Suugaan iyo Sawir


Home | Community | Poetry | Suugaan iyo Sawir

Tagged: ,

Viewing 8 posts - 41 through 48 (of 48 total)
  • Author
    Articles
  • #1945273
    Profile photo of odayga inanta
    odayga inanta
    Blogger

    Haweenkii adkaysiga badnaa, hawsha gurigooda
    Hadafkuudo waatuu ahaa, haynta ubadkoode
    Imikana dir wada hawle oo, haadhayaa jira’e
    Hugiskii gurada lagu awdayiyo, heeryadaa maqane
    Kuwa madaxa hool-hoolay baa, haatan soo baxaye
    Haatif wada sanqanayiyo bir baa lasyku hagayaaye
    Hootaaba kuu iman kolkay halaw yidhaahdaane
    Markaasaa huteel loo cayimay lagu hoyaadaaye
    Hablawayntu waxa laga hagbaday, hoo ninkow tidhiye
    Heerinkiyo carmalidaa ku badan, haadda reer yurube
    Allaylehe habaar baa ku dhacay, hiririflayntoode
    Madheedkoodii laga haadsayoo, hadhaca loo oodye
    Hiddihiyo asluubkii wacnaa, haysta laga waaye
    Giddigoodba naayaa hambooy, iyo hun weeyaane
    Dhan waliba mid aan laga horrayn, dumar hal-doorkooda
    Waad heli tu kula haad ah, ood hilib wadaagtaane
    Ninkii guurku hoonka u tumoow, xulo halbeegaada
    ,,,,,
    Kaynuun Cisman Cumar,,,,, Gabay:- Halbeeg

    #1945274
    Profile photo of odayga inanta
    odayga inanta
    Blogger

    Adduunyadu waa waraaq
    War iyo wax kastaba qortoo
    Xogtay kaa warisay baa
    Weynuhu kaa abaal marshaa
    Ogow weerkii caddaa
    Waadaantiyo iilka kulul
    Markii wadar iyo waxdiba
    Gagada lagu soo waxsharo
    Ayaanta wadaadka iyo
    Intii walad kheyr qabtaba
    Jannooyinka looga Waco
    Kolkay warasada jannadu
    Kufaarta ku wiirsadaan
    Dharaar wacadkii baqara
    Jaxiima la wayraxdee
    Wadiiqada naarta iyo
    Waadiga jahanama la shido
    Markay gaaladu warraaq
    Weheeyda ku booyayaan
    Ogow warra’aa ku dhacay
    Horay u qabeen warkee
    Adduun lama waarayee
    Eebaha wacdigiisa iyo
    Wasaayada diinta raaca
    ,,,…
    Kaynuun Cismaan ,,,,, Maanso:- Waano

    #1945275
    Profile photo of odayga inanta
    odayga inanta
    Blogger

    Sannad waliba kuwa sii qaxee, qaaradaha buuxshay
    Qorba jooga waxa noogu wacan, waa qorshe la’aane
    Qaxarkeennii waakaa ku fiday, qaaligaa yurube
    Qolqolada galbeedkoo dhan baan, quud ka guranaaye
    Arrinteenu waa qaash iyo mayaash, qaabadeediiye
    Qasaaraha adduunkaan u nahay, qoomamkaa kale,e
    Sida filinka lays qoomayay, nagu qoslaayaane
    Afrikana in baa lagu qalqalay, oo la quudhsadaye
    Qatligooda waxa iiga daran, qiimo li’idaase
    Qufac iyo waxay igu dileen, qoomamiyo ciille
    Dhallinteenna qaaliga ah ee, lagu qamaaraayo
    Qalbigii damiir lihi runtii, waa qajilayaaye
    ,
    ,,,,,Kaynuun Cismaan ,,,, Gabay:- waano qaadan maysaan

    #1945276
    Profile photo of odayga inanta
    odayga inanta
    Blogger

    Waa laac adduunyadu ninkii ,laab leh baa garane
    Labadii ku kulantaba mudday, ladantu haysaaye
    Waxay laamadoodaan sidii, lulanta geedaha’e
    Libiqsiguna waa uu mac yahay, leedda fuulka’iye
    Lootada mar bay kugu dhigtaa, laydhu soo celine
    Layaab ma leh adoo yara ladnaa, inay ku laashaaye
    Nin labeen ku dhaashtow rag baa, leefay dacartiiye
    Libaanteeda aakhiro ayaan, laasanayn abide
    ,,,
    Kaynuu Cismaan.,,,,,,, Gabay:- Lahashada ka gaar noqo

    #1945277
    Profile photo of odayga inanta
    odayga inanta
    Blogger

    Halkaan naawilaayee
    Qalbigaygu nagiyahay
    Naftaydaa u heelane
    Niyadaydu waa meel
    Waxa jira mid nacasoo
    Ku naxuusinaayee
    Yaanu nacabka kuu jabin
    Waxba yuu naruuriyo
    Uu nasteexo kuu galin
    Nuxurkeedu wuxu yahay
    Naftaneey ka diga rogo
    Saaxiib an kuu nixin
    Nabarrada an kaa dhayin
    Naxariisna kuu galin
    ,,,,
    Kaynuun Cisman,,,,,
    …..True friends are rarely found…

    #1945278
    Profile photo of odayga inanta
    odayga inanta
    Blogger

    Cilmi axmad muxumed “Faradheere” has once grew his hair into Somali afro-style. Kaynuun saw him showing off on Facebook. As they always have a mutual poetic fun, Kaynuun began with this following verses.

    Ninkii fooddu wayntahay ayaan , fidhinka daynayne
    Feedhfeedhayaa iyo ammase, fuudka mariyaaba
    Markii ay faniinaan sidii, foosto gubanaysa
    Waa inuu saliid fixi markaa fiidka daydaya’e

    Cilmi Responded

    Gardho fidi og wuu firan yaqiin, faraca soomaale
    Waa waxa fagaaraha adduun lagu, fil soocaaye
    Fool cowdan dhinac fiiqan waa, foos dad leeyahaye
    Farsamada galbeedkiyo adaa, meykal fiirsadye
    Ninka madaxa foocfoocsanaw, faalka iga joogi

    #1945279
    Profile photo of odayga inanta
    odayga inanta
    Blogger

    Adiguna Habbooney,
    Soomaali hubban iyo,
    Hidda dhalad inaad tahay
    Hal-abuurka guunka ah
    Howraarta maansada,
    Heesahiyo gabayada,
    Suugaanta hodanka ah,
    Erayadan rag wada helin,
    Qurux iyo hannaan dumar,
    Ama heybad iyo sharaf,
    Waxay hoodo leeyiin,
    Halkii uu ka sheegaba,
    Maxaad ugu horreysaa?
    ,,,,
    Cilmi Faradheere…. Hees:- Habboon

    #1945280
    Profile photo of odayga inanta
    odayga inanta
    Blogger

    48) Adoo maalin heli kara,
    49) Mugdi yaanu kugu galin,
    50) Adoo miidda cabi kara,
    51) Murud weelka haw dhigan,
    52) Adoo malab qurqurin kara,
    53) Milix yaan laguu tumin,
    54) Adoo miir u socon kara,
    55) Heys maqiiqin weligaa,
    56) Adoo maaro heli kara,
    57) Taada yaan laguu marin,
    58) Adoo mowjad kicin kara,
    59) Marriin yaan lagaa dhigan,
    60) Meegaarka xeradiyo,
    61) Muska yaan lasoo jebin,
    62) Adoon mowdku kuu iman,
    63) Magacaagu yuu lumin.
    ,,,,
    Faradheere…….

Viewing 8 posts - 41 through 48 (of 48 total)



You must be logged in to reply to this topic.