Hay’ada Horn Relief Oo Beenisay In La Iibiyey Qalabka Dekada Laasqoray
October 28, 20100 comments| leave your own!
Share Faaduma Jaamac Jibriil oo ah xirririyaha hay’adda Horn Relief ayaa maanta shir jaraa’id ku qabatay magaalada Garoowe kasoo ay ka jawaabayso hadal uu dhawaan ka sheegay Gudoomiyaha gobolka Sanaag qayb kamid ah warbaahinta oo ku saabsan in Hay’ada Horn Relief ay iibisay qalab leedahay dekada Laasqoray.
Waxaa ay sheegtay in hadalkaas uu yahay mid aan sal iyo raad lahayn.
”…Waxaan beeninaaya in ay jirto in ay hay’ada gadatay qalab ay leedahay dekada Laasqoray oo uu Gudoomiyaha gobolka Sanaag sheegay, qalabka lagu sameyn lahaa dekada waxaa uu yaala dekada magaalada Bosaaso…”,ayay tiri.
Faadumo ayaa sidoo kale sheegtay in qalabkaan hawshii lagu qaban lahaa dekada Laasqoray ay hor istaagtay kadib markii ay koox Burcadbadeed ah ay halkaasi la yimaadeen dad ay soo afduubteen.
Dhanka kale waxaa ay sheegtay in qalabkaan ay hada kala hadashay maamulka hada jira, ayadoo intaasi ku dartay in aysan jirin cid tiri waanu la wareegaynaa qalabka hadii aysan jirin cid hay’ada kala wareegayso.
Sidoo kale waxaa ay sheegtay in marka qalabka la gado ay ku bixi doonto dayn hay’ada lagu leeyahay, waxaa soo harayna ay dadka reer Laasqoray ay ugu shubi doonto (Account) si ay ugu samaystaan waxaa ay iyagu u baahan yihiin.
Qalabkaan ayaa waxaa horay u keentay hay’ada Horn Relief, waxaana uu mudo labo sano ah yaala magaalada Bosaaso. Waxaana qalabkan horey loogu talo galay mashruuc ay waday Hay’ada Horn Relief oo ahayd dhismo dekkad yar oo ay yeelato degmada Laas Qoray ee gobalka Sanaag.
Balse mashruucan ayaa noqday mid hirgeli waaya marxalado kala gedisan awgeed, ayadoo horey loogu qiyaasay dhismaha dekkadaasi lacag gaareysa malaayiin dollarka Maraykanka ah.
Maxamed Saciid Yuusuf
Wakiilka Horseed Media
Garoowe-Puntland




Reply With Quote
Allpuntland)-Xiriiriyaha Hay’adda Horn Releif Faadumo Jaamac Jibriil ayaa manta beenisay war kasoo baxaya Maamulka gobolka Sanaag ee dawlada Puntland kaas oo ahaa In ay Horn Relief iibisay qaarkamid ah Qalabkii Dekeda Laasqoray islamarkaasna loo maray qaab sharci daro ah.

Bookmarks