All Activity

This stream auto-updates     

  1. Past hour
  2. Have u noticed that this isn’t about Ethiopia gaining access of Ethiopia annexing parts of Somaliland they mention . They mention that they hate what is in for Somaliland which recognition
  3. Dowlada Jabuuti oo mar kale ka hadashay mawqifkeeda ku aadan isfahamka Somaliland iyo itoobiya Khamiis, Maarso, 28, 2024 (HOL) - Dowlada Jabuuti ayaa markale kasoo horjeedsatay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, iyada oo sheegtay in madaxbannaanida Soomaaliya ay tahay lama taabtaan. Wasiirka Arrimaha Dibada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, oo waraysi kooban siiyay MMTV, ayaa sheegay in loo bahanyahay in dib loo soo celiyo xidhiidhkii ka dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya. "In xidhiidhka fiican ee Soomaaliya iyo Itoobiya dhexmarayay in uu sidii kusoo noqdo hadafkaa ayuu Madaxweyne Ismaaciil Cumar qabaa, markaa gobolkeena dhibaatooyinkiisu way badanyihiin, dhibaato cusubna uma baahnin" ayuu yidhi Wasiir Yuusuf. Wasiirku waxa uu carabka ku adkeeyay in ay qabaan mawqif ah in la ixtiraamo madaxbannaanida Soomaaliya, isaga oo sheegay in dowlada Jabuuti anay aaminsanayn in Soomaaliya la kala jaro. Waxa uu sheegay in isfahamkii Somaliland iyo Itoobiya anay wali waxba ka hirgalin, isla markaana dowladaha Jabuuti iyo Kenya ka shaqaynayaan isku soo dhawaynta Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxa uu sheegay in Jabuuti ay hada hayso xilka hoggaanka urur goboleedka IGAD, isla markaana ay masuuliyadi ka saarantahay ilaalinta nabada gobolka, iyo isku haynta dowladaha ururka xubnaha ka ah.
  4. Shirkadda diyaaradaha ee Emirates Airlines ayaa been abuur ku tilmaantay in mid ka mid ah diyaaradooda ay shil ku gali gaartay hawada Soomaaliya. Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Somaliland ayaa laba maalin ka hor sheegtay in qalad ay galeen hagayaasha diyaaradaha ee garoonka Muqdisho ay sababi gaartay in ay isku dhacaan laba diyaaradood, oo ay lee yihiin Emirates Airlines iyo Ethiopian Airlines. Haddaba, afhayeen u hadlay Emirates Airlines, ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin warka la xiriira isku dhaca labada diyaaradood, wuxuuna tilmaamay in diyaaradaha Emirates Airlines ay leeyihiin nidaam ka ilaalinaya inay galaan khadka ay ku jiraan diyaaradaha kale, sida u ku warramay wargeyska Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee Gulfnews. Saraakiisha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ee SCAA , ayaa dhankooda laga soo xigtay in aysan jirin wax qaladaad dhankooda ah oo sababi gaaray isku dhaca diyaaradaha , iyagoo intaa ku daray in aysan labada diyaaradood ee la sheegay in ay isku dhici gaareen aysan isku jiho u socon. PUNTLAND POST The post Shirkadda Emirates Airlines oo beenisay in diyaarad ay leedahay Shil ku gali gaartay Hawada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  5. Today
  6. President Hassan Sheikh Mohamud wrote the introductory message in Somalia’s discriminatory National Adaptation Programme of Action on Climate Change (NAPA). Mogadishu (Report PP) — Climate change is one of the environmental challenges facing Somalia, a fragile nation-state recovering from state collapse. Recurrent droughts, crop failures, and floods adversely affect the lives of millions of Somalis of different socio-economic backgrounds. Those problems posed by climate change to the lives of Somalis can be mitigated by the effective implementation of policies. The Somalia Ministry of Environment and Climate Change is mandated to “protect, conserve, and restore the environment of Somalia in order to improve and maintain the quality of life of its citizens through sustainable development.” The National Adaptation Programme of Action on Climate Change (NAPA) is the pathway to implement five projects to which the Ministry has committed funds from the Green Climate Fund (GCF). Flaws in Somalia’s National Adaptation Programme of Action on Climate Change (NAPA) Abidkarim Hussein Guled is the Special Presidential Envoy for Somaliland, formerly the Somali Federal Interior Minister and one-time President of Galmudug State of Somalia. An investigation by Puntland Post news website found that Somalia’s National Adaptation Programme of Action in Climate Change, written in 2013 with an introductory message by President Hassan Sheikh Mohamud, contains political favouritism and ethnic discrimination. Before the NAPA was launched, workshops had been held. Participants from the district of Las-Anod are listed in Table 21: List of Participants in Somaliland (page 81). Las-Anod is federally a part of the Puntland State of Somalia, but the Federal Government of Somalia allowed the Somaliland Administration to claim secession-based jurisdiction over Las-Anod. For this reason, the Federal Ministry of Environment and Climate Change considers the district to be part of territories controlled by Somaliland Administration. This designation partly fuels the conflict in Sool. The NAPA has not been revised to reflect the federal laws about the distribution of development aid and guidelines for the Federal Government of Somalia to work in partnership with Federal Member States. The flaw in NAPA contradicts the sentiment expressed in the introductory message by President Hassan Sheikh Mohamud: “Every person has the right to an environment that is not harmful to their health and well-being, and every person has the right to have a share of the natural resources of the country whilst being protected from excessive and damaging exploitation of these natural resources.” Ethnic discrimination in NAPA Khadija Mohamd Al-Makhzoumi is an MP and the Somalia Minister for Environment and Climate Change. Another flaw in the NAPA pertains to the categorisation of Somali social groups. Citing the International Union for Conservation of Nature (IUCN), NAPA classifies the ethnic make-up of Somalis thus: “While 85% of the population is Somali, the balance of 15% comprises people of Bantu and non-Somali origins.” The Jareer Weyn are a Somali clan. If the claim made by some Somali clans about their Arab genealogy does not render them non-Somali, why has NAPA singled out Jareer Weyn to categorise them as non-Somali? This categorisation constitutes ethnicity-based discrimination of Jareer Weyn Somali citizens based on their physical features. Missing in the list of the “major” Somali clans in NAPA are the Banadiri clan and other politically and traditionally discriminated clans, such as Gaboye. The NAPA violates Somalia’s provisional constitution. Nepotistic appointments and conflict of interest Although the Somalia Ministry of Environment and Climate Change is one of the few ministries that receives external funding to help Somalia cope with the impact of climate change, nepotism and conflicts of interest undermine programmes funded by the Green Climate Fund. The Minister, Khadija Mohamd Al-Makhzoumi, is an MP and the wife of Abidkarim Hussein Guled, the Special Presidential Envoy for Somaliland, formerly the Somali Federal Interior Minister and one-time President of Galmudug State of Somalia. Abdikarim’s appointment by President Hassan Sheikh Mohamud as a Special Presidential Envoy constitutes a conflict of interest that is reflected in how the Ministry implements projects, how it communicates its priorities and how it recruits staff. Keeping beneficiaries in the dark The website of the Somalia Ministry of Environment and Climate Change is written in English despite Somali being the official language of the Federal Republic of Somalia. The website of the Somalia Ministry of Environment and Climate Change is written in English. It does not have Somali language pages since Somali is the official language of the Federal Republic of Somalia. It contains scanty information about projects (5) and disbursements (10). It is unclear how much of the funds the Ministry has so far spent on the 5 projects listed on the website: (1) GCF Readiness in Somalia; (2) Preparatory Support (National Adaptation Plans Support Programme); (3) Promoting Resilience Through an Integrated Approach to Water, Environment, and Drought; (4) Support to Develop a Green Climate Fund (GCF) concept note and full proposal on Climate Resilient Agriculture (FAO); and (5) IWRM (Integrated Water Resource Management). Lack of data on the five projects the Ministry is implementing deprives funders, researchers and assessors of the opportunity to determine how the National Adaptation Programme of Action has been applied, even in its flawed and discriminatory form. The motivation to keep Somali citizens in the dark about the beneficiaries of the five projects may have to do with existing nepotism-based bias towards certain constituencies. © Puntland Post, 2024 The post Climate Change Projects in Somalia Are Undercut by Nepotism and Discrimination appeared first on Puntland Post.
  7. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga Guud, dhameystirka dimuqraadiyadda Puntland, xaaladda cudurada faafaha, xaaladda Deegaanka iyo Kor-u-qaadista Dalxiiska iyo illaalinta goobaha taariikhiga ah. Golaha Wasiirada ayaa soo saaray qodobo ku saabsan dhameystirka Dimuqraadiyadda Puntland, iyadoo la tixraacay warbixinta ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda. Qodobada ayaa kala ah : 1. Dhamaystirka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka 3-da Degmo ee dhiman oo kala ah Garoowe, Dangaroyo iyo Godobjiraan. 2. Fariisinta Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Dhiman ee Jariiban, Bursaalax, Murcanyo iyo Xumbays. 3. Tababarka 33-da Degmo iyo qoondaynta kharashkii ku bixi lahaa. 4. Dib-u-eegista shuruucda Doorashooyinka sida L.7 iyo Xeerarka Doorashooyinka. 5. Dhamaystirka Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC. 6. Dib-u-eegista iyo Is-waafijinta qodobada Dastuurka ee Is-khilaafsan. Sidoo kale waxaa Golaha looga hadlay : Amniga Guud: Wasaaradda Amniga ayaa Golaha la wadaagtay warbixinta Amniga Guud ee Puntland iyo shaqada socota ee lagu dardargelinayo sugida Amniga. Xaaladda Cudurada Faafa: Wasaaradda Caafimaadka ayaa Golaha la wadaagay xaaladda cudurada faafa sida Shuban-biyoodka iyo dadaalada Dowladdu Kula tacaalayso. Xaaladda Deegaanka Puntland: Wasaaradda Deegaanka, ayaa Golaha la wadaagtay warbixinta xaaladda deegaanka iyo howlgalada looga hortagayo xaalufka iyo waxkasta oo khatar ku ah deegaanka. Dalxiiska iyo Goobaha Taariikhiga ah: Wasaaradda Warfaafinta ayaa Golaha la wadaagtay warbixin ku saabsan dalxiiska Puntland, Illaalinta Goobaha taariikhiga ah iyo qorsheyaasha dhow ee ay ku horumarinayaan arrimaha Dalxiiska Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa faray dhammaan hay’adaha Dowladda in laga wada shaqeeyo addeega dowladeed ee Bulshada loo hayo, iyadoo la raacayo Siyaasadda iyo qorshaha Dowladda ee hortebinta leh. The post Qodoba ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiirada Puntland ee Khamiista Maanta ah appeared first on Puntland Post.
  8. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga 4-aad kulankiisa 30aad ee wadajirka ah ee Labada Aqal, waxaana ku weheliyay ku-xigeennada labada gole. Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad, qeybinta nuqulka kama dambeysta ah ee soojeedimaha wax-ka-beddelka dastuurka (Cutubka 1-aad ilaa iyo 4-aad) iyo warbxinta Guddiga Dib u eegista iyo La-socodka Dastuurka. Guddoomiyaha Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa aqal Xil. Xuseen Iidoow, oo Xildhibaannada hortooda ka aqriyay warbxinta 1-aad ilaa iyo 4-aad, isagoona sheegay in Xildhibaannada loo qeeybiyay nuqulka kama dambeysta ah ee ay soo diyaariyeen Guddiga Madaxbanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka. Guddoomiyaha Guddiga Madaxbanaan ee La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka, Mudane Burhaan Aadan Cumar, ayaa soo bandhigay hadal qoraallada ay diiwaan geliyeen kuwaas oo ahaa soo jeedimaha Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Halkan ka akhriso Nuqulka kama danbaysta ah ee Wax-ka beddelka Dastuurka PUNTLAND POST The post Baarlamanka Soomaaliya oo maanta loo qeybiyay Nuqulka kama danbaysta ah ee wax ka beddelka Dastuurka appeared first on Puntland Post.
  9. Mogadishu (HOL) - Somalia's Cabinet of Ministers approved an oil and gas production agreement on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  10. Mogadishu (HOL) - Mumbai Police disclosed that eight Somali nationals arrested for hijacking a merchant vessel are over 18, as determined by ossification tests. The individuals, initially claiming to be minors, are among 35 arrested following an Indian Navy anti-piracy operation on March 16, 2024. Source: Hiiraan Online
  11. Garowe (HOL) - Moroccan non-governmental organizations are calling for governmental intervention following the sentencing to death of six Moroccan nationals by a military court in Bossaso, northern Somalia. The court's decision, reported on March 1, found the men guilty of terrorism charges for their alleged affiliations with the Islamic State (ISIS) group. Source: Hiiraan Online
  12. UNITED NATIONS (Xinhua) -- UN humanitarians said on Wednesday they are concerned about the spread of cholera in nearly half of the 72 Somalia districts amid a severe shortage in oral vaccine doses. Source: Hiiraan Online
  13. Prices for private maritime security guards onboard have shot up this year, new analysis from sister title Splash Extra shows. Source: Hiiraan Online
  14. Mogadishu (HOL) - The Somali government has stated that it has killed more than 80 Al-Shabaab militants in a series of operations across the Mudug, Middle Shabelle, and Bakool regions. Source: Hiiraan Online
  15. NAIROBI, March 26 (Xinhua) -- The larger part of the Horn of Africa region is expected to be wetter than usual between April and June, said the Climate Prediction and Applications Center (ICPAC) of the Intergovernmental Authority on Development (IGAD), a regional bloc, Tuesday. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa gaaray degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Saraakiil uu ka mid yahay Abaanduulaha qeybta 12-ka April G/Sare Warsame Maxamed Diiriye ayaa Taliye Dayax ku soo dhaweeyey Afgooye, ayada oo taliyaha uu soo kormeeray saldhigyada ciidamada xoogga ee degmadaasi. Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ciidanka faray inay u diyaar garoobaan howl-gallo culus oo kooxda Al-Shabaab looga sifeyn doono deegaanada ay uga dhuumaaleystaan Shabeellaha Hoose. Taliye Dayax oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay inuu socdo diyaar garowga dagaalka guud ahaan dalka looga xoreynayo argagixisada. Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay billowdeen dadaalo dhiig cusub loogu shubayo dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah, kaasi oo bilihii lasoo dhaafay uu gaabis ku yimid, taasi oo kooxda u noqotay fursad ay dib isugu soo abaabusho. Al-Shabaab ayaa dib u qabsatay deegaano uu dhiig badan ku daatay oo horey ciidanka uga xoreeyeen maleeshiyaadka, balse ay markii dambe ka baxeen, ayna sidaas ugula wareegtay kooxda, halka ay kordhisay weerarada gaadmada ah ee lagu bartilmaameedsanayo xeryaha ciidanka. Si kastaba, Wejiga koowaad ee dagaalka oo billowgiisi laga gaaray guullo waaweyn, islamarkaana lagu wiiqay qeyb kamid ah awooddii kooxda, ayaa gadaal fadhiid ka noqday, waxaana la rejaynayaa in dar-darta cusub ee hadda la galinayo dagaalka inay dhaymo u noqoto gaabiska ku yimid howl-galka. The post Sawirro: Dagaalka Shabaab oo dhiig cusub lagu shubayo appeared first on Caasimada Online.
  17. Wasiir ku-xigeenka Arimaha dibada oo Sharraxday Cawaaqib xumada ka dhallan Karta Haddii Caalamku Dayaco Aqoonsiga Somaliland Wasiir Rooda oo Qoddobaysay Guul-darada ka dhallatay Fikirka ah “Somalia mid ah” Hargeysa(Qaran news):- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Rooda Jaamac Cilmi, ayaa sheegtay in Somaliland ay ahmiyad weyn siinayso bedqabka iyo ilaalinta baddeecadaha ganacsi ee caalamiga ah ee maraya gacanka Cadmeed gaar ahaan maraakiibta sida shiidaalka iyo gaasta, si looga ilaaliyo budhcad baddeeda iyo argagixisada. Wasiir Rooda Jaamac waxa ay sidaasi ku iftiimisay qoraal ay ku qortay barteeda X (Twitter), oo ay ku naqdiday wax loogu yeedhay Fikirka ah “Somalia mid ah” oo ay tilmaantay inuu ihaano ku yahay nabada iyo himilooyinka dimuqraadiyadda Somaliland, isla markaana fikirka noocaas ahi uu yahay mid la iskaga indho tirayo dedaalka ay Jamhuuriyadda Somaliland kaalinta kaga qaadan lahayd ilaalinta badda gacanka Cadmeed. waxaanay ku dooday in Soomaaliya ay ku guuldaraysatay inay wax ka qabato budhcad baddeeda iyo argagixisada. Waxa ay caddaysay in weerarka budhcad baddeedu ka geysatay meel u dhow Xeebta Muqdisho ay tusmaynayso sida dawladda Soomaaliya ugu guul-daraysatay 17kii sannadood ee la soo dhaafay la dagaalanka budhcad baddeeda iyo kooxda Alshabaab. Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibaddu waxa ay dunida ugu baaqday inay ictiraafaan Somaliland si ay u xoojiso la dagaalanka budhcad baddeeda iyo argagixisada iyo inay Jamhuuriyadda Somaliland door ka qaadato xasilinta mandaqada gobolka Geeska Afrika. Rooda Jaamac waxa ay ku boorisay dalalka beesha caalamka ee danaynaya muhiimada marinka gacanta Cadmeed ay wax ka beddelaan siyaasadooda,kuna tallaabsadaan inay xidhiidh wax ku ool ah oo ku dhisan dan wadaag la yeeshaan Jamhuuriyadda Somaliland oo ay yaqiinsadaan aqoonsiga madax-bannaanideeda. Ugu danbayn, Wasiir Rooda waxa ay ka digtay haddii dunidu dayacdo Somaliland inuu ka dhalan doono cawaaqib xumo saamayn ku yeelata gobolka Geeska Afrika. Qaran News
  18. AHUN Axmed Muxumed (Gacayte) Yuusuf (1948-1988) Axmed Gacayte Yuusuf sannadkii 1948 ayuu ku dhashay magaalada Hargeysa, xaafadda xiddigta halkaas ayuu ku kacaamay oo waayihiisii dhallaannimo ku qaatay, kolkii uu hanaqaaday waxa uu waxbarashada ka bilaabay dugsiga Axmed Gurey ee Hargeysa Billaawgii dawladnimada Soomaaliya markay curatay,1960s waxaa ardayda iskuullada laga soo xuli jiray qofkii hibo faneed leh jaadkay doontaba ha noqoto’e. Dabayaaqadii,1964 ayay koox wariyaal ah oo ka hawlgala raadiyow Hargeysa oo iskuulada magaalada mikrifoon la dhex qaadayay kana soo xulanayay qofkii heesi kara booqdeen dugsiga Axmed-Gurey, arday tobaneeyo ah oo maalintaa codkooda la tijaabiyay ayuu ka mid ahaa Axmed Gacayte Yuusuf markii codkii laga duubay ardaydii ee ay weriyaashi ku laabteen goobtoodii shaqada ayaa la dhagaystay dhammaan cajiladdihii la duubay maalintii xigtayna waxaa maalmulkii iskuulka loo sheegay inuu Axmed noqday qofka ay xulatay idaacadda Radio Hargeysa lana rabo in idaacadda la geeyo oo laga qabto hees. Billaawgii 1965 ayuu Axmed Gacayte heestiisii ugu horaysay ka qaaday idaacadda,heestaas oo magaceedu ahaa “Ahlan wa sahlan Daahir” si wada jir ahna waxaa u la qaadayay Shamso-Diiddan iyo Marwo Maxammed. Heestaasi caan ayay isla markiiba noqotay oo magaalada ayay ku faaftay waxa ay gaadhay Maxammed-Gacayte oo ahaa fannaanka aabbihii, bulshada oo markaas fanku ku cusbaa fahan wacanna aan ka haysan ayaa kaliftay in Axmed aabbihii ku dayriyo fanka uu galay iyo idaacadda u ka heesay. Fannaan Axmed Gacayte taas walaw ay saamayn ku yeelatay haddana ma aysan noqon dabar uu kaga joogsado hibadiisii fanneed, bilo ka gadaalba waxa uu dhex galay xertii fanka iyo suugaanta ee Hargeysa ku sugnayd hibo isma qarisee waxaa bilawgiiba cirka isu shareertay awooddii ku dhex abuurnayd aadna way ula cajabeen abwaannadii iyo fannaaniintii Radio Hargaysa . Waayadaa dhallinyaro badan ayaa kusoo jabay fankii Soomaalida ee dawladnimada ka hor dadka loo bahalo galiyay oo dhiig cusub ayaa galay waxaana ku yimid sara-u-kac aad u weyn waana kolkii ay soo baxeen ragga laxameeyay heesaha badankooda, Axmed Gacayte Yuusuf waxa uu ka mid noqday shidaalkaa fanka kusoo biiray ee la yimid laxannada ashqaraarka ah, waxa uuna noqday laxamiiste aad looga ixtiraamo goloyaasha ay fadhiyaan jilimculustii fanka iyo suugaantu, Riwaayado badan ayuu Axmed lahaa laxankooda waxaana la sheega Gacayte inuu ahaa dadka aysan dhibin laxan samayntu oo ay aad ugu fududayd inuu ereyo qallalan oo qoran durba u beddalo hees dareen leh oo aad loo dhadhansado. Riwaayadihii uu laxankooda lahaa waxaa ka mid ahaa riwaayadda “Rooble ma runbaa” waxaa wada sameeyay Axmed Saleebaan Bidde iyo Abwaan Cabdi Aadan Xaad ( QAYS ) , “Ninba timo xamar” iyadana ay wada sameeyeen Meecaad Miigane iyo Boon Xirsi “Jeel iyo jacayl” oo Axmed Saleebaan Bidde lahaa iyo Riwaayaddii “Xoriyo” ee uu curinteeda lahaa Maxammuud Cabdillaah Ciise (Singub). Axmed Muxumed-Gacyte Yuusuf isaga oo ka mid ah laxanyaqaanka heerka sare ka jooga fanka Soomaalida haddana kuma koobnayn inuu cod sameeyo ee dhanka kalena waa hoobal taabbagalay oo codkiisa dheg maqashaa aysan ka xiiso beelayn. Axmed Gacayte, heeso badan oo aad loo jecelyahay ayuu ku xareediyay, qormadaan aadka u yarna ma aha mid aynu kaga geyoon karno laxan’aqoontiisii jaadgooniga ahayd iyo hoobalnimadiisii. Axmed Gacayte noloshiisa intii danbe waxa uu ku sugnaa magaaladii uu ku dhashay ee Hargeyaa iyada ayaana lagu dilay sannadkii 1988-kii, halkaas waxaa ku damay tiriig weyn oo si weyn uga dhex iftiimayey fankeenna. Hiboole aad u laxan macaan oo heesaa heerkiisu sarreeyo ah, mullaxan Axmed Gacayte, Eebbe ha u naxariisto sidii uu inoogu hagar baxay ee fanka inoogu qurxiyayna Alle hoygiisa ha ugu qurxiyo aakhirana haka yeelo kuwa jannada meel sare ka taga ee hadhac qabow jiifsada, qoraalka intiisa danbe waxaan idinkula wadaagayaa qayb ka mid ah waxqabadkii uu ka tagay iyo heesihii uu laxanka u sameeyay kuwaas oo kala ah kuwo uu isagu qaado iyo qaar ay fannaaniintii waaweyneed ee dalku qaadeen. 1.Heesta “Diiggaa habeenkii” Ereyada: Maxammed C. Huryo Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Luuqda: Maxamed Axmed Kuluc 2.Heesta “Haku daalin jeedaal” Ereyada: Cabdi Qays Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Luuqda: Maxammed A. Kuluc 3.Heesta “Ninka booli cunay” Ereyada: Xasan Ganeey Abdullahi Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Luuqda: Marwo Cabdi 4.Heesta “Ii wad sheekada” Ereyada: Mewcaad Miigane Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Talantaali: Maxammed A. Kuluc iyo Aamina Cabdillaahi 5.Heesta “Anaa jamashadaa qaba” Ereyada: Axmed S. Bidde Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Talantaali: Axmed Mooge iyo Sahra Axmed 6.Heesta “Nabsigiyo ayaankow” Ereyada: Axmed S. Bidde Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Luuqda: Sahra Axmed Jaamac 7.Heesta “Laba sooryo wada cunay” Ereyada: Masmas Laxanka: Axmed Gacayte Yusuuf Luuqda: Sahra Axmed Jaamac 8.Heesta “Naf ku jecel adduunyada” Laxanka : Axmed Gacayte Yuusuf Luuqda: Sahra Axmed Jaamac Erayada: Axmed S Bidde. 9.Heesta “Dad haddaad is qabataan” Ereyada: Axmed S. Bidde Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Luuqda: Axmed Mooge Liibaan 10.Heesta “Aan damaq jacayl” Ereyada: Axmed S. Bidde Laxanka:Axmed Gacayte Yuusuf Luuqda: Axmed Mooge Liibaan 11.Heeta “Ma naxoo jacaylkuye” Ereya: Axmed S. Bidde Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Luuqda Sahra Axmed Jaamac 12.Heesta “Gugii hore waan gunuunacayoo” Ereyada: Cismaan A. Askari Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Talantaali: Tiriig xashi iyo Gacayte 13.Heesta “Ha ka dhicin sallaammada” Ereyada: Axmed S. Bidde Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Luuqda: Kinsi Xaaji Aadan 14.Heesta “Badda caashaq een gudhin” Ereyada: Maxammed C. Huryo Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Luuqda: Sahra Axmed Jaamac 15.Heesta “Weligaaba baydhbaydh” Ereyada: Axmed S. Bidde Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Luuqda: Hibo-Nuura Maxamed 16.Heesta “Hargeysaay ha dheelliyin” Ereyada: Cabdi-Qays Laxanka : Axmed Gacayte Yuusuf Luuqda: Sahra Axmed Jaamac 17.Heesta “Xareedda laguma wacnaadoo” Ereyada: Axmed S. Bidde Laxanka: Axmed Gacayte Luuqda: Kinsi Xaaji Aadan 18.Heesta “Jooflaha Libaaxiyo” Ereyada: Axmed S. Bidde Laanka:Axmed Gacayte Yuusuf Luuqda: Maxamed mooge liibaan 19.Heesta “Isha sacabka mari” Ereyada: Cabdiqaadir X. Yamyam Laxanka; Axmed Gacayte Luuqda: Khadra Daahir Cige 20.Heesta “Fallaago” ama “Ma fiirsade” Ereyada: Baashe Waraabe-cadde Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Luuqda: Sahra Axmed Jaamac 21.Heesta “Boosta” Ama “Haddaad ruux is barateen” Ereyada: Maxammed C. Huryo Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Luuqda: Saynab Cige Maxamed 22.Heesta “Si yar maw shushubiseen” Ereyada: Axmed S. Bidde Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Luuqda: Aamina Cabdilaahi Xirsi 23.Heesta “Deeqaha ilaahay” Ereyada: Cismaan A. Askari Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Tiriig xashi iyo Gacayte . 24.Heesta “Jaallahaa walaal” Ereyada: Maxammed A. Dacar Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Talantaali: Axmed Mooge iyo Sahra Siyaad 25.Heesta “Daruuraha hillaaciyo” Ereyada: Axmed S. Bidde Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Luuqda: Sacaadda Allaale 26.Heesta “Waatan lay danqaabee” Ereyada: Axmed S. Bidde Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Luuqda: Sacaadda Allaale 27.Heesta “Kuu sheekeeye kaa sheekeeye” Ereyada: Boon Xirsi Cadib Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Talantaali: Maxammed A. Kuluc iyo Aamina Cabdillaahi 28.Heesta Duni wada halawsan” Ereyada: Cabdi Qays Laxanka: Axmed Gacyte Yuusuf Talantaali: Aamina Cabdillaahi iyo Gacayte 29.Heesta “Ma ragaadin taladee” Ereyada: maxamed A Dacar Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Luuqda: Sahra Axmed Jaamac 30.Heesta “Sixir jacayl” Ereyada: Maxammed C. Huryo Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Talantaali: Faadumo C. Maandeeq iyo Gacayte 31.Heeata “Nafta ruux ku daabacan” Ereyada: Axmed S. Bidde Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Luuqda: Guduudo Carwo 32.Heesta “Taladaan la ruugin” Ereyada: Xuseen Aw Faarax Dubbed Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Talantaali: Tubeec iyo Maryan Mursal 33.Heesta “Jacayl waa hanqaaree” Ereyada: Axmed S. Bidde Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Talantaali: Aadan Hurre iyo Sahra Axmed 34.Heesta “Maalmaha illaahay” Ereyada: Cismaan A. Askari Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Talantaali: Busi iyo Haldhaa 35.Heesta “Ahlan washlan daahir” Ereyada: Xuseen Aw faarax Dubbed Laxanka: Axmed Gacayte Talantaali: Diidan, Gacayte iyo Gaasira 36.Heesta “Gocomaha ha ii jarin” Ereyada: Cismaan Cumar Canbuur Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Talantaali: Sahra-Yar iyo Gacaye 37.Heesta “Miyaan xalayto jiifsaday” Ereyada: Cabdi Qays Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Talantaali: Aamina Cabdillaahi iyo C-Diiriye Sooraan 38.Heesta “Umaleey jacayl” Ereyada: Cabdi Qays Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf 39.Heesta “Isoo leged jacaylkii” Ereyada: Axmed S. Bidde Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf 40.Heesta “Male’male adduunyadu” Ereyada: Axmed S. Bidde Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf 41.Heesta “Sida laba cadaawe ah” Ereyada: Cabdi Qays Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf 42.Heesta “Meel mayay heloo” Ereyada: Axmed S. Bidde Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Luuqda: Axmex Gacayte Yuusuf 43.Heesta “Dulmiga caashaqa ka daa” Ereyada: Maxammuud C. Tuunyo Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf 44.Heesta “Cirka maalinweyntiyo” Ereyada: Axmed S. Bidde Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf 45.Heesta “Orod orod hay iman” Ereyada: Axmed S. Bidde Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf 46.Heesta “Dhagarqabe abeesiyo” Ereyada: Jaamac Cabdi Seed Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf 47.Heesta “Yoondheere daad maray” Ereyada: Cismaan Cumar Xirsi Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf 48.Heesta “Qaad hilinka” Ereyada: Cabdi Qays Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf 49.Heesta “Badnidaa habeenyahow” Ereyada: Cabdi Iidaam Faarax Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf 50.Heesta “Inaan wali ku jecelahay” Ereyada: Axmed S. Bidde Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf Xigasho: Kablallax Dhagacadde Qaran News
  19. Dubai: Emirates denied social media reports of a near-miss air collision event with an Ethiopian Airlines flight, the national carrier confirmed late on Wednesday. “Emirates can confirm that there was no instance of an aircraft proximity event compromising the safety of the aircraft over the airspace and during the date and time in question,” according to a statement from an Emirates spokesperson. “All Emirates aircraft are equipped with capabilities to maintain safe separation and distance during operations.” According to a media report on X (formerly twitter), the Civil Aviation Authority (CAA) of Somaliland announced that an Emirates B777, operating as flight EK722, “narrowly avoided a collision” with an Ethiopian Airlines B737 MAX, operating as flight ET690. The media report quoting Somaliland’s CAA detailed on X that the incident took place on Sunday evening, March 24. “As of now, the Civil Aviation Authority of the Federal Government of Somalia has not responded to the incident,” it added. “The incident reportedly occurred when both planes were directed to maintain an altitude of 37,000 feet by the Federal Government of Somalia’s Mogadishu Control Centre. The authority explicitly accused the Mogadishu Control Centre of negligence. The Somaliland control post observed this and instructed the crew of the Ethiopian airliner to ascend to 39,000 Gulf news Qaran News
  20. Yesterday
  21. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filaya in uu Todobaadka soo socda booqasho ku tego dalka Sacuudiga. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doorkan kulan rasmi ah la yeelanaya dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga ee Maxamed Bin Salmaan sida laga soo xigtay ilo wareedyo diblomaasiyeed. Safarka Madaxweynaha waxaa la sheegay in ay diyaarisay Wasaaradda Arrimaha dibadda Sacuudiga, sababo la xiriira hadda in uu Sacuudiga arkayo in looga dheereeyay siyaasadda arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Arrimaha uu Sacuudiga ka walaacsan yahay ayaa waxaa ka mid ah; heshiisyada ay Soomaaliya la gashay Turkiga ee isugu jira difaaca iyo dhaqaalaha ee lagu doonayo in lagu soo saaro shidaalka. Waxa la saadaalinaya in Sacuudiga uu usoo bandhigayo Soomaaliya heshiisyo iskaashi iyo in uu door ka qaadan doono horumarinta dhaqaalaha , sida ay sheegayaan warar diblomaasiyadeed oo madax-bannaan. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo Todobaadka danbe booqanaya dalka Sacuudi Carabiya appeared first on Puntland Post.
  22. Kooxda Xizbullah ee dalka Lubnaan ee Iran ay taageerto ayaa gantaallo roobka kaga dhigtay waqooyiga Israel waxaana la sheegay in ay weerarkaasi ku dhinteen dad rayid ah. Xizbullah oo ay xulufo yihiin kooxda Xamas, ayey gantaallo xuduudda isku weydaarsanayeen ciidamada Israel tan iyo markii uu billowda dagaalka Gaza ee Israel ku xasuuqday shacabka reer Falastiin. Kooxaha samatabixinta ee Israel ayaa weerarka kadib meydad ka helay dhisme burburay oo ku yaalla magaalada Kiryat Shmona, sida uu sheegay madaxa adeegga gurmadka deg degga ah ee Magen David Adom. Weerarka kooxda Xizbullah ayaa lagu tilmaamay mid jawaab u ahaa weerar dhimasho leh oo Israel ka fulisay Koonfurta Lubnaan sida uu sheegay sarkaal u hadlay Xizbullah. PUNTLAND POST The post Kooxda Xizbullah oo gantaallo ku weerartay waqooyiga Israel appeared first on Puntland Post.
  1. Load more activity
  • Newsletter

    Want to keep up to date with all our latest news and information?

    Sign Up