Booliska Hargeysa ayaa gacanta ku soo dhigay nin u dhashay dalka Jarmalka oo lagu soo eedeeyay in uu muuqaalo xun -xun (fal galmood) uu ka duubay gabdho Somaliland u dhashay .
Warkaan ayaa soo jiitay dareenka shacabka reer Hargeysa iyadoo si weyn ay wargeysada dalkaasi u qaad-qaadeen arinkaasi, iyadoo ay si toos ah ay
däboolka uga qaadeen fadeexadaan uu ku dhaqaaqay ninkan Jarmalka ee lagu magacaabo Gunter Bishoss.
Fadeexadaan ayaa ah middii ugu horeysay oo ka dhacda dhulka maamulka Somaliland ee Soomaaliya.
Baaritaano la sameeyay ayaa shaaca ka qaaday dhacdooyin kedis ah kadib markii arintaan ay ku lug yeesheen gabdho jaamiciyiin ah iyo gabdho la qabo .
Sawirada muuqaaladan foosha xun ee laga duubay gabdhahan ayay dhaceen iyaga oo aan la socon, kana war hayen islamarkaana si qarsoon looga duubay.
Gunter, ninka falkaan xun gabdhahaas Soomaaliyeed kula kacay ayaa qirtay in uu falkaasi ku dhaqaaqay, waxa uuna intaa raaciyay in fal galmoodka uu dhacay iyaga oo raali ka ah .
Wargeysyada ka soo baxa Hargeysa ayaa qoray in arinta sawirka gabdhaha isu dhiibay ninkaasi aysan la socon oo qarsoodi ay u dhacday .
Dhacdaan ayaa haatan noqotay mid hareeysay canaawiinta wargeysyada gudaha, dibadda Soomaaliya iyo hadal hadeynta dadka .




Reply With Quote


Bookmarks