+ REPLY
Results 1 to 3 of 3
  1. #1
    Nomad Ismahaan is a name known to all Ismahaan is a name known to all Ismahaan is a name known to all Ismahaan is a name known to all Ismahaan is a name known to all Ismahaan is a name known to all
    Join Date
    Aug 2004
    Location
    Uk
    Posts
    1,024
    Rep Power
    116
    S- Waxaad sheegtaa macaha magaca Jibriil?
    J- Macnaha Jibriil waa Adoon, sida uu ku fasiray Ibnu-cabaas
    S- Waxaad sheegtaa masaajidak salaada lagu tukadaa ay u dhiganto ajar cumro?
    J- Waa masaajidka(Qubaa)
    S- Waxaad sheegtaa maydka xalaasha ah?
    J- maydka xalaasha ahi waa Ayaxa iyo Kaluunka
    S- Waxaad sheegtaa dhiiga xalaasha ah?
    J- dhiiga xalaasha ahi waa Beerka iyo Beer-yarada
    S- Kumuu ahaa ninkii dakhray Nebiga(NNKHA), dagaalkii Uxud?
    J- Wuxuu ahaa Ibnu Qimah
    S- Kumuu ahaa yuhuudigii Nebga(NNKHA),sixray?
    J- Wuxuu ahaa Lubeyd binu-acsam
    S- Waxaad sheegtaa ninkii jebiyey dhooshii nebiga(NNKHA), dagaalkii Uxud?
    J- wuxuu ahaa Cuqba binu abdi waqaas
    S- Waxaad sheegtaa gabadhii Alle u waxyooday?
    J- waxay ahayd Nebi muuse hooyadii
    S- Waxaad sheegtaa magaalada aan cudurka daacuunku gelin?
    J- waxaa weeye Magaalada Madina-Al_munawara
    S- Waxaad sheegtaa suuradii sababta u ahayd inuu soo islaamo Cumar binu khadab?
    J- waxay ahayd suuradu Daah
    S- Waxaad sheegtaa Abuu Bokor intuu hayey xilka qaliifnimada?
    J- wuxuu hayey 2 sano iyo dhoowr bilood.
    S- Waxaad sheegtaa asxaabiyadii ugu horeysay ee dishay qof gaal ah?
    J- waxaay ahaayd safiya bintu cabdi mudalib
    S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii la dilay isagoon weligii Alle u sujuudin?
    J- Wuxuu ahaa Cumar binu thaabit, wuxuu soo islaamay dagaalkii Uxud waxaana la
    Dilay isla maalintaas
    S- Waxaad sheegtaa shahiidkii ugu horeeyey Islaamka?
    J- Waxay ahayd Sumaya bintu khayaad
    S- Waxaad sheegtaa duulaankii(Qaswadii) ugu danbeeyey ee Rasuulku duulo?
    J- Waxay ahayd Qaswadii Tabuuk , sanadii 9aad ee Hijrada
    S- Waxad sheegtaa Labadii Asxaabi ee Rasuulku ku **** tukaday?
    J- Abu-bakar sadiiq iyo C/raxamaan binu cawf
    S- Waxaad sheegtaa sanadka islaamka loo yaqaan sanadkii murugada?
    J- waa sanadkii ay dhimatay Khadiija bint khuweylad, iyo Abu-daalib
    S- Yaa ugu soo hor islaamay reer Madiina?
    J- Waxaa ugu soo hor islaamay Sacad binu suraara
    S- Jannada yaa ugu horgelaaya?
    J- Waxaa ugu hor gelaaya Nebigeena Maxamed (NNKHA)
    S- Waxaa sheegtaa Denbigii ugu horeeyey ee Alle lagu caasiyo?
    J- Wuxuu ahaa Kibir uu sheydaan ka kiray inuu sujuudo
    S- Waxaa sheegtaa qofkii ugu horeeyey ee qof dila aduunka korkiisa?
    J- Wuxuu ahaa Qaabiil binu Aadam oo dilay walaalkii Haabiil
    S- Waxaad sheegtaa qofkii ugu horeeyey ee Qiblada u tukada?
    J- Wuxuu aha Asxaabiga la yidhaa Saciid binu Mucaali
    S- Waxaad sheegtaa magaca Asxaabigii Abi- saciid al-khudriyi?
    J- Waxaa la odhan jiray Sacad binu maalik binu sinaan (RC)
    S- Kumuu ahaa Asxaabigii Nebigu(NNKHA), yidhi waxaa dileysa koox xadgudubtay
    J- Wuxuu ahaa Camaar binu-yaasir(RC)
    S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii ku dhashay Kabcada badhtankeeda?
    J- Wuxuu ahaa Xakiim binu xisaam(RC)
    S- Waxaad sheegtaa Asxaabiyadii Malaku Jibriil Alle salaanta uga keenay?
    J- Waxay ahayd Khadiija bintu khuweylad(RC)
    S- Waa kuma sayidka shuhadadu?
    J- Waa Xamsa binu Cabdi mudalib(RC)
    S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii Nebigu(NNKHA) u sheegay inuu Alle jecelyahay?
    J- Wuxuu ahaa Miqdaad binu Camar(RC)
    S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii ku riyooday Adanka?
    J- C/binu Zayid (RC)
    S- Waxaad sheegtaa Suuradii Nebigu(NNKHA), yidhi waxaan ka jeclahay Aduunka iyo waxa dhex yaala?
    J- Waa Suuratu, Al-Fatax
    S- Noocyada Sadaqada tee ugu fadli badan?
    J- Waxaa ugu fadli badan Biyaha oo lays waraabsho
    S- Waxaad sheegtaa magaca Faraskii ugu horeeyey ee Rasuulku (NNKHA), ku duulo?
    J- Waxaa la odhan jiray Sakab
    S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii Malaa,iigtu ka xishoon jirtay?
    J- Wuxuu ahaa Cismaan binu Cafaan(RC)
    S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii ugu horeeyey ee lagu aaso Xabaalaha Baqiic?
    J- Wuxuu ahaa Cismaan binu Madcuun(RC)
    S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii geridiisa uu u luxmy Carshiga Alle?
    J- Wuxuu ahaa Sacad binu Mucaad Al-ansaariyi(RC)
    S- Waxaad sheegtaa Sir-hayihii(xog-hayihii), Nebiga(NNKHA)?
    J- Waxaa la odhan jiray Xudeyfa binu-yabaan(RC)
    S- Kumuu ahaa Asxaabigii Sunta cabay ee Yidhi Bismilaah ee aan waxba ku noqon?
    J- Wuxuu ahaa Khaalid Binu Waliid(RC)
    S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii dilay Aabihii oo gaal ah dagaalkii Beder?
    J- Wuxuu ahaa Abu-cubeyda Caamir Binu jaraax
    S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii arkay Masiixu dajaal?
    J- Wuxuu ahaa Tamiin binu Aws
    S- Waxaad sheegtaa Magaca caadiga ah ee Abu-hureyra?
    J- Waxaa la yidhaa C/raxmaan binu Zakhar (RC)
    S- Waxaad sheegtaa Magaca Abi-ayuub Al-ansaariyi?
    J- Waxaa la odhan jiray Khaalid binu Zayid(RC)
    S- Waxaad sheegtaa Magaca Asxaabigii Abi-dar Al-qafaariyi?
    J- Waxaa la odhan jiray Jundub binu Junaadah (RC)
    S- Waxaad sheegtaa Asxabigii Baryadiisa Alle aqbali jiray?
    J- Waxaa uu ahaa Sacad binu Abi-waqaas(RC)
    S- Waxaad sheegtaa Asxaabiga qudha ee magiciis Quranka lagu sheegay?
    J- Waxa weeyaan Zayid binu- Xaarith(RC)
    S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii geeridiisa ay 70,000, ee Malag soo degeen?
    J- Waa Sacad bin-Mucaad(RC)
    S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii Malaa,iigtu soo bookhan jirtay?
    J- Waxa uu ahaa Cumraan binu Xuseen(RC)
    S- Waxaad sheegtaa Asxaabiyadii Rasuulku(SCW), ku kafnay khamiiskiisii?
    J- Waxay ahayd Faadima binu-Asad (Cali binu-abi Daalib hooyadii) (RC)
    S- Waxaad sheegtaa Munaafiqii Nebigu (NNKHA), yidhi qofka doona inuu sheydaan arko kaas ha eego?
    J- Wuxuu ahaa Nabtal binu-Acsam
    S- waxaad sheegtaa asxaabigii hogaaminayey dagaalkii yarmuug?
    J- Waxuu ahaa Khalid bin walid (Rc)
    S- Waxaad sheegtaa asaxaabigii hogaaminayey dagaalkii mu’ta?
    J- Waxaa la odhan jiray zeyb bin xaarith (RC).
    S- Waxaad sheegtaa waxa Alle abuuro wixii ugu horeeyey?
    J- Alle wuxu ugu hor abuuray Qalinka
    S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii ugu horeeyey ee u hijrooda Ardul-xabash?
    J- Cismaan binu Cafaan (RC)
    S- Waxaad sheegtaa waxa ugu horeeya ee Adoomada laga xisaabinayo Qiyama?
    J- Waa salaada
    S- Waxaad sheegta qofka ugu horeeya ee Darka(xawdka), Nebiga ka cabaaya?
    J- Waa Asxaabiga la yidhaa Suhayb Arruumi (RC)
    S- Naarta yaa ugu horgelaya Qiyaamaha?
    J- Waxaa ugu horgelaaya Suldaa,Madaxweyne, aan cadaalad sameyn.

  2. #2
    Moderator Nur is a splendid one to behold Nur is a splendid one to behold Nur is a splendid one to behold Nur is a splendid one to behold Nur is a splendid one to behold Nur is a splendid one to behold Nur is a splendid one to behold Nur is a splendid one to behold
    Join Date
    Oct 2001
    Location
    Azania ( Land Of Azan and Prayers)
    Posts
    3,459
    Rep Power
    162
    Ismahaan sis

    Jazakellahu kheiran walaalo, waa aqoon korosi aad loogu baahan yahay


    Nur

  3. #3
    Nomad Ismahaan is a name known to all Ismahaan is a name known to all Ismahaan is a name known to all Ismahaan is a name known to all Ismahaan is a name known to all Ismahaan is a name known to all
    Join Date
    Aug 2004
    Location
    Uk
    Posts
    1,024
    Rep Power
    116
    Nuur waa iyaha akhi, I hope in nomads ka and dadka kale oo web kaan soo galaba ka faaidaystaan Insha Allah.

 

 

Thread Information

Users Browsing this Thread

There are currently 3 users browsing this thread. (0 members and 3 guests)

     

Bookmarks

Posting Permissions

  • You may not post new threads
  • You may not post replies
  • You may not post attachments
  • You may not edit your posts
All times are GMT -5. The time now is 13:37. 1