Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Guurtida Somaliland Oo Fasax Laba Bilood Ah Galay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa) – Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhi ay maanta yeesheen oo uu shir-gudoominayey Saleebaan Maxamuud Aadan, Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland ayaa sheegay in Golaha Guurtidu ay galeen fasax laba bilood ah.

Saleebaan-Maxamuud-Aadan-1.png

Xildhibaanada Golaha Guurtida ayuu dhamaaday kalfadhigoodii 70aad waxaanu gudoomiyaha Guurtidu uu ku wargaliyey Xildhibaanada in bisha February 7-deeda la soo noqon doono, waxaanu yidhi gudoomiyaha golaha Guuritda Saleebaan Maxamuud Aadan oo halkaasi ka hadlay “Waxaynu gaadhnay wakhtigii aynu golaha xidhi lahayn. Sanad barwaaqo weeyi, duufaanku inaga barwaaqo ayuu inoo ahaa, meelna dhibaato lagama soo sheegin, illaahay mahadii weeyaan, caanuhu malaha meelwalba waa yaaliin, meel waliba waa doog, dee soo arka reerihii, lasoo caano dhama ka warkeena. Hadii ilaahay ina gaadhsiiyo inagoo war hayna aynu kalfadhiga dambe halkan aynu furano oo aynu isugu nimaadno.

Maanta bishu waa December 7, bisha February 7-deeda ayaa la soo noqonayaa, hadii alle yidhaahdo laba bilood oo gaw ah weeyi.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this