All Activity

This stream auto-updates     

  1. Today
  2. Golaha Ammaanka ee Itoobiya ayaa wacad ku maray inuu xallin doono ‘fikradaha siyaasadeed ee xagjirka ah, dambiyada abaabulan iyo dhaca soo ifbaxaya “Dowladdu waxay wadaa shaqo ballaaran oo lagu xakameynayo dhaq-dhaqaaqyadan khalkhal gelinaya nabadda guud ee miyi iyo magaalaba,” ayaa lagu yiri war-murtiyeed ay soo saareen goluhu kaddib shir ay maanta yeesheen oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed. Hadalka Goluhu waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay jiraan warbixino sheegaya in meelo kala duwan oo dalka ka mid ah ay ka jiraan dhaqamo baahsan oo la xiriira #afduubka madax-furasho iyo #dhac ay u geysanayaan xubno hubeysan. Goluhu wuxuu sheegay iyada oo qayb ka ah wax ka qabashada dhibaatada ka jirta degmooyinka iyo tuulooyinka miyiga, “dadka deegaanka si sax ah loo tababari doono si ay u ilaaliyaan nabadda deegaanka” taas oo qayb ka ah dadaalka dawladda ee ilaalinta nabadda iyo amniga. Iyadoo lagu amaanayo hindisayaasha gobollada qaarkood, waxay iftiimisay in dal “ballaaran oo dadku ku badan yahay” sida Itoobiya, maleeshiyooyinka maxalliga ah iyo hay’adaha kale ee taageera nabad ilaalinta ay door muhiim ah ka ciyaaraan ilaalinta nabadda iyo xasilloonida heer deegaan. Qaran News
  3. Che, Xasan doesn't care about Shabeellaha Hoose. He gave up that long ago and Lafta's maamul controls most of it.The isbaariste who wanted gobolkaas using his dowlad waa isku dhaceen, Mahad Qalaaye ka koow yahay. Lafta wants inuu soo noqdo without la qash qashaadin. Mucaaradkiisa waa kala haadeen, only Shariif Xasan remains and cannot do anything oo Nayroobi iska joogaa. You can see former senator Ilyees in that photo above. He is the owner of Arlaadi TV and was formidable opponent, using hos Maay-basee media. Lafta la heshiiyey now.
  4. The Prez. even managed to piss off and 'insult' his closest supporters with xarunta dab demiska issue. MMA, If Latgaareen can secure Lower Shabelle thru HSM, that's great.
  5. I was worried about the dysfunction of the unending debate about the elections which is away 2 years from now to drag the country while neglecting the major issues, but I guess I was wrong. The biggest obstacle that will destroy HSM is himself. He want to do everything by himself. The Somali state is bigger than one man or one clan. He surrounded himself with his own students to manage major national issues while neglecting the Somali experts. He is paranoid of other people getting in the system. I couldn't find one single Somali expert or experienced politician among his inner circle or running major portfolios.
  6. Ismaaciil ayaa dhagta qurufaad ugu aqriye. Axdi beenaad ku qoro two-party state. Madaxweynaha adigaa leh oo Xamar idinkaa xukumo oo amarkiina shaqeeyo. Give to useless ii dheh madaxweyne ku xigeen to Reer Waqooyi and that you will rule Soomaaliya like Jabuuti in near future. It is political extension of Urursamaale. That is why most of Reer Waqooyi were all on board supporting axdi qaran ku sheegaan. Jagada madaxweyne ku xigeenka isku diyaarinayaan.
  7. He invited Laftagareen to Xamar si uu uka xaal qaato. Aaden Madoobe u keenay. Lafta wax walba wuu ka dhameysan doonaa filaa, though Xasan being tripolar, wuxuu maanta balanqaado beri ma sameynaayo oo waa qof kale.
  8. Very very unlucky country What was HSM thinking? That he exclusively write his own constitution? And where will it work? Unukaa Leh territory? Btw I was alarmed how some here including Galbeedi thought, something good would ever come out in this rotten process? That would work? How? Any changes must be first done by independent experts, that has no interest other than making a great nation. I am certain if this country does not change this trajectory, and not build a very strong institution, that is inclusive , Shabaab will take over
  9. Yesterday
  10. He is checkmated alright, albeit in an ugly way. You invite people for dinner and no one shows up. Not even Guudlaawe , Qoor Qoor or Madoobe. Despite his difficult character, C/laahi Dani and his Puntland seem to be the only region to challenge HSM. I guess it is all about having your own cheque book and not begging HSM. If Galmudug and Southwest had money rather than begging HSM, they would probably would stood up to him. Economic independence is the key. As a Kacaanist, I wanted the fool to march all the way to Lowyacado and the Kenyan border. Xuduudahaan soo xidhayaa dalkana waan xoreynayaa. Bal muxuu iskaga dhigayaa wax uusan ahayn? Now he has to vacate all those four chapters and sit down with C/laahi Dani. That embarrassment alone makes him weak. You called him yesterday Hogaamiye, but today he is an equal president. Labadii Madaxweyne ayaa kulmaya. I think both Farmaajo and Shariif Ahmed should sit out from this challenge and let Dani take the fight to HSM and probably replace him.
  11. the Foreign minister of SL was talking not sure why hadhwanaagnews removed it
  12. Maamulka Muqdisho xataa Naftooda Run uma sheegaan, dadka ay sheegtaan inay u taliyaana Run uma sheegaan. Markab yar oo Turkigu lahaa oo Wadamo kala duwan soo maray oo shalay Muqdisho tegay, ayay Shalay oo dhan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wasiirradiisu dadka u sheegayeen Been cad oo qayaxan oo ay yidhaahdeen Markab Dagaal oo Turkigu leeyahay ayaa u yimi Difaaca Badda Soomaaliya isaga oo fulinaya heshiis ay dhawaan sheegeen inay Baddooda Soomaaliya ay Turkiga ku wareejiyeen si uu ugu ilaaliyo. Waxaa cajiib ah in qoraalkan hoose ay soo saartay Safaarada Turkiga ee Muqdisho oo sheegtay inuu Markabkaasi u socday u dabaaldega Maalinta Carruurta iyo Qaranimads Turkiga. Waxaa yaab leh in Waji-gabaxa ku dhacay Madaxtooyada Soomaaliya iyo Beenta ay dadka u sheegeen ee lagu qabtay, ay ku kaliftay inay Warsaxaafadeed labaad oo English ku qoran ay Villa Somalia soo saarto oo ay ku sheegtay ujeedada Markabku u socday, taasi oo ka duwan Warsaxaafadeedka ay Af-soomaaliga ku soo saareen. Inkasta oo aan wax Run ahna waligood looga baran kooxda Villa Somalia oo ay yihiin dad khiyaali iyo Been ku caan baxay, hadana waxaa yaab leh in xataa Turkigii uu ka yaabay Beentooda oo ay kaliftay in Safaarada Tutkigu ay soo saarto Warsaxaafadeedka hoos ku qoran oo caddaynaysa ujeedada uu Muqdisho u yimi Markabka Turkiga ee ay maamulka Soomaaliya ka been sheegeen. Halkan hoose ka akhriso labada Warsaxaafadeed ee Somaliya iyo ka Turkiga ee is khilaafsan. Horta yaa odhan jiray markuu qof Been ku sheekaynayo arko “ Warka Xamar dhaaf” Amb Kaysar Maxamed Qaran News
  13. Mogadishu (HOL) — President Hassan Sheikh on Tuesday called on Somalia's regional governments to avoid politicizing key national issues such as unity, solidarity, and independence. His appeal comes amidst ongoing tensions with Puntland over constitutional amendments. Source: Hiiraan Online
  14. hal shirkad oo ajaanibi ah qof ka socda kuma jirto the only shirkad "Natuon Media" waa ku wa conference u setup gareeyay. Meesha lagu qabanayo " Mogadisho Airport" fly in and fly out conference.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray qoraal uu uga ‘dhab-hadlayo’ xiriirka kala dhaxeeya dowlad goboleedyada dalka, ayaa farta ku goday Puntland, isagoo sheegay in tan iyo markii uu xafiiska yimid u uku howlanaa sidii ay wadashaqeyn ula yeelan laheyd dowladda federaalka, balse aysan weli suurtagelin, isagoo balan-qaaday in dadaalo kale u uku bixin doono dhameynta mad-madowga dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, gaar ahaan Puntland. Madaxweynaha ayaa dowlad goboleedyada uga digay in la siyaasadeeyo arrimaha masiiriga ah ee dalka, sida midnimada iyo wadajir dalka, madax-banaanida, gobnimada siyaasadeed ee dalka, amniga iyo bedqabka muwaadinka. Hoos ka akhriso qoraalka Madaxweynaha oo ciwaankiisu yahay “XIRIIRKA DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA IYO DOWLAD GOBOLEEDYADA.” Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee aan hoggaamiyo waxay ugu horreyntiiba mudnaan gaar ah siisay xiriirka wada-shaqeyn ee kala dhaxeeya dowlad goboleedyada, iyadoo saldhig uga dhigaysa mabaadi’da dastuureed ee hagaysa hannaanka wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, si loo dardargeliyo fulinta ajendayaasha qaran oo ay ugu horreeyaan adkaynta amniga dalka, dhammaystirka Dastuurka Dalka oo dabranaa muddo ka badan 10 sanadood, xoojinta federaalaynta dalka iyo horumarinta dhaqaalaha. Nasiib wanaag, muddadii koobneyd ee aan talada Dalka hayey, Dowladda Federaalku waxay ka mirodhalisay xaqiijinta inta badan ajandeyaashii mudo inagu madlanaa inaga oo guulo ka gaarnay la-dagaalanka khawaarijta oo aan deegaano baaxad weyn ka saarnay, qaadista cunaqabateyntii hubka ee ina saarnayd in ka badan muddo 30 sano ah iyo cafinta deyntii naga hortaagneyd maalgashiga caalamiga ah. Dowladda Federaalka waxa ay horumar ka sameysay dib-u-eegista lagu dhammaystirayo Dastuurka JFS, iyada oo sameysay wadatashiga saamileyda siyaasadeed iyo si gaar ah talo aruurin dadweyne, si toos ah iyo si danabeysanba (Online), welina waxa ay dowladu dhiirigelinaysaa wada-xaajoodka iyo wada-tashiga lagu dhameystirayo dastuurka dalka, si shacabka Soomaaliyeed u gaaraan himillooyinka ay hiigsanayaan ee ah helidda dowlad hagaagsan oo dimoqraadi ah, kana shaqeysa baraaraha muwaadinka Soomaaliga ah. Waxaan si gaar ah hoosta uga xariiqayaa in Dawladda Federaalku dadaal farabadan ku bixisay hagaajinta xiriirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeya dhammaan Dowlad Goboleedyada, si gaar ahna Dowladda Puntland, si uu noqdo xiriir sharci ah oo ku salaysan danta dadka iyo dalka, welina waxaa ka go’an Dawladda Federaalka in ay sii wado dadaal kasta oo ay ku hagaajineyso Xiriirka Dawladda Puntaland, si dadka Soomaaliyeed u hantaan dawlad Soomaaliyeed oo xaqiijin karta himilooyinkooda Dawladnimo. Hadaba, Dowladda Federaalka waxaa ka go’an sidii horeba in aysan marnaba siyaasadeynin waajibka ka saaran wadashaqeynta labada heer dowladeed ee federaalka, si gaar ah arrimaha ku saabsan dhaqaalaha, horumarinta iyo la tacaalidda arrimaha bini’aadannimada, iyadoo oo adkeynaysa waajibka iyo xuquuqaha dastuuriga oo ay leeyihiin dowlad goboleedyadu. Ugu dambeyn, anigoo gudanaya xilkeyga dastuuriga ee ah ilaalinta midnimada iyo wadajirka dalka waxaan xusuusinayaa sida uu qabo Dastuurka Dalka in dowlad goboleedyadu aysan marnaba siyaasadeynin arrimaha masiiriga ah ee dowladnimada Soomaaliyeed, sida: midnimada iyo wadajir dalka, madax-bannaanida iyo gobnimada siyaasadeed ee dalka, amniga dalka, iyo bedqabka muwaadinka. = DHAMMAAD = The post Xasan oo ka dhab-hadlay xiriirka DF iyo Puntland, digniina u diray Dowlad Goboleedyada appeared first on Caasimada Online.
  16. No longer an abiding acolyte, eh? I always lambast reer Galbeed, my ayeeyo's people, for their pliable, agile vertebrae.
  17. Waxa maanta magaaladda Muqdisho lagu jidh dilay qaarna laga afduubtay dad shicib ah oo ka soo jeeda Somaliland kuwaasi oo ku shiraayay mid ka mid ah Hotel-da Muqdisho. Dadkani oo ka koobnaa dhalinyaro iyo waayeel lahaa rag iyo dumarba waxa weerar hubaysan ku soo qaaday xukuumadda Xasan Sheekh ee ka talisa qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Dadkani waxa ay ka war warsanaayeen oo ay doonayeen in ay ka hadlaan isla markaasina ka tashadaan dhalinyaro ka soo jeeda Somaliland oo ay saxiibo ahaayeen marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable oo xukuumadda Xasan Sheekh ku dal dashay magaalada Muqdisho kaasi oo ka shaqayn jiray duulista iyo hawdda Somalia dilkii marxuumkaasi kadib ayay xukuumadda Xasan Sheekh qab qabatay dhalinyardii ay wad shaqaynayeen ee ka soo jeeday Somaliland kuwaasi oo dilkii saxiibkood lagu masabiday. Dhalinyarada hada u xidhan ee la jidh dilo ayaa lagu khasbayaa in ay qirtaan danbi ayna galin si indhah looga jeediyo cidii dishay marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable Qaran News
  18. His yesterday uttering "loo joojin maa, yeeli maa" has been replaced with "aryaa dhaha"! He has now taken to releasing press releases, on his own, supposedly expected POST the FGS & FMSs leaders meeting. With the decision now taken off his hands, and no longer relevant, he is pretending as if a conciliatory national leader, when in reality he acts as if a "goof" chieftan. What a f@cking imbecile. "anigoo gudanaya xilkeyga dastuuriga ee ah ilaalinta midnimada iyo wadajirka dalka waxaan xusuusinayaa sida uu qabo Dastuurka Dalka in dowlad goboleedyadu aysan marnaba siyaasadeynin arrimaha masiiriga ah ee dowladnimada Soomaaliyeed sida: midnimada iyo wadajir Dalka, madax-bannaanida iyo gobnimada siyaasadeed ee Dalka, amniga Dalka, iyo bedqabka muwaadinka" --------------------------------------------------------------------------------------------------------------------- XIRIIRKA DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA IYO DOWLAD GOBOLEEDYADA Markii la i doortay 15-kii May 2022, Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee aan hoggaamiyo waxay ugu horreyntiiba mudnaan gaar ah siisay xiriirka wada-shaqeyn ee kala dhaxeeya dowlad goboleedyada iyadoo saldhig uga dhigaysa mabaadi’da dastuureed ee hagaysa hannaanka wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada si loo dardargeliyo fulinta ajendayaasha qaran oo ay ugu horreeyaan adkaynta amniga dalka, dhammaystirka Dastuurka Dalka oo dabranaa muddo ka badan 10 sanadood, xoojinta federaalaynta dalka iyo horumarinta dhaqaalaha. Nasiib wanaag, muddadii koobneyd ee aan talada Dalka hayey, Dowladda Federaalku waxay ka mirodhalisay xaqiijinta inta badan ajandeyaashii mudo inagu madlanaa inaga oo guulo ka gaarnay la-dagaalanka khawaarijta oo aan deegaano baaxad weyn ka saarnay, qaadista cunaqabateyntii hubka ee ina saarnayd in ka badan muddo 30 sano ah iyo cafinta deyntii naga hortaagneyd maalgashiga caalamiga ah. Dowladda Federaalka waxa ay horumar ka sameysay dibu-eegista lagu dhammaystirayo Dastuurka J.F.S iyada oo sameysay wadatashiga saamileyda siyaasadeed iyo si gaar ah talo aruurin dadweyne si toos ah iyo si danabeysanba (Online), welina waxa ay dowladu dhiirigelinaysaa wada-xaajoodka iyo wada-tashiga lagu dhameystirayo dastuurka dalka si shacabka Soomaaliyeed u gaaraan himillooyinka ay hiigsanayaan ee ah helidda dowlad hagaagsan oo dimoqraadi ah kana shaqeysa baraaraha muwaadinka Soomaaliga ah. Waxaan si gaar ah hoosta uga xariiqayaa in Dawladda Federaalku dadaal farabadan ku bixisay hagaajinta xiriirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeya dhammaan Dowlad Goboleedyada si gaar ahna Dowladda Puntland si uu noqdo xiriir sharci ah oo ku salaysan danta dadka iyo dalka, welina waxaa ka go’an Dawladda Federaalku in ay sii wado dadaal kasta oo ay ku hagaajineyso Xiriirka Dawladda Puntaland si dadka Soomaaliyeed u hantaan dawlad Soomaaliyeed oo xaqiijin karta himilooyinkooda Dawladnimo. Hadaba, Dowladda Federaalka waxaa ka go’an sidii horeba in aysan marnaba siyaasadeynin waajibka ka saaran wadashaqeynta labada heer dowladeed ee federaalka si gaar ah arrimaha ku saabsan dhaqaalaha, horumarinta iyo la tacaalidda arrimaha bini’aadannimada iyadoo oo adkeynaysa waajibka iyo xuquuqaha dastuuriga oo ay leeyihiin Dowlad goboleedyadu. Ugu dambeyn, anigoo gudanaya xilkeyga dastuuriga ee ah ilaalinta midnimada iyo wadajirka dalka waxaan xusuusinayaa sida uu qabo Dastuurka Dalka in dowlad goboleedyadu aysan marnaba siyaasadeynin arrimaha masiiriga ah ee dowladnimada Soomaaliyeed sida: midnimada iyo wadajir Dalka, madax-bannaanida iyo gobnimada siyaasadeed ee Dalka, amniga Dalka, iyo bedqabka muwaadinka. = DHAMMAAD =
  19. Madaxweynaha JFS mudane Dr. Xasan Sheekh oo goordhow soo saaray warmurtiyeed ku saabsan xiriirka maamulkiisa kala dhaxeeya dowlad goboleedyada ayaa ka digay in aan la siyaasadeyn howlaha qaran isaga oo ka yiri “, Aniga oo gudanaya xilkeyga dastuuriga ee ah ilaalinta midnimada iyo wadajirka dalka waxaan xusuusinayaa sida uu qabo Dastuurka Dalka in dowlad goboleedyadu aysan marnaba siyaasadeynin arrimaha masiiriga ah ee dowladnimada Soomaaliyeed sida: midnimada iyo wadajir Dalka, madax-bannaanida iyo gobnimada siyaasadeed ee Dalka, amniga Dalka, iyo bedqabka muwaadinka” Arrintan ayaa imaaneysa kadib baaqashadii Shirkii Golaha Wadatashiga qaran ee loo madalsanaa 20-ka bishan iyada oo aan la ogeyn xilli dambe oo la isku imaanayo. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay Sooyaalka waxyaabihii u qabsoomay dowladdiisa “Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee aan hoggaamiyo waxay ugu horreyntiiba mudnaan gaar ah siisay xiriirka wada-shaqeyn ee kala dhaxeeya dowlad goboleedyada iyadoo saldhig uga dhigaysa mabaadi’da dastuureed ee hagaysa hannaanka wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada si loo dardargeliyo fulinta ajendayaasha qaran oo ay ugu horreeyaan adkaynta amniga dalka, dhammaystirka Dastuurka Dalka oo dabranaa muddo ka badan 10 sanadood, xoojinta federaalaynta dalka iyo horumarinta dhaqaalaha. Madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa intaa ku daray “Nasiib wanaag, muddadii koobneyd ee aan talada Dalka hayey, Dowladda Federaalku waxay ka mirodhalisay xaqiijinta inta badan ajandeyaashii mudo inagu madlanaa inaga oo guulo ka gaarnay la-dagaalanka khawaarijta oo aan deegaano baaxad weyn ka saarnay, qaadista cunaqabateyntii hubka ee ina saarnayd in ka badan muddo 30 sano ah iyo cafinta deyntii naga hortaagneyd maalgashiga caalamiga ah. Dowladda Federaalka waxa ay horumar ka sameysay dibu-eegista lagu dhammaystirayo Dastuurka J.F.S iyada oo sameysay wadatashiga saamileyda siyaasadeed iyo si gaar ah talo aruurin dadweyne si toos ah iyo si danabeysanba (Online), welina waxa ay dowladu dhiirigelinaysaa wada-xaajoodka iyo wada-tashiga lagu dhameystirayo dastuurka dalka si shacabka Soomaaliyeed u gaaraan himillooyinka ay hiigsanayaan ee ah helidda dowlad hagaagsan oo dimoqraadi ah kana shaqeysa baraaraha muwaadinka Soomaaliga ah.” Ugu dambeyntii, Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh waxaa uu ka hadlay dadaallada uu ku bixiyey Xiriirka dowlad goboleedyada “Waxaan si gaar ah hoosta uga xariiqayaa in Dawladda Federaalku dadaal farabadan ku bixisay hagaajinta xiriirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeya dhammaan Dowlad Goboleedyada si gaar ahna Dowladda Puntland si uu noqdo xiriir sharci ah oo ku salaysan danta dadka iyo dalka, welina waxaa ka go’an Dawladda Federaalku in ay sii wado dadaal kasta oo ay ku hagaajineyso Xiriirka Dawladda Puntaland si dadka Soomaaliyeed u hantaan dawlad Soomaaliyeed oo xaqiijin karta himilooyinkooda Dawladnimo. Hadaba, Dowladda Federaalka waxaa ka go’an sidii horeba in aysan marnaba siyaasadeynin waajibka ka saaran wadashaqeynta labada heer dowladeed ee federaalka si gaar ah arrimaha ku saabsan dhaqaalaha, horumarinta iyo la tacaalidda arrimaha bini’aadannimada iyadoo oo adkeynaysa waajibka iyo xuquuqaha dastuuriga oo ay leeyihiin Dowlad goboleedyadu”. Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed ayaa digniin ka soo saartay saameynta iyo dhibaatooyinka ka dhallan kara Roobab aad u xooggan oo la filayo in 8-da maalmood ee soo socota ay ka da’aan magaalooyinka Beledweyne, Bu’aale, Garbahaarey iyo Baydhaba. Si gaar ah waxay hay’addu digniin ugu direysaa dadka barakacayaasha ah ee ku nool degmooyinka iyo daagano ku xusan warqadaan, kuwaas oo lagu wargeliyey in ay ka feejignaadaan waxyeelada roobabka. Dadkaan waxaa lagu sheegay digniinta in ay yihiin dadka ugu nugul, uguna saameynta xooggan biya-baxooyinka iyo fatahaadaha ka dhaca dalka. Magaalada Beledweyne. Sideeda maalin oo soocota roobab xoogan ayaa la filayaa in ay ka da’aan Beledwayne iyo deegaanada ku xeeran. “Waxa aad u sareeya suugaralnimada biyo baxyo kadhaca magaalada, gaar ahaan hareeraha Wabiga. Hey’adda ayaa sheegtay in la qiyaasayo biyaha roobabkan aad u xooggan in ay sare u kacaan biyaha wabiga, taas oo ay ka dhalan karto fatahaado sababi kara barakac Bulsho iyo dhibaatooyin kale oo xoggan, “sidaas awgeed in dadka degan Magaalada Beledweyne waa inay muujiyaan taxadar aad u xooggan,” ayaa lagu yiri qoraalka. Magaalada Bu’aale Sideeda maalmood ee soocota roobab xoogan ayaa la filayaa in ay ka da’aan magaalada Bu’aale iyo deegaanada ku xeeran, “Waxa aad u sareeya suugaralnimada in ay biyo baxyo kadhacado, sidaas awgeed waa in dadyowga deegaanadaas ay aad u taxadaraan,” ayaa lagu yiri qoraalka. Magaalada Garbahharey Si lamid ah magaalooyinka kale, waxaa la saadaalinayaa in 8-da maalmood ee soocota ay roobab xoogan ka da’aan Garbaharey iyo deegaanada ku xeeran, waxaana digniin loo diray dadka deegaanadaas oo laga dalbaday inay taxadaraan. Magaalada Baydhaba. 8-da maalmood ee soocota roobab xoogan ayaa la filayaa in ay ka da’aan Baydhabo iyo deegaanada ku xeeran. “Waxa aad u sareeya suugaralnimada biyo baxyo ka dhacdo sidaas awgeed waa in Dadyowga deegaanadan ay aad u taxadaraan,” ayaa lagu yiri qoraalka hey’adda qaxootiga iyo barakacayaasha. The post DF oo digniin culus u dirtay dadka ku nool 4 magaalo oo dalka kamid ah appeared first on Caasimada Online.
  21. Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan gaar ah xarunta wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya kula qaatay mas’uuliyiin iyo Saraakiil Ciidamada Turkiga ka tirsan oo saarnaa Markabkii dagaalka ee dhowaan soo gaaray Muqdisho. Ajendaha kulanka ayaa ahaa qorsheyn iyo qaabeyn lagu dhiraan-dhirinayo hannaanka fulinta qodobo kamid ah heshiiskii Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan arrimaha tababarrada iyo taakuleynta ciidamada Soomaaliya. Kulankaas oo intiisa badan diiradda lagu saaray arrimaha ciidamada ayaa waxaa qeyb ka ahaa Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/Guuto Madey Nuurey Sheikh iyo saraakiil kale. Turkiga ayaa kamida dalalka ugu muhiimsan ee Soomaaliya taageera, wuxuuna tababar iyo qalabaynba u sameeyaa qaar kamida cutubyada ugu tayada wanaagsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  22. They video has been removed. What was it about! Can you find another link?
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan gaar ah xarunta wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya kula qaatay mas’uuliyiin wasaaradda Gaashaandhigga iyo Saraakiisha Ciidamada Turkiga ee saarnaa Markabka dagaalka ee shalay soo gaaray Muqdisho. Ajendaha kulanka ayaa ahaa qorsheyn iyo qaabeyn lagu dhiraan-dhirinayo hannaanka fulinta qodobo kamid ah heshiiskii Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan arrimaha tababarrada iyo taakuleynta ciidamada. Kulankaas oo intiisa badan diiradda lagu saaray arrimaha ciidamada ayaa waxaa qeyb ka ahaa Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/Guuto Madey Nuurey Sheikh iyo saraakiil kale. Kulankaan waxaa ka horeeyey mid xalay uu la yeeshay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo casho sharaf ahaa, kulankaas ayaa xalay ka dhacay Hotel Decale oo ku yaalla xeyndaabka garoonka Aadan Cadde. Saraakiisha iyo Taliyeyaasha Ciidamada Turkiga ee saarnaa Markabka dagaalka oo ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Turkiga ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoo ku soo xirtay dekedda. Markabkaas dushiisa ayaa shalay lagu qabtay munaasabad lagu kala saxiixday dhaqan-gelinta heshiiska iskaashiga difaaca ee dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya, waxaana madaxdii ka qeyb gashay ugu sareeyey Madaxweyne Xasan Sheekh. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xalay saraakiisha Tukida ah u sheegay in Markabka Difaaca Turkiga ee ku soo xirtay Muqdisho uu yahay dhacdo taariikhi ah oo xoojinaysa iskaashiga iyo walaalnimada Soomaaliya iyo Turkiga. Dhankiisa Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadaljeedintiisii shalay ku yiri, “Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed.” The post Sawirro: DF iyo Turkiga oo hoosta ka xariiqay arrin muhiim ah – Xogta kulan xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
  24. Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ee Dowladda Faderalka Soomaaliya ayaa digniin ka soo saartay saameynta iyo dhibaatooyinka ka dhallan kara Roobab aad u xooggan oo la saadaalinayo in 8-da maalmood ee soo socota ay ka da’aan magaalooyinka Beledweyne, Bu’aale, Garbahaarey iyo Baydhaba. Digniintan ay hay’addu soo saartay ayaa si gaar ah loogula dardaarmay dadka barakacayaasha ah iyo kuwa nugul ee ku dhaqan magaalooyinkaas, waxaana loogu baaqay inay ka foojignaadaan waxyeelada roobabkaas ka dhalan karta. Digniintan ayaa ku soo beegmaya xilli ay Roobabka Gu’gu meelaha badan oo dalka kamid ah ka curteen, maalmaha soo socdana la filayo inay mahiigaanno Kale dalka ka hooraan. Source: goobjoog.com
  25. Waraysigani oo idaacada afka ee VOA- wasiirka la yeelatay hoos ka dhegayso 01000000-0aff-0242-e63b-08dc63b83f24_16k (1) Qaran News
  26. During the start of his second term, President Hassan Sheikh took on significant endeavors, one of which involved combating the terrorist organization al-Shabab. This led him to personally lead the campaign in the central region of Somalia, specifically in the state of Galmudug. Additionally, he made numerous trips abroad to ensure the country received the necessary support. Moreover, he successfully applied for membership in the East African Community (EAC). Source: Hiiraan Online
  27. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, bahda dhaqanka iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Axmed Rashiid Sheekh Shucayb. Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu kamid ahaa tiirarka dhaqanka Soomaaliyeed ee doorka muuqda kasoo qaatay nabadda, xasilloonida, dib-u-heshiisiinta, adkeynta wadajirka shacabka iyo dowlad-dhiska, gaar ahaan dowlad-goboleedka Hirshabeelle. Sidoo kale madaxweynaha ayaa waxa uu Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday. Suldaan Axmed Rashiid Sheekh Shuceyb ayaa saaka waaberigii ku geeriyooday magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle, halkaasi oo isla maanta lagu aasay. Suldaanka ayaa kamid ahaa odey dhaqameedkii ka qeyb-galay shirkii Carta ee dib loogu yegleelay dowladda Soomaaliya sanadkii 2000. Waxa uuna kaalin muuqata ku lahaa dadaallada dib-u-heshiisiinta ee gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu qeyb ka ahaa xulista xildhibaannada reerkiisa ku matala barlamaanka Soomaaliya iyo kan gobolleedka Hirshabeelle, isaggoo kamid ahaa 135-ta odey ee u diiwaan-gashan wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya. The post Madaxweyne Xasan oo war kasoo saaray geerida Suldaan Axmed Rashiid appeared first on Caasimada Online.
  1. Load more activity
  • Newsletter

    Want to keep up to date with all our latest news and information?

    Sign Up