+ REPLY
Results 1 to 7 of 7
  1. #1
    Moderator Nur is a splendid one to behold Nur is a splendid one to behold Nur is a splendid one to behold Nur is a splendid one to behold Nur is a splendid one to behold Nur is a splendid one to behold Nur is a splendid one to behold Nur is a splendid one to behold
    Join Date
    Oct 2001
    Location
    Azania ( Land Of Azan and Prayers)
    Posts
    3,459
    Rep Power
    162
    Ducada


    Walaal, sidaan wada ognahay, xidhiidhka ka dhexeeya dadka iyo Rabbigooda wa cibaadada, taasoo macnehhedu yahay in loo hoggnasamo kii na uumay oon jeclaanno, kana cabsanno. Cibaadadu hadaba waa xarigga nagu xira Rabbigeenna, xariggaasna waa Ducada, oo ah qoraalkan maanta waxuu ku saabsan yahay.


    Ducada waxa ku so arooray Quraanka:


    " Rabbigiinna wuxuu yidhi, i barya, waan idiin dhago nuglaanee ( aqbalayaa ducadiinna), kuwa iskala weyn iney i hoggaanasmaan, Jahannama ayey galaan ayagoo ku waaraya"

    "Haddii ay adoonteydu i kaa wareysato ( Maxamadoow), Anugu waan dhowahay, waan ajiibaa ( u yeelaa wexey doonayaan) baryada kan ii barya, hadaba (addoonteyda) ha ii dhago nuglaato, hana i rumeeyaan, waa intaasooy waddada toosan qabsadaanee"


    Ducada waxaa ku soo arooray Sunnada SAWS ee carfoon.


    1. Cibaadaduba waa Ducada, Rabbigiinna wuxuu yidi " i barya waan idiin dhago nuglaanee"

    2. Rabbigiinna, Barakeysanoo Saremaray, waa xishhodaa, waana deeqsi, , wuu ka xishoodaa in addoonkiisu uu gacmihiisa kor u taago inuu soo celiyo faro madhnaan"

    3. Ma jiro qof Muslim ah oo Allah ku barya duco ayan n ku jirin dambi falid ama qaraabo jarid, oon Ducadaas Allah ku siinin seddex midkood:

    a). In loo soo dadajiyo ducaadaasoo la siiyo wuxuu baryay

    b) In aakhiro loogu keydsho

    c) In looga celiyo ducadaas wax u dhigma uu dhibaato ku soo socotay" . Markaasey ( saxaabadii yidhahdeen) " Hadaba ( ducada) waan badineynaa" Markaasuu Rasuulku SAWWS yidhi " ( Allah ka badan)"


    Aadaabta Ducada:


    1. Ikhlaas : Iney kaa dhab tahay oo Allah oo qudha aad ula jeeddo

    2. Inaad ku bilowdid Mahadnaqa Allah, faankiisa, iyo Nabiga ood ku salliso

    3. Allah oo qudha inaad rajeyneyso, kuna kalsoontahay inuusan qofaan asaga aheyn wax kuu qaban karin.

    4. Ku celcelin badan ( Allah ma daalo, adiga ha daalin, kumana ku dhibsado, ee ducadiisa ha dhibsan)

    5. Qalbigaaga oo ku foojigan Ducada aad ku duceysaneyso

    6. Inaad duceysato marwalba, hanoqoto inaad wanaag ku jirto, ama aad dhibaato ku sugan tahay.

    7. Qofaan Allah aheyn ducadaada wax ha ku warsan ( Mataal: "ilaahayow, iyo sheekh Awliyoow", waa dambi)

    8. Ducada ha ku habaarin reerkaaga, maalkaaga, dhallankaaga, iyo naftaada: Macneheeda waa ha is habaarin, maxaa yeelay Allah waa naxariis badan yahayee ee warso caafimaad iyo wanaag. Nin Gabayaa ah oo la odhan jirey Al Mutanabi ayaa wuxuu ku gabyay:

    " Kafaa bika daa' an, an taral mawta shaafiyaa. Wa xasbul manaayaa an yakunna amaaniyaa"

    Waxaa cudur kaaga filan inaad daawo ka raadiso geerida, geeridana xumaan waxaa ugu filan iney noqoto wax la hiigsado"

    9. Markamla duceysanayo oo codka hoos loo dhigo, hana u dhexeeyo codkaagu kan qeylada ah iyo kan qarsoon.

    10. Inaad qirsan tahay dambiyaashada, ood dambi dhaaf Allah warsato, iyo inaad dareensan tahay nicmooyinka aad ku jirto ood Allah ugu mahadnaqeyso

    11. Markaad duceysaneyso, inaad is liiddo, madaxaagana hoos u dhigto

    12. Haddad dad soo dhacday inaad u celiso xaqooga, ama aad niyeysato inaad celindoonto mar dhow.

    13. Qiblada ood u jesato

    14. Gacmaha ood cirka u taagto

    15. Inaad weyso qabto

    16.Inaadan qof ku habaarin ducadaas ( Mataal ahaan inaadan odhan "Allow reer Qansax cadaab")

    17.Marka hore ducada naftaada ka billow, dabadeed waalidka, dabadeed dadka kale ( Rabbi ighfir lii wa li waalidayy) Allow ii dambidhaaf aniga iyo waaldkeyga. ( dayaaradah marka la raaco, suunka waa inaad adga xidhataa, dabadeed aad u xidhaa carruurta)

    18. Allah inaad ku bariso magacyadiisa qurxan ( Asmaa'ul Xusnaa), ama ad magacowdo camal wanaagsanood samyesay Allah wajigiisa, ( Mataal: ilaahayow, haddaan dartaada bililiqada dadkii lahaa u celiyey, maal xalal ah i sii) ama aad Allah ku bariso qof Muslim ah oo nool oo saaliix ah ducadiisa. ( Mataal: inaad qofkaas warsa

    19. Inaad hubiso intaadan duceysan inaad xalaal cunto, cato iyo inaad xidhato

    20. Inaadan Qaraabo jarid ku duceysanin

    21. Inaadan dambi ku jirin, ku fakareyn inaad sameyso ama aadan dad fareyn.


    Waqtiyaasha Ducada in la aqbalo:

    1. Leylatul Qadr

    2. Sag baddhka, intiisa dambe

    3. Salaadaha faradka aha dabadood

    4. Adaanka iyo iqaamada inta u dhexeysa

    5. Saacad ka midah habeenka ( lama yaqaan, sida leylatul Qararka)

    6. Marka la addimayo

    7. Marka Roobka uu da'ayo

    8. Marka dagaalka Allah dartiis cadowga Allah la is hortaagan yahay

    9. Saacad ka mid ah maalinka Jimcaha ( waxaana culimada u bateen iney tahay casar gaabadka maalinka Jimcaha, qaarna wexey u badiyeen marka la khutbeynayo, ama slaatul Jumcaha nafteeda)

    11. Markaa cabeyso biyaha Zamzam

    12. Markaad Sujuudsan tahay

    13. Markaad saqbadhkii soo toosto od u soo fadhiistao baryo Allah ood allah ku bariso ducooyinka ka sugnaaday Suubbanihii.

    14. Markaad ducadaada raaciso aaydda " La ilaaha illla anta, subxaanaka inni kunto mina dhaalimiin"

    15. Ducada dadka markuu qof dhinto

    16. Ducada markaadAllah u mahadiso, ood Nabigana Ku salliso, taxiyaadka dambe

    17. Markaad Allah ugu yeedho Magaciisa Weyn, oo haddii loogu yeedho uu aqbalo, oo haddii wax lagu warsado oo siiyo

    18. Markuu qof Muslim ah qof kaloo Muslim ah ooy kal fogyihiin isu duceeyaan

    19. Ducada maalinka laa taagan yahay CARAFA

    20. Ducada Bisha Ranadaan

    21. Ducada markii dad Muslim ah ay isugu imaadaan meel ay Allah ku wada xuseen

    22. Markii musiibo kugu dhacdo ood ducadaada ku bilowdo" Innaa lillahi wa innaa ileyhi raajicuun, Allahumma ajirnii can musiibatii wa khluf lii kheiyran minhaa" Allah ay na leh, asaga ayaan u laabanayenaa, Allow, ajar iga sii dhibaatada igu dhacday, iigana daba mari kheyr"

    23. Ducada markaad dareento ikhlaas badan, iyo iimaan macaan, ama aad la dhacdo aayad Quraan ah, ama Xadith

    24. Ducada qofka la dulmiyey la ma celiyo

    25. Ducada waalidka uu u duceeyo ubadkiisa, ama habaarka uu habaaro ubadkiisa

    26. Ducada qofka safarka ku jira

    27. Ducada qofka sooman ilaa u afuro, iyo markuu afurayo

    28. Ducada qofka dhibaateysan, oon qofkale leheyn

    29. Ducada Taliyaha Caadilka ah

    30. Ducada ubadka baarriga ah ee uu u duceeyo waalidkiis

    31. Ducada ka dambeysa weysada oo lagu duceysto ducooyinka ka sugnaaday Suubanihii SAWS

    32. Ducada marka la soo tuurto Jamratul Sughraa, Jamratul Wustaa ( Minaa)

    33. Ducada lagu duceysto Kacbada Makka dhexdeeda

    34 Ducada lagu duceysto Buurta Safa, iyo Marwa, iyo Mashcarka Xaraam


    Kuwaasi wa kuwo lagu gaar yeelay foojignaan, laakin qofka Muslimka , xaalad walba iyo meelwlba oo daahir ah waa looga aqbalaa inshaallah ducadiisa..


    Walaal, qoraalkan gaadhsii intaad jeceshay, anigana ii soo ducee, maxaa yeelay ducada labada kala maqan waxaa sugnaatay in la aqbalo, iiguna soo ducee Al Fardows Al Aclaa, iyo inuu Allah ii barakeeyo howsha aan jeclahay oo ah inaan uunka ugu yeedho iney cibaado ku garyeelaan kii uumay.


    Walaalkiin


    Nur

  2. #2
    Senior Nomad Baashi is a jewel in the rough
    Join Date
    Oct 2002
    Posts
    3,805
    Rep Power
    143
    Walaal Nur,
    Adaabta ducada qodobka: 12. Markaad Sujuudsan tahay; Luqad kasta waad ku duceysan kartaa soo ma'aha? Annigoo sidaa qaba yaan arkey dad ka biya diidsan hadde wax ma sii weydiin laakiin waan yara shakiyey.

    Illaahey ha kaa abaal mariyo dacwada.

  3. #3
    Junior Nomad Buubto is a spectacular nomad
    Join Date
    Sep 2001
    Location
    Down Under
    Posts
    375
    Rep Power
    144
    Asalaamu Aleikum Wr Wb
    Jazaaka laah kheyr waad ku mahadsantahay walaal, ilahay hanaga dhigo kuwii ku camal fala, kuna duceesta.

  4. #4
    Moderator Nur is a splendid one to behold Nur is a splendid one to behold Nur is a splendid one to behold Nur is a splendid one to behold Nur is a splendid one to behold Nur is a splendid one to behold Nur is a splendid one to behold Nur is a splendid one to behold
    Join Date
    Oct 2001
    Location
    Azania ( Land Of Azan and Prayers)
    Posts
    3,459
    Rep Power
    162
    Baashi walaal

    Sujuuddu waa qeybta ugu muhimsan salaadda, waana waqtiga uu qofku ugu dhowyahay Rabbigiisa asagoo sujuudsan. Salaaddana macneheeda af Carabiga waa Ducada. Waxaanan igsoonnahay in Ducada loo jideeyay in aan ku noqonno addoon Allah oo marwalba u baahan Rabigooda, waxaa kaloo sugan in Allah uu yidhi" Rabbigiinna baryaa idinkoo isa soo bandhigaya ama idinkoo isqarinaya" iyo " i barya waan idiin dhago nuglaanayaayee" iyo " Haddey addoonteydu i kaa wareysato ( Muxamadow, ha ogaadaan ) inaan ahay mid aad ugu dhow, u dhago nugul baryadooda"

    Mana akhrin nahyi ka sugnaadey Rasuulka in Allah lagu baryo salaadda luqad aan Carabi aheyn, maxaa yeelay qofkii xaajo leh oon Carabi aqoon kuma baryi karo Allah salaaddisa.

    Sidaa darteed, mana hubo, waxaan doorbidayaa in Allah uu aqbalayo ducada luqad aan Carabi aheyn saladdaa lagu baryo Allah kadib markii adhkaarta waajibka ah iyo sunanka la dhameystiro.

    Wallahu Aclam.

    Nur

  5. #5
    Moderator Nur is a splendid one to behold Nur is a splendid one to behold Nur is a splendid one to behold Nur is a splendid one to behold Nur is a splendid one to behold Nur is a splendid one to behold Nur is a splendid one to behold Nur is a splendid one to behold
    Join Date
    Oct 2001
    Location
    Azania ( Land Of Azan and Prayers)
    Posts
    3,459
    Rep Power
    162
    Walaalayaal

    Waa tobankii habeen ee u dambeysay ramadaan, waxaa ku jirta Laylatul Qader, hadaba, ha loo xeyto cibaado culus, sujuud dheer, isudulleyn Allah iyo baryo badan, si gaar ahna haloo duceeyo mowtada, kuwii dhintay, waalidka iyo walaalaha aan diinta walaalo ku nahay oo ku sugan dhib, xabsi ama cadaab loogu geystay iney ku dhawaaqeen in Allah oo qudha uu yahay Rabigooda.

    Hana loo duceeyo walaalahayaga maamula maxkamadaha inuu Allah haleelsiiyo talada fiican, iyo inuu ummaddeenna sheidaanka uu ka shaqeystay uu laabtooda isu fiicneyyo, kana saaro dakanaha qaraar, iyo cadaawada la dhax dhigay.

    Allaha inta lunsan soo hanuunsho, kuwa dambiiilayaasha ahna ha ka cafiyo, kuwa deynta lagu leeyahayna ha ka bixiyo, kuwa dhibka heystana ha ka saaro, annagoo dhanna hanaga yeelo walaalo ku walaaloobay jeceylka Allah oo qudha, saa labadii ku walaalowda waxaan Allah aheyn wexey isu noqdaan cadaawo maalinka qiyaame.

    Aamiin


    Nur

  6. #6
    Moderator Nur is a splendid one to behold Nur is a splendid one to behold Nur is a splendid one to behold Nur is a splendid one to behold Nur is a splendid one to behold Nur is a splendid one to behold Nur is a splendid one to behold Nur is a splendid one to behold
    Join Date
    Oct 2001
    Location
    Azania ( Land Of Azan and Prayers)
    Posts
    3,459
    Rep Power
    162
    Walaalayaal

    Waxaa ina soo haya Maalinkii Carafa oo aad u barakeysnaa. Sunnada maalinka carafa waxaa ku soo arooray seddex Cibaado oo aad u qiimo badan:


    1. Dhikriga Allah: Laa Ilaaha illallaahu waxdahu laa shariika lahu, lahul Mulku, wa lahul Xamdu, wa Huwa Calaa Kullu shey'in Qadeer.

    2. Ducada Badan, gaar ahaan gabbal dhaca.

    3. In la soomo .



    Ha laga faa iideysto malinka Carafa, u duceeya ehelkiinna, waddankiinna, iyo walaalihiinna dulman meel walba ha joogaanee.


    Nur

  7. #7
    Junior Nomad hodman is a spectacular nomad
    Join Date
    Oct 2005
    Location
    USA
    Posts
    906
    Rep Power
    97
    Waad mahadsantahay sheikh Nur, Allah hainaga aqbalo Soonka iyo ducadaba

 

 

Thread Information

Users Browsing this Thread

There are currently 9 users browsing this thread. (0 members and 9 guests)

     

Bookmarks

Posting Permissions

  • You may not post new threads
  • You may not post replies
  • You may not post attachments
  • You may not edit your posts
All times are GMT -5. The time now is 11:39. 1