Suugaan iyo Sawir


Home | Community | Poetry | Suugaan iyo Sawir

Tagged: ,

Viewing 8 posts - 1 through 8 (of 48 total)
  • Author
    Articles
  • #824838
    Profile photo of Coofle
    Coofle
    Blogger

    In an attempt to make Suugaan more attractive for the younger generation, I will attach each photo with a relevant piece of Somali literature…Be free to join and add your Sawir & Suugaan

    “Marka loo dhibtoodaa
    dharag iyo wanaagiyo
    Dhaqashada la gaadhaa
    Dhaydiyo gadhoodhkiyo
    Dharab lagu caweeyaa
    Oo malab la dhuubiyo
    Dhuunyaalka buurtiyo
    Dhafaruurta geeduhu
    Intay soo dhawadaan
    Carabkiyo dhanxanagiyo
    Dhabanada yimaadaan”
    ~Abwaan Maxamad Muumin “Ababe”


    Waadigii cararaayayee
    Car yay itaaban lahaaye
    Dulaha caaradiisiyo
    Baguu caynku ku gooyay!

    Waadigii salalaayee
    Sabadaha miranaayee
    Lo’da suulasha gooyayee
    Bagood gaajo sureertayoo
    Sabirkaagu yaraaday

    #824840
    Profile photo of Coofle
    Coofle
    Blogger


    Wadaad iyo ninkii waran lahow, dirir u weelqaada
    Wiil iyo walaal wada socdoo, waano qaba yeesha
    Wacadkaad isugu dhaarateen, waafi ha ahaado
    Wadankeenu waa fiicanyee, cadowga weydaarsha
    Walbahaarka dhiga geesibaan, waabasho aqoone
    ~Garaad wiilwaal

    #824846
    Profile photo of Coofle
    Coofle
    Blogger


    Guy #1 sings ; “Wiil magaalada, Soo maraanmaray, oo Mijo cas dumar, Maro la huwaday, Maalintii Ceel, Kuu midayn waa”
    Guy #2 Replies: “Wiil Catootil ah, oo cad badhiya leh, maalintii ceel, kuu cidayn waa”
    NB ; Those are for cattle “Lo’da Xiliga waraabka”

    #825401
    Profile photo of Coofle
    Coofle
    Blogger

    #825732
    Profile photo of Coofle
    Coofle
    Blogger


    Allahayoow midii uurlehiyo tii irmaan dumarka
    Allahayoow umulihii nin diley ubad jaqsiinaayey
    Allahayoow mid aano iyo kibir Muumin ku idleeyey
    Allahayoow addoonimo midaan kugu adeecaynin
    Allahayoow midkaa ku inkiree diidey amarkaaga
    Allahayoow mid oogada jirka aad insiga mooddo
    Allahayoow misana aan ahayn awliyana sheegta
    Allahayoow ibleys kaa u eeg oonu garan weyney
    Allahayoow nin aayaadka iyo diinta ku adeegta
    Allahayoow amaba aan u odhan siday ahaayeenba

    ~Cali jaamac haabiil…

    #827634
    Profile photo of wyre
    wyre
    Blogger

    Thou I didn’t comment ab’t this, si wacan baan ola socday laakiin, Maxaad u joojiday sxb

    #827641
    Profile photo of Coofle
    Coofle
    Blogger



    Taan dumar ku leeyahay , waa gabadh togdheeroo
    Toban iyo lix jirahoo Hiddihii tilmaamee
    Maxmuudi toox-weyn , sadex qayd ka tolatoo
    oo daraya muuskuna , taakiyo badh muuqdee
    dhacluhuna tarraxa oo, tusbax luqunta galisoo
    sidii boqorad taash xidhan, hadalkeeda tirisoo
    kolba erey ku tuurtee

    ~lyrics from song by the Legendary Muuse Ismaaciil Qalinle AUN “Geela-Jooji”


    Wixii Damal dilay
    Oo dameer leeg
    Oo ka daba wayn
    Sooma daayaw
    Ha igu soo dayn
    ~Cigaal shiidaad

    #827642
    Profile photo of Coofle
    Coofle
    Blogger

    wyre;828837 wrote: Thou I didn’t comment ab’t this, si wacan baan ola socday laakiin, Maxaad u joojiday sxb

    Dee wax ku darso..oo laftayda wax igu kordhi…

Viewing 8 posts - 1 through 8 (of 48 total)



You must be logged in to reply to this topic.