Madaxweyne Siilaanyo oo Toddobaadkan Darajo ku tixi doona Jananada Saddexda Ciidan Ee Qaranka
Hir-gelinta Darajooyinka Ciidanka ayaa Guul u ah Qaranka Somalilnad, Tariikhna u ah Xukuumada
Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa la filayaa dabayaaqada toddobaadkan inuu darajada loo qoondeeyay ku taxo sadexda Janan ee ugu sareeya Ciidamadda kala duwan ee Somaliland, Milatariga, Booliiska iyo Asluubta.
Xukuumadda Somaliland ayaa keentay Darajadii ay Ciidamadda ugu balanqaaday isla markaana sida uu sheegay wasiirka Maaliyaddu ay ku xidhan tahay mushahar kordhintoodu kadib markii in muddo ah la sugayay balse ay rumoobayso maalmaha fooda inagu soo haya, sida loo qorsheeyay.
Ka hor inta aan la bilaabin bixinta Darajadan ee Saraakiisha iyo Sarkaal xigeenadda waxa ay ilo wareedyo Waaheen heshay sheegayaan Madaxweyne Siilaanyo inuu u horaysiin doono Darajo ku Tolista Sadexda Jana nee ugu sareeya, si ay iyaguna ugu sii qaybiyaan Saraakiisha ka hoosaysa.
Xafladda lagu Tolayo Sadexda Janan Darajada ay mutaysteen oo ah ta ugu saraysa waxa la filayaa inay ka dhici doonto Xarunta Taliska Guud isla markaana si Heer Qaran ah loogu maamuusi doono, maadaama oo ay munaasibadaasi tahay Guul u soo hoyatay Somaliland 21 sano kadib.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu u magacaabay talaabadan darajda loogu tolayo Ciidamadda Guddi Qaran kuwaasoo muddo badan qorshaynayay qaabka ugu haboon ee darajadaasi loo bixin doono, iyo sida ay Ciidamaddu mudnaanta ugu kala heli doonaan, waxaanay noqonaysaa talaabo lagu diirsan doono.





Reply With Quote













Bookmarks