Suugaan iyo Sawir


Home | Community | Poetry | Suugaan iyo Sawir

Tagged: ,

Viewing 8 posts - 17 through 24 (of 48 total)
  • Author
    Articles
  • #860959
    Profile photo of Coofle
    Coofle
    Blogger


    Meel libaax soo galey,
    Lo’ ma joogeysee
    Waa lakala leexiyee,
    Liin iyo caanee,
    Leeloo yaa leelaa!!

    #863067
    Profile photo of Coofle
    Coofle
    Blogger


    Carruuraha la dhacay awliyada laga cadhaysiiyey
    Carshigaaba laga soo aqbalay cabashadoodiiye
    Caawaa la kala soocayaa caabud iyo gaal’e
    Casha aan fogeyn waxays beddeli ciidan fara weyne
    Caaddaa rag koraybuu nabsigu hoos u soo celinne
    Caanuhu dhawaan way ka quban ciil dar loo qabaye
    Inay curaddo khayr lihi kacaan ciiddan la arkeeye
    Ceeryaamo subaxeed nin nool curadka roob moodye
    Marse haddii cadceed lagu dhexdaro wayska cidinciide
    Caloolyow aan kugu raagihayn ciidda haw qodin’e
    Cagta ii dhig waakaa nabsigi soo cadceedsadaye

    ~Abwaan Qaasim (AUN)

    #901083
    Profile photo of Coofle
    Coofle
    Blogger

    Berberi Hadday tahay
    Baradii Jacaylkee
    Boodhari ku aasnaa
    ka badbaadi maayee
    Anna inaan ku biiraa
    Maanta layga baqayaa
    ~Siciid Saalax

    #901091
    Profile photo of Coofle
    Coofle
    Blogger


    Beri baan, beri baan
    Wax la dhaloo dhulka jiifta ahaa
    Beri baan, beri baan
    Bilig bilig baraar celisa ahaa

    Beri baan, beri baan
    Daba-jeex dabka qaada ahaa
    Beri baan, beri baan
    Rukun rukun, reeraha u wareegto ahaa

    Beri baan, beri baan
    Raamaley riyo raacda ahaa
    Beri baan, beri baan
    Habloweyn had hadaafta ahaa

    #901097
    Profile photo of Coofle
    Coofle
    Blogger


    Allahayoow, adaa qaadiroo qaniya oo wayne
    Adigaan qudhaanjiyo aboor qolona moogayne
    Adigaan qofkii ku baryaa kugu qasaarayne
    Allahayoow adaa qaadiree qumi muraadkayga.

    #901171
    Profile photo of Wadani
    Wadani
    Blogger

    Hey Coofle, is that a real picture of Salaan Carrabey?

    #907592
    Profile photo of Saxansaxo
    Saxansaxo
    Blogger

    “Geesiga madow uma oggola, guusha reer Yurub,
    Geerida lamuumba wadnuhu, noo gig leeyahaye,
    Geygiisii goortuu qabtee, gees isugu leexshay,
    Iga guura galabtuu yidhaa, geeddan loo xidhaye
    Godka waxaw qoday Haamarshool, waa gedduu wadaye,
    Maantaba hadday gowraceen, way ka gama’ayaane,
    Dollarku meeshuuu galaba, waa genbiyi jiraye
    Ninkii dunida kala gaabiyaa, garabsanaysaane,
    Raggan gacanta haystow wallee, saad-danbaad garanne
    Quudheennani intaynaan geb odhan, yayna kala gaadha
    Haddi kale se goor aan fogayn, gowda bal aan eegno”

    Patrice lumumba 2 July 1925 – 17 January 1961.
    (Cabdillahi Suldaan maxamed-Timacadde).

    #923361
    Profile photo of Coofle
    Coofle
    Blogger

    Nice one Saxansaxo

    Sange subag idaad iyo
    Sumal baridii lagu shubay
    Ooy sabada ceelkiyo
    Sohdu tahay agtiisoo
    Loogu dhaansho sacabada
    Oo Sudiyo Howd sare
    Seddex guure daaqoo
    Weli aan sedyari arag
    Oo seeto iyo dabar
    Labadaba ka saahiday
    Oo salow dagaal iyo
    ninkii geyin saraayaha
    Oo sararta naaxdiyo
    Timuhu ay isku seexdeen
    Oo seyn-gargorkii
    Loo salaaxa guudkoo
    Saxarkii ku duuliyo
    Looga mayro siigada
    Loo saaro kooraha
    Cigalkiina loo suray
    Sarajoogga iyo muuq
    Sankuneefle kaligaa
    Adaa suuraddiisa leh

    ~Heesta Saylooo

Viewing 8 posts - 17 through 24 (of 48 total)



You must be logged in to reply to this topic.