News alert: Meeting held in Hargeysa to help out-flood victims..Southern Somalia

by on
 

Home | Community | Politics | News alert: Meeting held in Hargeysa to help out-flood victims..Southern Somalia

This topic contains 27 replies, has 5 voices, and was last updated by Avatar of xiinfaniin xiinfaniin 8 years, 3 months ago.

Viewing 8 posts - 1 through 8 (of 28 total)
  • Author
    Articles
  • #647821
    Avatar of RedSea
    RedSea
    Nomad
    8,208

    Kulan Gargaar Loogu Ururinayo Dadka Reer Soomaaliya Ee Daadadku Qaadeen Oo Lagu Qabtay Hargeysa Iyo Dood Siyaasi Ah Oo Ka Dhalatay
    Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 4 December, 2006
    ——————————————————————————–

    Hargeysa (Somaliland.org) – Kulan qaadhaan dhaqaale oo gargaar ah loogu ururinayo dadka dhibaatadu ka soo gaadhey Daadadka iyo fatahaadaha Webiyada ee Koonfurta Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay Hotel Hadhwanaag ee Magaalada Hargeysa.

    Kulankaa waxa soo qabanqaabiyey Guddi isugu jira Culima-udiin, Siyaasiyiin, Ganacsato iyo Salaaddiin oo la baxay “Guddida Ugargaarka Dadka ku tabaalaysan Webiyada”, waxaana lagu martiqaaday xisbiyada Qaranka, Golayaasha dowladda, Ganacsatada waaweyn, aqoonyahanno iyo culimada diinta.

    Xoghayaha Guddida soo qabanqaabiyey kulankaas, Cabdulqaadir Cali Cambe ayaa ugu horrayn halkaas ka akhriyey baaq ay u gudbinayaan Shacbiga Somaliland oo ku saabsan gurmadka daadadka Soomaaliya.

    “Markaanu aragnay daadadkii dhibta weyn u geystey Walaalaheen Soomaaliya iyo gurmadkii caalamku u sameeyey, waxaanu iska haysan kari weyney inaanu walaalahayo waajibka Islaamka ee naga saaran ugu gurmano oo taakulan loo fidiyo,” ayuu yidhi baaqa Guddida oo sharraxaya sababta kelliftey guddidan is xilqaantay.

    “Sidaa darteed, waxaanu ka codsanaynaa dhammaan Xukuumad iyo Shacabba, reer Somaliland inaynu gudano waajibkeenna Islaamnimo oo aynu u gargaarno walaalaheenna dhibaataysan, Ilaahayna waxaanu ka baryaynaa inuu inaga badbaadiyo masiibooyinka dhacaya,” ayuu yidhi Baaqa Guddidu. Waxana uu u tilmaamay ciddii doonaysa inay kaalmadaa qayb ka qaadato ama wax ku darsato laba xisaabood (Accounts) uu guddidu ka furay DAHABSHIIL iyo Xawaaladda Al-Mustaqbal.

    Waxa kale oo shirkaa ka hadlay Suldaan Axmed Daahir iyo Sheekh Maxamed Cali Geeddi oo ka tirsan Guddida.

    read complete report here

    #647822
    Avatar of General Duke
    General Duke
    Nomad
    33,057

    ^^^Masha Allah, Viva reer Hargaysa and Somaliland as a whole.

    #647823
    Avatar of Jaylaani
    Jaylaani
    Nomad
    1,382

    SADAQADU qabiil male. Qofkastoo muslina waa ku waajib ILAAHAY baanu kugu leh kaana abaal marinaaya.

    #647824
    Avatar of RedSea
    RedSea
    Nomad
    8,208

    ^very true

    #647825
    Avatar of RedSea
    RedSea
    Nomad
    8,208

    ^very true

    #647826
    Avatar of Jaylaani
    Jaylaani
    Nomad
    1,382

    I wonder where Cabdilahi Yey is in the mix of all of these natural disasters. Hadii uu leeyahay dadkaasaamn madax wayna u ahay muxuu bariis ugu keeni waayay…oh I got it, it wasn’t Puntland states..

    #647827
    Avatar of General Duke
    General Duke
    Nomad
    33,057

    ^^^Saxib the government has already spoken on this issue, however without security the TFG will not be able to operate for the people. Also note its the clan courts that are the obsticle and actually occupy much of these areas..

    #647828
    Avatar of Jaylaani
    Jaylaani
    Nomad
    1,382

    Duke,

    Spoken…R U kidding me? We’re talking about people dying out of hunger!
    Why didn’t he use his Ethiopian counter parts to help these people out if he is sincere about his political motivation in becoming the nation’s leader?

    If he can’t deliver simple clean water in Blad Wayne than what makes you think he can control Mogadishu and become president? Don’t you think that is bit out of reach and unrealistic?

Viewing 8 posts - 1 through 8 (of 28 total)



You must be logged in to reply to this topic.