All Activity

This stream auto-updates     

  1. Past hour
  2. Upgrading small clans over OGs as a means to get votes. nin bidar leh aqli hakasugin.
  3. Ilaahii abaarta inaga soo jabiyay ayaa ay mahadi u sugnaatay Qaran News
  4. Today
  5. Where are the stones when you need them??
  6. Yesterday
  7. Madaxweyne Deno oo la kulmay Warbaahinta Gaalkacyo. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta kulan la qaatay Weriyayaasha gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo. [...] Source
  8. Madaxweynaha Dowadda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 27 May 25, 2019, ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo Guddoomiye Ku-xigeenada Gobolka Mudug. [...] Source
  9. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne, Lr. 28 May 25, 2019, ku magacaabay Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Mudug. Madaxweynaha Dawladda Puntland [...] Source
  10. But some of the locals aren't too happy. Reports of protests.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhaqaaqday inay fuliso qorshe ay uga jawaabeyso diidmada Kenya ee inay mas’uuliyiinta Soomaaliya Visaha ka siiso garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi. Qoraal kasoo baxay wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa lagu wargelisay Hey’addaha UN-ka, kuwa Deeq bixiyeyaasha iyo Iskaashiga Caalamiga in wasaaradda aysan Nairobi uga qeyb gali doonin shirarka, siminaarada iyo Tababarada hay’adahaas. Wasaaradda ayaa ugu baaqday hay’adahaas in shirarkaas iyo Siminaarada lagu qabto dalka gudihiisa ama loo bedelo dal kale, oo tagistiisa ay u fududahay wasaaradda. Go’aanka wasaaradda caafimaadka ayaa ka dambeeyey kadib markii shirkii Golaha Wasiirada ee khamiistii lagu go’aamiyey in Wasaaradaha Xukuumadda inay ku wargeliyaan Hay’adaha ay bahwadaagta iyo wada shaqeynta leeyihiin in shirarkii lagu qaban jiray Nairobi laga raro, isla markaana loo wareejiyo magaalooyinka sida Kigali, Kampala iyo Addis Ababa. Kenya ayaa dhowaan Visa u diiday islamarkaana garoonka Nairobi ku xanibtay mas’uuliyiin Soomaaliyeed oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaanno.
  12. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa taliye cusub u magacaabay Booliiska gobolka Mudug. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa taliyaha qeybta Booliiska gobolka Mudug loogu magacaabay Gaashaanle Sare Jaamac Maxamed Axmed. Magacaabista taliyaha waxay ku soo beegantay saacado kadib markii madaxweynuhu kala diray garsoorayaashii maxkamadaha iyo xeer-ilaalintii gobolka Mudug islamarkaana maamul cusub u magacaabay gobolkaasi. Madaxweynaha oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa isbeddeladani sameeyay kadib markii uu la tashiyo la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Mudug. Dhinaca kale madaxweynaha ayaa sida qorshaysan maalinta berriya safar u aadi doona dalka Shiinaha iyadoo safarkaasi la xiriiro dhanka horumarinta kaaabayaasha dhaqaalaha iyo maal-geshiga. PUNTLAND POST The post Deni oo taliye cusub u magacaabay Booliiska gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  13. Gaalkacyo, May 25, 2019: Madaxweynaha Dowadda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 27 May 25, 2019, ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo Guddoomiye Ku-xigeenada Gobolka Mudug. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo waaya aragnimadooda shaqo Markuu Qiimeeyey: Tala soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland. Wuxuu xeeriyey: 1.Waxaa Axmed Muuse Nuur loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug. Waxaa Xasan Cabdullaahi Warsame (Wardheere) loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Mudug. 3.Waxaa Maxamed Xasan Xuseen (Waloore) loo magacaabay Guddoomiye Ku- Xigeenka 2aad ee Gobolka Mudug. Xeerkani wuxuu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. -DHAMMAAD- The post Dikteeto: Madaxweynaha Puntland oo maamul cusub u magacaabay gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  14. Beledweyne (Caasimada Online) – Dagaal u dhaxeeya dagaalamayaasha Al-Shabaab koox Maleeshiyo Macawiisleey ah ayaa ka dhacay duleedka degaanka Halgan ee Gobalka Hiiraan sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka. Dagaalka ayaa ka dhacay Tuulada Abooreey oo ku dhaw degmada Buul-barde ee Goblka Hiiraan, waxaana la wareeray goob ay Al-Shabaab macaawino ku bixinayeen. Odayaasha degaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in Maleeshiyo Macawiisleey ah ay weerar ku bilaawday miinooyin dhulka la geliyay iyo Bam-gacmeedyo ay ku qaadeen Al-Shabaab oo raashin ka qaybinyay Tuulada, waxaana halkaasi looga dilay Ciidamo badan iyo Sarkaalkii hogaaminyay. Al-Shabaab ayaa mar qura maqlay dhawaaqa qaraxyo u badan Bam-gacmeedyo iyo miinooyin dhulka lagu diyaariyay iyo rasaas xoog leh kadibna waxay ka carareyn degaankii iyo raashinkii ay bixinayeen sida ay ku soo waramayaan dadka degaanka. Dadka Al-Shabaab dagaalka ugu dhintay waxaa kamid ah Sheekh Cali Garweyne oo ahaa madaxii Al-Shabaab ee inta u dhaxeysa Beladweyne iyo Buula-barde. Hore waxa uu ahaa madaxdii Howlgalada Al-Shabaab ee degmada Buula-brde sida ay xaqiijiyeen dadka yaqaana Sarkaalka la dilay. Maleeshiyada weerarka fulisay ayaa la sheegay in dagaalka uu uga dhaawacmay hal Askari oo kaliya waxayna soo furteen raashinkii ay bixinayeen Al-Shabaab. Maleeshiyadaan waxaa taageera Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Gobalka Hiiraan kuwaas oo siiya hub iyo saanad kale waxayna dhowr jeer dagaal la galeen Al-Shabaab, Al-Shabaab waxay ku guuleesteen in ay qaateen Sarkaalkii dagalka looga dilay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. MUqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho xildhibaano iyo siyaasiyiin ayay ku dhawaaqeen isbaheysi siyaasadeed oo ay sheegeen in uu qeyb ka noqon doono Xisbiyadda ka qeyb galaya doorashadda 2020-ka. Saddex xisbi oo ka mid ah Xisbiyadii uu diwaangaliyay Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay in ay Midoobeen sidoo kalena ay la midoobi doonaan xisbiyadda Siyaasadda ee ka jira dalka. Xisbiyadda maanta Midowbay ayaa waxaa kala hoggaamiya Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo Cabdullaahi Sheekh Xasan. Xildhibaan Sakariye ayaa sheegay in u jeedka ay u sameysteen Isbaheysi loogu magacdaray Iskaashi ay tahay in la yareeyo Xisbiyadda tiradda badan ee dalka ka jira, islamarkaana la helo tiro kooban oo xisbiyo ah hadana tayo leh. Hoos ka daawo muuqaalka
  16. (SLT-Makka)-Shirka Saddex-geesoodka ee Hoggaamiyayaasha dalalak Khaliihka, kuwa Carabta iyo Islaamka ayaa la filayaa inuu bishan Ramadaan 25-da ilaa 26-ka ka dhaco magaalada barakaysan ee Maka Al-mukarama ee dalka Sacuudiga. Kulankaasi oo uu Boqorka Sacuudiga iclaamiyey ayaa waxay Hoggaamiyayaasha kaga wada hadli doonaan Khatarta Iiraan ee ammaanka iyo deganaanshaha Badda Cas iyo khaliijka. Qabsoomida Kulankaasi ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay welli xaallado ka jiraan dalalka Somalia, Syria, Yemen, Libya, Iraq, Algeria, Sudan, iyadoo ay weli Yuhuudda dhibaatooyin ka geystaan dhulka Falastiin iyo magaalada Quddus-ta La-haysto iyo La-dagaalanka Budhcad-baddeeda iyo Kooxaha loogu yeedho Argagixisadda. Sidoo kale, Kulankaasi ayaa waxa uu ku soo aaday iyadoo ay cabsi xooggan laga qabo Isku-dhac dhex mara Milliteriga Maraykanka iyo kuwa Iiraan. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo lagu casuumay Kulankaasi ayaa waxaa la filayaa inuu ka qeyb geli doono Kulankaasi. Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ka mid ah Madaxda lagu casuumay shirkaasi oo la hadlay Wargeyska Asharqal Awsad ayaa sheegay inay dalka Sacuudiga dal walaal ah, Madaxa Carabta iyo Qibladda Islaamka. Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in caddow kasta oo Sacuudiga soo beegsada uu yahay Caddow guud oo dhamaanteenna na soo beegsaday. Madaxweyne Geelle waxa kale oo uu ka hadlay Xidhiidhka uu dalkiisa la leeyahay Sacuudiga, Soomaaliya iyo dadaalka ay Dowladda Sacuudiga ugu jirto xal-u-helista khilaafka dhuleed ee Jabuuti iyo Eritrea. Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Dawladda Somaliland ayaa ka hadashay doorasho dib loogu soo doortay Raysal-wasaaraha dalkaasi, Mr. Narendra modi. Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Hambalyo u diray Raysal-wasaaraha Hindiya Narendra modi, kaasi oo mar kale loo doortay inuu hoggaamiyo Hindiya, ka dib markii Xisbigiisu uu kuraasta ugu badan ka helay Baarlamaanka. Saylici oo qoraal ku baahiyey Bogga uu ku leeyahay Twitter-ka, ayaa sheegay in isagoo ku hadlaya Magaca Somaliland uu ku hambalyeynayo xilka mar labaad loo doortay. Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu sheegay in Hindiya iyo Somaliland leeyihiin xidhiidh dhanka Ganacsiga, kaasi oo gaadhaya hal Milyan oo dollar. Source
  18. Daawo Falaqeyn :- Dagaalka Bariga Dhexe Iran Iyo USA & Mareykanka Oo 1500 Ciidamo Ah U Diray Source
  19. (SLT-London)-Waxa dalka UK ka bilaabmay durtaba olole loogu jiro cida badalaysa Raysal Wasaaraha dalka Ingiriiska Theresa May oo maaintii shalay iska casishay xilka Raysal Wasaaraha dalka Britain iyo xisbiga talada dalkaasi haya ee Consevative-ka. Waxaana durtaba soo baxaya shakhsiyaad iyo xubno ku dhawaaqay todobaad ka hor ay Rasal Wasaaruhu ay shaqada uga tagayso xaalado kala soo gudboonaaday ka bixintaanka Britain ee Midawga Yurub. Waxaana suuragal ah in Baarlamaanka Britain uu marar kale oo badan uu u codeeyo “heshiis la’aan in lagaga baxo Midawga Yurub”, balse arintu waxa ay taagan tahay waxa dhici doona October 31-keeda. Markaas oo la filayo in Midawga Yurub ay go’aansadaan in ay lix bilood ugu daraan Qodobka Article 50 bisha March, waxaanu gudoomiyaha golaha Midawga Yurub ninka la yidhaa Donald Tusk uu siyaasiyiinta Britain uu u sheegay “fadlan ha dayacina wakhtigan”. Inkastoo shan bilood ay ka xigaan kama dambaysta wakhtiga loo qabtay ka bixintaanka Ingiriiska ee Midawga Yurub, waxaana xisbiga hogaamiyaha Britain ee Conservative Party uu qabanayaa doorashada hogaamiyaha. Waxaana suurtagal ah in hogaamiyayaal cusub ay shaqadooda ugu horaysaa ay ku waydiistaan midawga Yurub mudo kordhin kale oo loo sameeyo Article 50. Waxaana ka mid ah xubnaha uu hungurigu ka hayo Boris Johnson, Dominic Raab, Michael Gove, Andrea Leadsom, Jeremy Hunt, Sajid Javid, Penny Mordaunt, Esther McVey iyo Tobias Ellwood. Source
  20. (SLT-Tuke-raq)-Inta la ogyahay Afar Carruur ah ayaa ku dhaawacmay Miino kula kacday Duleedka Degmada Tuke-raq ee Gobolka Sool. Weriyaha Telefiishanka HCTV ayaa soo sheegay in Miino ku aasnayd duleedka Degmada Tuke-raq ay la kacday Afar Carruur ah oo wada socday, isla-markaana ay dhaawacyo kala duwan soo gaadheen. Carruurta Miinadu ku qaraxday ayaa la geeyay Cisbitaalka Manhal ee Magaalada Laascaanood, si Xaaladdooda Caafimaad loola Tacaalo. Ciidammada Amniga iyo Maamulka Gobolka Sool weli kama hadal dhibaatada Carruurtaa soo gaadhay, mana jirto illaa hadda Cid booqatay halka Miinadu ka kacday, si baadhitaan loogu sameeyo deegaannada ku dhow halkaasi, si loo hubiyo in waxyaabo kale oo khatar sababi karaa ku qarsoon yihiin. Degmada Tuke-raq ayaa waxa dhowr jeer ku dagaalamay Ciidammada Somaliland iyo kuwa Maamul-gobolleedka Puntland. Source
  21. (SLT-Washington) Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa siwayn u naqdiyay kulan qarsoodi aha oo Waftigii Xukuumadda Iyo Faysal Cali Waraabe Nairobi kula Shireen siyaasiyiin Rer Muqdisho ah. Qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook-ga ayuu ku yidhi sidan : “Ciridkaan arkaayo ilko kama soo muuqdaan. Wiilka yar ee Xamar u shaqo tagana waa la xidhaa, siyaasiyiinta kolka lagu qabto shir ay madaxda Soomaaliya la galaana waxa la yidhaa waa Hawl bay wadeen. Waar bal shacabkan la duleeyey ee wax walba loogu sheekaynayo ee aan waxba layskaga tirineynin eega. Sharcigii Baarlamaanku ansixiyey sowtii ku taalay “waa ka mamnuuc siyaasiyiinta Somaliland iyo kuwa Soomaaliya in ay hoos u wada shiraan kolka laga reebo wadahadaladda ay labadda dawladood wada galayaan mooyaane”. Horta Wasiirkii arrimaha dibaddu xagee buu qabtay Oo aanu isagu waftigan Kiiniya tegay u hogaamineynin? Arrinkani waa fadeexad hor leh Oo kalsoonidii shacabka hoos u dhigaysa. Waxeeniiba wax aan sidaa u sii ridneynin ayeey noqotay; hadduu inuun u sharci jiro waa fadeexad qaran arrinkani, dadkana sharaxaad iyo jawaabo waafiya, raaligelin, iyo talaabooyin hor leh ayeey ka sugayeen. Buunbuunintuu waday wataa, loo bud-dhigi waayey Xaqii ay bireeyeen wakaa, boqonka jiidaaya Bicil qodax leh waa kuwaa ku jaray, bohoradeeniiye Dal leh siyaasad yaroo caadifadaysan iyo hebel waa Libaax waa mid subaanaleh. Sharcigani Ma la jiifiyaana banaan baa? Yaab?” Source
  22. Washington (Caasimadda Online) – Senater ka tirsan Aqalka sare ee Mareykanka ayaa Madaxwyenaha dalkaas uga digay inuu Khilaafka Iiraan iyo Mareykanka kaga faa’ideysto inuu hub dheeri ah ka iibiyo Dowladda Sacuudiga si uu lacag uga helo. Chris Murphy oo ka tirsan Santeerada Mareykanka, kana mid ah Xisbiga Dimoqraadiga oo qoraal soo dhigay Bartiisa Twitterka ayaa Madaxweynaha Mareykanka Trump ku eedeeyey inuu wado qorshe uu Sacuudiga kaga iibinayo hub si uu marmarsiiyo uga dhigto Khilaafka Mareykanka kala dhaxeeyo Iiraan isagoo aan wax go’aanka ah ka heysan Kongareyska Mareykanka. ” Waxaan Maqlayaa in Trump uu doonayo inuu Sacuudiga ka iibiyo Gantaalo culculus oo ay ku garaacaan dalka Yeman, isagoo marmarsiiyo ka dhiganayo inay qeyb ka tahay dagaalka uu Mareykanka kula jirto Iiraan, waxaana Asbuucaan rajeenayaa in arrintaas ay go’aan kasoo saaraan Kongareeska Mareykanka” ayuu yiri Chris Murphy oo qoraal soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitterka. ” Sharciga xadeynta Hubka ayaa awood u siinayo Congress-ka inuu diido in hub laga iibiyo wadan Ajnabi ah, balse Trump wuxuu marmarsiiyo ka dhiganayaa inay jirto xaalad deg deg ah , taasna ay ka dhigan tahay inuusan Congress-ka diidi karin tallaabada uu Trump hub kaga iibinayo Dowladda Sacuudiga, isagoo hadalkiisa sii raaciyey (Kaligey ayaa go’aan ka gaari doono)” ayuu sii raaciyey Chris Murphy. Sharciga qiimeynta hubka Mareykanka ayaa Congress-ka u ogolaanayo inuu go’aan kaga qaato in hub loo dhoofiyo wadan kale inkastoo mid kamid ah Sharci yaqaanada Madaxweyne Trump uu ku doodayo inay arrintaan tahay mid deg deg ah isla markaasna aan loo baahneyn in la marsiiyo Congress-ka. Tallaabadaan uu Trump ku doonayo inuu hub kaga iibiyo Sacuudiga ayaa qeyb ka ah qorshooyinka uu Trump lacag badan kaga qaadanayo Dowladda Sacuudiga. Trump ayaa rabo inuu Sacuudiga ka iibiyo Gantaalada xawaaraha sarreeye leh si ay isaga celiyaan Xuutiyiinta Yeman oo maalmihii dambe duqeyn ka bilowday gudaha Dalka Sacuudiga. Dowladda Sacuudiga iyo xulafadeeda ayaa si weyn uga soo horjeedo Dowladda Iiraan oo ay u arkaan inay tahay midda maalgelineyso Xuutiyiinta Yeman waana meesha uu Trump marmarsiiyo uga dhiganayo in Sacuudiga uu garab ku siinayo dagaalka uu kula jiro Dowladda Iiraan. Caasimada Online Xafiiska Washington Caasimada@live.com
  23. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kusoo saaray Xeer Madaxweyne Lr ,26, May, 25, 2019 bedelid ku meel gaar ah, rukhso garsoorayaasha maxkamadda [...] Source
  1. Load more activity


  • Newsletter

    Want to keep up to date with all our latest news and information?

    Sign Up