oo ku yaalla afaafka hore ee madaxtooyada, waxaa la waayey oo Shabaab u goostay darawalkii gaarka ah ee Maxamed Mursal guddoomiyihii golaha shacabka u joogay Farmaajo, taas oo muujisay heerka uu gaaray isku milanka hey’adaha dowladda iyo Al-Shabaab. In darawalkii Farmaajo uu Shabaab aaday maalmo kadib markii uu dhacay weerarkii Hotel SYL oo ku yaalla banaanka hore ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa sii badinaya shakiga laga qabo xiriirka ka dhaxeeya Al-Shabaab iyo kooxda Farmaajo. Maalmihii u dambeeyay dad badan oo ku dhex qarsanahaa hey’adaha dowladda ayaa lagu guuleystay in banaanka lasoo dhigo, kuwaas oo la shaqeyn jiray argagixisada, dadkaas waxaa laga xusuustaa masuuliyiin ka tirsanaa maamulka degmada Hodan, guddoomiyihii hore ee degmada Dharkenley iyo saraakiil la toogtay oo awoodooda ciidannimo ku gudbin jiray qaraxyadii lagu laayey dadka reer Muqdisho. The post War cusub oo kasoo kordhay darawalkii Farmaajo ee u goostay kooxda Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  22. President Hassan Sheikh Mohamud wrote the introductory message in Somalia’s discriminatory National Adaptation Programme of Action on Climate Change (NAPA). Mogadishu (Report PP) — Climate change is one of the environmental challenges facing Somalia, a fragile nation-state recovering from state collapse. Recurrent droughts, crop failures, and floods adversely affect the lives of millions of Somalis of different socio-economic backgrounds. Those problems posed by climate change to the lives of Somalis can be mitigated by the effective implementation of policies. The Somalia Ministry of Environment and Climate Change is mandated to “protect, conserve, and restore the environment of Somalia in order to improve and maintain the quality of life of its citizens through sustainable development.” The National Adaptation Programme of Action on Climate Change (NAPA) is the pathway to implement five projects to which the Ministry has committed funds from the Green Climate Fund (GCF). Flaws in Somalia’s National Adaptation Programme of Action on Climate Change (NAPA) Abidkarim Hussein Guled is the Special Presidential Envoy for Somaliland, formerly the Somali Federal Interior Minister and one-time President of Galmudug State of Somalia. An investigation by Puntland Post news website found that Somalia’s National Adaptation Programme of Action in Climate Change, written in 2013 with an introductory message by President Hassan Sheikh Mohamud, contains political favouritism and ethnic discrimination. Before the NAPA was launched, workshops had been held. Participants from the district of Las-Anod are listed in Table 21: List of Participants in Somaliland (page 81). Las-Anod is federally a part of the Puntland State of Somalia, but the Federal Government of Somalia allowed the Somaliland Administration to claim secession-based jurisdiction over Las-Anod. For this reason, the Federal Ministry of Environment and Climate Change considers the district to be part of territories controlled by Somaliland Administration. This designation partly fuels the conflict in Sool. The NAPA has not been revised to reflect the federal laws about the distribution of development aid and guidelines for the Federal Government of Somalia to work in partnership with Federal Member States. The flaw in NAPA contradicts the sentiment expressed in the introductory message by President Hassan Sheikh Mohamud: “Every person has the right to an environment that is not harmful to their health and well-being, and every person has the right to have a share of the natural resources of the country whilst being protected from excessive and damaging exploitation of these natural resources.” Ethnic discrimination in NAPA Khadija Mohamd Al-Makhzoumi is an MP and the Somalia Minister for Environment and Climate Change. Another flaw in the NAPA pertains to the categorisation of Somali social groups. Citing the International Union for Conservation of Nature (IUCN), NAPA classifies the ethnic make-up of Somalis thus: “While 85% of the population is Somali, the balance of 15% comprises people of Bantu and non-Somali origins.” The Jareer Weyn are a Somali clan. If the claim made by some Somali clans about their Arab genealogy does not render them non-Somali, why has NAPA singled out Jareer Weyn to categorise them as non-Somali? This categorisation constitutes ethnicity-based discrimination of Jareer Weyn Somali citizens based on their physical features. Missing in the list of the “major” Somali clans in NAPA are the Banadiri clan and other politically and traditionally discriminated clans, such as Gaboye. The NAPA violates Somalia’s provisional constitution. Nepotistic appointments and conflict of interest Although the Somalia Ministry of Environment and Climate Change is one of the few ministries that receives external funding to help Somalia cope with the impact of climate change, nepotism and conflicts of interest undermine programmes funded by the Green Climate Fund. The Minister, Khadija Mohamd Al-Makhzoumi, is an MP and the wife of Abidkarim Hussein Guled, the Special Presidential Envoy for Somaliland, formerly the Somali Federal Interior Minister and one-time President of Galmudug State of Somalia. Abdikarim’s appointment by President Hassan Sheikh Mohamud as a Special Presidential Envoy constitutes a conflict of interest that is reflected in how the Ministry implements projects, how it communicates its priorities and how it recruits staff. Keeping beneficiaries in the dark The website of the Somalia Ministry of Environment and Climate Change is written in English despite Somali being the official language of the Federal Republic of Somalia. The website of the Somalia Ministry of Environment and Climate Change is written in English. It does not have Somali language pages since Somali is the official language of the Federal Republic of Somalia. It contains scanty information about projects (5) and disbursements (10). It is unclear how much of the funds the Ministry has so far spent on the 5 projects listed on the website: (1) GCF Readiness in Somalia; (2) Preparatory Support (National Adaptation Plans Support Programme); (3) Promoting Resilience Through an Integrated Approach to Water, Environment, and Drought; (4) Support to Develop a Green Climate Fund (GCF) concept note and full proposal on Climate Resilient Agriculture (FAO); and (5) IWRM (Integrated Water Resource Management). Lack of data on the five projects the Ministry is implementing deprives funders, researchers and assessors of the opportunity to determine how the National Adaptation Programme of Action has been applied, even in its flawed and discriminatory form. The motivation to keep Somali citizens in the dark about the beneficiaries of the five projects may have to do with existing nepotism-based bias towards certain constituencies. © Puntland Post, 2024 The post Climate Change Projects in Somalia Are Undercut by Nepotism and Discrimination appeared first on Puntland Post.
  23. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga Guud, dhameystirka dimuqraadiyadda Puntland, xaaladda cudurada faafaha, xaaladda Deegaanka iyo Kor-u-qaadista Dalxiiska iyo illaalinta goobaha taariikhiga ah. Golaha Wasiirada ayaa soo saaray qodobo ku saabsan dhameystirka Dimuqraadiyadda Puntland, iyadoo la tixraacay warbixinta ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda. Qodobada ayaa kala ah : 1. Dhamaystirka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka 3-da Degmo ee dhiman oo kala ah Garoowe, Dangaroyo iyo Godobjiraan. 2. Fariisinta Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Dhiman ee Jariiban, Bursaalax, Murcanyo iyo Xumbays. 3. Tababarka 33-da Degmo iyo qoondaynta kharashkii ku bixi lahaa. 4. Dib-u-eegista shuruucda Doorashooyinka sida L.7 iyo Xeerarka Doorashooyinka. 5. Dhamaystirka Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC. 6. Dib-u-eegista iyo Is-waafijinta qodobada Dastuurka ee Is-khilaafsan. Sidoo kale waxaa Golaha looga hadlay : Amniga Guud: Wasaaradda Amniga ayaa Golaha la wadaagtay warbixinta Amniga Guud ee Puntland iyo shaqada socota ee lagu dardargelinayo sugida Amniga. Xaaladda Cudurada Faafa: Wasaaradda Caafimaadka ayaa Golaha la wadaagay xaaladda cudurada faafa sida Shuban-biyoodka iyo dadaalada Dowladdu Kula tacaalayso. Xaaladda Deegaanka Puntland: Wasaaradda Deegaanka, ayaa Golaha la wadaagtay warbixinta xaaladda deegaanka iyo howlgalada looga hortagayo xaalufka iyo waxkasta oo khatar ku ah deegaanka. Dalxiiska iyo Goobaha Taariikhiga ah: Wasaaradda Warfaafinta ayaa Golaha la wadaagtay warbixin ku saabsan dalxiiska Puntland, Illaalinta Goobaha taariikhiga ah iyo qorsheyaasha dhow ee ay ku horumarinayaan arrimaha Dalxiiska Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa faray dhammaan hay’adaha Dowladda in laga wada shaqeeyo addeega dowladeed ee Bulshada loo hayo, iyadoo la raacayo Siyaasadda iyo qorshaha Dowladda ee hortebinta leh. The post Qodoba ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiirada Puntland ee Khamiista Maanta ah appeared first on Puntland Post.
  1. Load more activity
  • Newsletter

    Want to keep up to date with all our latest news and information?

    Sign Up