All Activity

This stream auto-updates     

  1. Past hour
  2. Xunjuf, Oday dooda ku fiicna ayaa ahaan jirtay laakin baryahan Caay uun ayaa kasoo hadhay.
  3. Today
  4. 10000000_1584693465704642_3018169643737727120_n Qaran News
  5. That is a valid question. Here are a few more questions: Do we know how the gains will be shared, if and when oil had been discovered? Has anyone incl. Cabinet or Parliament seen the details of the agreement? Was there an agreement with the relevant FMSs? What will happen when another leader assumes the Presidency? Which companies are carrying out the exploration? What is their track record? How about environmental protection? The case of Guyana offshore oil discovery -------------------------------------------------------- There are already early warning signs. Oil companies paid Guyana’s government ministers a signing bonus of US$18 million which was placed illegally in a secret account. The oil deal itself is scandalously low – the oil companies will pay no tax and the royalty is set at a derisory 2%. Guyana will get a share of the profits but it will have no control over how those profits are calculated. ExxonMobil’s local subsidiary recently presented Guyana with a bill for over US$460 million for costs going back as far as 1999. The international business press reports that Guyana's oil fields could be among the most profitable of the decade – it is easy to see why. A FAIR DEAL FOR GUYANA - A FAIR DEAL FOR THE PLANET WWW.CROWDJUSTICE.COM ''A Fair Deal for Guyana - Fair Deal for the Planet' is a campaign by concerned citizens from Guyana and... The case of Nigeria and Shell ---------------------------------------
  6. Markabkii ugu horeeyay ee nooca dagaalka ah oo laga lee yahay dalka Turkigu ayaa maanta ku soo xirtay dekeda magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in markabka dushiisa lagu qabanayo munaasabad ku saabsan heshiiskii Turkiga iyo Soomaaliya oo ay ka qeyb-galaayaan madaxda ugu sarraysa dowladda Federaalka. Tan ayaa ah billowga dhaqangalka heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga ee ku saleysnaa ilaalinta xeebaha Soomaaliya, kaas oo mudadiisu tahay 10 sano sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya. “Heshiiska labada dal ayaa ah mid taageeraya horumarinta dhaqaalaha baluugga, kobcinta wax soo saarka kalluunka, dhisida kaabayaasha dhaqaalaha, ilaalinta khayraadka badda, la dagaallanka argagaxisada”. “Ka hor tagga wax kasta oo sharci darro ah oo la mariyo xeebaha Soomaaliya, waxa uuna Soomaaliya gaarsiin doonaa in ay dhisato Ciidan Badeed oo ku filnaada difaaca baddeenna” ayaa lagu yiri war ay daabacday warbaahinta dowladda Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Markab dagaal oo Turkigu lee yahay oo ku soo xirtay dekedda Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  7. Jidadka magaalada moosko waa kuwa cariiri iyo saxmad badan tirada dadka iyo gaadiidka sii kordhaya ayaana Sabab u ah, balse waxaa jira goobo waaweyn oo loogu talo-galay in baabuurta la dhigto, bulshaduna ay ku nastaan. Goobahaas waxaa kamida fagaaraha lagu magacaabo biisaabaarig oo kamida baarkinada iyo bar-siineedyada ugu caansan,uguna waaweyn caasimadda moosko. Biisaabaarig waa meel aad u dhiraysan oo xir ah, geedo dhaadheer oo wada doog ah Ayaana ku yaal, wuxuuna dhacaa dhinaca koofureed ee magaalada. Dadka ayaa nasiino iyo damaashaad u Taga xilliyada aanay howlaha ku foognayn ama ay faro taagtaaga maalinlaha ah ama shaqada ka gacan banaanyihiin, sidoo madaxda iyo martida dalkaa booqda ayaa indha doogsi ahaan u aada. Waa goob sida baararka loogu caweeyo, qamrigana lagu cabo oo baashaal iyo bajiino loo sameeyay, neecow iyo nasiinona loo aado. Maalin maalmaha kamida taariikhduna ay ahayd 15-ka Bishii 10-aad sanadkii 2005 waxay boolisku goobtaa ka dhex heleen meydka haweenay 31 jir ah oo lagu magacaabo likulay foorbiya. waxaa Iska caddayd in la dilay,balse dhaawac ama nabar ihi oogadeeda kama aanay muuqan markii meydkeeda La arkay, dhalo ama quraarad qamri ah ayaana madexeeda agtiil, kiiskeeduna wax raad baaritaan ah Ma aanu yeelan oo ciddii dishay iyo qaabka loo dilay midna waa la garan waayay. Bil ka dib waxaa isla goobtii laga helay meydka nin 63 jir ah, todobaad ka dib meyd kale ayaa is la goobtii lagu arkay. Argagaxii ayaa kordhay cidda dadka laynaysana waa la garan waayay, Laba bilood gudohoodna waxay tirada meydadka goobtaa laga halay gaartay 7 qof. Midda la yaabka leh ayaa ah in dhammaan dadkaas loo dilay qaab isku mid ah,mid walbana dhalo ama quraarad qamri ah madaxa agtiisa loo dhigay. Walwalka iyo cabsida dadka caasimadda ayaa kordhay, fagaarihii damaashaadka iyo nasiinada loo soo aadi jirayna wuxuu noqday mid agtiisa ka fogaado oo bahlo galeen ah.. Boolisku wax alliyo waxay sameeyaan aay garan waayeen, hadal-haynta bulshaduna waxay ahayd dilalkii ayaa silsilad noqday gacan ku dhiigleyaashana in la soo qabto iskaba daaye xittaa lama yaqaan. Dilaaga dhiigyada cabka ah ee aan la garanayn jinni iyo insi cidda uu yahay dadkana tarab tarabta u laynaya, waxaa loo bixiyay bahalkii biisaabaarig oo waxa uu noqday mid carruurta lagu cabsiiyo, lagana acuudu bilaysto. Booliiska iyo baareyaasha kiiska ku howlanaa waxay isku dayeen inay raacaan raad walba oo suurt-gal ah oo xitaa dhoola-caddayn muujinaysa inuu qofku dhagar Maaganyahay ayay raadiyeen,balse waxba ma aanay helin. Dhaqaatiir biology ama dna-da oo kiiska baaray ayaa dhankooda Sheegay inay ogaadeen hubka ama qalabka loo adeegsaday dilka dadka la laayay, waxayna sheegeen inay burus ama dubbe loo adeegsaday. Todobaadyo gudohood waxaa goobtii lagu soo daadiyay boqolaal kamida ciidanka booliska iyo kuwa sirdoonka si ay dhaqaaqa goobta iyo cidda galaysa ula socdaan. Meel kasta askarta ayaa taagan balse dilsku weli way socdaan dilaagana wax xog ah lagama hayo, taasina waxay jahwareer iyo niyad-jab ku riday qaar kamida ciiidan,waxayna aamineen inaanay suur-gal ahayn in dambiilaha la qabto ama xittaa la aqoonsado. Magaalada mooskow oo ay malaayiini ku noolyihiin ayaa laga dhex raadinayaa Hal qof oo aan muuqaal ahaan dadka ka duwanayn, Astaan gaar ahna lahayn taasi waxay la mid tahay adigoo lagu yiri Hal tin badda ka soo dhex qabo. Xaaladdu way sii cakirantahay oo cabsidii ayaa korartay, balse midda la yaabka leh ayaa ahayd in dhibaneyaashu ay dhammaantood rag ahaayeen ama u badnaayeen, waxa lagu beegsadayna aan la garanayn.. Muddo dhaadheer ayaa la hadal Hayay gacanku dhiiglaha iyo xogo aan sugnayn oo la xariira, waxaana hadal-hayntaas kamid ahayd inuu dilaaga yahay qof dhimirka ka xanuun ama xaalad nafsaani ah ku jira oo lagu hayo cilaaj goobta u dhaw, si uu ugu nafisona meesha loo keeno. Aragtida caynkaas ihi booliska maan-gal ayay la noqatay, maxaa yeelay waxay rumaysnaayeen in haddii dambiiluhu uu qof caadi ah yaha mar hore la soo qaban lahaa ama la aqoonsan lahaa. Baaritaan buuxa ayay ku sameeyeen goobtii cilaajka ahayd iyo qof walba oo ay ka shakisanaayeen balse waxba ma aanay helin. Maalin maalmaha kamida laba askari oo goobta dhex marayay ayaa arkay qof dumarka u eg oo ordaya, labiskiisa iyo muuqaalkiisuna ay argagax leeyihiin oo si u basaasan, Una qaab daran. Askartii way ka daba ordeen oo cagta ayay cagta u saareen, ka dibna way soo qabteen, baaritaan ay ku sameeyeenna waxay ku ogaadeen inuu rag yahay, jeebkana uu burus ama dubbe ku wato. Ayagoo faraxsan oo isleh gacan ku dhiiglihii ayaad haysaan bay dhinaca sal-dhigga ula jiciirteen,balse weydiimihii oobiga ayuu ku sheegay inaanu dambiile ahayn ee uu yahay qof dad kale abuur ahaan ka duwan, buruskana uu u Sito inuu isku daafaco maadaama uu ka baqayo inuu muuqaalkiisa dartiis loo beegsado. Booliiskii iyo bulshadiiyoo dhami ma aanay rumaysan hadalkiisa, waxaana boqolkiiba boqol la aaminay gacanku dhiiglihii yahay, balse baaritaan la sameeyay wax caddayna oo tuhun ka baxsan waa lagu waayay. Intuu uu xabsiga ku jiray ayaa waxaa goobtii laga helay meydka haweenay 25 jir oo goob ganacsi ka shaqaynasay, ka dib meydka kale iyo mid 3-aad laga helay goobtii waqti yar gudihiis, dilalkii dhacay intuu xirnaana 12 ayay gaareen taasoo booliska u caddaysay inaanu maskiinkan xirani gacan ku dhiiglihii ahayn. Arrinta kale ee booliska jahwareerka ku riday ayaa ah inuu moogaan dilaagaa dumarka si gaar ah u beegsanayo, oo meydadka la helay ay intooda badani haween yihiin. Boolisku waxay goobtii ku xirteen kaamiradaha qarsoon si ay ula socdaan dhaqdhaqaada aagaas iyo cidda dadka laynaysa. Bishii January sanadkii 2006 waxay boolisku heleen meydka haweenay 36 jir ah oo lagu magacaabo maariyaana masakalasoofa oo ka shaqaynaysay goob ganacsi. Laba maalin ka dib wiiil ay dhashay maariyaana ayaa booliska u sheegay in hooyadii markii ugu war dambaysay ay la socatay nin lagu magacaabo saashaa. Baaritaan dheeraada oo la sameeyay ayaa lagu soo helay magaciisa oo dhammaystiran iyo numberkiisa is gaarsiineed, wuxuuna magiciisu ahaa Aliskaandar bilishooshki… Sidoo muuqaal ay kaamirada qarsooni duubeen oo muujinaya aliskaandar oo ay maariyaaana la socato, burus ama dubbena gacanta ku wata ayay boolisku heleen. 16-kii bishii janaayo sanadkii 2006 waxaa gacanta lagu soo dhigay aliskaandar bilishooshki, balse wuu dafiray inuu wax dambi ah ku lugleeyay, boolisku’se waxay inuu gacan ku dhiigle yahay u cuskadeen muuqaal ay kaamirada qarsooni duubeen iyo warqad laga helay jeebka maariyaana. Baaritaan dheer ka dib wuxuu qirtay inuu ka dambeeyay dilka maariyaana oo uu sheegay inuu ka dhexeeyay muran xagga shaqada ihi.. Maalmo ka dibna wuxuu dabool ka qaaday inuu ka dambeeyay dhammaan dilalkii goobtaa ka dhacay oo tirodoodu ahayd 61. Wuxuu sheegay inuu dadka u laynayay si uu adduunka dhibkiisa uga diro ee aanu xaasidnima u dilayn, wuxuuna booliiska tusay Sidii uu wax u khaarajin jiray. Boolisku waxay baaritaankooda ku ogaadeen inuu dilay 52 ruux, balse asagu wuxuu ku dooday inay tiradu intaa ka badan tahay oo 61 qof kur ka karay. Caafimaadkiisa iyo dhimirkiisa ayaa laga shakiyay balse baaritaan ka dib waxay dhaqaatiirku sheegeen inaanu waxba qabin. 29 oktoobar sanadkii 2007 waxaa Aleksandar lagu xukumay xabsi daaim. Source: goobjoog.com
  8. Mogadishu (HOL) - Turkish Navy Ship Kınalıada F514 docked at Mogadishu Sea Port on Tuesday following the signing of a defense and economic agreement between Somalia and Turkey in February 2024. Source: Hiiraan Online
  9. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federalka Soomaaliya ayaa baaq nabadeed u dirtay beelaha walaalaha ah ee ay dirirtu ku dhexmartay qaybo ka mid a dalka, gaar ahaan deegaannada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in hadafka dowladda uu yahay horumarinta dedaallada nabadeynta iyo heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed, balse ay waajib tahay in loo midoobo la dagaallanka Khawaarijta maaddaama ay argagixisadu tahay kuwo naaxiya dagaallada sokeeye. Source: goobjoog.com
  10. Aan ku bilaabo’e: Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxu 24 saacadood kahor saxeexay warqaddii ugu muhiimsanayd ee dhammaadka muddo xileedkiisa, waa warqaddii in doorasho loo dareero. Haa, halkaa waxa ku soo dhammaanaya 7 sanadood oo Muuse hayey xukunka Somaliland. Saacadda madaxweyne saxeexo in doorasho loo dareero waa saacadda qiyaamuhu dhaco oo kale ee aan madaxweynayaasha xil iyo xoolo toona loo doonan, xitaa telefoonada aan laga qaban, dadkuna sida daruuraha u guur guuro. Taliyayaasha ciidamaduna iska xaadiriyaan xarumaha mucaaradka. Aan ku yara noqonno 2017kiiye, anigu Muuse imaatinkiisii baan wax ku lahaa, weliba hawl badani iga soo martay. Sababta oo ah waxan ka filayey in uu noqon karo geed weyn oo damal ah oo iska daa Soomaali e’ Afrika ka shaqeeya ururinteeda iyo midnimadeeda. Xilligii ololaha marka la’ i weydiiyo aragtida iyo hoggaaminta Muuse waxan cod bixiyayaasha ku odhan jirey “Muuse waa Paul Kagame, madaxweynaha Rwanda oo kale, ninkaas uun buu ku bannaan yahay”. Si aan taa u xaqiijiyo bal aan inyar kula wadaago dhibtii aan u maray. Marka laga tago ololihii, marka laga tago wax ka dejintii qorshaha guusha, marka laga tago is barbar taaggii xilligii uu dhawrka qof haystay, marka laga tago dooddii iyo dirirtii aanu dad badan isku seegnay, marka aanan xusin safaradii dhaadheeraa ee maalin-gaalka iyo guuraha lahaa ee Sool, Sanaag illaa Awdal, xitaa kuwii qurbaha iyo qaboobaha. U codayntiisii oo keli ah saddex jeer baan England uga soo dhoofay. Saddexda jeer waxa ay kala ahaayeen: Kow; Is-diiwaan gelintii koowaad oo aan maalintii ugu dambaysay iska diiwaan geliyey tuulada Coodanle oo ka tirsan Degmada Buuhoodle. Laba; kaadh qaadashadii oo inta aan maalin Khamiis ah ka soo baxay London, flydubai subax hore ku imi Hargeisa, baabuur Landcruser ah ka kaxaystay, Jimcihii 4tii galabnimona aan noqday qofkii ugu dambaysay ee card kiisa ka qaata Qorulugud. Saddex: Codayntiina aniga oo 3 Habeen iyo 3 maalmood u soo jeeday ololihiisa, maalintii doorashada oo dhanna aan shaqaynayey, baan casar gaabkii tuulada Balli Calanle oo Burco u jirta 150km ka soo codeeyey, si aanu codkayga ugu dhicin, sababta oo ah Balli Calanle waa meeshii 2003 sanduuqii yaallay ee Siilaanyo codka u badan lahaa la kansal gareeyey, sidaasna uu ku waayey Madaxweyne-nimadii. 14 sanadood ayaa u dhaxaysay galabtaas iyo galabtan aan dul taaganahay sanduuqii Balli Calanle laftiisii. Habeenkaas waraaqaha codaynta la soo daad guraynayeyna intiisii badnayd waan soconayey oo baabuur baan waday, hawsha oo badnayd darteed, iyo in aan wax khilaaf ahi dhulkan oo ah dhulka gobolka Togdheer ugu cod badan aanu ka dhicin. Balli-dhiig illaa Burco ayaan marba tuullo tegeyey, aniga oo weliba inta badan hurda ayaan haddana baabuurka waday, waan xasuustaa si aan indhaha u kala qaado marba inta aan istaago baan caagad biyo ah madaxa iskaga shubayey. Waxan hubaa in ragga maanta Madaxweyne Muuse la jooga aanu ku jirin nin qudha oo intaa u maray doorashadiisii oo celcelis ahaan illaa Europe illaa Hawd 30,000 oo kiiloomitir u socday in uu Muuse noqdo madaxweyne. Sababtaas baan uga gaabsaday in aan Muuse Biixi iyo todobadiisii sanadood ee taariikhiga ahaa wax ka sheeg sheego oo aan marba fartayda dhinacyada ka eego. Maantana ku fogaan maayo ee si aanu madaxweynaha ka dambeeyaa ugu dhicin qaladaadkii oo kale ayaan u qorayaa dhawr qalad oo waaweyn oo Muuse ku dhacay. Waa cashar ee ma’aha siyaasad. Madaxweyne Muuse wuxu sameeyey qaladaad badan, fursado badanna wuu lumiyey. Xitaa waxa soo martay mar bilowgii 2020kii loo cumaamaday in uu noqdo boqorka 30ka malyuun ee Soomaaliyeed, oo ahayd meeshii aan la’ jeclaa, laakiin ay taladu seegtay oo uu qaadan kari waayey. Hadda kama hadlayo arrimahaas iyo qaladaadkii odaygu uu galay oo dhan oo ay ugu weynayd tii Laascaanood. Sidoo kale ka hadli maayo qaladaadkii maamul, maaliyadeed, milateri, cadaaladeed iyo horumarineed ee maalinlaha ahaa, inkasta oo aanay ahayn in ay dhacaan haddana way dhacaan, waana laga kabtaa. Laakiin qaladaadka laf jabka ah ee istaraatiijiga ahi waa jab iyo fashil. Halkan waxan kaga hadlayaa 4 qalad oo waaweyn oo gudaha Somaliland ah. Bal ila eeg 4 tan qalad oo ahaa kuwii dhalay wixii ka xumaaday oo dhan. Qaladka koowaad: Madaxweyne Muuse marnaba muu dhisan, mana uu lahayn “cabinet” ama Gole Wasiirro oo run ah todobadaas sanadoodba. December 2017kii ayuu dhisay Golaha Agaasimayaasha, 2022 kiina waabu ka maarmay agaasimayaashii. Madaxweyne Muuse, markii uu xukuumadda dhisay kaddib ayaa guddoomiye kamid ah xisbiyada mucaaradku weydiiyey wuxu ku falay dadkan uu ku sheegay wasiirada ee Muuse laftiisa haddii la’ weydiiyo aanu qaar badan oo uu wasiiro u magacaabay garanayn ba (illaa todoba kamid ah weligii muu arag, iyaguna weligood TV moojaane toos umay arag). Muuse wuxu ku yidhi guddoomiyahaas “waar ma rabo dad ila murma”. Taas waxaaba ii sii xaqiijiyey nin ku magacaaban wasiir laakiin ah agaasime wanaagsan baan maalin ku idhi waar maxaad u hadli weydeen ee madaxweynahan iyo xisbigan dhulka la jiidayo u difaaci weydeen, wuxu igu yidhi haddii aan hadlo madaxweynaha ayaa i xasuusanaya. Halka Madaxweyne Muuse soo dhisay xukuumaddaas aan la’ murmayn ee uu doorbiday in uu noqdo keli-jire, halkii uu ka noqon lahaa wadar-jire, waxan anigu goob joog u soo ahaa oo aan wada garanayaa dowladdihii ay soo dhiseen madaxweynayaashii Muuse ka horreeyey, illaa madaxweyne Cabdiraxman Tuur iyo xukuumaddiisii dhammayska ahayd. Bal mid kamid ah xukuumadahaas aan tusaale u soo qaato: Madaxweyne Cigaal 1997kii wuxu soo dhisay xukuumad ahayd mar la’arag. Wuxu golishiisa wasiirada isugu keenay madaxweynayaal, waxannu ku naanaysi jirnay xukuumaddii madaxweynayaasha. Daahir Riyaale ayuu markii koowaad-ba madaxweyne ku xigeen u xushay, Ambassador Fagadhe oo cilmiga diblomaasiyadda aqoon durugsan u lahaa, muddo dheerna kamid ahaa madaxda sare ee hay’adda ILO, Kofi Anan, Beutrous Qali, Isayas Afawerqi, Meles Zenawi iyo madaxda kale oo gobolkubana ay aad u dhegeysan jireen ayuu Wasaaradda Arimaha Dibadda u dhiibay. Axmed Yuusuf Ducaale oo 1967kii ahaa Wasiirkii Arimaha Dibadda ee Soomaaliya ayuu Tacliinta u dhiibay, Madaxweyne Siilaanyo ayuu ka dhigay wasiirkiisa Maaliyadda, Dr Gaboose oo shirkii Cigaal lagu doortay guddoonkiisa iyo qabsoomiddiisaba lahaa ayuu Arimaha Gudaha iyo Amniga u dhiibay, Cabdillahi Darawal ayuu ka dhigay Wasiirka Dib u dhiska iyo Dib u dejinta, Dr Cabdi Aw Daahir caafimaadka, Prof Caynab Gaashaandhigga, liiska goluhu waa dheeraa Prof. Gees, Ambassador Abdullahi M Ducaale, Siyaasi Cali Warancadde, iyo xitaa aftahankii Jaamac Gaas Macaawiye oo 21 sano Wasiir ka soo ahaa dowladdii Maxamed Siyaad ayuu wasiiro ka dhigtay oo waaya aragnimadiisa ka maarmi waayey. Cigaal wuxu ahaa another level. Madaxweyne Muusena, Shukri Bandare oo 14 sano ku magacawnayd Wasiirka Environment ka oo intay daashay daashay boqol jeer ku tidhi in aan nasto baan rabaa ee i beddel ayuu dhegeysan waayey, oo beddeli waayey, iyada oo ay suuqa joogaan 100 siyaasi oo karti iyo aqoon leh oo reer Oodweyne ah, oo boqol meelood wax uga tari lahaa. Sacad oo ku magacaaban Wasiirka maaliyaddu 2 sano kahor ayuu codsaday shaqo ka tegis, laakiin dowladi waxa ay ku shaqaysaa aqoonta, ilaalinta, kartida iyo xil kasnimada goleheeda wasiirada. Isku shaandhaynta iyo is beddelkeeduna waa sida saliidda olyada baabuurta ee ay waajibka tahay in muddadiiba mar la kala beddelo. Muuse adduunka wuxu ugu necbaa kelmadda isku shaandhayn, waxa laga sheegay “hebel ku beddel hebel maxay soo kordhinaysaa”. Dabcan, Dowladnimaduba waa hebel oo shaqayn waayey ku beddel hebel oo ka karti badan, laakiin waa marka shaqo la rabo. Qaladka Labaad: Madaxweyne Muuse wuxu bilowgiiba joojiyey wareeggii lacagta ee suuqa Kelmaddii “Handaraab” ma ahayn kelmad u fiican dhaqaalaha, maalgashiga iyo wax kala iibsiga. Qofka yaqaanna inta ugu yar ee cilmiga dhaqaalaha wuu fahmayaa in haddii aad joojiso wareegga lacagta ay saamaynayso miisaaniyaddaada oo dakhliga iyo cashuurtuba ay hoos u dhacayaan, dadkuna aanay wax nafleh kala iibsanayn. Waa sidii qasabadda biyaha oo aad dhexda ka jartay, afkana ka sugayso in biyo kaaga soo dhacaan. Xukuumadaha Ingiriisku marka dhaqaaluhu yara liico waxa ay sii daayaan mashaariic badan si lacag fiicani suuqa u gasho oo wax loo kala iibsado. Haddaba handaraabkii Muuse, aafadii ka dhalatay waa tii Sheekh Aadan Siiro “Allah yarxamhu” inoo sharxi jirey ee odhan jirey “waa la soo ootay”, busaarad aawadeed. Qaladka 3-aad: Madaxweyne Muuse wuxu guurey geeddi qaldan Dunida kale oo dhan qofka ku doorta waa la sharfaa oo la weyneeyaa, oo loo abaal gudaa, taladaa wax laga siiyaa, adiga oo isaga haysta ayaa la raadiyaa inta kaa maqan. Muuse dagaalkii koowaad wuxu ku qaaday xisbigiisii, taageerayaashii, u codeeyayaashiisii, iyo power base kiisii, weliba iyaga oo jecel, oo aan kursiga ku haysan, codkoodana mar walba ula diyaar ah. Bari illaa galbeed madaxweyne Muuse taageerayaashii xisbigiisa wuu tuuray, gaar ahaan boqolaalkii kun ee uga codeeyey Togdheer, Sool, Sanaag iyo Saaxil. Qoladii galbeedna muddo dheer ayay ahaayeen gacmo ku gabbad. Fartiinnaa eedeysaan waxay ahayd farriin ku cusub taariikhda siyaasadda adduunka, mana tirmayso weligeed. Nin reer Hargeisa ah oo aqoon durugsan u leh culuumta siyaasadda ayaan weydiiyey hal shay oo uu ku xusuusan doono madaxweyne Muuse. Ninkaas political scientist ka ahi wuxu igu yidhi: “Sidii David Axelrod u ahaa madixii ololaha madaxweyne Obama ayaa Muuse Biixi na todoba sanadood u ahaa madixii ololaha ee Cabdiraxman Cirro”. Arrintaas professor-ku waxay i xasuusisay qiso ku dhacday nin shiidaalka ka ganacsada, ninkaas oo kamid ahaa dadkii aad ugu ololeeyey Muuse Biixi ayaa bilowgii xukunka Muuse dalka keenay markab shiidaal. Markii shiidaalkii Berbera yimi ayuu Madaxweynuhu diiday in la shubo, 45 maalmood markii uu markabkii badda taagnaa ee ganaax ku socday ayaa waxa madaxtooyada tegey mid kamid ah dadkii ka codeeyey ee mucaaradka ahaa, markaas buu ku yidhi madaxweyne markabka ii sii daa waxbaan ku leeyahaye. Sorry buu yidhi waxan moodayey in ay leeyihiin qoladii kursiga i saartay. Sidii buu ku sii daayey markabkii oo dekedda berbera uu ugu ogolaaday. Waxa taa ka sii yaab badnaa sida uu u fogeeyey saddexdii ganacsade ee waaweynaa ee kala ahaa Maxamed Aw Siciid, Maxamed Siciid Ducaale iyo Axmed Cismaan Geelle, kuwaas oo saamayn aad u badan ku lahaa guud ahaan shacabka Somaliland gaar ahaannna u codeeyayaasha Kulmiye. Ganacsiga kale ee faraha badan ee ay lahaayeen dadkii doortay ee uu xannibay, qaarkoodna illaa maanta xanniban yihiin idinba waad wada ogtihiin. Waxa iyana la’ yaab ahayd oo waxaba ka sii darnayd maalintii ninkii Maxamuud Xaashi ee aanu weligii Muuse madaxweyne noqdeen la’aantii uu yidhi xisbiga Kulmiye ma’aha oo kama tirsana, dad badan baa yidhi oo haddaa yaa ah Kulmiye! Xilligii daraawiish ayaa wiil isku darsaday karti, geesinimo, cilmi, aftahanimo iyo akhlaaq, niman Sayidka la joogay ka masayreen. Kaddib aabihii bay ku yidhaahdeen wiilkaagu waa caasiyoobay oo sayidkii ayuu xukunka ku haystaa, ee intaanu xujoobin wax ka qabo. Odaygii waxba ma hubsane wiilkiisii oo iska hurda ayuu xabbad ku soo dhuftay. Kaddibna Sayidkii ayuu warkii kula soo kallahay oo ku yidhi wiilkaygii kugu caasiyey anigaa gacantayda ku soo dilay. Sayid Maxamed wuxu yidhi hadal taariikhda galay oo ahaa: Hebelow, haddii anigu aan wiilkaas oo kale dhali lahaa iskama dileen. Nin raba in dowladdiisu guuleysato Maxamuud Xaashi oo in badan diyaar u ahaa in uu la shaqeeyo ma dayriyeen, kumana beddesheen “waxba”. Kolley anigu, waa halkii Sayidka e’ iskama fogeeyeen Ina Xaashi oo kale. Ugu yaraan waxan is lahaa marka uu laba sano xilka hayo “midterm” kiisa marka xaalku ku adkaado ayuu sidii Raisal Wasaaraha Ingiriiska ee Rishi Sunak odhan doonaa “waar intii aan garanayey way dhaaftay ee ninkii gaadhigan wadi jirey ee David Cameron ii doona”. Runtii arrimahaas oo dhami may ahayn qaladaad siyaasadeed ee waxay ahaayeen strategic mistakes, weliba qalad istaraatiiji ah oo hoggaanka soo socda ee Kulmiye saamayn ku yeelan doona. Qaladka 4-aad: Jidkii qodxaha lahaa Madaxweyne Muuse wuxu 30 sano kahor indhaha siyaasadda ku kala qaaday Madaxweyne Cigaal. Kaddibna farsamo u shaqaysay Maxamed X Ibraahim Cigaal ayuu manaam iyo riyo ku arkay in isagana ay u shaqayn karto. Waxa hubaal ah haddii aanu dhici lahayn dagaalkii October 1994kii ee Jaamac Maxamed Qaalib hoggaaminayey in Cigaal kursiga waayi lahaa doorashadii dhici lahayd sannad kaddib 1995. Siilaanyo wuxu nagu yidhi “Jaamac Yare aad baan ula hadlay oo ku idhi haddii dagaal dhaco doorasho dhici mayso, haddii doorasho dhici weydana Cigaal baa joogaya oo kursigu bannaanaan maayo ee adigu Cigaal ha ka dhigin “President for life”Madaxweyne aan weligii dhicin”. Runtii sidii Siilaanyo sii saadaaliyey bay u dhacday. Dagaalkii wuu dhacay, waxaana ka dhashay madaxweynihii 6da bilood u hadhsanaayeen in uu kursiga ku sii fadhiyo 9 sanadood oo kale illaa uu ka geeryooday. Muuse Biiixi illaa bilowgiiba sawirkaas baa maskaxdiisii ku wareegayey, iyo sidii uu mar kale u ciyaari lahaa ciyaartaas duugga ah ee 30 jirka ah. Arrintaasina waqti badan, fikir badan iyo dhaqaale badan bay ka khasaarisay Madaxweyne Muuse. Laakiin wuxu qaldayey in isaguna aanu ahayn Cigaalkii 1994kii, mucaaradka maantuna aanu ahayn kii Salbalaar ee xaafadda Tarabuunka ee Xamar laga hoggaaminayey, isbahaysigii marya aloolka ee 1994/1995 na aanu maanta jirin, xitaa aanay suurtagal ahayn in la sameeyo, siyaasadda maanta ee gobolkuna aanay ahayn tii iska hurudday ee jirtay 30 sano kahor. Fikrikaas ku dayashada aan suurtagalka ahayni waxa ay i xasuusisay sheekadan: Bilowgii sagaashamaadkii ayaa waxa xaafadda Shola Manganaaya ee Addis Ababa noogu sheekeeyey ninkii ku dayday madaxweynihii Masar ee Jamaal Cabdinaasir. Ninkaasi wuxu ahaa nin weyn oo reer Cadmeedkii hore ahaa, wuxu yidhi sanadihii kontomaadkii waxan indhaha ku kala qaaday Jamaal Cabdinaasir oo ah hoggaamiyaha Carab ugu saamaynta badan, wuxu dhalinyarada carbeed u ahaa tusaale ay ku daydaan, waa run oo Mucammar Al Qaddaafigii Liibiyaba wuxu ku riyoon jirey in uu mar uun noqdo Jamaalkii yaraa ee carbeed. Xiligaas ayuu yidhi baa waxa nalooga sheekeeyey in Jamaal aqoon durugsan u leeyahay dabbaabaadka ama kaarayaasha, kaddibna waxan jeclaystay in aan barto dabbaabaadka si aan u noqdo Jamaalkii Soomaalida. Warqad dheer baan u qoray buu yidhi Madaxweyne Jamaal Abdulnaasir, xilligu waa 1958kii, Masar waxa ay Cadan ku lahayd xafiis sida qunsiliyadda u shaqeeya, warqaddii markii aan dhammeeyey waxaan geeyey buu yidhi qunsiliyaddii Masar ee Cadmeed si ay ugu gudbiyaan madaxweynahooda, maaddaama ay adag tahay in warqad caadi ah oo aan boosta ku diraa u tagto Madaxweyne Jamaal. Bil kaddib qunsuliyaddii waxay ii soo dirtay farriin ah in ay ii hayaan jawaab ka timi Qaahira. Aniga oo u qaadan la’ baan u tegey buu yidhi, waaba warqad ka timi Madaxtooyadii Masar. Madaxweyne Jamaal Abdinaasir wuu iiga soo mahad celiyey salaantii iyo ammaantii aan u diray, laakiin wuxu ii sheegay in Soomaaliya aanay xor ahayn, isla markaana lahayn dabaabado, laakiin Masar diyaar ula tahay in ay baraan culuumta kale ee uu rabo in uu barto. Haddaba, sidii ku dhacday ninkaa iska jibbooday ee Jamaal Cabdinaasir iskaga dayday ayaa Madaxweyne Muusena ku dhacday. Bilowgiiba waxay ahayd in Muuse Biixi aanu waxaas waqti iskaga lumin, sababta oo ah xilligan la joogo ee dunida uu hago social media-hu dagaalku waa sida kayn dab qabsaday oo aan la’ xakamayn karin, waad bilaabi kartaa laakiin ma joojin kartid, sidoo kale ma ogid haddii xabbadi dhacdo meesha ay ku dambayn doonto xabbadaasi. Xilliyadana in Somaliland dagaal ka dhaco waxa ku ducaysta xoogagga argagixisada ee Al Shabaab iyo Daacish, oo habeen iyo maalin ilaahay ka barya, iyaga oo ka dhex raadinaya fursad shaydaan oo ay ku xasuuqaan shacabkeeda, sida ay u xasuuqayaan shacabka Soomaaliyeed ee kaleba. Xilligana waxa ka hortaagan nabadda, maamulka dowliga ah oo iyaga hortood dhismay iyo shacabka oo iskaashaday ayaa maanta ka hortaagan soo dhex-galka bulshada. Sidaas darteed inta uu dagaal sokeeye fursad ka raadinayey waxa ay ahayd in Muuse uu shantiisa sano iyo labada suubbiska ah, 7dii saas sanadood si xasilloon oo xarrago iyo waxqabad leh u qaato, kaddibna 2024 Xisbigiisa Kulmiye ka soo sharraxo nin miisaan leh oo Galbeedka Burco ah. Isaguna maaddaama uu 2025 noqonayo 80 jir uu si sharaf leh u ritaayaro, oo xurmo iyo taariikh xasiloon oo lagu xusuusto ka tago. Sidiisaba, madaxweyne, dirham iyo diinnaar toona lagama dhaxlo oo kama tago, xitaa 30 sano kaddib guryaha aynu maanta ku jirno dadkii koowaad ee lahaa lama xasuusan doono, tan rasmiga ahina waxa ay tahay madaxweyne wuxu ka tagaa taariikh iyo legacy. Laakiin macal asaf, I am so sorry! hadda wax kastaa way talo xumaysteen, waqtigiina wuu dhammaaday. Ciilow ba’ay talo xumaan cudur ka weynayne. ii oggolow in qormadan aan ku soo afmeero beydad kamid ah maansadii Hadraawi ee Galangal ee soo baxday 1983kii oo aad mooddo in ay maanta taagan tahay. Hadraawina wuxu yidhi: Gebegebada sheekada Gabaygaygan kama wado Gaaxnuug la talintii Gabbal dhacay ka hadalkii Hadda galabta sheekada Waxan uga gol leeyahay Samihiyo is garabsiga Berri yaan la gees marin (Hadraawi, Galangal 1983). W/Q: Senator Cismaan Dubbe The post Maxaad ka ogtahay afarta qalad weyn ee uu galay MUUSE BIIXI? appeared first on Caasimada Online.
  11. 10 ka mid ah shaqaale diyaaradeed ayaa dhintay ka dib markii ay isku dhaceen laba diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin ciidamada badda ee Malaysia, kuwaas oo si xun u burburay. Ciidamada badda ee Maleesiya ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in labada diyaaradood ay isku dhaceen subaxnimadii Talaadada, xilli ay ka qeyb qaadanayeen tababar dhanka hawada ah oo ka dhacayay waqooyiga Lumut, halkaasoo xarun u ah ciidamada badda. Shilal diyaaradaha militari-ga ayaa ku soo kordhaya qaaradda Aasiya, horraantii todobaadkan ayayna ahayd jeerkii ay labada diyaaradood oo ciidamada Jaban ay leeyihiin la waayay, ka dibna la xaqiijiyay inay burbureen, waxaana inta la xaqiijiyay shilkaa ka dhashay dhimashada hal qof iyo 7 kale oo nolol iyo geeriba lagu waayay. Source: goobjoog.com
  12. Waxaa bilowday dhaqangelinta heshiiska difaaca Soomaaliya iyo Turkiga iyada oo markab dagaal oo laga leeyahay dalka dambe oo soo gaaray xeebaha dalka, kuna soo xirnayo Muqdisho, madax kale duwan ayaa gaartay dekadda. Sida ay baahisay warbaahinta dowladda, waxana lagu wadaa in markabka dushiisa ay tagaan madax ka tirsan Dawladda Federaalka, kuwaas oo daahfuraya dhaqangelinta heshiiska difaaca xeebaha iyo kheyraadka badda ee dhowaan labada dowladood ay ku kala sixiixdeen Turkiga gaar ahaan Ankara. Muddooyinkaankii dambe la hadal haayay in dalka ay soo gaarayaan maraakiib kuwa dagaalka uu laga leeyahay Turkiga, heshiiskaan ayaa kusoo aaday maalmo kadib markii dowladdu ka carootay heshiiskii ay xukuumadda Itoobiya la gashay maamulka Somaliland, xilli la sheegay inuu heshiisku muddo soo socday. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu daahfuro dhaqangalka heshiiskaan, waxaana uu kusoo aadayaa xilli aan wali xal laga gaarin heshiiskii ay xiisadda dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, xilli Turkiga lagu wado inuu waanwaan ka dhexbilaabayo. Heshiiska la dhaqan galinayo ee u dhaxeeya dowladaha Soomalaiya iyo Turkiga ayaa kusoo aadaya xilli ay dowladaha Masar iyo Turkigu ay kawadahadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada ay siiyaan Soomaaliya, xilli labadaan dowladood iskaashi dhanka amniga ah iyo dib u dhiska ciidanka ay la galeen Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  13. subxaanallah they could be sisters hey look identitcal
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniino la xiriira fatahaado horleh oo laga cabsi qabo, kuwaasi oo la filayo in ay dhacaan asbuucan. Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay taxadaraan oo ay feejignadaan, si gaar ah shacabka ku nool gobollada Bay, Bakool, Galgaduud, Gedo iyo Jubbada Hoose. “Degmooyinka kor ku xusan waxay wajihi doonaan khataro ka imankarta Fatahaada webiyada iyo daadadka ay togagu soo rogaan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda SODMA, xarunteeda ka digista halis-wadareedka. Sidoo kale waxaa lagu yiri “Waxaa sare u soo kacaya heerka biyaha wabiyada Shabeele iyo Juba taasina waxaa sabab u ah roobabka xoogan ee ka da’aya qeybo ka mid ah dalka iyo buuralayda Ethiopia.” Hoos ka aqriso digniinta SODMA ➤ Todobadda casho ee soo socota oo ah asbuuca ugu danbeya bisha Abriil 2024-ka waxa aad u sareeysa suurta-galnimada in ay ka dhacaan fatahaado isugu jira kuwo ka yimaadda wabiyada iyo togaga soo rogmada, kuwaas oo aadka u saameeyndoona qaar ka mid ah degmooyinka dalka sida; 𝗝𝗼𝘄𝗵𝗮𝗿, 𝗕𝗮𝗹𝗲𝘁𝘄𝗲𝘆𝗻, 𝗕𝘂𝗹𝗮𝗯𝘂𝗿𝗱𝗲, 𝗟𝘂𝘂𝗾, 𝗗𝗼𝗹𝗼𝘄 𝗶𝘆𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗿𝗸𝗮𝗹𝗲 𝗼𝗼 𝘄𝗮𝗯𝗶𝗴𝘂 𝘂𝘂𝘀𝗮𝗻 𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻. ➤ Degmooyin ka mid ah gobolada 𝗕𝗮𝘆, 𝗕𝗮𝗸𝗼𝗼𝗹, 𝗚𝗮𝗹𝗴𝘂𝗱𝘂𝘂𝗱, 𝗚𝗲𝗱𝗼 𝗶𝘆𝗼 𝗝𝘂𝗯𝗮𝗱𝗮-𝗛𝗼𝗼𝘀𝗲 ayaa waxaa aad u sareeysa suurta-galnimada ah in ay fatahaado ka dhacaa ay saameeyn doonaan nolosha iyo hab-nololeedka bulshooyinka ku nool degmooyinkaas. ➤ Degmooyinka kor ku xusan waxay wajihi doonaan khataro ka iman karta fatahaada webiyada iyo daadadka ay togagu soo rogaan. ➤ Waxaa sare u soo kacaya heerka biyaha wabiyada Shabeele iyo Juba, taasina waxaa sabab u ah roobabka xoogan ee ka da’aya qeybo ka mid ah dalka iyo buuralayda Ethiopia. Hay’adda SODMA oo horay u soo saartay xarunteeda ka digista halis wada-reedka saadaasha roobab ka iyo digniino sanadkii tagay ee 2023 roobabkii ma hiigaanka ahaa oo dalka ka da’ay, kuwaas oo geeystay daadad iyo fatahaada El-Niño, ayaa markale bulshada Soomaaliyeed u direeysay digniino iyo talooyin, si loogu feejignaado saameynta roobabka guga ku yeelan karo nafta iyo hantida shacabka Soomaaliyeed. The post DF oo soo saartay digniino horleh – Maxaa dhacaya asbuucan? appeared first on Caasimada Online.
  15. Raiisel wasaaraha Britain Rishi Sunak ayaa ballan qaaday Isniintii in duulimaadyadii ugu horreeyay ee waddanku u masaafuriyo Rwanda ay ku bixi karaan 10-12 toddobaad gudahood, isagoo shaaciyay inuu soo afjarayo ismari waaga baarlamaanka ee ballan-qaad siyaasadeed oo muhiim ah ka hor doorashada. Sunak ayaa hadalkaan ka sheegay shir jaraa’id, isagoo kiiskiisa si toos ah ugu gudbiyay dadweynaha ka dib markii uu wacad ku maray usbuucii hore in baarlamaanku uu sii jiri doono kalfadhiga illaa sharciga laga soo saaro. Aqalka Baarlamaanka ayaa qaadi doona hindise sharciyeedka galinka dambe ee maalinta. Rishi Sunak waxa uu dalbaday in Aqalka Sare ee aan la dooranin ay joojiyaan xannibaadda ay saarayaan sharciga u oggolaanaya in ay u masaafuriyaan qaar ka mid ah dadka magan-gelyo-doonka Rwanda, isaga oo doonaya in uu ku guuleysto ballan-qaadkii ololahaan, ka hor doorashada dabayaaqada sanadka 2024. “Annaga diyaar ayaan u nahay, qorshooyin ayaa jira, duullimaadyadaasna waxay ku tagi doonaan wax kasta oo dhici kara, ma jirto maxkamad shisheeye oo naga hor istaagi doonta duullimaadyada” ayuu yiri isaga oo si adag uga hadlayay dadallada dowladdu ay ugu jirto masaafurinta magangalyo doonka ah. Alex Carlile, oo ah xubin madax-bannaan oo ka tirsan Aqalka Lords, ayaa sheegay in wax-ka-beddelka loo qorsheeyay in lagu hagaajiyo “sharciga aan la xukumayn, si xun loo diyaariyey, aan habboonayn” kaas oo “sharci darro ah ku ah sharciga UK iyo kuwa caalamiga ah.”isaga oo eedeeyn u jeediyay dowladda jirta. “Tani waa, sida ay aniga ila tahay, maalintii iigu dareen la’aanta badnayd ee aan la kulmo ku dhawaad ​​40 sano oo aan ku jiray hal ama aqal kale oo baarlamaanka ah,” ayuu u sheegay BBC-da. “Waxa uu Rishi Sunak ka codsanayo baarlamaanka inuu sameeyo waa in la yiraahdo beenta runta ah waa run.” Ayuu yiri Sharcigaan uu soo saarayo Baarlamaanka ayaa loo arkaa mid aan u wanaagsaneyn dadka magangalyo doonka ah ee sanad waliba yimaado Uk, si ay u helaan nolol dhaanta middii ay kaga soo tageen dalalkii ay kasoo hayaameen, Ruwanda iyo Uk ayaa ku jira heshiis ah in dadka laga soo celiyo la keeno dalkaasi. Source: goobjoog.com
  16. Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa booqasho naadir ah ku tegay dalka ay deriska yihiin ee Ciraaq halkaasi oo loogu sameeyay soo dhawayn diirran. Madaxweyne Erdogan ayaa waxaa lagu soo dhoweeyey 21 madaafiic salaan ah oo laga riday garoonka diyaaradaha caalamiga ee Baghdad, halkaasi oo uu ku qaabilay ra’iisul wasaare Mohamed Shia al-Sudani. Dhinaca kale hoggaamiye Erdogan oo xalay gaaray magaalada Erbil, oo ah caasimadda dawlad-gobolleedka Kurdiyiinta (KRG) ee waqooyiga Ciraaq, ayaa la kulmay Masoud Barzani, oo ahaa madaxweynihii hore ee Kurdiyiinta iyo hoggaamiyaha ugu caansan Kurdiyiinta ee raadinayay inay ka go’aan Ciraaq. Safarka ayaa imanaya ayada oo ay aad u kacsan tahay xiisadda gobolka ee ka dhalatay dagaalka Israel iyo Xamas ee Marinka Gaza iyo weeraradii ay is-weydaarsadeen Israel iyo Iran. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Turkiga oo booqasho naadir ah ku tegay dalka Ciraaq appeared first on Puntland Post.
  17. Qeybta Guud Ee Boliiska Gobolka Banaadir ayaa Gacanta Ku soo dhigay Eedeysanayaal Lagu Qabtay ayagoo si sharci dara ah ku Buufinayo Mootooyinka A iyo B ah Arintan oo Horey Sharci loogu soo saarey , Ciidanka Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir gaar ahaan Ciidanka Saldhigga X/jajab oo ku guda jiray Howl MaalMeedkooda ayaa Shabakadan Gacanta Ku soo dhigay, Eedeysanayaashan ay Ciidamada Gacanta Ku dhigeen xili ay ku guda jireen Buufinta Mootooyin cusub ayagoo Kula Dhuumanaaya Meel u Gaar ah oo ay ku fuliyaan buufintooda Sharci Darada ah Eedeysanayaashaan Waxaa Hada Ku Socda Baaritaan Ku aadan Arintaan Sharcidarada ah ayadoo baaritaankaas xooga lagu saaridoono mudadii ay ku guda jireen inta mooto oo ay buufiyeen iyo Taargooyinka Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaafkii arrimaha doorashooyinka Somaliland ayaa dhawaan laga gaaray isfaham siyaasadeed, ayada oo lagu dhawaaqay inay qabsoomi doonto bisha Novermber ee sanadkaan. Waxaa soo baxaya walaaca fara-gelin taban oo xukuumadda Addis Ababa ku yeelato doorashooyinka Somaliland, si ay kursiga ugu boobto Muuse Biixi, oo isagu Itoobiya la saxiixday is-afgarad beenaad lagu rumeynayo riyada Itoobiya ee helitaanka dhul badeed. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal kasoo saaray heshiiska doorashada Somaliland ayaa bogaadiyay in ugu dambeyn la go’aamiyey qabashada doorashooyinka muddo dhaafka ee madaxtinimada maamulkaas. Xildhibaanka ayaa sidoo kale wuxuu usoo jeediyay xisbiyada mucaaradka Somaliland iyo ururrada siyaasadeed inay u diyaar-garooban sidii looga hortagi lahaa qorshe kasta oo la isku-dayo in doorashada loogu boobo, kuwaasi oo xilligaan ka imaan kara dhanka xukuumadda Abiy, oo gacan saar la’leh Biixi. “Xisbiyada Mucaaradka ah iyo ururrada kale ee siyaasadeed ee Somaliland, waxaa saaran masuuliyad wayn oo u bahaan xikmad, dulqaad, ku dhac iyo dhiiranaan lagu wajo mitid dirirka Muuse, caqabadaha uu dhigayo iyo miinooyinka siyaasadeed ee uu aaasayo.” Hoos ka aqriso qoraalka Waxaa bogaadin mudan guddiga doorashooyinka Somaliland ee ugu danbayn go’aamiyey in bisha November ee sanadka la qabto doorashooyinkii madaxtinimada maamulkaas. Sida la wada ogsoonyahay doorashadani waxay ku timid halgan iyo loollan adag, iyada uu labo sano oo muddo xileedkiisa ka dheeri ah Muuse Biixi kursiga ku mitidayey. Waxaa u rajaynaynaa in ay si nabad ah oo daahfuran ku dhacdo. Waa doorasho muuhiim u ah Somaliland iyo Soomaaliya. Inkastoo ay teeda haysato ciddii ay taageertana culays ku tahay, maadaama aysan tabar dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed lahayn, Itoobiya waxay isku deyi doontaa in ay xeelado taban iyo fara-gelin gurracan ku gacansiiso Muuse Biixi oo ay ka mid tahay dagaal lagu qaado Khaatumo, iyo in la boobo doorashada. Xisbiyada Mucaaradka ah iyo ururrada kale ee siyaasadeed ee Somaliland, waxaa saaran masuuliyad wayn oo u bahaan xikmad , dulqaad, ku dhac iyo dhiiranaan lagu wajo mitid dirirka Muuse, caqabadaha uu dhigayo iyo miinooyinka siyaasadeed ee uu aaasayo. The post Ethiopia oo fara-gelin taban ku yeelan karta doorashada Somaliland iyo arrin laga cabsi qabo appeared first on Caasimada Online.
  19. Mogadishu (HOL) - The Somali Disaster Management Agency (SoDMA) has issued early flood warnings expected to affect the country in the final week of April. Source: Hiiraan Online
  20. Nairobi (HOL) - Somali National Army Chief Maj. General Ibrahim Sheikh Muhyadin, accompanied by Somalia's Ambassador to Kenya, Jibril Ibrahim Abdulle, extended condolences to the Kenyan Defence Forces on the death of Chief of Defence Forces General Francis Omondi Ogolla. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Dekedda Muqdisho waxaa lagu wadaa in maanta uu ku soo xirto Markab dagaal oo dowladda Turkiga ay leedahay, kaas oo ah Markabkii ugu horeeyey ee howlgalka Turkiga oo loo saxiixay in 10 sano uu sugo amniga iyo xasiloonida badda Soomaaliya. Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa saakay lagu wadaa inay tagaan dekedda Muqdisho, si Markabka Turkiga iyo saraakiisha la socota ay ugu soo dhaweeyaan Muqdisho, waxaana toos u bilaabanaya howlgalka Turkiga oo soo degaya xeebaha Soomaaliya. Markabkaan ayaa la sheegay inuu sido qalab lagu rakibiyo xeebaha dalka oo ilaalada amniga ka qeyb qaata, diyaarado sahan sameeyana, doomo iyo agabyo kale oo muhiim u ah howlgalka Turkiga ee Soomaaliya. Waxaa suurtagal ah in Madaxweyne Xasan Sheekh uu maanta dekedda tago, sidoo kale waxaa la kahiyey shaqadii dekedda, iyadoo ganacsatada lagu wargeliyey inay sugaan oo shaqada joojiyaan maalmaha ay socoto howshaan. Wadooyinka ag mara dekedda Muqdisho ayaa saakay lagu waa bareystay iyagoo xiran, mar hore ayaana la qorsheeyey arrintaan, maadaama markabkaan oo sida xamuul iyo saanad culus uu maalmo u soo socday Muqdisho. Soomaaliya ayaa heshiis iskaashi difaac la gashay Turkiga, kaas oo lagu ilaalinayo xeebaha Soomaaliya, sidoo kale shidaal looga qodayo dalka. Sanadka 2025-ka dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ka bilaabeysa qodista shidaalka, sida uu shaaciyey wasiirka tamarta ee dowladda Turkiga. 10 sano ayuu sii joogayaa Soomaaliya howlgalka Turkiga ee loo saxiixay ilaalada xeebaha Soomaaliya, mudadaas waxay dowladda Soomaaliya ku dhisa doontaa ciidanka badda, sidoo kale waxay ku soo saari doontaa shidaalka dalka. The post Markab dagaal oo Turkigu leeyahay oo maanta imanaya Muqdisho – Maxaa dhacaya? appeared first on Caasimada Online.
  22. BUJUMBURA, BURUNDI — Deadly floods are wreaking havoc in many parts of East Africa that face torrential rainfall, with Burundi calling for international help to deal with the aftermath. Source: Hiiraan Online
  23. Vehicles were stranded in Kenya’s capital of Nairobi on Sunday as the devastating toll of the heavy rains and floods in Kenya continues to rise. Source: Hiiraan Online
  24. Experts say one of the health care challenges in Africa is a shortage of training and education for workers. To help, a U.S. charity called Mission to Heal is training local workers who serve patients in remote locations. Juma Majanga reports from Ngurunit village in northern Kenya. Videographer: Jimmy Makhulo Source: Hiiraan Online
  25. Senior Bangladesh officials and company officials were scheduled to meet the crew later on Monday as the ship was awaiting anchorage at the port. Source: Hiiraan Online
  1. Load more activity
  • Newsletter

    Want to keep up to date with all our latest news and information?

    Sign Up