Suugaan iyo Sawir


Home | Community | Poetry | Suugaan iyo Sawir

Tagged: ,

Viewing 8 posts - 9 through 16 (of 48 total)
  • Author
    Articles
  • #827654
    Profile photo of wyre
    wyre
    Blogger

    Brother aniga abwaan ma ihi waxna iskuma haayo balse waan kaa faa’iiday

    #827656
    Profile photo of Coofle
    Coofle
    Blogger

    wyre;828857 wrote: Brother aniga abwaan ma ihi waxna iskuma haayo balse waan kaa faa’iiday

    Anba kuma dhaamo, oo ma gabyo, mana maansoodo, Afarrey-na iskuma aadiyo, Laakiin Suugaanta jaadadkeeda oo dhan waa Jecelahay, Mudnaan gaar ahna waan siiyaa….

    #828182
    Profile photo of Saxansaxo
    Saxansaxo
    Blogger

    Waxaan aahay qabiilkii aakhiray reer Afriiqiya’e
    Abaartiyo colaaduhu anay ila rafiiqaane
    Arradka iyo gaashada ayaan ehel wadaagnaaye
    Waxay dhalay iblaysiiyo jin iyo odayo sheydaane
    Abtirsiino kala sooca baa ii iskuula ahe
    Aji iyo sab anigaa ka dhigay uun walaalo ahe
    (Xaaji aadan Af-qalloc)

    Hooyoy la’aantaa
    Aduunyadu hubaashii
    Habeen kama baxdeenoo
    Iftin lama heleenoo
    Dadku uma hayaameen
    Xiddig hawd ka lulatoo
    Sida haad ma fuuleen
    Dayax heego joogoo
    Hubka laguma tureen
    Hawo laguma gaadheen
    Cirka hirar ka muuqdoo
    Hooyoy addoomuhu
    Halkay maanta joogaan
    Adigow horseedoo
    Intaad hanad xambaartee
    Haaneedka siisee
    Horaaddada jaqsiisee
    (Mohamed Ibahim warsame/hadraawi)

    #828203

    Saxansaxo;829385 wrote:

    Waxaan aahay qabiilkii aakhiray reer Afriiqiya’e
    Abaartiyo colaaduhu anay ila rafiiqaane
    Arradka iyo gaashada ayaan ehel wadaagnaaye
    Waxay dhalay iblaysiiyo jin iyo odayo sheydaane
    Abtirsiino kala sooca baa ii iskuula ahe
    Aji iyo sab anigaa ka dhigay uun walaalo ahe
    (Xaaji aadan Af-qalloc)

    Same location. Eebboow.

    #836056
    Profile photo of Coofle
    Coofle
    Blogger

    #836057
    Profile photo of Coofle
    Coofle
    Blogger

    #836059
    Profile photo of Coofle
    Coofle
    Blogger

    Allahayoow Cirkoo Dam Ah, Ayaad Dacal Ka Faydaaye
    Markaasaa Shamsadu Daalacdaa, Dunidu Nuurtaaye.
    Allahoow Dalkoo Oomman, Baad dixo Biyaysaaye
    Markaasaa Dugaag Iyo Dadiyo Duunyo Ka Cabbaane.
    Allahayoow Cirkoo Diiran Baad, Caad Ku Dadabtaaye
    Markaasuu Daruur Culus Helaa, Di’idna Yeeshaaye
    Oo Ay Dareemada Dhulkiyo, Dixidu Baacdaaye.
    Allahayoow Mid Duunyo Yar, Baad Darajo Siisaaye
    Markaasaa La Daba Shaanbiyaa Doobab Iyo Beele.
    Alahayoow Mid Daadduumayaad, duni u dhiibtaaye
    Markaasuu Ka Diihaal Baxaa Deeqna Hidiyaaye.
    Allahayow Mid dawga Dhaafayaad, ku camirtaa diine
    Markaasaa Duunuubtuu Iskaga Rogo Uga Danbaysaaye.
    Deeqdana Adaa Wada hantee Darajo noo yeele
    Allahayoow Kan Loo Dayriyiyo, Hayga Dhigin Daallin
    Oo ducada ii qaad sidaan kaa dalbaday CAAWA ……..!!!
    ~Saalax Maxamed

    #860958
    Profile photo of Coofle
    Coofle
    Blogger

    Dagaalkii nasaarada anaa, daalib ka ahaaye ((I, on my own volition, chose to fight the infidels,))
    Dalka ma lihid anigaa ku idhi, doora waynaha’e (( It was I who said to the filthy unbeliever: “This land is not yours.))
    daliilkii rasuulkii, anaa doonayoo helaye.((It was I who sought and found the prophet’s guidance.))

    Anaa diiday maantuu lahaa, deeqan iga hooye((It was I who rejected again and again the infidel’s offer to buy me out,))
    Diinkayga anigaan ku gadan, dabaqi naareede((It was I who refused to sell my faith to gain the gates of hell))
    Anaan labada daa.rood tan hore, derejo moodayne((And it was I who desired no status in the first of the two Worlds.))

    ~Sayid Muxamed Cabdulle Xasan “AUN” Also known to the infidels as “Mad Mullah
    Translation by Prof.Said sh. Samatar.

Viewing 8 posts - 9 through 16 (of 48 total)



You must be logged in to reply to this topic.