+ REPLY
Results 1 to 3 of 3
  1. #1
    Senior Nomad Jacaylbaro is a splendid one to behold Jacaylbaro is a splendid one to behold Jacaylbaro is a splendid one to behold Jacaylbaro is a splendid one to behold Jacaylbaro is a splendid one to behold Jacaylbaro is a splendid one to behold Jacaylbaro is a splendid one to behold Jacaylbaro is a splendid one to behold
    Join Date
    Aug 2004
    Location
    Aakhiro
    Posts
    43,971
    Rep Power
    264
    Kayd Somali Art and Culture is very excited to launch “Diiwaanka Qosolka”- Collection of Somali Wisdom Jokes. This is the first time the book will be launched and we are glad that the author, Jamal Ali, will be with us to share and present some of the 150 wonderful and hilarious short stories and poems which he has collected. Jamal Ali Hussein has collected a total of seven thousand ‘wisdom jokes’ and this is the first publication of its sort.

    This book will give you an insight into the richness of Somali ‘wisdom jokes’, which have their roots in the traditional, nomadic Somali life style as well as addressing conteporary issues of immigration, exile and urbanization. The book will provide a greater understanding of Somali traditions, codes and life style.

    The author, who is an International Banker with Citibank/Citigroup, and the CEO of the Bank’s operations in Ivory Coast and West Africa, has proven with this collection of Somali ‘wisdom jokes’ that laughter may be the best answer to the credit crunch! In addition to our main guest, there will be other books available for sale and there will be other poets and writers presenting some of their works, including Mohamed Baashe H. Hassan, Mawliid Aadan Aideed , Faysal Aw-Abdi, Abdirahman Ibrahim (Abees) and more.

    Book launch: “Diiwaanka Qosolka” - collection of Somali wisdom jokes By Jamal Ali Hussein in London and Bristol

    Language of the event: Somali

    London: Saturday, 11 April, 14pm at Arts Lecture Theatre, Queen Mary, university London E1 4NSO

    Bristol: Sunday, 12 April, 15PM at St Pauls Community Sports Academy, New Foundland Street, Bristol, BS2 9NH

    More information:
    Ayan Mahamud: 0790371-2949
    Mohamed Baashe: 07852239595
    Faysal Aw-Cabdi: 07931892659

  2. #2
    Senior Nomad Jacaylbaro is a splendid one to behold Jacaylbaro is a splendid one to behold Jacaylbaro is a splendid one to behold Jacaylbaro is a splendid one to behold Jacaylbaro is a splendid one to behold Jacaylbaro is a splendid one to behold Jacaylbaro is a splendid one to behold Jacaylbaro is a splendid one to behold
    Join Date
    Aug 2004
    Location
    Aakhiro
    Posts
    43,971
    Rep Power
    264

  3. #3
    Senior Nomad Jacaylbaro is a splendid one to behold Jacaylbaro is a splendid one to behold Jacaylbaro is a splendid one to behold Jacaylbaro is a splendid one to behold Jacaylbaro is a splendid one to behold Jacaylbaro is a splendid one to behold Jacaylbaro is a splendid one to behold Jacaylbaro is a splendid one to behold
    Join Date
    Aug 2004
    Location
    Aakhiro
    Posts
    43,971
    Rep Power
    264
    Xaflado Buugga Cusub ee Diiwaanka Qosolka Loogu Wanqalayo, Laguna Soo Dhowaynayo Qoraagiisa Jamaal Cali Xuseen

    London – April 11th - Saturday

    Location: Queen Mary University, Arts Theatre, Mile End Road, London E1 4NS
    Time: 14:00 Duhurnimo
    Direction: Nearest Tube: Mile End Station, District and Central Lines
    Buses: 25, 205 and 309

    Contact persons:
    Ayan Maxamuud: 0790371-2949
    Maxamed Baashe: 07852239595
    Faysal Aw-Cabdi: 07931892659


    Bristol – April 12th – Sunday

    Location: St Pauls Community Sports Academy
    Time: 15:00 Afternoon
    Address: New Foundland Street, Bristol, BS2 9NH

    Muxuu Ku saabsaan yahay“Diiwaanka Qosolku”?
    By: Maxamed Baashe Xaaji Xasan

    Dad badan ayaa xiisaynaya oo wax iska weydiinaya buugga Diiwaanka Qosolka ee dhowaan soo baxay oo aan anigu in badan ka ogahay, kana mid ahaa dadkii ka fooliyey ama ummulisadiisiiba. Waa buug runtii qiime leh oo uu qoray Jamaal Cali Xuseen, waxaanu ku saabsan yahay sheekooyin qosol iyo murti leh oo dhinac walba tnolosha ka taabanaya, hadday tahay dhinaca miyiga, magaalada, qurbaha, degaannada kala duwan ee ay Soomaalidu degto ee Geeska Afrika iyo dhinaca haweenkaba.

    Buuggani waxa uu xog iyo aqoon kobocsan ku kordhinayaa dhallinyarada soo koraysa, gaar ahaan kuwooda qurbo-joogga ah oo uu tusayaa in ay Soomaalidu lahayd/ leedahayna sheekooyin qosol iyo murti leh oo lagu faani karo. Inta kalena (waayeelka) waxa uu xusuusinayaa waaya-waayo iyo waxyaalo ay illaaween, runtiina yiddidiilo iyo riyaaq gelinaya.

    Buuggu waxa uu ka kooban yahay shan qaybood oo muhiim ah oo u kala baxsan:

    Sheekooyin qosol iyo mahadhooyin leh
    Sheekooyin murti-suugaaneed oo qosol leh
    Sheekooyinka qosolka leh iyo haweenka Soomaaliyeed
    Sheekooyinkii qosolka lahaa ee Aw Xasan Sheekh Cismaan Nuur
    Sheekooyinka Qosolka leh ee Qurbajoogga iyo Saaxiibbadooda Qalaad


    Murti iyo suugaan kale ayaa iyada qudheedu aan ka maqnayn oo ku dhex filiqsan, waa buug laba boqol oo bog cagacagaynaya, in ku dhow 150 sheeko oo qosol iyo xigmad ku fadhiyaana dhex jiifaan.



    Maxaa Laga Yidhi “Diiwaanka Qosolka?”
    -------------------- -------------------- -------------------- -------------------- --------
    Sheekooyinka buuggan “Diiwaanka Qosolka” ku jiraa waxay qofka ka fududaynayaan culays saaran, aadna waa looga helayaa. Waxa loo baahan yahay in sheekooyinka Buuggan ku jira loo tarjumo bulshooyinka aan furfurnayn sida caalamka Reer Galbeedka. Jamaal Cali Xuseen waxa uu ka mid yahay inta xiisaysa sheekooyinka noocan ah. Inta samaysa ee hibada u lehna waa ka mid.

    Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi): Abwaan Weyn, Mufaker Maansoole iyo Xeel-dheere Aqoonta Bulshada
    -------------------- -------------------- -------------------- -------------------- -----------

    Daraasado badan oo ku saabsan cilmi-nafsiga ayaa sheegaaya in qosolku yahay astaanta caafimaadka isla markaana qosolku kobciyo farxadda iyo himilada qofka. Bulshadu dhibaatooyinka nolosha waxay kaga gudbaan ama ay isku illowsiiyaan sheekooyin qosol, farxad, iyo xikmad leh, sida sheekooyinkan uu Jamaal Cali Xuseen ku soo ururiyey Diiwaankan qiimaha leh.

    Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan: Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa, Bare Sare (Professor) ka ahaan jirey Jaamacadda Boston (USA), Xeel-dheere Cilmi Nafsiga
    -------------------- -------------------- -------------------- -------------------- -----------------

    Diiwaanka Qosolku waa buug aad ka baranayso in ka badan inta uu kaa qoslinaayo, Jamaalna waa ninka keliya ee qori kari lahaa.

    Naadiga Akhristeyaasha Hargeysa: Akhristayaashii Maanta; Qorayaashii Berito
    -------------------- -------------------- -------------------- -------------------- ----------------

    Qosolka iyo maadda ka sakow xigmad baa dhex ceegaagta sheekooyinka buuggan ku urursan badankooda. Jamaal Cali Xuseen waxa uu sida "bamka" qarxinayaa hibo ilaa yaraantiisiiba ku lammaanayd oo ah alooska jawi kaftan ka buuxo iyo curinta sheekooyin ay dhegtu jamato, waana bartaas halka uu “Diiwaankan Qosolku” ku biyo shubayaa.

    Maxamed Baashe Xaaji Xasan: Suxufi Qoraa ah, London

    -------------------- -------------------- -------------------- -------------------- ------------
    Waa Buug dadka waxna baraya, kana qoslinaya. Jamaal wuxuu cilmiyeeyey oo uu waxbarasho ka dhigay qosolkii si farshaxannimo leh isagoo dadka u baraya in sida maahmaahda oo kale meesha uu Qosolku ku habboon yahay loogu adeegsan karo. Buuggan “Diiwaanka Qosolku” waa buug aad loogu baahnaa, aadna looga heli doono!

    Cabdi Haybe Laambad: Fannaan, Jilaa, Hal-abuur, Mu’alif, iyo Ka-qosliye weyn
    …………………………………………………… ………………………………………
    Qarniyadan is daba maray
    Qalinbaa wax reebee
    Diiwaanka qosolkiyo
    Qalinkii Jamaal Cali
    Qosol sheeko murtiyeed
    Qormo weeyi mudanoo
    Qaamuus maqnaayoo
    Qalad laga ilaashoo
    Qosol iyo
    warkiisii
    Qaadaa dhigaayoo
    Qiso ay ku idishaa
    Qalinkii saxeexee
    Adiguba qiyaasoo
    Qac ku sii indhaha oo
    Qisadaa ka sheekee
    Eesh qiyaasak saaxiib.

    Curshaawigu waa: Cumer Aw-Cabdi Muxumed (Doolli)






    “Kaalaya aan wada qosollee”! Taas waxa dhiirri gelinaya Ururka Dhaqanka iyo Fanka Soomaalida ee KAYD.

 

 

Thread Information

Users Browsing this Thread

There are currently 1 users browsing this thread. (0 members and 1 guests)

     

Bookmarks

Posting Permissions

  • You may not post new threads
  • You may not post replies
  • You may not post attachments
  • You may not edit your posts
All times are GMT -5. The time now is 03:02. 1