Xaflada Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia - Stockholm, Sweden
Xaflada Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia - Stockholm, Sweden
Xaflada Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia - Stockholm, Sweden
Awdal Nation TV: Hambalyadii Iyo Khudbadii Qiimaha Badneed ee Wasiirka Caafimaadka Awdal State uu Ka Jeediyey Xaflada Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia - Stockholm, Sweden
![]()
Last edited by 'Liibaan'; 2012-03-04 at 17:24.
Little Darwiish
Little Darwiish: Cartoon Series for Khaatumo and Somali Kids.... getting to know their History. MY NAME LITTLE DARWIISH, I AM FROM SSC AND NOW I FOUND KSS, I AM HAPPY ! I CAN GO TO SCHOOL AND WORK FOR MY STATE.
Garaadka Guud & Gudoomiyaha Golaha Sare ee Dhaqanka Khaatumo State Garaad Jaamac G. Cali "Khaatumo State Uma Baahnayn In Loo Aqoonsado Waxa Ay Yihiin" (Maqal)-
http://lasanod.com/details.php?num=7060
Muqdisho,(lasanod Online)- Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah wafdiga khaatumo State of Somalia ee ku sugan magaalada Muqdisho..
ahna gudoomiyaha golaha sare ee dhaqanka Khaatumo, ayaa warbaahinta uga waramay go'aankii maanta Dawladda federaalka Somalia aqoonsiga buuxa ku siisay maamulka Khaatumo State.
Garaad Jaamac ayaa Sheegay in aqoonsiga Khaatumo ku xidhnaa dadkiisa uuna hore u dhacay,maantana ay heshiis wada shaqan ah la galeen dawladda Federaalka Somaaliya.. Hoos ka dhegayo..
Last edited by 'Liibaan'; 2012-03-05 at 13:55.
Khaatumo Oo Maamul Goboleed Loo Aqoonsaday Iyo Dabaal deg Ka Socda Gobolada Khaatumo-(Video+Sawiro)-
Lasanod Online. Monday, March 05, 2012
Muqdisho,(lasanod Onlione)- Madaxweynaha dawladda KMG ah ee Soomaaliya mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed, ayaa si rasmi saaka qalinka ugu duugay..
aqoonsiga maamulka Khaatumo State of soomaaliya inuu yahay mamaul goboleed kusoo biiray maamulada hore dawladda Federalka Somalia, kadib markuu buuxiyey dhamaan shuruudihii looga bahnaa.
Warkaas farxada leh markuu soo baxay kadib waxaa Magaalooyinka Buhoodle, laascaanood, Boocame iyo Taleex ka bilaamay banaanbaxyo waaweyn oo lagu soo dhowaynaayo guusha usoo hoyatay shacabka deegaanadaa khaatumo.
Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac( indho-sheel) oo ka mid ah golaha sare ee madaxtooyada ayaa magaalada Buhoodle kula hadlay dadka isugu soobaxay meel fagaare ah, waxaana uu u sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay guushaas weyn, isagoo hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka reer Khaatumo meel joogaanba aduunka.
Wasiiro ka tirsan maamulka Khaatumo ayaa iyana halkaasi ka hadlay waxana dhamaantood sheegeen in maantaa aay tahay maaalin weyn oo mudnaanteeda iyo taariikhdeeda u leh shacabka Khaatumo iyo ummadda Soomaaliyeed ee midnimada Jecel.
Guushan maanta usoo hoyatay shacabka Khaatumo ayaa ah mid ku timid taladii ka bilaabantay shirkii magaalada Taariikhiga ah ee Taleex, laguna yagleelay maamulka goboleedka Khaatumo.
![]()
Last edited by 'Liibaan'; 2012-03-05 at 14:16.
War Culus: Dowlada Somalia oo Aqoonsatay Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia!
Dowlada Somalia oo sibuuxda u aqoonsatay Khaatumo State of Somalia in ay tahay Maamul goboleed katirsan dowlada Federalka Somalia , maamul goboleedkaas oo kamid noqonaya Maamul goboleedyada kajira dalka Somalia Sida, Somaliland, Puntland iyo Galmudug.
Xubnihi kasocday Maamulka Khaatumo State ee kusugnaa Magaalada Muqdisho ayaa noo xaqiijiyey in ay warqadii aqoonsiga Gacanta kuhaystaan , madaxweynaha somalia Mudane Shiikh SHariif Shiikh Axmed ayaa horay u aqoonsatay Maamulka Khaatumo State maantana waxa uu u saxiixay warqada Digreetada ah.
Dawladda KMG ahi ee Soomaliyeed waxay balan qaadaysaa in deeqaha Aadanaha, Waxbarashada, Khayraadka dalka iyo siyaasadaba laga qaybgeliyo xaqna ay u leeyihiin reer Khaatumo State.
Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamida Golaha sare ee Dhaqan deeganada Khaatumo State oo kawaramaya sida buuxda ee loo aqoonsaday Maamulka Khaatumo State.
http://www.boocameonline.com/2012/03...te-of-somalia/
Dawladda KMG ee Soomaaliya oo Maanta Kaga Dhawaaqday Caasimada Muqdisho In Ay Si Toos Ah u Aqoonsatay Khaatumo State of Somalia
http://warqaad.com/2012/03/05/dawlad...ate-of-somali/
http://radiokhaatumo.com/radio-khaat...rka-duhurnimo/
RealTaleex.com
Daawo Video Soo Dhawayntii Iyo Damaashaadkii Shacabka Reer Khaatumo ee Aqoonsiga Maamulka Khatumo State Of somalia.
Magaalada Buuhoodle, Khaatumo State of Somalia
Kumanaan Kamida Shacabka ku dhaqan magaalada Buuhoodle ayaa hada isugu soo baxay garoonka wayn ee magaalada Buuhoodle waxaana halkaasi ka dhacay dabaal deg aan beryahan ka dhicin magaalada Buuhoodle
Kumaanka shacbka ayaa waxa gudaha garoonka kula hadlay Madaxwaynaha Maamulka khaatumo State , Maxamed Yuusuf Jaamca Indhasheel, Wasiirka arimaha gudaha maamulka Khaatumo State Yaasiin Axmed Sulub, Cuqaal aad utirabadan sidoo kalana waxaa halkaasi ka hadlay qaybaha ka dulan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Buuhoodle.
Madaxwayne Maxamed Yuusuf Jaamac ayaa siwayn ugu hanbalyeeyay dhamaan shacabka Deeganada Khaatumo State guusha wax ku oolka ah ee usoo hoyatay waxa uuna sheegay inay tahay maalin taariikhiya.
Wasiirka arimaha gudaha maamulka khaatumo State Yaasiin Axmed Sulub ayaa isana dhankii tilmaamay inuu dareenku maanta marayo meel aad usaraysa hanbalyo baahsana udiray dhamaan shacabka Khaatumo state.
Caaqil hindi maxamed aadan oo isna halkaasi ka hadalay ayaa dhankiisa isna hanbalyo taas lamida udiray shacabka deeganada khaatumo state una hanbalyeeyay dawlada Soomaaliya sida geesinada ah ee ay uga qaadatay doorkeedii maadaama shacabka khaatumo state ay utaaganyihiin midaynta umada soomaaliyeed.
Dabaal degan ayaa waxa uu qayb kayahay dabaaldegyo xoogan oo kasoconaya dhamaan deeganada khaatumo state lagu taageerayo go aankii dawlada KMG Soomaaliya ay ku aqoonsatay Maamulka Khaatumo State.
Magaalada Buuhoodle, Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia
![]()
Daawo Video: DaabaalDaga Iyo Farxada, Banaanbaxyo Waa Weyn oo Lagu Taageerayo Aqoonsiga Dowlada Federaalka Somaalia Iyo Madaxweyne Sheikh Shariif Siiyay Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia
Buuhoodle, Khaatumo State of Somalia
Khatumo residents including those hailed from Bay & Bakool who stood against SL's aggression...
Jaaliyadda Khaatumo Ee Nairobi Oo U Dabaal-degtay Aqoonsiga Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia -(Sawiro)-
Lasanod Online. Monday, March 05, 2012
Nairobi,(lasanod Online)- Waxaa maanta ka dhacay magaalooyin badan oo ku yaal caalamka, damaashaadyo iyo dabaaldeg lagusoo dhoweeynayo..
Go'aankii Dawladda dhexe ee federaalku maanta ku aqoonsatay inay wada shaqeeyaan maamulka Khaatumo State.
Goobaha ay dabaaldegyadu ka dhaceena waxaa kamid ahayd mgaalada Nairobi oo ku noolyihiin jaaliyad ballaadhan oo kasoo jeeda degaanka Khaatumo State.. Hoos ka daawo qaar kamid ah sawiradii debaaldega..
lasanod online waxanu dhowaan idiinka soo tebin doonaa dabaaldegan oo maqal iyo muqaal ah hadii Allah idmo-
Halkan Ka Daawo Sawirada
Diini Abdullahi Mahamed
Lasanod Online,Nairobi Kenya
Diini_xiddig@hotmail.com
Copyright © 2012 Lasanod.com
![]()
Last edited by 'Liibaan'; 2012-03-06 at 20:59.
Banaanbax Weyn Lagu Taageerayo Aqoonsigii Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia Oo Ka Dhacay Magaalada Xudun-(Video+Sawiro)-
Lasanod Online. Tuesday, March 06, 2012
Xudun,(lasanod Online)- Waxaa maanta ka dhacay magaalada Xudun, bananabax balaadhan oo lagu taageerayo aqoonsiga ay siisay dawlada Somalia..
maamulka khaatumo state of Somalia.
Daawo Video
Bananabaxan ayaa waxa kasoo qaybgalay dhamaan dad waynaha ku nool deegaanda hoos yimaada magaalada xudun, waxa hal kaa lagu soo ban dhiagay ciyaaro dhaqameed iyo heeso wadaniya oo ay qaadayaan dadwayanaha Xudun.
Deeganada ay ka dhaceen bananabaxyada ay kamid ahaayeen ee lagu taageerayay maamulka khaatumo Awrboogays, Sarmaanyo, Lafa wayne, Hohol.dhamaan waxa deegaanadan laga xusay aqoonsiga ay aqoonsatay dowlada soomaaliaya maamulka khaatumo state of somalia.
Banaanbaxyadan lagu qabtay deegaanada Khaatumo ayaa maanta ka duwanaa banaanbaxyadii hore ee laqaban jiray, iyagoo maanta shacabka Khaatumo gaadhay guul iyo wax ka maqnaa mudo 21 sano ah.
Halkan Ka Daawo Sawiro
Copyright © 2012 Lasanod.com
![]()
Gudiga Dhalinyarada Khaatumo Ee Kenya Oo La Kulmay Dr.Cali Khaliif-(Sawiro)-
Lasanod Online. Tuesday, March 06, 2012
Nairobi,(lasanod Online)- Ururka dhalinyarada khaatumo state ee dalka kenya ayaa kulan balaadhan la qaatay..
Dr.Cali Khaliif Galaydh oo booqasho kujooga magaalada Nairobi ee caasimada dalka kenya.
Gudoomiyaha Ururka dhalinyara ee dalka kenya ayaa wuxuu uga xog waramay Dr.Cali Khaliif qorshayaasha horumarinta ee ay higsanayaan dhalinyarada reer khaatumo ee dalka Kenya, iyadoo ay masuuliyiintani aad usoo dhaweeyeen isku duubnida dhalinyarada maamulka Khaatumo ee dalka Kenya.
Dr.Cali Khaliif ayaa dhankiisa dhiiri gelin balaadhan usoo jeediyay dhalinyarada reer khaatumo ee dalka Kenya, isagoo sheegay in maanta dhalinyarada reer khaatumo aayahooda laga talinayo, loona baahanyahay inay isku duubnaadaan oo ay ku dadaalaan hirgalinta maamulka iyo nidaamka dawladooda.
Dhanka kale intii uu kulankaasi socday ayaa waxaa si wada jira ay ugu hambalyeeyeen madaxweynaha DFKM mudane Shiikh shariif Shiikh Axmed, go'ankii aqoonsiga maamulka Khaatumo.
Halkan Ka Daawo Sawiro
Diini Cabdilaahi Maxamed
![]()
Madaxweyne Axmed Karaash Oo Soo Kormeeray Mashruuca Garoonka Diyaaradaha Sayid Mahamed Hassan International Airport, Taleex, Khaatumo State of Somalia -(Video+Sawiro
Taleex,(lasanod Online)- Waxaa caasimada ku meel gaadhka ah ee khaatumo State of Somaliya ee Taleex, ka dhacday xaflad lagu daah furayay..
dhismaha Garoonka diyaaradaha Taleex ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan. xafladan oo isugu jirtay allabari iyo kormeer shaqada garoonku meesha ay marayso.
Halkan Ka Daawo Video
Waxaa halkaas ka hadlay maamulka khaatumo oo sheegay faaiiddo uu leeyahay garoonkan deegaanada Khaatumo iyo garoonka caalamiga ah ee caasimada G\cayn ee Buuhoodle oo dhamaantood aan si degdega aan waxa uga qaba doono dhismayaashooda.
Waxaa halaas ka hadlay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ku dheeraaday ahmiyada uu leeyahay garoon laga dhiso deegaaka Taleex oo ah mid laga wad faaiidaysan doono maamul iyo shacabba.
Waxa xafladaas soo afmeeray madax wayanaha Maamulka Khaatumo State Axmed karaash oo sheegay inan hada wixii laga bilaabo maanta deegaanadan ay yeelanayaan garoomo ay leeyihiin maamul ahaan, "waxa aan mahad ba laadhan u soo jeedinayaa aniga oo og doorka dad wayanaha khaatumo inaan laga daalin waxa kaqabashada horumarinata degaanada khaatumo" Ayuu yiri madaxweynahu,
Dhismaha garookan ayaa kusoo beegamaya markii dhawaan si rasmiaya ay dowalada ku meelgaadhka ahi ay aqoonsi buuxa siisay maamulka Khaatumo State of somalia, oo kamid noqonaya maamulada soomaalida ee jiray sida Putland,Somaliland iyo Galmudug.
Halkan Ka Daawo Sawiro
Copyright © 2012 Lasanod.com
![]()
Last edited by 'Liibaan'; 2012-03-06 at 21:12.
Madaxweyne Axmed Karaash Oo Soo Kormeeray Mashruuca Garoonka Diyaaradaha Sayid Mahamed Hassan International Airport, Taleex, Khaatumo State of Somalia -(Video+Sawiro
Waraysi: Afhayeenka Khaatumo State Cumar Jaamac Saleebaan- (Maqal)-
http://www.lasanod.com/pics/File/201...2.mp3?codid=92
Lasanod Online. Monday, March 05, 2012
Taleex,(lasanod Online)- Warbaahinta lasanod Online ayaa warayasi khaasa la yeelatay Afhayeenka maamul goboleedka Khaatumo State of Somalia.
Waraysigan ayuu afhayeenku ku xaqiijiyey kagana warbixiyey siduu u dhacay aqoonsigii dawladda federaalka saaka ee maamul goboleedka Khaatumo.
Mudane Cumar Jaamac ayaa sheegay in banaanbaxyo damaashaad ahi ka socdaan dhamaan gobollada maamulka Khaatumo. Hoos ka dhegayo waraysigii oo dhan.
![]()
Afhayeenka Haweenka Puntland Ruqiyo Maxamuud Guray oo Taageertayna Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia
Afhayeenka Jaaliyda Haweebka Puntland Maamo Ruqiyo Maxamud Gurey oo Shir Jaraa,id ku Qabatay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenaya ayaa Sheegtay in Ay Habeenka Puntland ee Magaalada Nairobi ku nool ay Taageersanyihiin Maamul Gobaleedka Khaatumo State oo Dhawaan Looga Dhawaaqay Deegaanka Taariikhiga ah ee Taleex.
Ruqiyo Maxamud Guray oo la Hadlaysay Warbaahinta ayaa Sheegtay in ay Maamulka Somaliland Khalad ku Taaganyihiin aysana Xaq ahayn in ay Weerar Deegaano Dadkii lahaa u tashteen Waasida ay Hadalka u Dhigtaye.
Haweenka Reer Puntland ee ku Dhaqan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa Shirar Badan oo ay Qabteen waxa ay ku Dhawaaqeen inay Taageerayaan Walaalahooda Maakhir State.
Sidoo kale waxay Sheegeen in Ay Baaq u Dirayaan Odayaasha, Aqoonyahanada, iyo Waxii Wax garad ah ee ku Nool Somalinad inay Ceshtaan Wiilasha Gardarada ku Dagaalamaya ee Weerarka ku Qaaday Gobalada Sool Sanaag iyo Cayn.
Ruqiyo Maxamuud Guray oo Ka Hadashay Warfidiyeenada ayaa Sheegtay in ay ka Haween ahaan Ay Hiil iyo Hooba La Garab Taaganyihiin Walaalahooda Khaatumo State.
Last edited by 'Liibaan'; 2012-03-06 at 23:49.
Wargalin Jaaliyada Khaatumo State Ee Ku Dhaqan Wadanka Kenya :Xaflad wayn Oo Loogu Talagalay wafuuda khaatumo state sida Prof Cali Khaliif Iyo madaxdii kale Ee khaatumo Oo Muqdisho ka Imanayaan Hoolka shirarka Sir Ali Muslim Clup.
Waxaa dhamaan jaaliyada khaatumo eek u dhaqan wadanka Kenya lagu war galinayaa maalinimada khamiista ah in ay magaalada Nairobi imanayaan waftidii khaatumo state of Somalia ee dhawaanba ku sugnaa caasimada soomaaliya ee muqdisho.
Waxaana lagu wargalinayaa dhamaan shacbiga soomaaliyeed soodhawaynta madaxda soo socotaoo isugu jira madaxweyne biindhe garaado iyo siyaasiyiinta khaatumo in ay ku soo wajahan yihiin maalinimada khamiista ee soo socota .
Sidoo kale waxaa loo qabanayaa xaflad wayn oo ay kula khulmayaan dhamaan umada soomaaliyeed iyo tan khaatumoba oo dhici doonta maalinimada axada ah ee taariikhdu tahay 11 bishan iyo hoolka shirarka ee sir ali muslim clup ee magaalada Nairobi ka soo qayb galkiinu waa muhiim .
Isku diyaariya soo dhawaynta madaxda khaatumo iyo xaflada Axada
Abdiwaahab Mohamed abdi
Nairobi Kenya
__________________________________________________ ____________________________
Ogeysiis:Jaaliyada Khaatumo Ee UK, Shir Iyo Xaflad Ka dhacaya London Jimcaha- Loogu Dabaaldegayo Khaatumo State of Somaaliya Guulaha Ay Gaadheen.
Lasanod Online. Tuesday, March 06, 2012
Ogeysiis:- Waxaa la ogaysiinaya dhamaan Jaaliyada Khaatumo ee Ku nool Wadanka UK, inay kasoo qaybgalaan Shir iyo Xaflad..
loogu dabaaldegayo Khaatumo state of Soamaaliya Guulaha ay gaadheen.
Taariikhda:- 09/03/2012
Maalinta:- Jimce
Saacada :- 4pm ilaa 10 pm
Hoolka:- Dominion community centre, 112 the green southall ub2 4bq
Wixii Faahfaahin ah kala Xidhiidh:
Adan- 07411507098
Ahmed Qani- 079 4911 2918.
Last edited by 'Liibaan'; 2012-03-06 at 23:49.
Wasiirkuxigaynka Amniga Ee Maamulka Khaatumo State Of Somaliya Oo Soo Gaadhay Nairobi Iyo Dabaaldag xoogan Oo Ka Socda Xaafada Islii Video Iyo Codkii Wasiirka .
Waxaa soo gaadhay caasimada wadanka Kenya ee Nairobi wasiirku xigaynka amniga jaamac xasan khaliif waxaan so dhaweeyay jaaliyada khaatumo state of Somalia eek u dhaqan wadan ka kenta .
Wasiirkuxigaynka ayaa soo dhawayn kadib waxaa loo galbiyay hotelka loogu tala galay kadib halkaas ayuu waxaa uu ku bixiyay waraysi ku wajahan xaalada guud ee deegaanada khaatumo state of Somalia isagoona u mahad ceshay dhamaan dadkii soo dhaweeyay wasiirka ayaa waxa kale uu soo dhaweyay sida wacan ee madaxweynaha dawlada Somalia uu u an saxiyay maamulka khaatumo state of Somalia.
Sidoo kale waxaa xaafada islii ka socda dabaaldagyo waawayn oo loogu dabaal dagayo aqoonsiga maamulka khaatumo state of somaliya dabaal dagan ayaa socday tan iyo markii ay maqlayn dadka ka soo jeeda deegaanadaas iyo kuwa soomaaliyeed ee taageersan waxaa dawlada somaliya ay aqoonsatay maamulkii khaatumo state ayaa waxaad arkaysaa dadka wata calanka umada soomaaliyeed ee ay dhexdu kaga xardhantahay khaatumo state of Somali.
nairobi kenya
![]()
Dhageyso: Shacabka Khaatumo oo Hambalya Diraya Iyo Dabaaldaga Dunida oo Dhan Ka Socda, Shacabka Khaatumo State of Somalia oo Aad u Faraxsan Shacuurtoodana Cirkaasee Marasaa
Dowlada Federaalka Soomaaliya Iyo Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia Oo Heshiis Saxiixday
Hambalyo Aqoonsiga Maamul Goboleedka Khaatumo State Of Somalia
Hambalyadii Aqoonsigii Iyo Heshiiskii Taariikhiga Ahaa Ee Dhexmaray Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia Iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya TFG
(Daawo Video + Sawiro)Jaaliyada MN Oo Hambalyo U Diraya Shacabka Iyo Maamulka Khaatumo State Kadib Markii Dowlada Federaalka O dhowaan Aqoonsi Maamul Goboleed Iyo Wadashaqayn Buuxda Siisay Khaatumo State Of Somalia (KSOS)
Allssc(MN)Gudida Jaaliyada MN Ee isu xilqaamay taageerda maamul goboleedka Khaatumo State ayaa kulan ay isugu yimaadeen hambalyo ugu diray maamul gobolkeedka Khaatumo State iyo dowlada federaalka Soomaaliaya.
Kadib shacabka kasoo jeeda bulshaweynta Khaatumo State (Sool Sanag iyo Cayn) ay shir balaadhan oo qaybaha bulshada oo dhami ay u dhmaayen ku yeesheen magaalada taariikhiga ah ee Taleex, si wada jira ugu dhisteen maamul metala danaha dadka iyo dadkooda uguna magac dareen Khaatumo State Of Somaliya. Maamulkaas oo si toos ah u hoostaga dowlada Federaalka Soomaaliya, una taagan midnimada iyo qaranimada umada Soomaaliyeed.
Hambalyadan ayaa waxay ku aadaysaa kadib markii maamulgobolkeeda Khaatumo State iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya ay heshiis buuxa oo aqoonsi iyo wadashaqan ah ay ku yeesheen magaala madaxda umada Soomaliyeeed ee Muqdisho. Waxaana in dhoeyd halkaa ku sugnaa wefdi balaadhan oo ka kala socda golaha dhaqanka, golaha xukuumada Khaatumo State oo uu horkacayaan Garaadka Guud Ee Khaatumo State Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Madaxweyne Biindhe.
There are currently 4 users browsing this thread. (0 members and 4 guests)
Bookmarks