All Activity

This stream auto-updates     

  1. Today
  2. Al-Shabaab resurgence in Somalia as state elections approach 48 SharesFacebookFacebook messengerTwitterWhatsAppLinkedInTelegramEmail Friday March 29, 2024 Mogadishu (HOL) - With the Somali state presidential elections scheduled between June and November 2024, candidates have launched campaigns in Galmudug, Hirshabelle, Jubaland, and Southwest states. Incumbents' potential re-election bids stir unrest among local politicians and clan leaders, particularly in Galmudug and Hirshabelle. The strife is fragmenting the coalition against al-Shabaab, enabling the militants to regain footholds in Galmudug. Concurrently, security forces in Lower Juba have initiated a new offensive against al-Shabaab, recapturing territories in March. Galmudug and Hirshabelle Face Electoral and Political Challenges The Galmudug administration's delay in announcing election dates has led to criticism, mainly targeting State President Ahmed Abdi Karie for aggravating clan conflicts. In Hirshabelle, government reshuffles and clan tensions are mounting, especially after the dismissal of Hiiraan's governor, which threatened the region's stability. The political tensions complicate the upcoming elections, risking further instability and potential secessionist movements in Hiiraan. Al-Shabaab Exploits Security Weaknesses Amid these political tensions, the Somali National Army (SNA) has encountered setbacks, allowing al-Shabaab to reclaim territories. Operational delays, internal disputes, and logistical issues have hampered the SNA, facilitating al-Shabaab's resurgence in key areas of Mudug and Galgaduud. The group has also successfully engaged with local militias, undermining the SNA's efforts. Renewed Counter-Insurgency Operations in Lower Juba Despite central Somalia's challenges, the security forces have initiated a robust counter-insurgency campaign in Lower Juba, targeting al-Shabaab with support from U.S. military forces. These operations have led to significant militant casualties and the dismantling of key bases, demonstrating a sustained commitment to eradicating al-Shabaab's presence.
  3. Mogadishu (HOL) — Somalia's parliament is scheduled to vote on the country's amended provisional constitution in a joint session on Saturday in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  4. Abudwak (HOL) - A court in the Galgadud region executed Abdihakin Ahmed Egal on Thursday by firing squad for the murder of journalist Abdikarin Ahmed Bulhan in the Abudwak district of the Galmudug region in Somalia on March 13, 2024. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Bangiga Adduunka ayaa markii ugu horreysay luuqad adag kula hadlay dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo farriin qoraal ah usoo diray dowladda, gaar ahaan xubnaha dhinaca dhaqaalaha. Qoraalka Bangiga Adduunka oo ay aragtay Caasimada Online ayaa waxa uu xubnaha dowladda ku wargeliyay in xisaab-xirkii dhaqaalihii Bangiga ka baxay aan lasoo gudbin, kaasi oo ahaa in loo soo gudbiyo 31-ka December 2022-kii. Xisaab-xirkan muddo dhaafay ayaa illaa hadda la haynin, waana midda ka careysiisay Bangiga Adduunka. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey u codsatay in loogu daro 9 bilood, welina lama keenin xisaab-xirka. Bangiga Adduunka oo u muuqda mid aan qaadan karin dib u dhaca qeyru-xadka ah ee ku yimid soo xareynta xisaab-xirka ayaa haatan sheegay in waqtiga kama dambeysta ah uu ku eg’yahay 31-ka bishaan March. Bangiga ayaa ku goodiyay inuu qaadi doono haddii waqtigaas lagu soo gudbin waayo warbixinta illaa lix tallaabo oo kala ah; Mashaariicda qorsheysan lama soo deyn doono. Lama kordhin doono mashaariicda hadda socota. Wada xaajoodyada labada dhinac ahaa dhamaantood dib loo dhigi doona, xitaa qorsheysnaa bisha soo aadan ee April ee sanadkaan. Dhamaan lacagaha hadda qorsheysnaa ayaa la hakinayaa, sidoo kalena waxaa la hakinayaa lacagaha mashaariicda hadda socota. Bangiga ayaa waxa kale oo uu hakin doona deeqaha ay saameynayso warbixinta aan illaa hadda lasoo gudbin. Hagayaasha mashaariicaha hadda socda iyo kuwa qorsheysan dhaqaalaha ay helaan ayaa iyagana la hakinayaa. Sido kale waxa uu Bangiga Adduunka ku hanjabay in uu joojin soono illaa saddex mashruuc oo muhiim ah oo qorshuhu ahaa in bisha April la fasaxo oo uu bixiyo dhaqaalihiisa, meeshana waa ka baxayaan haddii ay dowladda federaalka kusoo gudbin weydo warbixinta xisaab-xirka muddo ku siman saddex maalmood. Si kastaba, arrintaan ayaa kusoo aadeysa xilli ay dowladda federaalka ay sheegtay in uu kobac ku yimid dakhliga gudaha, balse ay lagama maarman tahay oo loo baahan yahay taageero dheeri ah. The post Bangiga Adduunka oo si adag ugu goodiyay DF iyo tallaabooyin culus oo uu qaadayo appeared first on Caasimada Online.
  6. Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda ugu sarraysa Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii ku amartay Israa’iil inay furto qaybo badan oo ka mida xuduudda laga galo Qaza, si loo ogolaado inay halkaas ka gudbaan gargaar dheeri ah oo la gaadhsiiyo dadka baahan ee Falastiiniyiinta ah. Amarkan oo ay soo saartay maxkamadda caddaaladda dunida ee Qaramada Midoob ay ee fadhigeedu yahay Hague ayaa fartay Israa’iil inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka lama huraanka ah, iyaga oo aan dib u dhigaynin, si ay u hubiyaan, in gargaarka deg-degga ah si dhakhso ah gudaha loo gaadhsiiyo, gaar ahaan, waxyaabaha daruuriyaadka ah ee ay ku jiraan, cuntada, biyaha, shidaalka iyo daawooyinku. Maxkamadda ayaa ku amartay Israa’iil inay si deg-deg ah u hubiso “in aanay ciidamadooda milaterigu aanay ku kicin falal xad-gudub ku ah xuquuqda dadka Falastiiniyiinta ah ee ku nool marinka Qaza,” maadaama oo ay ka mid yihiin dadka uu ilaalinayo Axdiga ka hortagga iyo ciqaabidda dembiyada la xidhiidha xasuuqa ee caalamiga ah. Maxkamadda ayaa sidoo kale u sheegtay Israa’iil inay maxkamadda warbixin ku soo celiso, muddo bil gudaheeda, gaar ahaan habka ay u hirgelinayso amarkan. Israa’iil ilaa haatan wax fal-celina oo deg-deg ah kama bixinin amarka ka soo baxay maxkamadda caddaaladda dunida, hase ahaatee waxay si adag u beenisay inay geysatay wax xasuuq ah, muddada lixda bilooda ee ay dagaalka ka waddo marinka Qaza. Israa’iil ayaa maxkamadda ku boorisay in aanay soo saarin amaro cusub. The post Muxuu yahay go’aanka culus ee ka soo baxay maxkamadda ICJ ee Israel la dul dhigay? appeared first on Caasimada Online.
  7. An Ethiopian Airlines Boeing 737-8 MAX, registration ET-AWH performing flight ET-690 from Addis Ababa (Ethiopia) to Bangalore (India), was enroute at FL370 over Somaliland in contact with Somalia's ATC. Source: Hiiraan Online
  8. A partnership between a local Somali market and a regional food bank is providing 2,000 free meals a week in Faribault during Ramadan. The owner of the local Somali market opted to pay for and serve another 1,500 meals on top of that, bringing the weekly total to 3,500 meals served to the community. Source: Hiiraan Online
  9. Asmara (Caasimada Online) – Booqasho aan caadi ahayn, markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda ee Ruushka ayaa gaaray dekedda weyn ee badda cas ee Massawa ee dalka Eritrea, iyadoo ay gobolka ka taagan tahay xiisad ka dhalatay maleeshiyada Xuutiyiinta ee ay taageerto Iiraan. Markii uu markabka dagaalka ee Shaposhinkov Khamiistii uu yimid Massawa, madaxda ciidamada Eritrea iyo saraakiisha ayaa qaabilay. Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa safiirka Ruushka ee Eritrea. Sida laga soo xigtay Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea, markabkan ayaa ka mid ah maraakiibta Ruushka ee mara badweynta Pacific-ga “Wuxuu ku sugnaan doonaa dekeddaas muddo shan maalmood ah si loogu dabaaldego 30 sano oo xiriir diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Ruushka iyo Eritrea” Wasiir Yemane Gebremeskel ayaa ku qoray boggiisa X (Twitter-kii hore). Ciidamo ka tirsan kuwa badda ee Mareykanka ayaa la geeyay badda cas iyo gacanka cadmeed si ay u ilaaliyaan maraakiibta ganacsiga iyo kuwa militariga ee ku socdaalaya dariiqa ganacsi ee muhiimka u ah weerarada Xuutiyiinta. Eritrea ayaa indhaheeda ku arkaysay joogitaanka ciidamada reer galbeedka ee gobolka si xamaasad leh. Dalka ku yaalla Geeska Afrika ayaa dhawaan xiriir dhow la yeeshay Moscow. Xuuthiyiinta oo maamula waqooyiga Yemen ayaa weeraro ku qaada maraakiibta mara badda cas, iyagoo ka jawaabaya dagaalka Qasa. Dagaalyahanadu waa qayb ka mid ah ‘dhidibka iska caabinta’ ee ka dhanka ah Israa’iil. Isha: BBC The post Markab dagaal oo Ruushka leeyahay oo kusoo xirtay dekadda dal ku yaal geeska Afrika appeared first on Caasimada Online.
  10. Mogadishu (HOL) - In Galkayo, the murder of a young man, Ali Eid, has sparked widespread discussion in the city and on social media. Eid, a recent graduate of the University of East Africa, was killed in what is believed to be a tribalism-driven act. The incident is part of a troubling pattern of similar crimes in Galkayo, often linked to tribal disputes. Source: Hiiraan Online
  11. SEATTLE - Dozens of students marched through the University of Washington in Seattle to take a stand against Muslim harassment. Source: Hiiraan Online
  12. Mogadishu (HOL) - With the Somali state presidential elections scheduled between June and November 2024, candidates have launched campaigns in Galmudug, Hirshabelle, Jubaland, and Southwest states. Incumbents' potential re-election bids stir unrest among local politicians and clan leaders, particularly in Galmudug and Hirshabelle. Source: Hiiraan Online
  13. Sam Bankman-Fried, co-founder of the failed crypto exchange FTX, has been sentenced to 25 years in prison for defrauding customers and investors of his now-bankrupt firm. Source: Hiiraan Online
  14. Musharaxa xisbiga Waddani mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa isaga oo ku sugan magaaladda Madiina ee dalka Sucuudiga waxa uu halkaasi xalay casho sharaf kula qaatay ardayda reer Somaliland ee halkaasi wax ka barta. Hadaba Dr Cabdiraxmaan Cirro oo faah faahin kulankaasi ka bixiyay ayaa qoraal uu soo dhigay barta X waxa uu u dhignaa sidani. Caawa waxa aan kulan casho sharaf iyo is xog-wareysi isugu jira kula qaadannay magaalada barakeysan ee Madiinatul Munawarah ee dalka Sucuudiga qaar ka mid ah ardeyda reer Somaliland ee Jaamacadda Islaamiga ah ee Madiina wax ka dhigata. Ardeyda waxa aan uga mahadcelinayaa xogta ay naga siiyeen noloshooda, heerkooda waxbarashada iyo guud ahaan xogta jaaliyadda reer Somaliland ee reer Madiina, Ilaahayna waxa aan uga barinay in ay ku guuleeystaan hadafkooda waxbarasho, dalkoodana ku soo noqdaan oo ay dadkooda wax la qabsadaan Qaran News
  15. MOGADISHU (Xinhua) -- The United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) said on Thursday that Somalia is hosting 38,642 registered refugees and asylum-seekers as of February. Source: Hiiraan Online
  16. Xasuuqii Siyaad Bare Ka Gaystay Somaliland Iyo Duuliyeyaashii Ka Qayb Qaatay Duqayntii Cirka Taariikhdu wax bay hagtaa, dadkuna wuu haybiyaa……Dhacdo kasta oo dunida ka dhacdaa raad ayey ka tagtaa, siiba dhacdooyinka murgada leh ee ay ka mid yihiin Xasuuqa iyo dil wadareedka lagu bartilmaamaysto Isir iyo Qoomiyad gaara oo aan waxba galabsan. sida caadiga ah wax kasta oo la qariyaa ma qarsoomaan, wakhti kasta ha qaadatee wax badan ayaa la ogaadaa marka muddo ka soo wareegto. Waxa jira Hadal Murtiyeed uu yidhi abwaan Abdi-Gahayr oo iminka lagu maahmaaho, kaas oo ah*Cuqubo halkii lagu galay ayey Caw Ku hurudaa* Dulucda Murtidu xambaarsantahay ayaa ah Danbi kasta halkii lagu galay ayaa laga Ogyey, cid kasta oo gashayna waa la ogyey ama waa la ogaan-doonaa. Waxa aan xasuutaa muddo iminka ku dhaw labo sano ayaa xaflad soo dhaweyn ah lagu qabtay Xarunta Golaha Wakiilada Somaliland, Xafladaa ayaa lagu maamuusay oo lagu soo dhaweeye Duuliye Soomaaliyeed oo diiday in duqeeyo Hargeysa iyo Hareeraheeda oo markaas ay wadhnaayeen Shacab diifaysan oo ka sii qaxaayey dagaalkii ka socda Magaalada. Duuliyaha ayaa hubkii uu dayaarada ku siday ku daadiyey Badda, Dayaaradiina fadhiisiyey Jabuuti. Duuliyahaa Soo dhaweynta iyo Xafladaha ay taariikhdu ku xustay, waxa ka ag dhaw oo iyana ay taariikhdu maanta xusaysaa Duuliyeyaashii Soomaaliyeed iyo kuwii Shisheeye ee sida Axmaqnimada ah ugu garaacay Bambooyinka iyo hubka culus Maatadii iyo Caruurtii qaxaysay, kuwaas oo Magacyadoodii iyo meelaha ay dhalasho ahaan ka soo jeedeen aan ku bayaamindoono Qoraalkan badhtankiisa iyo Gabogabadiisa-ba. Sooyaalka Taariikheed ee ka waramaaya colaadii bahalnimada ahayd iyo Xasuuqii Isirnimo ee Kacaankii Dhiig yacabka ahaa uu ka gaystay Gayiga Somaliland maaha mid hal qormo lagu soo koobi-karaayo. Haddaba waxa aan qormadan ku soo qaadanaynaa maanta Kaalintii Ciidankii Cirka ee Somalia iyo Calooshood u Shaqaystayaashii Shisheeyaha ahaa ay ka qaateen Duqayntii cirka ee lagu Burburiye Somaliland. Sanadkii-1983…Dowlada Imaaraadku *UAE* waxay Somalia deeq ahaan u siisay 14 Dayuuradood oo noocoodo kala ahaa:10 dayaaradood oo ahaa Hunters iyo 4 dayaaradood oo ahaa nooca loo yaqaano Islander. Ciidankii cirka ee Somalia wuxuu u baahday khubaro aqoon u leh dayaaradaha dagaalka ee Hunters-ka, kuwaas oo la doonaayey in ay tababar siiyaan saraakiil Soomaliya. Ganacsade La yidhaado Jama Guuleed Abdi (Jama Buluug) oo Xigto hoose yihiin Ahmed Saleebaan Dafle, si gaarana ugu xidhnaa Siyaad Bare iyo inta ka ag dhow ayaa hawshii keenida khubarada Hunters-ka loo xilsaaray. Mr. Jama-Buluug oo Xaruntiisu Nairobi ahayd waxa uu qandaraas Naas-nuujin ah ku helay dabayaaqadii 1982 Keenista Shiidaalka Dayaaradaha yar-yar ee noocoodu yahay*Seimarcceti super petrol nooca Avion-cento ottoni* Waxa kale oo Qandaraas lagu siiyey Jama-Buluug in South Africa iyo Zimbawi ka soo kireeyo 4 Duuliyeyaal iyo 4 Farsamoyaqaan oo ku shaqeeya qaab calooshood-u-shaqaystenimo ah, ku darso oo waliba waxa South Africa wakhtigaa Gacnta ku hayey Xukunkii Cunsuriga ahaa ee la odhan jiray Aparthied. Jama-Buluug oo qaab musuq ah ugu milmay Taliskii Ciidankii Cirka ayaa xafiis ka furtay saldhigii dayaaradaha ee Balidoogle oo u dhawaa Baydhabo, halkaas waxa laga abaabulay tababarkii ugu horeeyey ee Caddaankii South Africa laga keenay ay u fureen Saraakiishii kala ahaa: Gaashaanle Sare: Duuliye Ali Ibrahim Ahmed…..Banaadiri. Gaashaanle:Duulie Mohamed Warsame Mooto….Sool clan. Gaashaanle: Duuliye Maxamuud Mad Khaliif…..Raxanweyn. Sida ku cad warqad ka soo baxday taliskii Ciidankii Cirka, waxa Sherkedii Jama-Buluug loo hormariyey Mushaharkii Calooshood-u-shaqaysteyaasha oo dhamaa 600,000 US Dollor. lacagtaas waxa lagu shubay Account-kii Sherkeda Jama-Buluug oo la odhan jiray Dhoodi-Meer LTD COMPANY oo ku taalay London. Dhoodi-Meer waa magacii Faraskii Sayid Mohamed Cabdille Hassan. Isticmaalka Magaca Dhoodimeer waxa uu ka turjumayaa Qabyaaladii qaawanayd iyo isla weynidii dalka ka jirtay sebenkaas. Accountkii Dhoodi-Meer ee lacagta lagu shubi jiray waa kan hoos ku qaran… Dhoodi-Meer LTD COMPANY Account Number 140/1/02494515 National Westminster Bank 1-4 BERKELEY SQUARE HOUSE BERKELEY SQUARE LONDON W1X 6AX UNITED kINGDOM Taliskii Siyaad Bare bilowgii hore ee dagaalka, wuxuu Caalamka ka qariyey isla markaana si qayxan u dafiray in uu dagaal kula jiro Jabhadii SNM. Wuxuu isku deyey in uu ka hortago wax kasta oo beentaa qaawan ka shifaaya. Gaashaanle Sare Duuliye Faarax Siciid (Majeerteen) oo ahaa taliyihii ciidanka cirka ee Hargeysa iyo Gaashaanle sare Mohamed Adan Dirir (Mareexaan) oo isna ahaa Taliyihii Ciidanka cirka ee Berbera ayaa ku dalbaday Duuliyayaashii dayaaradaha Mig 17 iyo Mig 19 in ay duqeeyaan oo si culus u Bamgareeyaan dad iyo duunyo wixii ay arkaan, si ay u horjoogsadaan Qaxoontiga ku sii qulqulaaya dhinca Xadka Ethiopia. Ujeedada Siyaad Bare waxay ahayd in uu Dunida ka qariyo xaqiiqda jiritaanka ee dagaalka. Gaashaanle Sare Farah Siciid (Majeerteen) Taliyihii ciidanka cirka ee Hargeysa oo isagu ahaa ninkii gacanta ku hayey hawlgelinta Dayaaradaha ayaa markii hawshii ku balaadhatay u habarwacday taliyeyaashii saldhigyada ciidanka cirka ugu waa-weynaa ee ku yaalay Ballidoogle iyo Baydhabo. Gaashaanle Sare Duuliye khaliif Ciise Yuusuf /Majeerteen) taliyihii ciidanka Cirka ee Ballidoogle oo hogaaminaaya Raxan dayaaradaha noocoodu yahay Mig 17 & Mig 19 iyo Gaashaanle sare Duuliye Ali Ibrahim Ahmed (Banaadiri) taliyihii ciidanka cirka ee Baydhabo oo isna horkacaaya raxan dayaaradaha loo yaqaan Hunters ayaa si deg-deg ah uga soo deg Garoonka Hargeysa, kuna biiray hawlgalkii duqaynta ahaa ee hore u socday. Ciidankii hore ee dagaalka waday oo ku sugnaa welwel iyo walbahaar ayaa markay arkeen ama ka war heleen Gurmadka Dayaaradaha ah niyadoodii si la yaab leh kor ugu kacday, waxaanay aamineen in iminka ay Jabhada SNM Cagta maridoonaan. waxa la abaabulay duulaan cir iyo dhul ah oo lagu qaado goobihii dadka shacabka ahi u qaxeen iyo meelihii ay ku tuhmaayeen dagaalyahanada SNM, waxa markiiba sahan loo diray dayaaradaha CESNA oo ay wadeen duulliyeyaasha kala ahaa: 1-Duuliye Ahmed Mohamed Mahamoud (Mareexaan) 2-Suufi Jeylaani Maxamed (Barawaani) 3-Faarax Xaaji Salaad (Majeerteen) 4-Yuusuf Juseeb (Majeerteen) 5-Xasan Yare…..(Ogaadeen) Sahankii ka dib waxa la qaaday weerarkii lagu doonaayey in lagu soo afjaro halgankii SNM., Duqayntii cirka iyo dhulkaba waxa ay si xidhiidha oo aan kal-g’olahayn habeen iyo maalinba u socotay muddo dhowr bilood ah. Gaashaanle Sare Duuliye Yuusuf Maxamed Maxamoud *Yuusuf yare (Majeerteen) oo waday Mig 17 waxa uu duqeeyey goob kasta oo uu ku arkay Bidhaan dad iyo duunyo, Xataa Xoolaha nool ee Miyaga daaqaaya muu dhaafi jirin. ninkaas oo Gacan-ku-dhiigle Moorgan ku abaal mariyey lacag faro badan iyo Gaadhi *Landcruiser* ah waxa loo aqoonsaday in uu yahay Sarkaalkii Kaalinta kowaad ka qaatay Burburkii dhinaca cirka ee loo gaystay Somaliland iyo Shacabkeedii. Gaashaanle dhexe Duuliye Maxamud Xaaji Warsame *Mooto* (Sool clan) ayaa isna qaatay kaalinta labaad ee duqayntii dhinaca Cirka. Kaalinta seddexaad waxa qaatay Gaashaanle Sare Duuliye Mursal Muufo (Mogadishu Clan..Abgaal). Mursal waxa uu ku duuli jiray Mig 19. Guud ahaan Xasuuqii Ciidankii Cirka ee Somalia ay ka fuliyeen Gayiga Somaliland waxa ka qayb qaatay Saraakiishan hoos ku qoran….. 1-G/sare Khaliif Ciise Yuusuf (Majeerteen) Taliyihii Ciidankii Cirka ee Balidoogle. 2-G/sare Faarax Siciid(Majeerteen) Taliyihii Ciidankii Cirka ee Hargeysa. 3-G/sare Maxamed Adan Dirir (Mareexaan)Taliyihii Ciidankii Cirka ee Berbera. 4-G/sare Yuusuf Maxamud Maxamed (Majeerteen)….Duuliye Mig 17. 5-G/sare Mursal Xaaji Axmed *Muufo*( Abgaal)……..Duuliye Mig 19. 6-G/sare Maxamed Xasan Raage (Xawaadle)…………Duuliye Mig 19, Ku-dhex-dhintay dayaaradii uu ku dagaalamaayey oo soo dhacday….Cilad-farsamo 7-G/sare Xuseen Aadan Ibrahim (Awdal Clan)…………Duuliye Mig 19, Ku-dhex-dhintay dayaaradii uu ku dagaalamaaya oo SNM soo riday 8-G/sare Ahmed Gurxan Hoori (Ogadeen)………….Duuliye Mig 19, Ku-dhex-dhintay dayaaradii uu ku dagaalamaayey oo SNM soo riday 9-G/sare Maxamed Axmed Xaayow(Abgaal)…………….Duuliye Mig 19, ku-dhex-dhintay dayaaradii uu ku dagaalamaayey oo soo dhacday…..Cilad-farsamo 10-G/sare Xirsi Maxamed Faarax (Mareexaan)………….Duuliye Mig 19 11-G/dhexe Cadulaahi Xaaji (Ogaadeen) Taliye-ku-xigeenkii Salidhiga Baydhabo. 12-G/dhexe Maxamud Xaaji Warsame (Sool clan)……Duuliye Hunter. 13-G/dhexe Moxamed Khaliif Isaaq (Raxanweyn)…………Duuliye Hunter, ku-dhex-dhintay dayaaradii uu ku dagaalamaayey oo SNM soo riday. Jabkii baahsanaa ee ciidankii cirka ka qabsaday dagaalkii ay la galeen Jabhadii SNM, ka sokow waxa Fadeexad iyo ceeb weyni dusha ka fuushay Ciidankii Cirka oo la ogaaday in magac mooyee aanay Aqoon durugsan iyo khibrad toona u lahayn dayaaradaha dagaalka, waxa la ogaaday xataa in ay ku fashileen oo awoodi kari waayeen in ay horjoogsadaan oo dib u celiyaan Shacbkii aan hubaysnayn ee Xadka Itoobiya u qaxaayey. Wajigii labaad ee Duqaynta dhinca Cirka oo ahaa Kaalintii Shisheeyaha Calooshood u Shaqaystayaasha ayaa furmay, kadib markii Duuliyeyaashii Soomaalidu ku fashilmeen dagaalkii. Jama-Buluug oo Hawshaa u xilsaaraa ayaa si deg-deg ah uga keenay Calooshood-u-shaqaystayaal ka koobnaa (Duuliyeyaal, Farsamo-yaqaano iyo hal dhakhtar) oo dalka lagu soo galiyey qaab dalxiisteyaal. waxa la dajiyey Guri dabaq ah oo ku yaal Degmada Hodan Xaafada Taleex (Tel. 81878) oo uu lahaa Cabdulaahi Cumar Ismaaciil*Casaro* ( Majeerteen). Waxa kale oo jirtay Haweeyne Ragga Calooshood-u-shaqaystayaasha ah la socotay oo la odhan jiray Aggie Robanson oo Duuliye ka ahayd Dayaarada Jama-Buluug lahaa oo nooceedu ahaa CESNA laba Mator-lay oo TAXI ahaan ugu kala gooshi jirtay Mogdisho iyo Nairobi, kuna duuli jirtay Baaq Afgasho…*flight code: five young alpha young* Dayaaradaasi waxa ay qaabilsananayd daabulka Khamriga iyo Hilibka Doofaarka. Calooshood u Shaqaystayaashii laga soo kiraystay South Africa iyo Zimbawi waxa ka mid ahaa lixdan danbiile ee hoos ku qoran. 1- J.R. Blythe Wood……Pilot. 2- M. Shegnuller………..Pilot. 3- D.R Jakson………….. Chie Engineer. 4- K.Jonnes…………….. Engines. 5- C.D Balfour……………Armaments. 6- J.D. Hurrel…………….Airframes. Waxa Saraakiishii Ciidanka Cirku qaarkood cadeeyeen in tirada Calooshood u shaqaystayaashu intaa ka badnayd oo la isku bedbedelijiray. Calooshood u shaqaystayaashu marka ay hawda ku jiraan ee wax duqaynayaan waxay Isticmaali jireen Code Names ahaa Jama iyo Diini. Labadaa magac ee ahaa Code names-ka, Jama waxa uu ka soo jeedaa Jama-buluug. Diini waa magaca Jifada-Qabiil ee uu ka soo jeeday kaligii-taliyihii Siyaad Bare Inkasta oo Calooshood u shaqaystayaashii Shisheeye ay dad shacab ah Gumaadeen Hanti badan burburiyeen haddan aakhirkii lafahoodii ayey u baqeen oo wey soo carareen. Duuliye Blythe Wood inta uu xakamaha u jaray dayaaradii uu watay ayuu isna Baarashuud ama Dallad kaga booday, Dayaaradiin-na waxay ay ku dhacday meel la yidhaahdo Dallandoolle oo katirsan Degmada Buur-xakabo. Jama iyo Diini mar la weydiiyey in ay ku noqonayaan dagaalkii, waxa ay ku jawaabeen hadal la macno ah Murtida tidhaahda. *Adiguba Caqlaad leedahee Carar Maxaa Dhaama* …….. Dhamaad. Macloomaadka ay Xambaarsantahay War-bixintani Qayb waxaan ka soo xigtay Buugga la yidhaahdo Sababihii Burburkii Somalia oo uu qoray Qoraaga Magaciisu yahay Cabdiqaadir Oromo, Qaybta kalen waxa ku deeqay Shakhsiyaada-ka hoos ku qoran. 1-Duuliye Suufi Jeylaani Maxamed (Barawaani) 2-Idiris Shide oo ahaa gacan yarihii Jama-buluug ee hayey xafiiskii Ballidoogle. 3- Xisaabiyihii Sherkedii Dhoodi-Meer ee Nairobi Fadhiyey 1980-tamaadkii. 4-Xoghayihii Taliyihii Ciidanka Cirka: Sare/Guuto…Cabdi Cismaan Maxamed (Cabdi-Caluq) By: Osman Abdillahi Sool….sooldhuub@hotmail.com Freelance Journalist. Qaran News
  17. Hay’adda Dhawrista Tayada oo Wareegto ka soo Saartay Shirkada MH PHARMA UK. Hargeysa(Qaran news)-Wareegto ka soo Baxday Xafiiska Gudoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada JSL,Summadeeduna Tahay Tix:HDHT/XG/01/2855/2024 kuna Taarikhaysan 28-03-2024وTaaso u dhigan Sidan; Ku: Dhamaan Shirkadaha Daawada soo Dajiya =Xarumahooda = Ku: Ururka DIWO =Hargeysa= Og: Isuduwayaasha Gobolada ee HDHT = Xarumahooda= Og: Agaasimaha Waaxda Hubinta Tayada = Hargeysa= Og: maayiradda Dawladaha Hoose JSL =Xarumahooda = Og: Agaasimaha Guud Ee Hay’adda Dhawrista Tayada = Hargeysa= Og: Wasiirka Wasaarada H.caafimaadka JSL =Hargeysa= Og: Wasiirka Wasaarada H.Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL =Hargeysa= Ujeedo: Joojin iyo Dib u Soo Ururin Dawo Guddida Hay’adda Dhawrista Tayadda Qaranku iyadoo Tixraacaysa Xeer Lr:68/214 qodobkisa 7aad faqradiisa 9aad 11aad. Marka ay tixgalisay qodobka 38aad faqradiisa 1,2,3 ee Xeer Lr:68/2014 xeerka Hay’adda Dhawrista tayadda ee la xidhiidha ka ganacsiga badeecadaha been abuurka ah iyo asalnimadooda, Marka ay daristay heer-tayeedka qaranka ee la xidhiidha weelka iyo qafaska ay badeecadu ku jirto, Marka ay baadhis (Visual Inspection) iyo dabogal ku samaysay nooca dawooyinka ay soo saarto shirkada MH PHARMA UK L.t.d, isla markaana ay shaybaadhis (lab Testing) ku samaynay daawada ay soo saarto shirkada MH PHARMA UK. Markaanu baadhis iyo daba-gal ku samaynay Shirkada MH PHARMA UK, waxaanu ogaanay in shirkada MH PHARMA UK, in aanay ku jirin liiska Warshadaha soo saara daawooyinka dalka UK gudihiisa, sido kalana aan lagu dhex iibin dawooyinka shirkadan MH PHARMA Dalka UK. Haddaba, waxaa noo cadaatay in ay shirkada MH PHARMA UK ay tahay shirkad ka been sheegaysa Dalka UK. Hadaba Waxa ay Guddida Hay’adda Dhawrista Tayaddu Go’aamisay 1. In daawo kasta oo ay ku qoran tahay ama ay soo saartay shirkada MH Pharma UK L.t,d. been abuur tahay. 2. In daawooyinka ay ku qoran tahay MH PHARMA UK aan la iibin Karin,la qaybin Karin lana isticmaali Karin. 3. In daawo kasta oo ay ku qoran tahay in ay soo saartay MH PHARMA UK aan dalka dib loo keeni Karin la soo dajin Karin. 4. In daawo kasta oo ay ku qoran tahay MH PHARMA UK suuqyada Somaliland laga soo ururin doono laga bilaabo 1/04/2024 laguna ururin doono muddo 30 cisho gudahood ah, isla markaana la gubi doono. Sidaa daaradeed waxa la farayaa ganacsatada daawada soo dajisa in amarka sidiisa u dhaqan galiso masuuliyiinta ay khusayso wareegtadina ay waajibkooda ka gutaan. Allah Mahad Leh. Mukhtar Maxamed Cali Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada JSL. Qaran News
  18. Xisbiga WADDANI oo Xukuumadda ku Dhaliilay in aanay waxba ka Qaban Qorshaheedii Beeraha Hargeysa(Qaran news)- Xoghaye ku xigeenka Beeraha ee Xisbiga WADDANI Khaalid Maxamuud Jaamac, ayaa ayaan darro ku tilmaamay in 32 sannadood oo ay Somaliland ahayd qaran madax bannaan in aanay jirin beer dawladdu leedahay iyo mashaariic lagu hirumarinayo dhinaca Beeraha. “ Waxa 32 Sanno kadib innagu ceeb ah, in la waayo beer dawladdu leedahay oo mashruuca Taiwan laga fuliyo kadiba beer shakhsi leeyahay lagu wareejiyey,” ayuu yidhi Xoghaye xigeenka beeraha ee xisbiga WADDANI Mudane Khaalid Maxamuud Jaamac oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa. Khaalid wuxuu ku dhaliilay xukuumadda Muuse Biixi in aanay waxba ka fulin qorshihii horumarinta beeraha ee ay ku ololaysay. Waxa kaloo uu tilmaamay in aanu jirin wax la taaban karo oo Xukuumaddu ka qabatay dhiirigelinta iyo xoojinta beerllayda dalka, si kor loogu qaado waxsoosaarka beeraha ee dalka. Xoghaye kuxigeenku wuxuu caddeeyay in xisbigooda WADDANI uu qorshe ballaadhin ka leeyahay wax u qabashada beeralayda iyo kor u qaadista waxsoosaarka gudaha ee dhinaca cuntada. Waxaanu xusay in qorshahaasi uu ku caddaan doono barnaamij siyaasadeedka xisbiga, oo muhiimad weyn siin doona arrintaas. Qaran News
  19. Yesterday
  20. Maraakiib dagaal oo Ruushku leeyahay ayaa lagu soo warramayaa in ay ka gudbeen marinka Bab al-Mandab islamarkaana galeen badda cas. Ciidamada badda Ruushka ee Pacific Fleet ayaa laga soo xigtay in maraakiibtooda dagaalka ay ka gudbeen marinka Bab al-Mandab, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Ruushka ee TASS. Dawladda Eritrea, ayaa dhankeeda shaacisay in markabka dagaal Ruushka ee Marshal Shaposhinkov inuu soo gaaray xeebaheeda kaaso ka mid ah maraakiibta Ruushka ee soo galay badda cas. Markabka Marshal Shaposhinkov, waxaa la sheegay in uu magaalada Massawa ee Eritrea , kaga qaybgalayo sannad-guurada 30-aad ee xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Ruushka iyo Eritrea, halkaa oo uu ku sugnaan doono muddo shan maalmood ah. PUNTLAND POST The post Maraakiibta dagaalka Ruushka oo gaaray xeebaha dalka Eritrea appeared first on Puntland Post.
  21. Guddoomiya xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa cambaareeyay mawqifka ay dowlada Jabuuti kaga soo horjeedsatay isfahamka Somaliland iyo Itoobiya. Guddoomiya ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X doqoniimo ku tilmaamay hadal uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf kaga soo horjeestay isfahamka Somaliland iyo Itoobiya. “Waa hadalkii ugu doqoniimada badnaa ee wasiir arrimo dibadeed kasoo yeedha, dowlada Jabuuti madaxbannaanida Somaliland meel ka xun Soomaaliya ayay ka taagantahay ilaa markii Somaliland ay madaxbannaanideeda lasoo noqotay” ayuu yidhi Guddomiye Waraabe. Wasiir Yuusuf oo waraysi kooban siiyay MMTV, ayaa sheegay in dowlada Jabuuti ay taageersantahay madaxbannaanida Soomaaliya, isla markaana anay aqbalayn in Somaliland ay Soomaaliya ka godo. Wasiirka ayaa sheegay in Jabuuti ay ku dadaalayso in laysku soo dhaweeyo Soomaaliya iyo Itoobiya, oo aanu xidhiidhkoodu fiicnayn tan iyo markii Somaliland iyo Itoobiya ay gaadheen isfahamka heshiiska badda. Somaliland iyo Itoobiya ayaa bilowgii sannadkan gaadhay heshiis dhigaya in Somaliland ay Itoobiya ka kirayso 20 kilo mitir oo Badda Cas ah, oo ay Itoobiya saldhig ciidan ku yeelanayso, Itoobiyana ay Somaliland aqoonsato. Qaran News
  22. Moscow (Caasimada Online) – Vladimir Putin ayaa sheegay in Russia aysan qorsheyneyn inay weerarto dal ka mid ah NATO, ama Poland, amd dalalka Baltic ama Jamhuuriyadda Czech, balse haddii Reer Galbeedka ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay ciidamada Ruushka soo ridi doonaan. Duullaankii Ruushka ee Ukraine ee bishii Febraayo 2022 ayaa kiciyay xasaraddii ugu xumeyd ee xiriirka Ruushka iyo Reer Galbeedka tan xasaraddii gantaalaha Cuba ee 1962-kii. Isagoo la hadlayay duuliyayaasha ciidamada cirka ee Ruushka, Putin waxa uu sheegay in isbahaysiga milatari ee Maraykanka uu hogaaminayo ay usoo ballaaranayeen dhanka bari ee Ruushka tan iyo dhicistii Midowgii Sofiyeeti ee 1991-kii balse Moscow aanay qorshaynayn in ay weerarto dal ka tirsan NATO. “Ma lihin ujeeddooyin gardarro ah oo ku wajahan dalalkan,” ayuu yiri Putin, sida ku cad qoraal Kremlin uu baahiyey Khamiista maanta ah. “Fikradda ah inaan weerari doonno qaar ka mid ah dalal kale – Poland, Dalalka Baltic, iyo Czech ee laga baqayo – waa wax aan macno lahayn. Waa uun nacasnimo.” Kremlin-ka, oo Mareykanka ku eedeeya in uu la dagaallamayo Ruushka, isagoo ku taageeraya Ukraine lacag, hub iyo sirdoon, ayaa sheegay in xiriirka Washington uu marayo halkii ugu xumeyd. Mar wax laga weydiiyay diyaaradaha dagaalka F-16 ee reer galbeedku ay balan qaadeen in ay u diri doonaan Ukraine, Putin waxa uu sheegay in diyaaradaha noocaan ah aysan waxba ka bedeli doonin xaaladda Ukraine. “Haddii ay siiyaan F-16, arrintan oo ay ka hadlayaan, oo ay u muuqdaan inay tababarayaan duuliyeyaasha, tani ma beddeli doonto xaaladda furimaha dagaalka,” ayuu yiri Putin. “Waxaan u burburin doonnaa diyaaradahan sida aan maanta u burburinay taankiyada, baabuurta gaashaaman iyo qalab kale oo ay ku jiraan gantaallo badan.” Putin ayaa sheegay in F-16 ay sidoo kale xambaari karaan hubka Nukliyeerka. “Dabcan, haddii lagu isticmaali doono garoommada diyaaradaha ee dalal saddexaad, waxay noo noqon doonaan bartilmaameedyo sharci ah, meel kasta oo ay ku yaalliin,” ayuu yiri Putin. Hadalka Putin ayaa daba socday hadal uu goor hore oo maanta ah jeediyay wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba oo ahaa in diyaaradaha F-16 ay soo gaari doonaan Ukraine bilaha soo socda. Ukraine, oo hadda in ka badan laba sano ku jirta dagaal buuxa oo ka dhan ah Ruushka, ayaa raadinaysay F-16 muddo bilo ah. Belgium, Denmark, Norway iyo Netherlands ayaa ka mid ah dalalka ballan-qaaday inay ku deeqi doonaan F-16. Sidoo kale dalal badan ayaa ballan-qaaday inay ka caawin doonaan Ukraine inay u tababaraan duuliyayaashooda. The post PUTIN oo hanjabaadii ugu cusleyd u diray reer Galbeedka xilli ay qorsheynayaan in… appeared first on Caasimada Online.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah ganacsatadii dalka keentay tubaakada halista ah ee loo yaqaano Yaabuu-ga ayaa maanta la hor geeyey maxkamadda gobolka Banaadir, waxayna mareen hanaanka xabsi xalaaleynta, iyadoo loo dhaadhiciyey xabiga, si baaritaano dheeraad ah loogu sii sameeyo. Waxaa soo baxay maanta xogo xasaasi ah oo sheegaya in kiiskaan ay ku lug yeesheen saraakiil sare oo ka tirsan hey’adda Tayodhorka Soomaaliyeed iyo xubno ka mid ah maamulka garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho. Xubnaha kiiskaan u xiran ee maanta su’aalaha la weydiiyey waxaa ka mid ah sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya, kaas oo hey’adda Tayodhowka kala shaqeynayey koontoroolidda alaabaha ku jira kunteenadara laga soo dejiyo dekedda Muqdisho. Ganacsatada maxkamadda la geeyey ayaa maanta sheegay inay jiraan xubno ka tirsan hey’adda Tayodhowrka oo kula shirkoobay in markii ay dekedda ka soo dejiyaan tubaakada Taabuu-ga ay la fududeyn doonaan sidii looga bixi lahaa dekedda, si loogu iib geeyo gudaha dalka. Waa markii ugu horeysay oo Tubaako hal kunteenar dhan laga soo dejiyey dekedda Muqdisho, sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa tubaakadaan laga keenay dalka Sweden, waana nooc halis ah oo qofkii caba uu aad ugu sarqaamayo, sida ay noo sheegeen dadka yaqaana, waxaana la qirsan yahay in hadii Muqdisho ay soo geli laheyd Tubaakadaas ay halis ku noqon laheyd bulshada. Kunteenarka siday Tubaakadaan halista ah ayaa fashilmay oo la qabtay markii is fahmi waa uu soo dhex galay ganacsatadii ka soo dejisay dekedda iyo xubnihii heshiiska la galay ee hey’adda Tayodhowrka, kuwaas oo markii hore balan-qaaday inay ka soo gudbi doonaan dekedda Muqdisho. Markii ganacsatada keentay kunteenarka Tubaakada ah la su’aalay waxay cadeeyeen inay heysteen balan-qaad buuxa oo ku dhiirigeliyey inay dalka soo geliyaan Taabuugaan halista ah, taasi waxay badisay tuhunka, waxaana lagu celiyey xabsi si baaritaanadu u sii socdaan, loona raadiyo dadka kale ee kiiskaan u lugta leh. Sida ay ogaatay Caasimada Online, kunteenarkaas waxaa ku jiray 49 kartoon uu Taabuu ah, waxaana markii ugu horeysay xogtiisa heshay maareeyaha hay’adda Tayodhowrka Soomaaliya, taasi oo cusleysay in xubno ka tirsan hey’adda ay macaamil ka galaan, sidii dekedda looga soo gudbin lahaa Tubaakadaas halista ah. Hey’adda Tayodhowrka Soomaaliya waxay baartaa Tayada badeecadaha dalka soo gala iyo kuwa ka baxa, waxaana saran masuuliyad weyn, dhawaan waxaa garoonka Muqdisho lagu qabtay 7 kunteenar oo Bur dhacay ah, kiiska Burkii dhacay ee la qabtay iyo dadkii dalka soo geliyey ayaa hadda loo gudbiyey maxkamadaha dalka. The post Xog: Xubno DF oo ku fashilmay inay dekedda ka gudbiyaan Daroogo halis ah appeared first on Caasimada Online.
  24. Shirkada diyaaradaha ee Emitrates ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay war ay baahisay Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland, oo sheegayay in ay isku dhici gaadheen diyaarado ay leeyihiin Emirates iyo Ethiopian Airlines. Afhayeen u hadlay shirkada diyaaradaha Emirates ayaa sheegay in diyaaradoodu anay la kulmin wax khatar ah wakhtiga ay Somaliland sheegtay oo ahaa maalintii Axada ee 24 March. “Emirates waxay xaqiininaysa in anay jirin wax diyaarad ah oo nagu soo dhawaatay taasi oo khatar galin kartay diyaaradayada wakhtigaa la sheegay, dhamaan diyaaradaha Emirates waxa ku rikiban qalab u sahalaya in ay ilaashato masaaafada” ayuu yidhi afhayeenku. Source
  25. Guddiga madaxabannaan ee dib u eegista dastuurka ayaa maanta xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda ka hor akhriyay nuqulka kamadambeysta ah ee dib u eegista lagu sameeyay Cutubyada 1-aad -4-aad ee Dastuurka, waxaana lagu ballamay in maalinta sabtida ah loo qaado codka ansixinta ah. Halkaan ka akhriso https://sonna.so/so/wp-content/uploads/2024/03/Soojeedinta-Nuqulka-Kama-Dambayst-ah-28.3.2024-1.pdf Source: goobjoog.com
  26. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Faadumo Faarax oo golaha shacabka ku metesha qoyska darawalkii Farmaajo oo la sheegay inuu Shabaab u goostay ayaa maanta soo saartay qeylo dhaan cusub, iyadoo farriin u dirtay hey’adaha amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya. Sahal Maxamed Xirsi oo ahaa darawalkii qaaska ahaa ee Farmaajo ayaa la waayey 8 maalmood ka hor, kadib markii uu garoonka Aadan Cadde geeyey Farmaajo oo u socday Garowe. Xildhibaan Faadumo ayaa codsatay in hey’adaha amniga ay baaritaan dhab ah ku sameeyaan halka uu aaday Sahal, iyadoo sheegay in warka sheegaya inuu Shabaab aaday uu been abuur yahay, isla markaana tuhun ka muujisay in ninkaas uu ku xiran yahay gudaha Muqdisho. “Sahal Maxamed Xirsi ayaa la dhahaa wiilkaas, maanta ku 8 waa weysanahay, meel kasta ayaan ka raadinay, nabadoonkeyga ayaa dhalay, waxaan ka codsanayaa hey’adaha amniga in ninkaas ay nala raadiyaan,” ayey tiri Xildhibaan Faadumo. Xildhibaanka oo banaanka xarunta golaha shacabka kula hadashay warbaahinta ayaa la weydiiyey waxa ka jira in ninkaas uu aaday Al-Shabaab, waxayna ku jawaabtay, “Waa been warkaasi, hadii uu halkaas jiro waxaan heli laheyn cadeymo, ee hey’adaha amniga waxaan ka rabnaa in ninkaas Meesha uu jiro ay dabagalaan, meel kasta waxaa ku xiran kaamiro, waa la heli karaa dhaqdhaqaaqiisa, xitaa waxaa la baari karaa wicitaanadii ugu dambeeyey ee uu sameeyey,” ayey tiri. Maalmihii lasoo dhaafay waxaa mar qura soo baxay warar sheegaya in darawalkii Farmaajo uu aaday Al-Shabaab, isagoo ka degay magaalada Kismaayo, kadibna uga sii gudbay deegaanada ay joogaan Al-Shabaab, balse ma jirto cid soo bandhigtay wax cadeyn ah. Hadalka Xildhibaan Faadumo oo qoyska ninkaas baarlamaanka ku metesha waxay muujisay tuhun ah in ninkaas Muqdisho uu ku dhex xiran yahay oo gacanta hey’adaha amniga uu ku jiro, maadaama uu la shaqeynayey Farmaajo oo Muqdisho looga kacsan yahay. Wuxuu watay gaari qaali ah oo xabadu aysan karin, kaasi oo ahaa gaarigii qaaska ahaa ee Farmaajo, wararka aan la xaqiijin waxay sheegayaan in gaarigaas uu gatay Sahal, kadibna uu aaday Al-Shabaab, balse dowladu weli kama aysan hadlin kiiskaan, tuhunka ugu badana wuxuu dul-hoganayaa hey’adaha ammaanka. Hoos ka daawo The post Daawo: Xildhibaan DF ka dalbatay xogta darawalkii Farmaajo oo la waayey appeared first on Caasimada Online.
  27. Masuuliyiinta WADDANI oo ka Qaybgalay Tartanka Cirro Cup Hargeysa(Qaran news)-Masuuliyiin ka mid ah xisbiga WADDANI ayaa ka qayb galay xidhitaanka tartanka Cirro Cup ee magaalada Ballidhiig ee gobolka Togdheer ka socday. Tartankan oo uu hirgeliyay musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayay ku tartameen degmooyin waaweyn oo ka mid ah gobolka waxaanu noqday tartanka ugu xiisaha badan Cirro Cup oo ka socda gobollada iyo degmooyinka. Kooxda ka socotay degmada Qorilugud ayaa ku guulaysatay koobka iyada oo ay ciyaarta u dambeysa wada ciyaareen kooxda ka socotay degmada Qoryaale. Tartankan ayaa u dhacay si qurux badan waxaanu is dhex gal u ahaa dhallinyarada oo ciyaar wanaag muujisay, islamarkaana degmada Ballidhiig si wanaagsan u marti gelisay. Waxa ciyaarta shalay ka qayb galay xoghayaha ciyaaraha xisbiga WADDANI Mudane Yuusuf Nuux Yuusuf Tadhase oo ay weheliyaan xoghayaha waxbarashada mudane Muuse Askar, xoghayaha amniga mudane Ibraahin Ducaale Boos, xoghaye kuxigeenka xidhiidhka gobollada iyo degmooyinka Maxamuud Xasan Doob, Xoghaye ku xigeenka garabka dhalinyarada heer qaran mudane Yaasiin Xiis, afhayeenka gobolka Togdheer mudane Cabdiweli Sunbul iyo masuuliyiin kale. Qaran News
  1. Load more activity
  • Newsletter

    Want to keep up to date with all our latest news and information?

    Sign Up